Sh. Xasan Daahir “Dagaalka Kismaayo ka dhacay wuxuu ahaa Dagaal Dunyawi ah”

Published on March 6, 2010 by   ·   60 Comments   ·   print

Gudoomiyaha Ururka Al-Xisbul Islaami Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Shalay Salaadii Khudbadda ka dib Hadal ka jeediyay Masjidka Abii Hureyra ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dagaalkii Kismaayo, ku biiritaanka Sheekh Xasan Turki uu ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaalka Muslimiinta ka dhex dhaca

Ugu horeyn Sheekh Xasan wuxuu sheegay inay Muslimiintu uu ka dhex dhici karo Dagaal Dunawi iyo Mid Diini ah wuxuu arintaasi ka yiri “Dadka Muslimiinta horta Dagaal waa ka dhex dhacaa, Dagaal Dunawi ah waa ka dhex dhacaa, Dagaal Diini ahna waa ka dhex dhacaa, Marka uu Diini yahay Labo Siyaabood waaye, Mid waxaa weeyaan waa Midkii Dadkii Zekadda Diiday ka dhacay, iyo Saxaabadii Maanicu Zakaat ayaa la yiraahdaa kaa waa Diini oo waa Macruuf, Mid kalana waa Diini oo sidii Khawaarijta oo kale oo Isaga Diini ah oo Nimankii Diiniga lagu haystay ahaa, Mid Dunawi ah … oo sidii Saxaabadii ka dhex dhacay Cali iyo Mucaawiye ay kala hogaaminayeen”.

Dagaalka Kismaayo

Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ku tilmaamay Dagaalkii Kismaayo ka dhacay Mid Dunawi ah“Anaga waxaan u haysanaa Dagaalka Kismaayo ka dhacay wuxuu ahaa Dagaal Dunyawi ah, Ictiqaadkayagu saas waaye, waxa la isugu qabsaday anigu waxaa iraahdaa Al-Jihaadu Fiisabiili Miinaa, hadda ka horna waan sheegay baan u malaynayaa”.

Wuxuu intaa ku daray “Meeshaas Waagii Dagaalkii waa la wada galay, waa la isla wada qabsaday, waa la wada joogay, waa la wada lahaa, waa la wada Qeybsaday, Maamulkeeda iyo Nacfigeedaba, Waxyaabaa iska dhac-dhacay oo Dadkii aysan raali isaga noqonin arintaas ayuu ka dhashay Dagaalku”

Wuxuu sheekh Xasan sheegay in Axmed Madoobe iyo Ciidamadiisa lagu sameeyay 3 Dulmi, wuxuuna ku tilmaamay Dagaalka lagu hayo Mid aan Qumanayn, wuxuuna yiri“Marka anagu waxaan Dareemaynay Dadkaas Saddex Siyaaboodba Dulan baa lagula dhacay 1- Xaqoodii oo laga qaaday 2- waa lala diriray, Mida Sedexaad Riddaa lagu Xukumay, Marka Dagaalka iyo Nacfiga midda ahayd waa wax Muslimiinta ka dhex dhaco laakiin haddii la diriro oo Dadka Muslimiinta ah diriraan oo ay aduunyo ku diriraan Riddo Miyaa ka ratibanta, marka anagu waxaan is-leenahay Dagaal Dunawi ah aan Qumanayn aa looga Ratibay Riddo saxnana nalama aha, Xujadeedii keenayna markii aan Nirinna Ma aanan helin oo ma suuro galin, Riddo aan Xujo lahayn Qof Muslim ah in lagu rido Arin khatar ah waaye oo iyadda Lafteeda Khatar noqon karta waaye, marka arintaas weeye arinta meesha ku jirtay”

Axmed Madoobe iyo Ciidamadiisa ayuu ku tilmaamay Dad la Dulmiyay oo ay u banaantahay labo Khiyaar oo ah inay iska saamaxaan iyo inay is-difaacaan, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Dadkaasi anaga waxaan u haysanaa Dad Madluumiin ah, Qofka haddii uu Madluum yahayna laba isaga ayaa u leh in uu iska saamaxo oo qofkii dulmiyay uu iska saamaxo

