Sh. Xasan Daahir “Dagaalka Kismaayo ka dhacay wuxuu ahaa Dagaal Dunyawi ah”

Published on March 6, 2010 by   ·   60 Comments   ·   print

Gudoomiyaha Ururka Al-Xisbul Islaami Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Shalay Salaadii Khudbadda ka dib Hadal ka jeediyay Masjidka Abii Hureyra ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dagaalkii Kismaayo, ku biiritaanka Sheekh Xasan Turki uu ku biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaalka Muslimiinta ka dhex dhaca

Ugu horeyn Sheekh Xasan wuxuu sheegay inay Muslimiintu uu ka dhex dhici karo Dagaal Dunawi iyo Mid Diini ah wuxuu arintaasi ka yiri “Dadka Muslimiinta horta Dagaal waa ka dhex dhacaa, Dagaal Dunawi ah waa ka dhex dhacaa, Dagaal Diini ahna waa ka dhex dhacaa, Marka uu Diini yahay Labo Siyaabood waaye, Mid waxaa weeyaan waa Midkii Dadkii Zekadda Diiday ka dhacay, iyo Saxaabadii Maanicu Zakaat ayaa la yiraahdaa kaa waa Diini oo waa Macruuf, Mid kalana waa Diini oo sidii Khawaarijta oo kale oo Isaga Diini ah oo Nimankii Diiniga lagu haystay ahaa, Mid Dunawi ah … oo sidii Saxaabadii ka dhex dhacay Cali iyo Mucaawiye ay kala hogaaminayeen”.

Dagaalka Kismaayo

Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ku tilmaamay Dagaalkii Kismaayo ka dhacay Mid Dunawi ah“Anaga waxaan u haysanaa Dagaalka Kismaayo ka dhacay wuxuu ahaa Dagaal Dunyawi ah, Ictiqaadkayagu saas waaye, waxa la isugu qabsaday anigu waxaa iraahdaa Al-Jihaadu Fiisabiili Miinaa, hadda ka horna waan sheegay baan u malaynayaa”.

Wuxuu intaa ku daray “Meeshaas Waagii Dagaalkii waa la wada galay, waa la isla wada qabsaday, waa la wada joogay, waa la wada lahaa, waa la wada Qeybsaday, Maamulkeeda iyo Nacfigeedaba, Waxyaabaa iska dhac-dhacay oo Dadkii aysan raali isaga noqonin arintaas ayuu ka dhashay Dagaalku”

Wuxuu sheekh Xasan sheegay in Axmed Madoobe iyo Ciidamadiisa lagu sameeyay 3 Dulmi, wuxuuna ku tilmaamay Dagaalka lagu hayo Mid aan Qumanayn, wuxuuna yiri“Marka anagu waxaan Dareemaynay Dadkaas Saddex Siyaaboodba Dulan baa lagula dhacay 1- Xaqoodii oo laga qaaday 2- waa lala diriray, Mida Sedexaad Riddaa lagu Xukumay, Marka Dagaalka iyo Nacfiga midda ahayd waa wax Muslimiinta ka dhex dhaco laakiin haddii la diriro oo Dadka Muslimiinta ah diriraan oo ay aduunyo ku diriraan Riddo Miyaa ka ratibanta, marka anagu waxaan is-leenahay Dagaal Dunawi ah aan Qumanayn aa looga Ratibay Riddo saxnana nalama aha, Xujadeedii keenayna markii aan Nirinna Ma aanan helin oo ma suuro galin, Riddo aan Xujo lahayn Qof Muslim ah in lagu rido Arin khatar ah waaye oo iyadda Lafteeda Khatar noqon karta waaye, marka arintaas weeye arinta meesha ku jirtay”

Axmed Madoobe iyo Ciidamadiisa ayuu ku tilmaamay Dad la Dulmiyay oo ay u banaantahay labo Khiyaar oo ah inay iska saamaxaan iyo inay is-difaacaan, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Dadkaasi anaga waxaan u haysanaa Dad Madluumiin ah, Qofka haddii uu Madluum yahayna laba isaga ayaa u leh in uu iska saamaxo oo qofkii dulmiyay uu iska saamaxo

فمن عفى وأصلح فأجره على الله oo uu qaatoXaq waa u leeyahay , xaqiisa inuu ku dirirna Xaq waa u leeyahay oo uu ceshado, taas iyakaa Khiyaar u leh, anagase waxaan u aragnaa Rag la Dulmiyay, Dulimigaas inay iska celiyaan ay Xaq u leeyihiin, Qaabka aan anaga uga Fikirayno Sidaas waaye”.

Sh. Aweys wuxuu ugu Baaqey Xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin inay ilaahay ka cabsadaan islaaxna ay dhexdooda sameeyaan“ilaahayna waxaan ka rajeynayaa, sidii ilaahay yiri
فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم ilaahayna ka Cabsadda Dhexdiinana Is-laaxiya Dhowr goorna waan Bandhignay illaa iyo hadana waan Bandhigaynaa, Dhexdayada inaan ilaahay uga Cabsano Qadiyadda inaan ilaahay uga cabsano Islaax Daatil Bayna inaan Sameyno ka dibna inta noo dhiman inaan Dhameystirno ayaan rajeynaynaa”.

Mar la weydiiyay in Axmed Madoobe Ciidamadiisa ku Dhaawacma Dagaalka ka socda Jubooyinka uu geysto Kenya, wuxuu yiri“Waa la wada Geystaa Caafimaadka kuligeena markii ay halkaan Itoobiya nagula Dirirtay intayada Badan waan galnay, Dhaawacana waa la wada geystaan iyo caafimaadka intaba, iyagana waxaa loogu gabanayaa Dadkaas Soomaalida ayaa isaga badan, Qolo waliba Meesha Sanad bay ku leedahay Dadka Soomaalida ah oo dhan baa u Qaxay ayaga ayaa wixii Caafimaad ah Tawaliyay, Qolo walbana waa geysataa, Qolo waa u Caafimaad doonataa, Caafimaadka wax Dadka oo dhan ka dhaxeeyaa waaye, taasi Cilad ma aha, Marka qof la fogeynayo yaa la yiraahdaa”.

Xasan Turki

Ugu Danbeyntii Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka hadlay Kku biiritaankii uu Sheekh Xasan Turki ku Biiray Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna yiri “Xasan Turki waxyaalaha oo Runtii la yaabo waxaa ka mid ah ilaahay baa wuxuu leeyahay

وافوا بعهد الله إذا عاهدتم، ولا تنقضوا الأيمن بعد توكيدها وقد جعلكم الله عليكم كفيلا إن الله يعلم ما تفعلون * ولا تكون كالتي نقضت غزلها من بعد قوة أنكثا تتخذون ايمنكم دخلا بينكم أن تكون أمّة هي أربى من أمة إنمّا يبلوكم الله به وليبينن لكم يوم القيمة ما كنتم تختلفون.

Aayadahaas waxay sheegayaan markaad Cahdi gashaan Cahdiga oofiya, Sheekh Xasan Xisbiga isagaa Marti galiyay Xisbiga isagaa soo dhisay, Xisbigiisii uu ka tirsanaa oo isagu Sameeyay … oo gacantiisa isaga ku sameeyay, isaga oo aan la tashan, isaga oo Dadkiisii isugu yeerin, isagoo Waxba u sheegin, inuu aayadda Danbe ee Cajiibka badan

أن تكون أمّة هي أربى من أمة Qolo inay Qolo kale ka badantahay Darteed… Shabaabka Xisbiga ka Xoog badan ama ka Fiican inuu Nin Weyn isala soo taago oo xataa Qoloadiisii Qof ugama Yeerin, lama tashan, war almiino inta u yeeray ma dhihin Meeshaanaa inoo roon Halkaan aan aadno .. kaligiis intuu orday wuxuu yiri Nimankaanaa Roon…. Axmed Madoobe uma Naseexayn, war wax Khaldan baad ku jirta ma Oran, Dadkii kale uma sheegin anaga nooma sheegin, asagii oma sheegin, uma hiilin,

أنصر أخاك ظالما أو مظلوما ayaa la yiri haddii uu khaldanyahayna Ma qaban, haddii laga Khaldanyahayn kam celin ragii”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Xasan Daahir:“Dagaalkan wuxuu nala yahey Dagaal xun oo fitno ah oo u kaalmeynaya Cadowga”.
  2. Sh.Xasan Daahir oo ka hadlay Qorshaha Dagaal ee Suufiyada.
  3. Sh.Xasan Daahir Aweys “in Mujahidiintii dhex-deedii ama Dadka soomaaliyeed ee iska nabada ahaa in lagu jeediyo Xabaddii ama warankii lagu jeediyo waxyaalahaas ayaa Qalooc ku jiraa”
  4. Sh Xasan Daahir:“Walaalaha Safka iskula jira aad haleysu Ixtiraamo”.
  5. Sheekh Xasan Daahir “Wax macno ah kuma fadhido Natiijada Codeynta Baarlamaanka Cusub ka soo baxday”.

Readers Comments (60)

  1. Free Falastiin!!!! says:

    War bal eega Odaygaan wayn ee iska mataacaa Sheekhoow waxaad aayad u soo daliilsato maahan nin xisbi kabxay xisbina ku biiray ee dabka aa shidaysid jooji

  2. Falxado says:

    Sheekh Xasan (xafidahullaah)

    Waxaan ka baqayaa inuu Sh. Xasan Turki waaqica ma dhaafaanka ah kaaga dhowyahay. Ma dhaafaanku waxaa weeyaan laba uun middood:

    (1) Inaad Alshabaab ku biirtaan (ku dhex milantaan), iskana illowdaan riyada ah inaad midowdaan idinkoo laba urur ah. Sababtu waxay tahay Alshabaab waxay ku xidhan yihiin kana amar qaataan urur kale (Alqaacidda), ma filayo inay go’aan ku gaari karaan inay idinla midoobaan, dhinaca kale suurta gal maaha inay Alqaacidda oggolaato wax aan ahayn in Alshabaab lagu biiro iyadana loo hoggaansamo.

