Qaybaha Dadka iyo sida loola dhqamo.

Published on March 7, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Qaybta 1aad

Akhristoow waxaan rabaa in aan ku soo badhigo maqaalkaan yar ee la magac baxay qaybaha dadka iyo sida loola dhaqmo ,qoristiisana waxaa igu dhaliyay kadib markaan arkay oo aan la dhaqmay qaybo badan oo ka mid ah dadka ,iyo sida la isugu dhibanyahay marka la isla noolyahay iyo sida ilaahi u kala khalqay ,ayaa waxaa ii cadaaday in uu yahay la dhaqanka dadka iyo fahamkooda fani gooni ah oo u baahan in la daraaseeyo ,markaas ayaan go’aansaday in aan wax uun u soo bandhigo si dadku u fahmaan qaybaha kala duwan ee ilaahi ka dhigay dadkaan jooga dunida iyo sida loola dhaqmi lahaa ,
Bini’aadamku ilaahi wuxuu u khalqay noocyo badan marka sidaan ayay u qaybsamaad dadka :-

1-Qofka la jecelyahay ee Dadka soo jiita.

Qofkaan wuxuu leeyahay tilmaamo aad u wanaagsan waana sidaan;-

1-Qof aad u dagan oo bashaash ah soo jiidasho leh xaga wajiga.
2-Qof dadka kale ku kalsoon isagana ay ku kalsoonnyihiin.
3-Jecel in uu dhagaysto dadka kale warkooda iyo soo jeedintooda.
4-Qalbi furan dadka soo dhaweeya .
5-Dareensan amaan iyo daganaasho .
6-Aan tixgalin waqtiga wixiisuna aan isku aadanayn waqtiguna uu qiimo agtiisa ugu fadhin.
7-Dhaqankiisa dadka aad u wanaagsan yahay .
8-Aana jeclayn in wax laga waydiiyo hawlihiisa gaarka ah .
9-Isu arko wanaag una arko dadka kale in ay wada wanaagsanyihiin ,oo ay dadku u kala soocnayn.

Hadaba sidee ayaan ula dhaqamaynaa qofkaas?

Hadaba maadaama aan baranay tilmaamaha qofkaan waxaan ula dhamqaynaa sidaan;-

1-Ku qaabil waji furnaan iyo tixgalin
2-Hadii aad la sheekaysanayso kala hadal hal mowduuc oo kali ah hana ka bixin.
3-Isku day in aad ku dadaasho ujeedada aad ka leedahay hadal kasta oo idin dhexmara.
4-Ula dhaqan si dhab ah oo aysan ku jirin ciyaar .
5-Ku dadaal balamaha fahamsiina muhimadda ay leedahay balantu.

2-Qof Adag.

Tilmaamaha qofkaan uu leeyahay waa sidaan;-

1-Qof aad u adag la dhaqankiisa iyo la noolaantiisa.
2-Aanan isku dayayn in uu fahmo dareenka dadka kale maxaa yeelay kuma kalsoona qofna.
3-Wuxuu jeclayahay in uu dadka markuu la sheekaysanayo ka jaro hadalka ,sababtuna waxaa weeye wuxuu ku adagyahay ra’yigiisa oo kali ah.
4-Isku dayo in uu ka dhaadhiciyo wuxuu qabo dadka kale.
5-Isla wayn oo heer ay gaaraan dadka kale in aysan aqbalin islawayninkiisa .
6-Waa qof dood badan oo aanan daalin.
7-Isu arko in uu asaga kali ah uun khayr qabo yahay dadka ka soo haryana yihiin khayr laawoyaal.

Hadaba sidee ayaan ula dhaqamaynaa Qofkaas?

Maadaa ma aan aragnay tilmaamaha qofkaan waan in aan helnaa sidii aan ula dhaqmi lahayn waana sidaan:-

1-Is celi oo ku dadaal in aad naftaada dajiso maadaama uu asaga uusan xishoonayn.
2-Isku day in aad fahanto in qofkaan jooga meeshii ugu danbaysay ,una dhimantahay in uu qarxo.
3-Intaadan la hadlin is hubi in aad diyaar u tahay in aad la tacaamusho, waayo hadaad la mid noqotid arinku faraha ayuu ka baxayaa.
4-Ha isku dayin in aad kiciso ee isku day in aad dajiso adeegsatana eraya sahlan.
5-Isku day inaad ka faa’iidaysato macluumaadkiisa oo haku celin wuxuu sheegi lahaa.
6-Hana kaa go’naato in aad tustid oo aad muujisid aragtidaada ,yaysan kaa muuqan qof wax gocanayo in aad tahay.
7-Ogowna qofka intuu tixgaliyo dadka ayaa la tixgalinayaa.
8-Ku celceli dhagihiisa wacdiga iyo in aad xasuusisid diinta iyo cabsida ilaahay in ay qalbigiisa ku waynaato.
9-Una adeegso asluubka ah( ahaa ,laakin ,maxaa yeelay oo kale).