فمن عفى وأصلح فأجره على الله oo uu qaatoXaq waa u leeyahay , xaqiisa inuu ku dirirna Xaq waa u leeyahay oo uu ceshado, taas iyakaa Khiyaar u leh, anagase waxaan u aragnaa Rag la Dulmiyay, Dulimigaas inay iska celiyaan ay Xaq u leeyihiin, Qaabka aan anaga uga Fikirayno Sidaas waaye”.

Sh. Aweys wuxuu ugu Baaqey Xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin inay ilaahay ka cabsadaan islaaxna ay dhexdooda sameeyaan“ilaahayna waxaan ka rajeynayaa, sidii ilaahay yiri
فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم ilaahayna ka Cabsadda Dhexdiinana Is-laaxiya Dhowr goorna waan Bandhignay illaa iyo hadana waan Bandhigaynaa, Dhexdayada inaan ilaahay uga Cabsano Qadiyadda inaan ilaahay uga cabsano Islaax Daatil Bayna inaan Sameyno ka dibna inta noo dhiman inaan Dhameystirno ayaan rajeynaynaa”.

Mar la weydiiyay in Axmed Madoobe Ciidamadiisa ku Dhaawacma Dagaalka ka socda Jubooyinka uu geysto Kenya, wuxuu yiri“Waa la wada Geystaa Caafimaadka kuligeena markii ay halkaan Itoobiya nagula Dirirtay intayada Badan waan galnay, Dhaawacana waa la wada geystaan iyo caafimaadka intaba, iyagana waxaa loogu gabanayaa Dadkaas Soomaalida ayaa isaga badan, Qolo waliba Meesha Sanad bay ku leedahay Dadka Soomaalida ah oo dhan baa u Qaxay ayaga ayaa wixii Caafimaad ah Tawaliyay, Qolo walbana waa geysataa, Qolo waa u Caafimaad doonataa, Caafimaadka wax Dadka oo dhan ka dhaxeeyaa waaye, taasi Cilad ma aha, Marka qof la fogeynayo yaa la yiraahdaa”.

Xasan Turki

Ugu Danbeyntii Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka hadlay Kku biiritaankii uu Sheekh Xasan Turki ku Biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna yiri “Xasan Turki waxyaalaha oo Runtii la yaabo waxaa ka mid ah ilaahay baa wuxuu leeyahay

وافوا بعهد الله إذا عاهدتم، ولا تنقضوا الأيمن بعد توكيدها وقد جعلكم الله عليكم كفيلا إن الله يعلم ما تفعلون * ولا تكون كالتي نقضت غزلها من بعد قوة أنكثا تتخذون ايمنكم دخلا بينكم أن تكون أمّة هي أربى من أمة إنمّا يبلوكم الله به وليبينن لكم يوم القيمة ما كنتم تختلفون.

Aayadahaas waxay sheegayaan markaad Cahdi gashaan Cahdiga oofiya, Sheekh Xasan Xisbiga isagaa Marti galiyay Xisbiga isagaa soo dhisay, Xisbigiisii uu ka tirsanaa oo isagu Sameeyay … oo gacantiisa isaga ku sameeyay, isaga oo aan la tashan, isaga oo Dadkiisii isugu yeerin, isagoo Waxba u sheegin, inuu aayadda Danbe ee Cajiibka badan

أن تكون أمّة هي أربى من أمة Qolo inay Qolo kale ka badantahay Darteed… Shabaabka Xisbiga ka Xoog badan ama ka Fiican inuu Nin Weyn isala soo taago oo xataa Qoloadiisii Qof ugama Yeerin, lama tashan, war almiino inta u yeeray ma dhihin Meeshaanaa inoo roon Halkaan aan aadno .. kaligiis intuu orday wuxuu yiri Nimankaanaa Roon…. Axmed Madoobe uma Naseexayn, war wax Khaldan baad ku jirta ma Oran, Dadkii kale uma sheegin anaga nooma sheegin, asagii oma sheegin, uma hiilin,