    (2) Inaad dagaal la gashaan Al-shabaab wixii aad kala kulantaanba.

    Haddii aad khiyaarka koowaad qaadataan, waxaad naftiinna ka badbaadiseen dagaal fitno ah, ummadana waxaad ka badbaadiseen khilaaf iyo mushaakil hor leh, wixii masuuliyad ahna ilaahay hortiis waxaa qaadi doonaa Alshabaab.

    Haddii aad tan labaad qaadataan, wuxuu noqon doonaa khalad taariikhi ah, maxaa yeelay sida idinka muuqata diyaar uma ihidiin inaad dagaal la gashaan Alshabaab (ciidankiinuna niyad uma hayaan). dhinaca kale waxay noqon doontaa musiibo weyn oo kusoo korota saaxada, gaar ahaan meelaha ay degan yihiin dadka barakacay oo labadiinna ciidan gabbaad ka dhigtaan!

    Waxaa la yaab leh inaad leedahay Axmed Madoobe waa ciidankayga, haddana marka aad ka hadlayso waxaa la moodaa inaad ka hadlayso, arrin dad kale ka dhaxeeya oo aann ku khusayn!

    Sheekh xasanow wax badan waad ku jirtey saaxada, hase waxaa muuqata inaadan ku baraarugsanayn waxyaabo badan oo uu qarnigaani kaga duwan yahay qarniyadii hore!

    Sheekh Xasanow ama Alshabaab iyo Alqaacidda u hoggaansan oo dabbaqidda shareecada islaamka iyaga uga dambee, ama saaxada si nabad ah uga bax, dhiig daadisna u daa kuwa adiga kaa da’ yar kaagana caabbonaan badan! Tan saddaxaysa waxay noqon kartaa inaad gasho dagaal dhiig badani ku daato oo aan ciribtiisa la mahadin!

  3. wadaad yare says:

    Wadaadada kuwooda dagaalka wada way ku fashilmeen kuna ceeboobeen mashruucoodi dagaal doonka ahaa. Meel kastana sidaas ayey isku laayeen. Soo kuma haboona hadaba in mashruuca rabsho abuurkaa oo jihaadka lagu sheegayo si qoto dheer oo xaq raadin ah loo muraajeceeyo?

    Mashruucu haduu sax yahey fashilka maxaa ku lamaaniyey goor kasta iyo meel kasta?

    Mashruuca jihaadiyiinta dagaal doonkaa islaamka madaahir kore oo shakli ah ayuu ka qaataa, wuxuuna meesha ka saaraa islaamka nuxurkiisa uu ka leeyahey dawladnimada.

    Waxey islaamka u fahmeen dagaal, karbaash, gacmo goyn, coleytan, sawaxan iyo qeylo iyo is naceyb iyo talo maroorsi.

    Waxey iloobeen raxmadii, isku duubnidii bulshada, midnimadii guud oo bulshada. Iyagu bulshada guud ari ay ilaashanayaan unbeyba u arkaane maba oga in bulshadu wax la leedahey!

    Xaqaas guud oo sida sharci daradaa ay ku marooqdsadaan iyagaa isku laaya marka danbe. Waa qasab sababtoo ah waa isku hal qaacido oo midii keentey inaad bulshada muquuniso ayaa keeneysa inaad adiguna is muquuniso.

    Hada hadii Xisbul Islaam meesha ka baxo ma waxey idinla tahey in istiqraar imaanayo oo Shabaabku dhexdooda ku heshiinayaan xukunka?

    Mayee qaar iyaga ka mid ah ayaa qaar kale khaarajinaya, xiraya aakhirkana hal nin oo kaligi taliye ah ayey arintu gacanta u geleysaa, kaasoo wuxuu rabo sameyn kara.

    Dadka sida caruurnimadaa u leh dimuquraadiyad ma dooneyno, isma ay oga ee meeshey shacabka ku aamin qabi waayeen, waxey talada gacanta u gelinayaan hal nin oo kaligiis ah?

    Hadaba diinta ma hal nin oo baadiyoobi kara ayaa loo aaminaa, mise shacab dhan oo muslim ah oo khiyaar u leh inuu madaxdiisa doorto, markuu u bogi waayana iska badalo?

    Islaamiyiinta dagaal doonkaa waa dadka fahmi kari la, dooda manhajigaa oo halkaas ku jirta oo´ku hadaaqaya ilaahey baa xukunka iska leh!

    War ilaahey miyaa daatadiisa intuu kusoo dhex fariisto ku xukumaya soo dadku iney is xukumaan maahan? ee markey is xukumayaan ma hal nin baa ku amar ku taagleynaya, mise iyagaa tashanaya?

  4. Idiris says:

    ——————WALEE SAADAADAMBAAD GARAN———–

    Faalo
    Sh Hassan Daahir Aways waxuu isku samaynayaa political suicide (is dal dalid siyaasadee) taageerada Ahmed madoobe darteed.

    Sida muuqato sheekhu waxuu xisaabinayaa xisaab khaldan waxaana muuqato inuu waayayo saaxiibo badan marka la eego Xisbigiisa waxaana suuro gal ah inay rumawdo bili liqadii uu horay u sheegay ee ahayd in Sh Hassan Turki ku biiray A-shabaab taas oo sheekhu ku tilmaamay bililiqo aan geedna loogu soo gabanin!!. sidookale eedaymaha laga wanaagsan yahay ee uu sheekhu hawada u marinayo sheekha kale ee ruug cadaaga ah Sh Hassan Turki ayaad moodaa inayna caawinaynin hadafka sheekha balse ay reebi karto cawaaqib xubo ku timaado xisbul islaam iyo guud ahaan siyaasada sh Hassan Daahir Aways sidaa darteed waxaan dhihi karnaa sheekh Hassan waxuu cagta saaray wadadii bur burka xisbigiisa waxuuna manqas ku yarayaa safuuftii Xisbigiisa.
    Hadaba arinkaan sheekh Aways ku tilaab saday iyo waliba taageerada buuxdo oo uu siinayo Ahmed Madoobe waa mid keeni karto in xisbul islaam u kala daato sida tusbax lafuray!! marka laga eego haga awooda balse magaranayo arinta siyaasdeed ee sheekhu falkinayo!!.iyo in laga leeyahay arin siyaasadeed ee aanan la qiimaynaynin mida askariga ah ee ku imaan arto xisbul islaam.
    Sh Hassan Daahir Aways oon runtii u haysto inuu yahay sheekh aad iyo aad u qiimo badan isla markaana aan hubo inuu umada soomaaliyeed khayr ladoonayo isla markaana haysto taageero badan baad hadana moodaa inu ku talax tagay taageerada iyo difaaca uu difaacayo sheekha uu daadku qaaday sh Ahmad Madoobe waayo Ahmed madoobe waxuu ku sifoobay waxii uu ku sifoobay Indha cade kaasoo mudo badan kolbo dhan isku qaadi jiray ugu dambayntiina u noqday asalkiisii iyo waxuu aaminsanaa oo ahayd qabyaalada iyo raadinta saldano lagu raadiyo hab guracan ugu dambayntiina waxuu ku biiray haraagii Cabdulaahi Yusuf (DKM). arinkaas aanu ka maqnayn sh Ahmed madoobe hadiiba uuna kasiidarnayn!!.

    ——————WALEE SAADAADAMBAAD GARAN———–

  5. cabdi says:

    arintan wayey mida aan shabaab ku dhaliila inkasto aan lajiro ayaga, dad muslima wey dagaltamikaran sidan tarikhda ka warheyno, asxabta Axmed Madoobe dagaal aya luguqaaday maamul aya laisku qabsaday marki ay shabaab kaligood talada lawareegen. Ayado laislaxi karo arinta maheen iney dagal ku xaliyaan al-shabaab. Mar hadu dhiig daato wey adagtahay iney joogsanto, asxabta Axmed madoobe darbiga aya luguriixay, marka maxey suubinkaran?xagey aadan? iney dagaltaman kaliya so uma harin? Hada waxan qaba in arintan lagalo howsheeda oo ay culumada iyo mujahidinta ay isku dayan in ay islaxiyana dhibkaan oo ka dhashay arin dunyawi(aduun)ah. yana waxasto lagadhigin in qofki shabaab kasohorjeesto inu cadowga lajiro? hadi kale waxey u ekaneysa shekadi Bush “your with us or against us”. Al-shabab wa bani aadam maahan macsumiin wana qaldamikaran taas halaogaado.

  6. wacane says:

    BISMILAAH

    ilaahay baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariisi ha ahaato rasuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba aamiiin

    sheekh xassan dahir aways xaqqa maalintii loo baahnaa ee dhalinyarada xisbiga lagula dagaalamayay kismaayo ee aad lahadaydeen waa dagaal fidmo ah shabaabna dhalintooda ayay ku dagaal galinayeen waa dagaal jihaad ah janada ayuuna galayaa ninkiina ku dhinta

    xaqqa sidiisa inuu u sheego weeyaan sheekh xassan daahir xataa hadii uu yahay qadhaadh

  7. shardi says:

    shabaab waa laga filaayay waxaas iyo wax ka daran lkn xassan dahir waxaa dhihi karaa waa ku fiicantahay in saas la yeelo

  8. Rijaal says:

    Asc wr wb

    Sh Xasan dahir aweys sifiican buu u hadley..’
    waayo wax walbo oo ka hadlayay sabab buu u sameeyay
    sh xasan wuxuu ku cel celiyay in midnimo diyaar u yahay.

