200 oo Qof oo ku dhintay Dagaalo dhexmaray Muslimiinta & Kirishtaanka Nigeria.

Published on March 8, 2010 by   ·   5 Comments   ·   print

Tiro kabadan 200 oo qof ayaa ku dhimatay iska hor’imaadyo Shalay dhexmaray Xoolaley Muslimiina iyo Kooxo Kirishtaana oo daga meel ku dhaw Magaalada Joos ee Bartamaha Nigeria sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wakaalada Wararka ee Associated press ayaa ka soo xigaty Dad Goobjoogayaal ah in koox Xoolaley ka soo jeeda Qabaa’ilka Muslimiinta oo Daga Buuraha Magaalada Joos ay weerareen Tuulo ay Dagaan Qolo Nasaaraa waxaana meesha ka dhacay Subaxnimadii shalay Dagaal adag.

Goobjoogayaal Booqasho ku tagay Tuulada ayaa sheegay inay arkeen ku dhawaad 100 meyda oo qoraxda daadsan, Waxaana sidoo kale isbitaalka Magaalada Joos lageeyey 18 kamida Meydadka oo tuuladaas laga keenay.

Sidoo kale waxaa jira meydad kale oo loo qaaday Isbitaalo kale sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Nigeria.

Arintan ayaa ku soo aadeysan Xili Magaalada Joos laf ahaanteeda ay laba Bilood ka hor ka dheceen Dagaalo kuwan lamida oo ay ku dhinteen boqolaal Dada oo badankood Muslimiin ahaa, waxaana haatan Magaaladaas saaran Bandow Ciidamaduna ilaalo adag bey ka hayaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 460 Qof oo ku Dhintay Iska hor’imaadyodhex maraya Muslimiinta & Kirishtaanka Nigeria
  2. 9 Qof oo ku dhimatay Dagaal Muslimiinta & kirishtaanka ku dhex maray Nigeria
  3. Iska hor imaad dhexmaray Booliiska & Muslimiinta Nigeria
  4. 200 oo ku dhimatay Iska hor imaad dhex maraya Muslimiinta & Booliiska Nigeria
  5. Dadka ku dhintay Rabshadaha Waqooyiga Nigeria oo kor u dhaafay 300.

Readers Comments (5)

  1. barqadle says:

    muslamiinta allah ha guuleeyo meelkastooy joogaan

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    muslmiinta dhiigoodii baa meelkasta ku daadanaya
    war maa la iska daayo muslimiinta ? madaxwaynuhu waa muslim miyaa ? haddana dhiigga muslimka ma ilaalin karo ? warku waa caddaaday ! sida masar oo kale baa la rabaa in nayjeeriya oo dhan loogu gacan gasho kaafiriinta yuhuudda iyo nasaaro saas
    baa qorshaha yuhuudda caalamku yahay in waddan kasta oo muslima lagu abuuro fitno aan dhammaanayn .

    muslimooow baraarug inta goori goor tahay .

    WALLAAHU ACLAM.

  3. kamaal1 says:

    muslimiinta alla ha guuleeyoo guul barwaqo hormar is fahan ayaan idiin rajaynaya insha allah muslimiinta ayaa guulaysanay

  4. Abuu-Nusaybah says:

    Aamiin

  5. X Mursal says:

    walaale yaal allaah halaga baqo oo muslimka hala dhowro oo yuhuuda haladagalamo falstin waad aragtan waxa kasocda indhaha lagama qabsan karo ee halakaco oo dhiig halayesho walayaal




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 460 Qof oo ku Dhintay Iska hor’imaadyodhex maraya Muslimiinta & Kirishtaanka Nigeria
  2. 9 Qof oo ku dhimatay Dagaal Muslimiinta & kirishtaanka ku dhex maray Nigeria
  3. Iska hor imaad dhexmaray Booliiska & Muslimiinta Nigeria
  4. 200 oo ku dhimatay Iska hor imaad dhex maraya Muslimiinta & Booliiska Nigeria
  5. Dadka ku dhintay Rabshadaha Waqooyiga Nigeria oo kor u dhaafay 300.

Latest Headlines