أنصر أخاك ظالما أو مظلوما ayaa la yiri haddii uu khaldanyahayna Ma qaban, haddii laga Khaldanyahayn kam celin ragii”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Xasan Daahir:“Dagaalkan wuxuu nala yahey Dagaal xun oo fitno ah oo u kaalmeynaya Cadowga”.
  2. Sh.Xasan Daahir oo ka hadlay Qorshaha Dagaal ee Suufiyada.
  3. Sh.Xasan Daahir Aweys “in Mujahidiintii dhex-deedii ama Dadka soomaaliyeed ee iska nabada ahaa in lagu jeediyo Xabaddii ama warankii lagu jeediyo waxyaalahaas ayaa Qalooc ku jiraa”
  4. Sh Xasan Daahir:“Walaalaha Safka iskula jira aad haleysu Ixtiraamo”.
  5. Sheekh Xasan Daahir “Wax macno ah kuma fadhido Natiijada Codeynta Baarlamaanka Cusub ka soo baxday”.

Readers Comments (60)

  1. farah says:

    Hymo;

    Waad ku saxsanaan kartaa in Madobe qaldan
    yahay; xataa waa macquul inuu ijaaran yahay.

    Laakiin walaal aad iyo aad baad adigana judgementka ugu fudud dahay.

    SHEEKH XASAN DAHIR; NIN FIIRO DHEER MAAHA;
    dadkana kalama yaqaan kii saaklix ah ama kii
    faasid ah;laakiin inaad isaga shaki galiso
    saalixnimadiisa;ma aha kaliya midaan lagaa
    yeelayn; ee waa mid muujinaysa in Shabaabku
    aanayba aqoonsanayn qof aan iyaga ahayn;oo
    xukun degdeg ah ku ridayaan;kana taqalusayaan;
    xataa hadduu Xasan Dahir yahay.

  2. farah says:

    CALI GURE,

    NIN DAACAD AH MAANTOO KALE SHABAAB KAMA HADLO,
    WAQTIGII DHAMAA.

    INAAD ISKA AAMUSTAA LAGUU QAATAY,HADAAD CAQLI
    LEEDAHAY AMA AADAN MUNAAFIQ AHAYNNA WAAD AAMUSI.

  3. hymo says:

    Walaashey/Sister Farah,

    Dhawr jeer baan qoraalkaaga arkay markaa waxaan u malaynayaa in aa tahay qof aan qoraalkiisa garanahayo. Raali ahow haddii aan kugu khaldo qof kale inkastoo aan u malaynayo inaa tahay sister ……, kkkkkkkk!

    Marka hore qurbahaan joogaaye la soco Soomaaliya ma joogee markaa Shabaab ma ahi. Waxaan ahay walaal isku dayaya inaan fahmo dhibaatada Soomaaliya ka socda iyo wejiyada badan ee ay leeyihiin ururada ka jiraa. Waxaan ahay walaal hore u taageeri jirey Xasan Daahir Aweys wax badan oo la iiga sheegay iyadoo dadkaasi qabyaalad ku durayaana waa diidi jirey. Waxaan arkay wixii ninkaas odayga ah laga sheegayey oo si tartiib tartiib ah usoo baxaya. Caqliga saliimka ah Alle wuxuu inoo siiyey inaan wax ku garano oo ku xisaabtamo inagoo aan wax caadifad ah isticmaalayn, Alle ka cabsina muujinayna.

    Walaal su’aalahaan iiga jawaab:

    1) Haddii Shariif Axmed lagula coloobay NIMANKA TUNKA WAAWEYN baa wax u yeeriya sida iska cad in wax loo meeriyo, maxaa ku qasbaya in Xasan Daahir Aweys ku dheganaado UN iyo Kenya xiriir baa naga dhexeeya? Hadda faham xiriirkani maaha mid isfaham, waa mid UNka iyo Kenya Soomaaliya loo adeegsanayo.