  9. axmedcade says:

    s/c waan idinsalaamay somaali mirror iyo somaalida wanaaga jecelba waxaan fil;ayaa in uu horay ugaranaayay qofkasta oo diin iyo caqli Alle siiyay iyo qalbi saliim ah oo kafiyoow qabiil iyo ninjecleeysi in uu dulmi jiray maxaa yeelay dagaalka dadka iclaamiyay waa lawada ogyahay dadka ilaa iyo hada wax baacsanayaan waa laogyahay dadka muslimiinta radinaayo waa laogyahay dadkii ugu horeeyay ee mujaahidiinta kubilaabay xabada oo dhiigooda xalaaleeystay waa laogyahay marka Alle halooga baqo ninjecleeysi iyo qabiil iyo dulmi kitaabka Allena halagu kalabaxo xassan daahirna waa runtiis xaqana waxuu lajiraa kuwa xaqa karab istaagay tan kale sheikh xassan turki waxeey ooga faaideeysteen xanuunkiisa iyo isagoon hada waxba hogaaminkarin hadii sida hadalka uuu udhigay eey tahay waa wax iska cad in indhasarcaad jiraan oo odaga wax kale latusay in kastoo laga fahmi karo badalitaankii amiirkii kismaayo oo lagu xasuusto hadalkiisa ahaa amiir muslim ah oo labadalo lama arkin ilaa uu dhinto magaranaayo in uu dhintay hada iyo inkale maadaama dhiigbadana sawab uahaay maamulkiisa hada oo xaalada faraha kabaxday Alle muslimiinta hawalaaleeyo diintiisana hafahansiiyo wabillaahi towfiiq. s.c.w

  10. axmedcade says:

    ku somali mirror siidaaya fadlan fikirkeeygas ee kahoreeya kan siaan ukala faaideeysano walaalaha kaladuwan fikirka Allena hanawadamideeyo oo hanaguwadamideeyo diintiisa wanaagsan hana nagu irsaaqo isjeclaan iyo wax isku quuris oo wanaagsan iyo istixgalin Aamin Aamin Aamin

  11. cabdidheere@hotmail.com says:

    Walaahi Sheykh Xasan daahir Aweysoow ilaah dartiis ayaan kuu jeclahay rabi waxaan ka tuugayaa aniga oo nool inaan dhaayo ku saaro.

    Rabi ha ku xifdiyo rabi ha kuu danbi dhaafo walaahi diin iyo cizi iyo sharaf baan kugu baranay walina waad ku taagantahay.

  12. maxamed cj says:

    kkkkkkkkkkk

    geeesi geesinimadaas wan kugu naqaanay sh, xassan daahir, horay u soco ayaan ku lee nahay , cid cid ka xooog badan ma jirto,,

    wadankaan adoo kale allaha ku badiyo,,

  13. caloofi says:

    Somalimirror waad mahadsantihiin sheekha wixii uu yiri 99% waad ka sheegteen laakin waxaad qiriseen warkii aan idaacadaha ka maqalnay oo ahaa in Xasan Turki uu ku yiri “seedigiis ayuu xumeeyay taas ayaad qariseen ma aqaan sababta.
    ceebaha shababakana waad sheegteen
    labaduba waa Mujaahidiin laakin xoogaa akhristayaasha u cadaalad fala ilaahey ka cabsada.
    hadii aan idinka gardaranahay bal dib udhagaystay warkii sheekha aweys uu qaab qoys ugu cayay xasan turki

  14. cali warsame says:

    Xisbi islaam iyo Al-Shabaab, labadaba waa qatar dalka iyo dadka in laga qabto u baahan. Wax ay soo wadaan oo aan ahayn in ay iyagu is dilaan ama quwado shisheeye oo isugu jira kuwo ay dalka ku casumeen iyo kuwa iyaga la dagaalaya dalka keenaan maahane, wax faa’iido ah oo ay soo wadaan, haba yaraatee majirto.

    Hogaankoodu ma lahan wacyi siyaasadeed oo la jaan qaadi kara adduunka maanta, mana lahan aqoon diineed oo ay ku kala gartaan marxaladaha iyo sida ugu haboon ee loo wajaho. Labadan qolo oo lagu daray Ahlu Suna kooxda la baxaday, WAXAAN KU TILMAAMI KARAA DAGAAL OGEYAAL DIIN KU GAMNAYA. XAQ MA WADAAN HABA YAARAATEE.

    Qolooyinka kale iyaga horay ayaa looga rajo dhigay, waa TFG, Somaliland iyo Puntland. Kuwani waxay wataan siyaasaddii qabiiliga ahayd ee fashilantay.

    WAA CUSUB WAA IN LA DHALIYAA.

  15. guure says:

    Waa khasaare adduunyo iyo mid aakhiro.

    Sheekh xassan ma bannaan tahay in adduun awgii loo dagaallamo? Dhiig Muslim loo daadiyo? Khilaaf loo dhex dhigo Mujaahidiinta awgeed?

    Sheekh Xassan waxaad leedahay: Innagaa dagaalka kula jirna Alshabaab. Sababta aan u dagaallamaynana waa Dekadda Kismaayo awgeed.

    Alshabaabna waxay sheegayaan in ay iska difaacayaan nin gacan saar la leh Kenya, ONLF iyo DKMG. Kablalaxna dhallinyaradii ku soo dagaal galiyay. Qabyaaladdii soo nooleeyay.

    Subxaanallah.

    Allaahumma laa tajcal Musiibatanaa fii Diininaa.

  16. ifaad says:

    Asc wr
    Sheekh Xasan Daahir hadalkan inkastoo la soo daahdey
    oo kuu eheyd in mar hore aad wixii xun eed aragto ka dhiidhido hadana maacalesh.
    hada waa inaad geesinimadeeda lahaato ood meeshan
    Wixii dulmi ku socdo cideydoonto ha ahaatee shantada iskaga fujiso adigoon cid dulmineyn illaa lagu soo dulmiya mooyee.

    Waxaana kuu sheegaa in aad hada u maleeysid in ciidan la aani kuheyso sida hadalkaaga laga daremi karo oo lagaa tira badan yahay laakiin aad yaabi doontid markaad aragtid geesahaaga dad aadanba filayn oo buuxa insha allaah markad runta farta ku fiikhdid.
    waxaana weli jooga dadkii wixii cadow wadankaan ku soo duulay cashar lama illaawan ah u dhigay oo shacabku ka mid yahay intii wadanka aad ka maqneyd iyo intii aad xaadirka ku aheydba,
    Ciidankan gaalada ee samaweynta ee hada joogana maalin qura masii joogayaan insha allaah hadii adiga lagaa helo in aad intaad umad u nastexeyn karto u nastexeyso oona isku keento hadii la diidana waa nin cadow u adeegaayee aad cadeyso si laguu taageero oo meel looga soo wada jeesto,

    Laakiin inta tafararukh lagu jiro oo markii qof la rabo in la dilo *xakhdaro leyskarideeyo adiguna ku fiirsato fidnada ey ku jiraan allaah ma guuleyo qoonkas ee ka bari noqo.
    Wabillaahi Towfiikh
    NB
    Waxaan rajeynaa in aad fikirkeyga sii deyn doontaan madama leydinku xanto in aad umada fikirkooda ka xanibtan.

  17. wadaad yare al faluja says:

    axmed madoobe hadu mujahid yahay muxu u yiri cidkasta oo alshabab dagaal kula jirta xulufo ayan la noqoneynaa. nin jihad ku jirana dhaawaca ma geeysto kenya ee Halagu biiro Alshabab

  18. QURBAJOOG says:

    Asc wwb,intaas kadib ,xanuunka ee baa siiya qofkuu doona ,qof ilaah baadiyeynaya qof xanuunin kara ma lahan ,qofkii alle xanuun la doonaayo qof dhumin kara ma jiro,ilaah waxaan ka baryeynaa inuu xaqa noo tuso xaq ahaan ,naguna arzaaqo inaan raacno ,baadilkana noo tuso baadil ,naguna arzaaqo inaan ka dhowrsano ,ama ka fogaano ,eeboow nagu xanuuni jidkaaga toosan oo nagu sug ,yaa rabal caalamiin ,kadib walaalaha waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo hadalka walaalkeena sh.hasan daahir ,sheekh xasanoow ilaah haku sugo waa hadii arinka aad wado ilaah agtiisa laga jecelyahay ,maxaa yeelay waxaan ka baqayaa inaad cadow u gacangashid si dhib la’aan ,waxaad sahal u tahay in daadka ku qaado ,waa sida hada aad kusocoto oo u muuqato inaad u cararto dhanka cadowga ,camalkaaga yuusan noqon hal bacaad lagu lisey ,taariikhda ku noqo marhaladihii ay soo mareen mujaahidiinta ,kuwii kaa horeeyey iyo waqtigan aad joogto,hadii aad tiri ahmed madoobe wuu saxsan yahay ,dagaalkaas wuxuu ahaa duniwiya ,hadalkaas ma aadan ka fiirsan ,ogow walaalaha mujaahidiinta shabaab inay horey ilaah guul ka siiyey kuwii hore ,inshaa alah adiga iyo inta kugu fikrad ah waa jabi doontaa ,ilaah dinkii ,joog waa lagaa waayey ,warkaaga waa la weyn doonaa ,waa hadii arinka aad wado ilaah agtiisa laga jecleyn ,waa la arkaa adiga inaad saxsaneyd oo camalkaagii ilaah doonidiisu ahaa ama walaalaha shabaabka ay saxsanaayeen ,ahmed madoobe wilaayad dhisan nabad ah shareeco islaam laga oogaayo ayuu kharibaad ka doonay ,marka dibadaas cadowga dhexdiisa ayuu ka hadlayaa ,marka waxaan kuu rajeeynayaa in ilaah kugu sugo wadada toosan wscwwb.