3-Qofka Labalabeeyo.

Wuxuu leeyahay qofkaan aan lahayn go’aanka hadiyo jeerna labalabeeyo sifoonyinkaan soo socda, maxaa yeelay waxay tiraahdaa soomalaidu(nin labeeyay matalin)

1-Iskuma kalsoona oo ma aaminsana naftiisa.
2-Waxaa ka muuqada sifaadka cabsida iyo xishoodka.
3-Waxay ku caanbaxday aragtiyadiisa hadiya jeer labalabayn .
4-Way ku adagtahay go’aan qaadashada .
5-Waana mid iska dhumiya fursadaha horyaalo ,go’aan qaadasho la’aan darteed.
6-Waa mid u janjeero hadiyo jeer xeerhoosaadyada iyo nidaamyada si uu qiil u helo.
7-Waa mid balamo badan oo aan qiimayn waqtiga.
8-Waa mid hadiyo jeer raadiya macluumaad iyo cadaymo.
9-Waa mid aan ku kalsoonayn naftiisa ku kalsoon dadka kale.

Hadaba sidee ayaan ula dhaqamaynaa Qofkaas?

Maadaama aan aragnay sifaadka iyo tilmaamaha qofkaan uu leeyahay waa in aan ogaanaa sidaan ula dhaqmi lahayn iyo qaanadii aan galin lahayn qofkaan waana sidaan;-

1-Isku day in aad ku abuurtid naftiisa kalsooni.
2-isku day in aad ka dajisid walwalka tirada badan kana dhigtid caadi.
3-Ugu kaalmee sidii u gaari lahaa go’aamada una sheeg in aysan fiicnayn in go’aanada dib loo dhigto.
4-Iksu day in aad siisid warbixino cusub si ay wax ugu taraan oo uu uga faa’iidaysto.
5-Sii adkaymo iyo kalsooni dheeri ah si uu wax ugu badalo naftiisa.
6-Tusi in labalabaynta ay tahay mid aan wacnayn dhibaysana qofkeeda.
7-Una sheeg in qofku lagu tixgaliyo go’aankiisa iyo ku sugnaanta go’aanadiisa hadiyo jeer yahayna mid meel loogu imaado ,oo ay tahay sifo xun in uu qofku labalabeeyo .

FG; Wixii dhaliil ah ama sixid ah ama macluumaad ah iigu soo dir Email-ka ku qoran hoos.

W/Q; Xuseen Buule Axmed
xusen2000@hotmail.com

Lasoco qaybaha kale ee Maqaalka

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku xusan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso Caawa uga hadlay Mowduuc uu ciwaaankiisu ahaa “Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan”
  2. Warbixin uu diyaariyey TV4-ka UK tibaaxeysana sida ay dowladda gumeystaha Itoobiya Macaluusha ugu layneyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka ay xabashidu heysato
  3. Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in si deg deg ah gar gaar loola gaadho Soomaaliya
  4. khaladaadka xujaydu galaan iyo sida lagu sixi karo.
  5. khaladaadka Xujaydu galaan & sida lagu sixi karo (Q.3-aad)

Readers Comments (1)

  1. caaqil says:

    asc walaal waa dku mahadsantahay warbixintaad noo soo gudbisay insha allah waxaan kuu rajaynayaa kheyr fara badan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso Caawa uga hadlay Mowduuc uu ciwaaankiisu ahaa “Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan”
  2. Warbixin uu diyaariyey TV4-ka UK tibaaxeysana sida ay dowladda gumeystaha Itoobiya Macaluusha ugu layneyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka ay xabashidu heysato
  3. Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in si deg deg ah gar gaar loola gaadho Soomaaliya
  4. khaladaadka xujaydu galaan iyo sida lagu sixi karo.
  5. khaladaadka Xujaydu galaan & sida lagu sixi karo (Q.3-aad)

Latest Headlines