    2) Maxaa issue ka dhigey oo Xasan Daahir ugu celcelinayaa Xasan Turki baa wuxuu ka baxay balan Xisbul-Islaam ka mid ahaansho ah oo seedigiisuu cidla kaga dhaqaaqay? Ma kula tahay inay tahay wax caqliga gala in nin oday ah oo hogaamiye dhan ahi nin kale oo hogaamiye kale ah curfi kaga dhigo “Seedigiisuu ka dhaqaaqay”.

    3) Maxaa Xasan Daahir uu diidey inuu dagaalka qabiilka ku salaysan oo dawlado shisheeye wadaan oo Axmed Madoobe loosoo dhiibay inuu arko, anagoo qurbaha joogna baa la socona waxa dhacaye? Hadda ha u qaadan inaan durayo. Waxaa la cadeeyey in Axmed Madoobe iyo ragga la socdaa lahaayeen yaa Absame ah, yaa Kablalaxa, aan iska kicino nimankaan dhulkeenii qabsaday. Hadda la soco nimankaan la iska kicinayaa Soomaali cid walba waa kooban yihiine, cidna qabiil uma raadsanayaan, dadka Soomaaliyeed ee deegaankaas ku noolna waa kala badbaadiyeen oo nabad gelyo ayay keeneen Alle ayaana mahadeeda leh. Ii sheeg waxa Xasan Daahir u diidey in uu fahmo mashruuca Axmed Madoobe?

    4) Markii Islaamiyiinta Muqdisho joogaa isku dayeen in ay qabtaan Indhocadde, ninka ka sii daayey wuxuu ahaa Xasan Daahir Aweys. Xitaa hubkiisii in uu la baxasado ninka u ogolaadey wuxuu ahaa Xasan Daahir, waa sida ay dadkii Muqdisho markaa la xiriirayey ay cadeeyeen. Haye ka waran maanta halka ay marayso iyo dhibka Indhacadde intuu le’eg yahay?

    Walaashey wax ii muuqda ayaan ka hadlay oo fikradayda ka dhiibtay cidna ma dhihin halaga taqaluso.

    Wabillaahi Tawfiiq.

    Walaalkaa hymo.

  4. Abu Hamzah says:

    Walaalayaal:

    Salaamu alekum,

    1. Sheekh Axmed madoobe ma wuxuu eeday inuu shabaab ku dhaho aan isla qeeybsano magaalada?

    2. Takfiirka lagu sameeyey Axmed madoobe diinta xageey kaga jirtaa?

    3. Laba Muslimiin ah hadeey dagaalamaan sidey ku dhacday shabaab ineey buug ka qoraan Sh. Axmed?

    4. Subxanallaah! hogamiye xarako aad is gaashaan bursataaan haduu kula dagaalamo oo maamul kugula qabsado waa la gaaleeysiin miyaaa?

    5. Maamul islaami ah baa ka jiray Dhobley, maamulkii ku kale oo “Islaami-shabaab” baa lagu badalay. Xageey diinta kaga taaalaa? Dhoobleey ma xoog baa lagu heeystaa mise daaquud baa ka jiray?

    6. Ma Sh. Axmed baa hada u baahan in xoog la saaro oo bugaag laga qoro mise cadaw badan baa kugu wareegsan. xitaa siyaasiyadu hadeey kala duwantahay ma walaalkaa oo aamin san jihaad baad weerari mise cadawka ka badan ee wadanka kula jooga.

    . Allaah halaga baqo, runtana hala isu sheego jihaadkana yaan la fashilinin.

    Salaam alekum.