  19. Abu fatima says:

    Wadaad yare daliil xumadii ayuu wuxuu kudarsaday taariikhda oo uu kadha iyo indha la,yahay
    Xagee ayey kutaalaaxaqu markasta wuu guu laystaa asalka gaalada iyo muslimiinta ayaad isleedahay xaq buu kutaagan yahay hadaad tiraa gaaladaa xaqa kutaagan taasi waaba gaalnimo lakordhabay waxaase layaab leh markii lasheego wixii jira waxaad kutuhmaysaan qofka idinka soo horjeeda takfiir waana mida waxkasta laysu dhegalinaayo waana mida gaalada asalkaa ee ay ladagaalamayaan muslimiinta aad muslimiinta ugu durtaan bal intaan lagaarin murtadiinta gaalada hiil iyo hooba kuraacay
    aan soonoqdee wadaad yare balnoosheeg Nabiga moxamed salalaahu calayhi wasalama iyo qureeshkii xaqa kutaagnaa iyo kii goobta ku adkaaday dagaalkii uxud banoo sheeg saliibiyiintii ladagaalamay dawladii islaamka ahayd ee Daalibaan yaase lagu jabshay dagaalkii intaas kabadan ayaa jira oo muslimiinta looga adkaaday dagaalholaako iyo muslimiinta balkawaran geeska afrika saliibiyiintii iyo mujaahidiintii balkawaran ugu dambayn sayid maxamed

  20. yaabane says:

    SHEEkh XAsan DAHIr
    runtii waxaa umaleeynaayaa inaad xoogaa hadalada isdawa marineeysid adiga uunbaan leh dagaalka waafidno waadagaal aduun hdana adigiyawa dhax dagan oo u ulaleeynaayo ayaantaan waxaad kadhamaan la dahay idacad inaad hordaaknaato oo dad dacaayadeeyso
    waxaad umuuqataa dagaalka markuu bilaawanayay moqif hadana mooqif
    axmed madoowe xaladiisa ma ahan waaad adiga qarin karto ee shiikhoow siyasadada toosi meel xun ayaad kusii socotaaye

  21. danta qaaska iyo Diinta Islaamka says:

    Hogaamiye Xassan Daahir Xaqiiqda ayuu ka hadlay.
    dagaalka somaliya waa mid aduun raadis ah. shabab iyo xizbiga waxay isku heystaan dekeda Kismaayo oo horay Barre Hiiraale looga bililiqeystay.

    Dagaalka Xamarna kooxda shariif Xariif iyo 2da xizbi ayaa isku heysta waxaana guuleysan doona kooxdi been iyo Hagardaamo diineed ku taqasusay oo kaliye.

    Su’aal?
    Shariif waa Xariif yaqaana Been, Afcarbi iyo dhowr ayaaddood, kaashanayana danta mareykanka uu ka leeyahay Somaliya kolleyba shariifna dantiisa ayuu dhex wataa waxna kama galin haduuba dhowr dollr helayee

    Xassan Dahhirna waa Military Xukun raadis ah, laakin aanan caqli iyo siyaasad saas u fog lahayn balse kaashanaya dowlad caalamkaba ka hartay ee aanan aboodin in ay caaiso.

    Shabaabna waa niman hawooday wadankan dayacan oo aysan jirin qof maanta ka hortaagan dhanka cagliga cilmiga iyo Somalinimada. waxayna ogaadeen in Somalida ay Jaahil Diinta iska jecel yihiin sidaasi darteen dadka ku beer laxawsanaya Magaca eebe. Rabana in ay kusoo baxaan brobogando Diimeed. waxayna kaashanayaan cidwaliba oo tagi karin wadamada Muslimka iyo kuwa aanan Muslimka ahayn.

    Suufiyada waa Reer Galgaduud oo Xamara gacantooda lagala baxay doonayana in ay kusoo laabtaan Noloshi Muqdisho kaashanayana waxa ay helaan oo caawiyo.

    Axmad Madoobe waa Xariif laga badiye maxaayeelay Ummadda Ilahay ayaa lagu siraye iyaguna runta ayey isku sheegi jireen laakin aaqirkii dabka ayaa la dhunshay.ugu danbeyntii wuxuu tageero ka raadsaday Dowladda Dariska ah taasoo caawineyso U madda Somaliyeed Tusaale ahaan waxay caawineysaa dhaawacyadi somaliya waxay hub usoo direysaa Axmad madoobe si Jihaad beenaadka usii socdo somalidana isu sii layso.

    Hadaba yaan sugeynaa oo soo bixi doona Mooryaantaan aragnaye?

  22. ABUU NACIIMA says:

    Waxaa mahad iska leh Allah subxaanahuu watacaalaa, naxariis iyo nabad galyana nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

    Maxaa iga keenay sh xassan daahir xagee loo wataa? Run ahaantii aduunkan waa taariikh aan harin waxaad soo martay hadaad ilawdayna waxaanan ilaawayn dadkii kula soomaray, run ahaantii sheekha waxaa ka dha dhamaya erayadiisa in uu meel u socdo oo waliba qaabka uu hadlay sheekha waxaad moodaa inuu kabaxsan yahay adaabta wax lagu gudbiyo waxaana dhihi karnaa qofka haduu wax la hari waayo wax unbuu damacsan yahay,
    Sheekha maxaa ka dhawaajiyay erayga ah in dhulalka cadawga leeyahay la isku daawayn karo sida ahmed madoobaba loogu soo daaweeyay itoobiya waana hadal run ahaantii meel usocda kana tarjumaya in ay colaad badani ay ina dhax oolin innaga iyo cadawga islaamka.
    Ilaahay khayr ha siiyee sh xassn daahir markuu asmara aaday waxay ahayd wax ay la cajaa ibeen dhamaaan shacabka iyo shabaabka oo ka dhaa dhici wayday iyadoo gaal axmaar ah lala dagaalamayo in laga cararo jihaadkii loona cararo gaal kale oo hoos xiriir kala yeelan karo gaal ka kale, kadibna qaab siyaasad ahaan kaliya ujoogo erataria cadawgiina uu dhulka ku jiro isagana uu halkaa ka abuuro xisbiga xuraynta oo waliba uu wax la meel dhigo dadkii calmaaniyiinta ahaa ee wadanka wax ka gubay run ahaantii waxaan dhihi karnaa sheekha markaasba way jirtay oo sibuu wax u arkay.

    Run ahaantii waxay umada is waydiinaysay mudo sababta shabaabka ay war ooga maqli la yihiin aabihii soo abaabulay oo ay hal xizbi uwada noqon la yihiin? Jawaabtu waxaa weeyaan in sheekhu afkaartiisa ay ku jirto waxa ka yeerayo oo ah in dhul cadaw ah loo carari karo lana isku soo daawayn karo waxaa ilaahay mahadii in maanta Allah wax soo yara bidhaamiyay waxyaala kalena waa lasugayaa inay kala cadaadaan ee ha la iska sugo yaa laga hor dhicin.

    Wakhtigii uu sheekhu ka cararay wadadnak waxaan su aalo waydiinay saraakiil katirsan Al shabaab waxaana aad oola yaabay qaabka ay sheekha u ixtiraameen iyo qaabka ay bari ooga noqdeen ficilada uu ka samaynayo asmara aadna way oogu cudurdaareen balse waxay dhaar noogu mareen ninkaa shariif layiraahdo waa kan hada sheegta madaxwaynahee in marnaba aynan aaminayn sababa jira awgeed markaan waydiinayna waxay noogu jawaabeen adinkaa dhagihiina wax kumaqli doono, waxii ay dhagaheena maqleena waakan oo hada shariif uu hoos jiifa cadawga allah, balse marnaba kagama ayanan shakin sheekh xassan arrimo noocaas ah balse hadii hada sheekhu isku sii dhajiyo Axmed madoobe run ahaantii waxaa dhihi karaa inuu shakigaa oo kale imaanayo.

    Hadaba xagee sheekha loo wataa waa su aal aan jawaabteeda kasugayno waxa bari soo socda waxaadna moodaa su aashaa jawaabteeda inay meel xun usocoto mana doonayo inaan ka hordhaco, waxaan hada maqlaynaa in sheekhu uu a flagaada toos ah u gaystay aabihii mujaahidka isagoo waliba aflagaadadiisa ku soo baahiyay warbaahinta waana arrin aan aad ooga xumaanay mana ahayn inuu sheekhu xad intaa la eg u gaysto walaalkiisa qaaliga ah waxayna ka turjumaysaa in sheekhu uu aad ooga xunyahay horumarka ay gaareen walaalihiisa mujaahidiinta ah ee al shabaab, inuu sheekha ka xumaadana ma ah wax wanaagsan.

    Waa yaabe muxuu sheekha oogu dhagaa mar walba nin ay umada soo toorto ooy laqi waydo? Shalay ayay ahayd markii laga fujin waayay Yuusuf indha cadde markii gacanta lagu soo dhigay oo maanta ah cadawga oogu wayn islaamka ah sababta uu udaayayna aniga ma garan.
    Maantana Ahmad madoobe oo dagaal toos ah kula jiro Al shabaab inuu isku dhajiyaa waa ay iska caddahay oo waxaa weeyaan dagaalkaan dhinac kala jiraa oo waa lasafanahay xataa waxaa uu iswaydiin waayay mujaahidka uu af lagaadeeyay iyo ahmed madoobe waa isu seedi sababta uu ooga soo cararayna waa ay iska cadayd oo waxaa weeye isku daygii uu iku dayay inuu dumiyo wilaayada islaamka ee taagan, sheekhana waxaad moodaa inuu ku eedaynayo sh xasan turki taakulayn la aanta uu kusameeyay ahmed madoobe duminta wilaayada waa cajiib (Aduunyooy nin noolow Maxaa Aragti kuulaaban) Hadii maanta sheekh xassan daahir uu ka xunyahay nin doonayay inuu dumiyo wilaayada islaamka oo la iska dhiciyay.

    Hadaba waa su aal da waynoo dadku is waydiinayee (XAGEE SH XASSAN DAAHIR LOO WATAA?) jawaabtu waxaa leeyahay yaa laga hor dhicin meeshuu allah gaynayo aan aragno sheekhana aan wali u cudur daarno inta uu si fiican banaanka isaga soo dhigayo maadaama dadka qaar ay leeyihiin sheekha waxba uma harin waxa uu usoo xeed xeetay waa dagaal, balse aniga wali waan u cudur daarayaa oo waxaa leeyahay sheekha mudo ayuu khayrkaan soo waday waana laga yaabaa inuu daalay uu guushii dhakhso arki la yahay ama ayba da iska jirto hadaba waxaa leeyahay oo sheekha oogu nasteexaynayaa inuu ka raali galiyo walaalkiisa af lagaadadii uu ugaystay sh xasan turki oo waliba qof walba makhraatiga ka ahaa si aan aakhara loogu qabsan.

    mida xigtana ninkaan ay umada wada tuurtay ha isku dhajinin sheekhow meel uu ku gaynayo majirtee waxuuna heshiis lagalay Kenya iyo itoobiya si loo dumiyo Wilaayada jubooyinka.

    Sheekh Xassan daahirow waxaan kuleeyahay adigana ku soo biir walaalahaada Al Shabaab kuwaasoo aad hadaba is garabsataan si uu cadawga ujabo waxayna maanta guusha islaamka ku xirantahay sheekh xasanow adigoo maanta kubiira Al shabaab baycana laqaata kadibna dowlad aad uwada dhantihiina ku dhawaaqa hadaad intaa samayso waxaan aamin sanahay goolkii aad allah ka rajaynaysay inaad helaysid aadna ka guulaysan doontid hagar daamada ay gaalo iyo gaalo raacyaba soo wataan waxaan kugula dardaarmayaa ama kaa baryaynaaa sheekh xasanow inaad naga qaadatid taladaas ood fidinada maanta soomaaliya ka jirta aadan noogu darin inaan annagii isku soo jeesano ogow qofka mas uuliyadeeda qaadaya waa adiga sababtoo ah adaa aaba noogu ahaa ladagaalanka gaalada iyo calmaaniyiinta maanta uu axmad madoobe hor kacayaan niman calmaaniyiin ah oo ushaqeeyo Kenya hadaad naga raacdid ogow wixii halkaa dhaxdeena ka dhashaayi in aakhiro wax lagaa waydiinayo.

    Ragiina Al shabaab oogu sarsareeyow waxaa inkula dardaarmayaa inaad is dajisaan oo shaydaanka waxa uu afuufayo aadan horay ka qaadan walaalihiina xizbul islaamna aad isku daydaan inaad qancisaan ood u dajisaan ood udabcadaan si shaydaanka uu u hugoobo waxaadna ogaataan qofka banii aadamka ah inuu khaldamo balse wuu soo noqdaa hadaba waxaan inkula dardaarmayaa inaan warbaahinta lagu radin sheekha ood u tagtaan marka hore ood wada hadashaan isuna nasteexaysaan wixii khalad ahna meesha laga saaro wixii kalena ladhameeyo yaa walaalayaalow la horboodin shaydaanka waxa uu afuufayo waxay doonaanba ha ahaadaane.

    Waxaa dhamaan dadka muslimiinta ee soomaali inkula dardaarmayaa in lajoojiyo dacaayaadka laga fidinayo dadka mujaahidiinta ah lana joojiyo iska hor keenidooda waxaana ka ratimaya aakhira la aan iyo cadawgoo nooga guulaysto aduunka hadba waxaa inuu ballan ah sidaan raaya islaam ah kutaagi lahayn meel kastoo aduunka ka kala joogno.
    ALLAHUMA SALLI WASALLIM WABAARIK CALAA NABIYUNAA MUXAMED SCW.
    Waslaamu calykum waraxmatullaahi wabarkaatuhu.
    ABUU NACIIMA.

  23. adoonalle2010@hotmail.com says:

    asc wr wb dhamaan walaalaha webka qore iyo akhristayaashaba.
    intaas kadib waxaan kaleeyahay khudbadii jimcaha ee walaal xasan daahir aways ugu horayan waxaan kula talin lahaa walaalka in uu isaga fariisto hawsha hada uu kujiro hadii ceeb ayay dhaxalsiinaysaa.
    xisbiga waxaan leeyahay laba kala doorta in aad shabaab kubiirtaan oo aad ladagaal gashaan awaamirtana la idiinka soo diro alqaacida iyo afgaanistaan waa sida idiin dhibyar dagaal dhexdiina ahna aad kaga badbaadi kartaan iyo inaad hubka alshabaab kuwareejisaan idinkuna aad dadwaynihiina dhinaca karaacdaan idinkoo ilaaliyana dhiig dhexdiina ah oo aydnaan maanta dhexdiina isu dagaalamin waxaana taas uleeyahay waxaa jirta qaacido milatari oo ah in aan laba xoog oo isku mabda’ahayn ay saaxada kawada dagaalamaan iyagoo is garabsanaya ulama jeedo aaminsanaan caqiidada saxiixa ah waxaan ula jeeda taas waa fikirka caalamiga ah oo aad kukal duwantihiin sidaas darteed waxaan walaalaha kula talin lahaa in atalada danbe qaataan.
    walaalaha shabaab waxaan kleeyahay diintu waa nasiixo siduu rasuulku inoo sheegay nnk ha ahaatee, hadaba khaladaad badan oo aad kagelaysaan umada muslinka ah cadaawad aad uqabtaan cadawga islaamka dartiis haku kadsoomina camalkiinana ajar aad kaheshaan daaye haku aakhiro waayina culimada aad wax maqlaysaana yaaanay noqon oo keliya inta dhexdiina joogta waxaa ladinku eedaynayaa deg deg fara badan iyo khaladaad fara badan lagana yaabo in badani in ay kudhacayaan go aanka dhalinyarada yar yar ee ushabaabka kujira iyadoo aanay daa irada kore waxba ka ogayn.in taas ayaan kula talain lahaa walaaha jihaadka kuwada jira.wixii aan asiibay alle xagiis ayay ka ahaatay waixii aan kugafayna naftayda iyo shaydaan ayay ka ahaatay,

    wabilaahi towfiiq

  24. umu mumtaz says:

    ASCWRWN WAL ILAYN MAXA MUJAHIDIINTA LAISAGU XUXIINAYA WAA IS ARKA OO CAD WAR RABGIIN KA CABSADAA SOMALIYEEEY XAL AAN AL SHABAAB IYO
    XISBUL ISLAAM AHAYN MA JIROO MANTA SOMALIYA
    ASCWRWB

  25. wadaad yare says:

    Sheekh Xasan markaan hadalo waxoogaa geesinimo ka muuqato ayuu ku hadley, laakiin meeshii la rabey ma gaarsiin umana dhawa.

    Waxaan qabaa afar mawqif in midkood Sh. Xasan la gudboontahey:

    1. Inuu Shabaab ku biiro sida Xasan Turki
    2. Inuu dagaal uga talo galo Sida Axmed Madoobe
    3. Inuu raga Amisom waardiyeyso ku biiro
    4. Inuu dalkaba iskaga baxo oo magan gelyo meeshuu ka helayo ka raadsado.

    Shabaabku waxey si xirfad ku dheehantahey u daadihinayaan is baheysi qabali ah, oo isku haya beelo dani isku keentey oo ay hogaankana u hayaan dhalin yaro ku manhaj ah ururka Alqacida diina sidaas u arka.

    Is baheysiga Xisbul Islaam hogaankiisu wuxuu ku fashilmey inuu taxaaluf qabali ah abaabulo. Iyadoo dhanka kasoo horjeeda caamilka qabiilku si aad ah uga muuqdo. Waxaa saacidaya Sheekh Xasan reerkiisa oo qabiilooyinka dega Koofurta Soomaaliya ay wax badan ka tirsanayaan, jeclaana lahaayeen iney mar uun ka waayaan masraxa siyaasadeed.

    Iyadoo taasi jirto ayaa hadana garabka kale ee Xisbul Islaam ee Koofurta fog ay hogaanka u hayaan qabiilo leh culeys weyn oo qabiilooyinka degaankaas degana ay ka baqayaan iney qoladaasi ku xoogeysato.

    Isbaheysiga Shabaabku dhanka manhajigaa oo alqacida ka sokow wuxuu hogaamiyaa taxaaluf qabali ah oo balaaran oo ciil iyo shaki labada ka qaba beesha Sh. Xasan iyo mida Axmed Madoobe.

    Xaqiiqda ama hala inkiro oo nafta wax kale halagu maaweeliyo ama hala qirtee waa taas.

    Waa is baheysi lid ku ah qabiilooyinka lagu tuhmayo awooda, lamana hayo is baheysi kale oo si dhab ah arintaas ku wajahaya ee fatwooyin iyo waxey ila tahey rag u maleeya iney wax noqoneyso ayaa madax ka ah Xisbul Islaam.

  26. Abu-Hamzaa says:

    AsCwrwb

    Sh. Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuu kahadlay fikirkiisa waana fikir saliim ah, odeynimadiisana u qalanta.