  5. cabdulaahi - a says:

    bismilaahi
    sheekhu ma asiibin sayid cali iyo macaawiye allaha kawada raali noqdee in uu yiraahdo dunyawi bay isku dilayeen , waa arin xaqiiqda ka fog , manhajka salafkana waxaa weeye in laga dhawrsado oo laga gaabsado wixii saxaabada ka dhex dhacay ,
    sida siirada dhan ay warinayso waxaa weeye in mucaawiye iyo intii lajirtay waxay baycada u diideen ay ahayd in horta nimankii sayid cusmaan dilay lasoo qabto, taasna waxay ka ahayd dadaal ama ijtihaad , calina asna goonidiisuu ayuu ijtihaadayay oo wax uun buu ka baqayay oo ilaalinayay , sababtoo ah waatay caasho iyo intii la jirtasy sidoo kale xagaa iyo ciraaq u baxday alaha ka raali noqdee , ciidamada muslimiintana ay sidaa ku kala qaybsanaayeen ilaa la isku dhacay si lama filaan ah , marka arrinku ma fududayn,
    waxaana weeye arrinku sidaas ayuu ahaa , sidaas ayayna wax u dhaceen , marka waligayna intaan cimi raacanay qof muslim ah oo ku dhiiraday saxaabadii dagaalkii ka dhacay in uu ahaa aduunyo daRTEED AMA KURSI AMA MAAL MA’ ARKIN , WAABA MARKII KOOWAAD!!.
    HASA AHAATEE WAXAY CULAMADU YIRAAHDAAN CALI IN UU -ALAHA KA RAALI NOQDEE- UU AHAA NINKA XAQQA LAHAA mucaawiya iyo kooxdiisana baaqi ay ahaayeen CALINA WAXUU KA MIDYAHAY AFARTA KHULAFO SIDA MACRUUFKA AH, WAXAANA loo daliilsadaa xadiiska ah camaar waxaa dili doonto kooxda baaqiga ah,” laakiin xadiiskaas mucaawiye wuxuu uga jaweaabay cidii keentay ayaa dishay, sababtoo ah arin alaah qadaray cidna ma celin karin nabigana horay uu usii sheegay, waxayna dhihi jireen haday arkaan qolada kasoo horjeedo maydkooda oo meel yaalo. waxaan rajaynaynaa in alla naga dhigo labadeenaba kuwii janada dhexdeeda wixii xasad ah ee qalbigooda ku jiray looga siibay,
    calaa kuli xaal culumada waxay yiraahdan dagaalka abuu bakar uu la galay murtadiinta khayrbaa ku jiray sababtoo ah waxaa laga bartay axkaamta murtadiinta ,sidoo kale dagaalka cali lagalay buqaadana khayr baa ku jiray oo waxaa laga bartay axkaamta buqaada.
    walaahu aclam.
    f.g
    waxaana rajanayaa somalimirror in aysan cadaaladda ka tagin oo aysan jarin faaladayda
    jasaakumulaahu khayran

  6. farah says:

    HYMO,

    Horta waa qalad in nin farah la yiraa aad walaashay tiraa kkkkkkkkkk.

    Shabaab way wada waasheen.

    May dee Hymo, saad mooddo maaha.

    Markaad tabar yar tahay soomaalina aad ka dhalatay CAD iyo MADOW wax walbaa kama dhigi kartid.

    Dadku isku caqli ma aha, isku qasad ma aha isku iimaanna ma aha.

    Marka ninka qaa’idkaa waxaa loo baahan yahay inuu isku hayo intaa oo dhan oo xqtqq uu ku jiro munaafiqa la afhaantiisa sida Indhacadde.

    Xassan Dahir wuxuu ku jiraa nimanka aaminsan in laysku hayo intaa. wuuna sameeyay taa oo waxay UIC, maxkamadihii la najaxeen intaa oo dhan buu ku kulmiyay.

    Tan ah KENYa iyo UN aniga ma maqlin,tan Kenya
    waa iska dublomaasiyad oo inta loo baahan yahay dan waa laga dhamaysan karaa.

    Waynu wada og nahay in Kenya tahay meesha Yahuuddu ka ugaarato somaalida.

    Tan kale ee TURKI seedigiis anigu ma maqlin, hadduu Aways yirina waa qallad .