    Waana lakala fikir duwanaan karaa, laakin yaanan la isku sheegin RIDO, ruuxuu ku khilaafaba hadaad tiraahdo, waa ridoobay ama waa munaafaq tasaa ah musiibada u weyn, iyo inaadan wali fahmin diinka,

    nabi maxamed csw oo uu waxyiga kusoo dagaayo, ayay asxaabta dhihi jireen, marka la dagaal galaayo, yaa rasuulallah, waxan aad samaynayso, ma waxyibaa mise waa fikirkaaga, haduu yiraahdo waxyi ma ahan, waxay oran jireen, hadaba sidan saanaa kafiican wuuna qaadan jiray,

    marka dad aanan waxyi kusoo dagayn, oo hadana hadaad tiraahdo war sidan kadaa, lagugu sheegayo, inaad tahay murtad ama munaafaq, ama inaad gaalo racday, walciyaadu bilaah.

    war arinka saad mooday ma ahan ee diinka hala barto.

    Abu-hamzaa

  27. hymo says:

    Aingay siday ila tahay Ninkaan Hassan Daahir Aweys banaankuu is keenay waana is qarxiyey.

    Soomaaliyeey bal mid eega: Axmed Madoobe wuxuu dagaalkii uu qaadayey guubaabada ku waday Yaa Absame ah, yaa Kablalaxa ah. Waa intaan dagaalba dhicin. Waxaan maqlay in Shiikh Xasan Turki ku yiri “waar tanaasulaad la imow intaadan dagaal iclaamin”. Shiikh Xasan Turki wuxuu labadaba garaba ugu yeeray “midnimo in dhiiga wiilasha lakala badbaadiyey”. U malayn maayo in Shiikh Xasan Daahir uga war roon yahay Shiikh Xasan Turki mashruuca Axmed Madoobe.

    Shiikh Xasan Turki keliyi ahi heshiis lama gelin Shabaabka. Sida aan maqlay waxaa ka mid ahaa saraakiil kale oo Raaskoobiyiin ah sida Dulyadeyn iyo rag kale.

    Waxaa ii muuqata in Xasan Daahir mashruuc uu watay meesha ka waayey kaasoo inuu hogaanka u qabto Islaamiyiinta Soomaaliya oo dhan si uu xukunka Soomaaliya gacanta ugu dhigo. Waxaa iska cad wuxuu kula dagaalayey Shariif Axmed inay ahayd oo kaliya xukunka ee aanu haysan mabda’a cad oo uu kaga soo hor jeedo Shariif Axmed.

    Waxaa kaloo iska cad inuu arkay in Shabaabku sii xoogeysanayo oo Xisbi Islaamka islaamiyiinta ku jiraa ay ku biiranayaan Shabaabka si tartiib tartiib ah.

    Waxaa dhici karta inuu wax ka og yahay dagaalka cusub ee hadda la iclaaminayo dabadeedna rabo sabab uu kaga siibto oo qolada duulaanka soo wada ula safto. Waxaa dhici karta inuu mashruucan cusub “deal” ka haysto.

    Waxaa wax lala yaabo ah in Xasan Daahir uu Shariif Axmed kaga soo horjeedo gaalo ayuu ku biiray oo waa naga baxay isagiina lasoo taagan yahay Kenya waa lala shqayn karaa oo qorshaheeda waa lala qabsan karaa. Waa arrin aan caqliga saliimka geli karin inuu Shariif Axmedna ku eedeeyo Maraykan buu la xiran yahay isaguna ku dhegan yahay UN iyo Kenya waa lala heshiin karaa.

    Waxaa iska cad Xasan Daahir inuu u dagaalamayo xukun oo keliya.

    Soomaaliyay mid is weydiiya markii dhamaadkii 2006 ay Ethiopia iyo xulufada ka danbaysaa qabsadeen Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya in Shariif Axmed Galay Kenya, Axmed madoobe in la qabtay oo la geeyey Addis Abeba, Xasan Daahirna uu aadey Ereteria. Markii Ethiopia lala dirirayna ay 3daas nin midba mar soo laabtay markii wadanka laga saaray Ethiopia. Waxaa muuqata in 3daas ninba dhinaciisa ka wado mashruuc. Marka yaan la is daalin ee mashruucaas is weydiiya!

  28. farah says:

    WAA SAX WUXUU SHEEKHU KU DOODAYO.

    LAAKIIN WAA QALLAD INUU HAWADA KA SHEEGO
    WARARKAAS CULLUS.

    TAN AH SHEEKH TURKI, MARKII HADALKIISA IIGU DAMBAYSAY WAXAY AHAYD MAR UU HAWADA KALA HADLAYAY ALSHABAAB, ISAGOO HIILO U AH AXMAD MADOBE.

    MA LA DHIHI KARAA SHEEKH TURKII BAA DURBAANKII
    U HOREEYAY EE KHILAAFKA GARAACAY, HADDANA KA
    DHUUNTAY DADKUU XASARADDA U HORSEEDAY?

    MAALINKAAS UU TURKI HADLAY, WAAN QORAY SIDAAN
    U DHIBSADAY KHILAAFKA UU BILAABAYO.

    MAALINKAAS SIDOO KALE,SHEEKH XASAN DAHIR WUXUU
    LAHAA FITNAH HA LAYSKA JIRO.

    WAA RUNEE,TURKI MUXUU UGU NASEEXAYN WAAYAY MADOBE,DAGAAL INTA XASARADIIS U BILAABO AYUU
    HADDANA KA DHUUNTAY,ISAGOON XATAA XISBIGIISII
    SHIRRIN,UNA SHEEGIN INUU KA BAXAYO.

    SHEEKH AWAYS XAQ BUU LEEYAHAY,WAASE KU WALDDAN YAHAY INUU WARKAA CULLUS SHACABKA SOO DHEX DHIGO.

    INUU ISKA SABRAA LOO QAATAY.

  29. farah says:

    HADDA KOLAYBA FURDDADA KISMAYO IN LAGU DAGAALAMO SHEEKADA MA TAAGNAANAYSO.

    WAA LA IDIIN SOO SOCDAA LABADIINABA.

    IDINKAY IDIN JIRTAA SAAD KU XALLIN LAHAYDEEN.

  30. joornaal ma akhriye says:

    MAXAAN LA YABAY
    OON LA YAABAY
    CAADIFADA QAAWANEE
    XIGMAD AAN KU DHISNEEN
    MAXAAN LA YAABAY OON
    LA YAABAY
    HADAL AAN MACAANEYN
    MICNO AAN LAHAYNIYO
    MURUG UUN SAMEENI
    ALA MAXAAN LAYAABAY
    OON LAYAABEY
    WAXA AAN MEERINAYNOO
    MEEL WALBA LA JOOGNEE
    ALA MAXAAN LA YAABEY
    OON LAYAABAY
    DAREENKEENA HOOOSEEYEE
    DABACBA AAN LA HEYNE
    ALA MAXAAN LAYAABEY
    OON LA YAABAY
    DULQAAD LA AANTA
    LA DERISTEY
    DADKEENI MAANTA
    DALKEENIINA DUMISAY
    ALA MAXAAN LA YAABAY
    OON LA YAABEY
    HADAL XOOG LA BIDAYOO
    DAGAAL LAGU ABUURAYO
    ALA MAXAAN LA YAABAY
    DIINTA DARAWALKEEDII
    QOF WALBA NOQDOO
    NALAGA DOONAYEY IN AAN U NOQONOO SIDII HAYIN AWR AHOO TOBAN JIR HOGAANKA U AHYOO HADBA MEESHAY NOOQAADO AAN U RAACNO BALSE AAN KA DHIGNAY GOROYO LA FARUUR XIREY OO LAGA DOONAYO IN AY HOGAAN SATO SIDII ARKA WALEE TAASI MA DHACDEE DAD

    DADOW DADOW DIINTA U HOGAANSAMA
    HAWADIINA KA ADKAADA
    DAMACIINA HOR JOOGSADA
    MANSAB AAN MEEL GAAREENIYO ISKA DAAYA HUNGURIGA
    WAXAAN AAN LA YAABAA MEESHAAN KU SOCONEE DADOW MAAN IS DABA QABANO , DANAHEENA AQOONOO
    DULMIGA ISKA DEYNO

    joornaal ma akhriye | Mar 6, 2010 | Reply

  31. naasix says:

    BISMILLAAHIRRAXMANIRRAXMIIM.

    sh.xasan daahir waxaan ugu naseexayn lahaa inuu
    ka fogaado wax kasta oo keeni kara dagaal iyo dhib hor leh oo mujaahidiinta dhexdooda ka yimaada , hadalkiisuna wuxuu u eg yahay nin la
    doortay haddana laga tagay,shiikha hadduu saas
    ku sii wado in uu sharraxaad fiican u yeelo in la isdagaali karo !waxaa taasi macnaheedu yahay in amar ku leeyahay xizbiyow iyo axmad madoobow wada dagaalka waa idiin bannaantahaye ! mar haddii ay banaantahay in dagaal dhex mari karo muslimiinta !!! aakhiro haddii la tago miyaa nala ka yeelayaa sh.xasan daahir baan ku addeecnay inaan dagaal bilaa faa’ida ah
    ku qaadno muslimiinta aaminka ah ?

    haddii la rabo in la badbaado oo mujaahidiintu aysan is dagaalin waa in sh.xasan daahie laga
    qaado hogaanka xizbiga laguna wareejiyo booskiisa sh.cumar imaam laga yaabee inuu wax uun ka dhaami lahaan shiikha .

    rabbooow adaa noo maqan.