    Laakiin mid ogow adigana, shabaabna ha ogaadeen, Aways waa bani aadam after all.

    Turkina ISAGAA DAGAALKA U HORSEEDAY MADOOBE,
    OO AWAYS WAA TUU LAHAA HA LA JOOJIYO FITNADA.

    Haddii uu shallay isaga fitnada bilaabay Tirki,
    ma xaq baa inuu Awayskii lahaa ha la joojiyo fitnah inuu uga dhaqaaqo falkuu shallay bilaabay.

    Ma xaq baa inuu xizbi uu isaga abuuray iyadoo
    uusan u sheegin raggiisii isaga dhaqaaqo?

    Sow bahdallo kuma noqonayso odagaas wayn?

    Waa taas haddaba CALI GURE aka LAMADAGE iyo
    qoomkiisa ka faa’iidaysteen oo hoosta inta gashteen odaga ku yiraahdeen ARAG WAXAAN KUU SHEEGAYNAY? ARAG XATAA ADIGA KAAMA XISHOONAYAAN DHIIGAADANA WAY DAADIN MAR DHAW KUWAN SHABAAB LA YIRAA.

    Lamadage intaa kor ku qoran wuu yiri,kkkkkkkkk.

    Waa runtaa odaga waad difaaci jirtay, waa runtaa ninkan Madoobe nin ijaaran waa u sansaan eg yahay.

    lAAKIIN, DEGDEGTA JUDGEMENT AAD KU SAMAYNAYSO DAA walaa, MA FIICNA TAAS QILAAFKAY BADISAA.

    Somalimirror,walaalayaal waad ku mahadsan tihiin fursadda aad na siisaan laakiin fikradahayga ku wajahan Cali Gure waad xayirataan, maxaa jira.

    Cali Gure saaxiibbaan nahay, waan is af garanaynaa dhib ma jiree sii daaya fikirkayga.

  7. farah says:

    HYMo,

    Shucuurkaaga qowmiga ah iyo kan Diiniga ahaba aad buu u sarayaa , aad baan u jeclahay.

    Mabruuk to you.

  8. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    inta damiirka leh ee taageersan xaq u dirrirka iyo mujaahidiinta waxaan ugu naseexayn lahaa inay waqtiga isaga dhummin raddiinta nooc ka mida dadka kuwaasoo u baxay qallooc
    iyo xasad , waxaana ku leeyahay ku dhinta caradiinta iyo xasadkiina.

    shabaabku maanta shaqa wayn bay hayaan waana waajib in la garab istaago marxaladdaan oo gaaladu duulaan ku hayso muslimiinta.

    ALLAAH guusha ha siiyo mujaahidiinta dhammaan meelkasta oo ay adduunka ka joogaan.

    WALLAAHU ACLAM.

  9. mumin hasaan says:

    waxaan ubaahanahay taariiq nolo leed kii shiiq hassan macalim uweysaah waxaan joogaah wadanka uk waxaan alahay taageero yaasha shiiq hassan hadaa awoodiin iimeelkeygo waa sidaani mumin77@hotmali.co.uk

  10. mumin hasaan says:

    yes




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Xasan Daahir:“Dagaalkan wuxuu nala yahey Dagaal xun oo fitno ah oo u kaalmeynaya Cadowga”.
  2. Sh.Xasan Daahir oo ka hadlay Qorshaha Dagaal ee Suufiyada.
  3. Sh.Xasan Daahir Aweys “in Mujahidiintii dhex-deedii ama Dadka soomaaliyeed ee iska nabada ahaa in lagu jeediyo Xabaddii ama warankii lagu jeediyo waxyaalahaas ayaa Qalooc ku jiraa”
  4. Sh Xasan Daahir:“Walaalaha Safka iskula jira aad haleysu Ixtiraamo”.
  5. Sheekh Xasan Daahir “Wax macno ah kuma fadhido Natiijada Codeynta Baarlamaanka Cusub ka soo baxday”.

Latest Headlines