  32. ciro says:

    bismilah.maanta waa maalin muslimiintu daciifsanyihiin.ay u banyaalaan hagardaamo badan oo cadawgu u maleegayo oo in badan aysan fahmi karin.marka ninkii islaam u gargaaraya ama diin u adeegaya, haka bilaabo muslimiinta inuu isu soo jiido xagga qalbiga,intuu koox ama xisbi buunbuuninayo.inuu samro marka koox muslimiin ah ay dulmiso intuu aargudanayo.inuu garto cid muslin ah inaan dagaalkeeda janno lagu tagayn xataa hadii lagu dulmiyo,waayo hadaad aargudatid ma garanaysid inta aargudasho lagu siiyay intay le’egtahay.hadadse samirtid.waa faa iido la hubo.marka Alshabaabow dadka u dhimriya oo haka cayrinnina diinta.fursad siiya inuu ilaahay hanuuniyo.riddada qofkana ha iclaaminina,waxa la arkaa inuusan qalbiga ka ridoobin oo uu sii fogaado marka la rideeyo.Axmed madoobow hadaad dulmi tirsanayso samir intayna dad muslimiin ah sababtaada u dhiman oodan naar galin(MUSLIM KUMA JANNO TAGO MUSLIM KALE)Xassan daahiroow oday islaam ah baad tahaye muslimka isu soojiid oo ha is jeclaysiin xisbi qura,oo jooji hadallada dhanna caradu ka muuqato,dhanna aad maslaxada ku dalbaysid.hadii odagii reerka u waynaa caro ka muuqato see dagaalku ku baaqanayaa.ogow halgankaaga waa khasaaro haday muslimiin is dilaan,Xassan turki waa shaykh kariim ah waayo halkii laga bariiqanjiray wuxuu kaga gudbay iimaan ilaahay qanjaha joojiyey.waxana ilahay garansiiyey inan qabiil dan u hayn,haduu axmed madoobe u hiiliyana uu u muuqan lahaaa ‘fiqi tolki kama jannatago.dawladda waxan leeyahay dadka ayaa idin xukuma ee idinku dadka ma xukuntaan.ilaah ka baqa isagaa idinku filan.dad ka wadanka idin la leh oo idinka badan xoog kuma maquunin kartaan ee heshiis ka dalba.heshiis idaacadda looga baaqo ma ahan hashiis dhab ah.ee ergo qarsoodiya u dirsada dadka idin diidan oo u tanaasula.

  33. xussein cali says:

    Allow kaa ilaali sharta shayaadhiinta sh xassanoww.

    Alshbaab waa khatarta oogu weyn haaysata Somalia iyo Somalida. Anaga hada ingiriiska, cabsi laga qabo ama loo xiro ninka somaliga waa marka lagugu eedeeyo in aad xiriir la leedahay shbaab.

    Dad masaakiin ah oo xitaa quudini karin shacabkooda ayeeynu nahay ee aaynu isku dayno in aan heshiisiino dowlada iyo Xisbul islaam. Cadaalada iyo Diinta xisbul islaam lasiyo ayidoo shabaab geeska lagalinayo.

    Axmed madoobe waa nin ladulmiyay siduu sheeikha usheegay. Kuwan Gedo jooga wax waliba qabiil ayaa kala weyn oo xitaa kuwa kujira shabaab qabiil baa kala weyn. Sawabta aay shabaab oogu biireen waa in aay xalaaleystaan dhul aaysan dagin.

    InshaAllah Axmed Madoobe wu guuleysani biidnillah waayo shacabka degaanka ayaa taageersan. Shabaab hadeey run katahay hatagaan Hargeisa.

  34. axmedcade says:

    ku idiris iyo Guure xaqa Alle kama xishoodo xaqa waxba hakaxishoonina kismaayo dagaalkii kadhacay waxaa bilaabay waa shawaab iyagoo difaacanaayo dhaqaalaha oo diidayna in lalaqeeybsado xabada iyagaa kubilaabay oo dagaalka iclaamiyay shabaabka iyagaa wax ridiyay oo gaaleeysiiyay mujaahidiintii shaleey garabkooda ahaa marka dadqaar baa xukun jeceel kusheega axmed madoobe ee axmed madoobe dowladii sababta ALLE ooga dhigay in uu kaga soosiitaayo gaaladii baa sida aan maqlay diyaar ulaeheed maamuusid iyo magac iyo madaxnimo laakiin isagaaba afkiisa kasheegay in damiirkiisa siini waayay oo iska diiday ee dulmiga laguhaayo asxaabtiisa buu rabay wadaxaajood un uu kudhameeeyo xaqoodiina waa loo diiday dagaalna waa lalakalay waa madluum lagagardaranyahay ee qabiil ama kooxjecleeysi iska daaya Allena ooga barya in uu umataas mideeyo waxaan kaloon kudari lahaay sheikh xassan dahir hadii bilaawgii dagaalkii jubooyinka uu sida hada uu uhadlay uhadli lahaay sheekada maanta sida eey ucakirantahay uma cakirnaani laheeyn ee xaqa baa hada kahadashiyay iyo dulmiga lagu haayo muslimiinta uu hogaaminaayo axmed islaam ,

  35. barre hiiraale says:

    hahahahaha markii indho cadde marka laga qabsaday dhul islaam baa la qabsaday markii aniga kismaayo la iga qabsaday mujaahidiin baa qabsatay markii axmed madoobe iyo kablalax isa soo raaceena waa fitno soomahan hahahahahahahaha qosol badanaa

  36. DAARDAARTA says:

    SOOMAALI HURUDOOY
    HARGA GALAY HURUDAY
    HUBSIINYO LAAAN
    IS HANQAARTOOY
    HUNGURIGA IS GOOSAAY
    MAXAAD HADAL AAN JIRIN
    U HANQALTAAGTA HAD IYO GOOR
    MAXAAD DIIN DANAHIINA HUWISAAN
    BAL MAXAAD UGU HEESTAAN WAR AAN HUBAAL LAHEYN

    WAA TEE DIINTA AAD DIFAACEESAAN
    WAA TEE MASAAKIINTA
    AAD U HIILINAYSAAN
    WAATEE KALKA AAD MAANTA HIRSANEYSAAN
    WAXAA LA YAABLEH
    HADAL JACEELKIYO HUNGURI JECEYLKIYO
    KURSI JACEEYLKA
    HABAR WALIBA DOONI.
    WAXAA HUBAAL AH CAMALKA TOOSAN IN UU BOGAADIN IYO RAALI NIMO RABI LEEYAHAY.
    IMTIXAAN ADUUNYANA MABA UU DHAMAANIYE
    RUNTU QAAYO WEYNA WANAAG IYO SHARAF IYO LIIBAANTIISU MUG WEYNAA. BEENTA LAYSU SHEEGANA RAGBAA DHAAR KU XOOJISTE
    MAANTA CAJIIB BADANAA.
    ADUUNYADU CEYNAN BADANAA
    CAJAAIB IYO AMAKAAG
    MAXAY MUUNAD LEEDAHAY.
    DAD MAXAY SALFATOO MEELUUSAN JOOGIN GAARSIIN
    HADANA DHAGAR IYO MIXNAD AY LA DOONI.
    SHEYDHAAN HOYGIIS WEEYEE,
    MAXAY RAG QAAWINAYSAA.
    QAMUUNYO IYO CIIL
    MAXAY XANAAJINAYSAA/
    AMA CATOW AAN DAWO LAHEYN
    QEYLO DHAAN DIREYSAA.
    EEBOOW ALAHAYOW ADAA NA BADBAADIN KARAYE CIRIBTEENA HAGAAJI
    AAMIIN

  37. HADRAAWI says:

    LABADII BAADIL KU HESHIISAA XAQAY ISKUQABTAAN AWALBA BAADIL BAY KU HESHIIYEEN WALAHAY OO CULIMADI MAQLIWAAYEEN OO DAD MUSLIMIIN AH GAALO KU SHEEGEEN MARKAA DHIIGA MUSLIMINTA INTA AY XALAASHANAYAAN ILAAH IAYAGUU ISKU SALLIDAYAA WANA LA ARKIDOONAA

  38. anka says:

    ascww

    salaan kadib anigoo walaal aad ula dhacsan qormadiisa waa ninka layiraa YAABKA ku soo gaba gabeyey qormadisii yaan sugeynaa kooxdan aragnayey waxaan ku dhafayaa waxaan sugeynaa
    ciyaalka xaafada; iga qalee’ ka qalee’ iyo aan iska qaleyno, waayo hadii siyaasi, wadaad, waranle kenin wayeen in ay umada somaliyeed ee daafaha aduunka dadsan xal u keeni wayaan maxaa loogu diidi ciyaalka xaafada arinka oo dhan ku xalin aan iska qaleyno saxiibayaal

    wasalama caleykum

  39. abdilaahi says:

    aad iyo aad ayaan idiin salamaya bahda somalimirror si da 99% aad noogu soo gudbiseen odhaahda sheikha, intaasi kadib
    sheikh xasan daahir iyo alshabab waxay umuuqataainay maanta kala tageen iyada oo markii hore lagu xamanjiray in sheekhu yahay xidhiga isku haya xubnaha kale ee xisbiga iyo alshabab, maantana mar haddii sheekhu ay halkaasi ka gaadhay waxaad moodaa in ay u arkeen in shababku dulmi badan muddo badan ku hayeen maantana dhamaan xisbigu uu ka dhiidhiyey, hadaba sidee looga gudbi karaa xaaladan cakira?
    aniga waxay ila tahay in shabaabku arinka dhimriyaan ugu yaraan dagaalka ka joojiyaan ahmed madoobe, isla markaasina aysan isku dayin in xoogaga xisbiga maalinba qaar ku darsadaan ururkooda waa ta maslaxadu ku jirto, ogaado xasan daahir waa ood cadowgu inagaga baqdo

  40. M-Saabir says:

    Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi,

    salaan kadib soomaaliyeey Allaha nawada toosiyo.
    aniga waxaan la yaabanahay in sheekhu hadda gartay in musaalaxada ay fiicantahay maxaayeelaay markii uu dalka dib ugu soo laabanahay wuxuu u yimid umad walaalihiis ah oo wada daallan imaanshihiisana waxaa niyadda lagu wada hayay inuu qaadanayo nabadda iyadoon shabaab xamar ka hadli karin ayuuna yimid.
    umaddii uu u yimid intuu dantooda guud meel iska dhigay ayuu duurtay mid isaga gaar u ah inuu fushado Allena wuxuu ka dhaxalsiiyay hoogga uu hadda mashaajiddada ka dhex sheeganayo ee uu xitaa qarsan la’ayahay.

    haddeertan wali wuxuu wadaa is qarintiisa danta guud ka hormarin danta gaar ah ee uu leeyahay marka aniga waxaan ku nasteexeynayaa inuu Alle u noqdo oo umaddana cafisweydiist sheekhna anigoo ugu horeeyana waan cafinayaa.

    Shabaab haddii been la iska dhowro waa dad meesha ay ka arimiyaan bulshadu ay horumar ka gaartay dadku ay iyaga isku tiirsanyihiin Allahooda kadib, marka iyagana waxaan oran lahaa naxariista haka tagine ummada wali naxariis ayay idinkaga baahantahay.

    nin waliba oo soomaali ah waxaan ka codsanayaa inuu iska ilaaliyo inuu ku dhoco xaq dad leeyahay oo ugu horeeyo dhiig qof muslim ah oo berri urur ama qabiil ama koox aysan kaa cafin karin oo Alle hortiisa kaligaa su’aashaas ay ku sugeyso oo xitaa ma inkiri kartid oo jirkaaga qeyb aadan hadal ku ogeyn baa hadli doonta.

    Allaa mahadleh.

    Somalimirror.doc Allaha xifdiyo dadaalkoodana hasii laban laabaan.

  41. M-Saabir says:

    raali ahaada
    somalimirror.com ayaan ka wadaa

  42. RAAXEEYE says:

    Shiikh Xassan Allaha dhowro waan jecelnahay lakiin Qaladkiisa waan sheegeynaa

    1- marka hore waa nasiib daro iyo qalad in dagaaladii saxaabada dhexmaray gaar ahaan Mucaawiye iyo cali dhamaantood Allaha ka raali noqdee in Shiikhu uu ku tilmaamo dunayawi ( Mid Dunawi ah … oo sidii Saxaabadii ka dhex dhacay Cali iyo Mucaawiye ay kala hogaaminayeenlmaamo ) waana wax aysan weligood salefkii ayasn ku tilmaamin iyada oo weliba la ogyahay in xaqa uu cali ku taagnaa sida axaadiista qaarkood ay sheegi hadana salafkii wuxuu ku tegay in dgaaladaas laga gaabsado iska daa in lagu tilmaayo mid aduunyo laysku dagaalay labaduba waxaan u rumeysanahay in ay xaq doon ahaayeen marka waa nasiib daro in dagaaladaas lagu tilmaamo mid aduunyo

    2- Waa nasiib daro in raali gareyn Axmed madoobe la raali gareynayo ama u hiilin xisbul islaam loo hiilinayo darteed laysku misaaliyo dagaalkii saxaabada iyo kii kismaayo waa nasiib daro waana qalad haboon in Alle looga toowbad keeno.

    3- tan sedexaad waa ceeb iyo wax aan ku wanaagsaneyn in dadka muslimiinta arimahooda hoose la faagfaago oo dadka aan ka warqabin loo soo bandhigo si loogu ceebeeyo waayo hadalada Shiikha ee Idaacada BBC laga dheystay waxaa ku jiray isaga oo weliba Shiikh Xassan Turki xafida hulaahu durayo buu wuxuu yiri ( Xitaa seedigiis lama uusan tashan waa ceeb in uu iska dhaqaaqo keligiis) taas hadalfiican ma aheyn sumcada shiikhana aad bay hoos ugu dhigtay

    Ugu danbeyntii Shiikh waxaan kula talin lahaa in uu Alle ka baqo hadalada qaarkoodna uu ka fiirsado inta uu san Idaacadaha la hadlin wayo hadaladiisii ugu danbeeyay in ay Mujaahidiinta sii kala fogeeyaan mooye waxba sooma dhaweyn waxaa kale oo aad ugu farxay cadowga islaamka

    kuwa Shiikh Hoosta uga jiro ee maalin walba shiikh wareerinayo si uu iclaamka u tago waxaan kula talin lahaa war shiikha buuqa badan ka daaya meel xun baad ku wadaan

    Wixii aan ku gefay Alle ayaan uga towbad keeni

    Raaxeeye
    Mogadishu
    Somalia

  43. Ali says:

    WAXAAN AAD ULA YAABAY ULANA CAJIIBAY QOFKASTAA OO DIIN GARANA LAYAAB KU NINKA MANBARKA FARIISTAY OO SHEEKHNIMADA SHEEGANAYA OO WALIBA URUR DIIN SHEEGANAYA IYO JIHAAD GUDOOMIYAHA U AH INUU U HAYSTA MAANICUZAKAAT IYO MUSAYLAMATUL-KADDAAB DAGAALKII AY SAXAABADU LA GALEEN MID MUSLIMIIN AY KU DIRIRAYSAY !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    ILAAHAYOW, YAA RABBII WAXAAN KAA BARYAAYAA IN AADAN ARLADAADA MAKININ JAAHILKAAN IYO WIXII KU NOOC AH OO DIINTAADA KU IFTIROONAYA……………..AMIN AMIN AMIN AMIN

  44. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    Waqti gaalo isu diyaarinayso weerar cirka iyo dhulka ah in ay ku qaado dhammaan mujaahidiint miyaad shiikh xasan daahirow u fatwoonaysaa xizbiga iyo axmad madoobe in ay ayana dagaalka wadaan ! ! !.

    sh.xasan ma kula habboon tahay inaad ka feer dagaalanto maraykanka ?

    sh.xasan intaad muxaadaro ka jeedinayso ku biirida sh.xasan turki uu ku biiray shabaabka
    maad ka hadasho sidii la isu kaashan lahaa
    loona midayn lahaa cududda mujaahidiinta.

    sow lama oran karo sh.xasan wuxuu qarka u saaran yahay inuu ku meelgaarka ku biiro?

    waqtigaan ma ku habboontahay in walaalahu ay
    xisaabtamaan ?????

    WALLAAHU ACLAM.

  45. oday says:

    asc

    inta ay jiraan xisbul islaam iyo alshabaab sidanna ukala qaybsanyihiin dhallinyaroow mustaqbalkiinu macadda ee hallaga joogsado taageeradooda naf iyo maalba iyadoo cadaadis lagu saarayo inay midoobaan.

  46. Cali Guure says:

    somalimirror

    Faalladan shalay qorey weli maydan siin OK dii kama dambaysta ahayd. Sidee wax yihiin. Waa sidaa oo aan weli xeeriyey.

    Tan kale, aniga oo xog ogaal ah iguma cusba warkan, horaan u qorey oo la igu colaadiyey. Alla mahaddii haddii maanta warkii uu caddaadey.

    Waxaan shaki iiga jirin khaadim iyo saaxiibkiisa Maxamed inay la aamusan yihiin fitno ka carar. Waayo jabkan waa na soo wada gaarey. Maalinta ay lahaayeen waa gaaloobey Axmed Madoobe waan ku diiday si diini ah….waa asafaa waa igu ceebayeen.

    Maanta xaqii baa muuqday oo sh Xasan Dahir baa caddeeyey.

    Haddii shabaab u jeedaand diin iyo walaaltiniimo waxaa la gudboon inay la midoobaan Xisbiga calaa asaasi al kitaab walsunnah oo hoggaanka ooga dambeeyaan sh. Xasan Daahir.

    Haddii ay wadaan adduunyo jecelkii Kismaayo oo kale dee waxaan isku wareesan doonna marka gaalada iyo gaal la jireenka laga soo cararo Badda Madow iyo diif oo Axamed Madoobe ka taliyo.

    Ilaahow hanagu fitnayn xalalsiga dhiigga muslimiinta, aragti gaabni iyo adduunyo jecayl

  47. hymo says:

    Somalimirror Admins,

    Maxaa ku dhacay commentskaygii? Waxay u muuqataa idinka ma ogolidin in Xasan Daahir Aweys siduu wax u wado wax laga sheego. Waa lagu hadli odaygaan xukun raadiska iyo Shareecada is dhex wada. Shariif Axmed isagaa maxkamadaha ula yimid isagoo hab qabiil u fikiraya. Isagaa Ereteria tegay oo wax ka aasaasay UDS (ARS) isagoo og in Shariif Axmed iyo kooxdiisu mujaahidiinta howdka uga tageen isagoo u galay safiirka nimanka TUNKA WAAWEYN.

    Haddii shareecada uu Xasan Daahir sheegayaa ay ka run tahay maxaa ku qasbaya inuu ku dheganaado Axmed Madoobe, Kenya in lala xidho, UNka in lala macaamilo, iyo in buuq lagu afuufo wiilasha dhufayska ku wada jira?

    Muxuu ugu haystaa Shariif Axmed Maraykan baad la xiran tahay isaguna ugu dhegan yahay UN iyo Kenya?

    Ikhwaani yaan la ina maaweelin. Aniga siday iigu muuqato Shariif Axmed, Axmed Madoobe, iyo Xasan Daahir nimankaas TUNKA WAAWEYN bay u shaqeeyaan waxa uu Xasan Daahir ku haystaa Shariif Axmed waa xukunka oo kaliya. Waxaan jecelahay inaan fikirkaas ku qaldanahay Alle ayaana denbi dhaaf weydiistay wixii qalad ah ee aan ka galay Xasan Daahir Aweys.

    FG: Axmed Madoobe markii uu Jubooyinka dagaalka ka bilaabay wuxuu lahaa Yaa Absame ah, yaa Kablalaxa ah. Ka warama nin sheeganaya inuu dhacan yahay oo heshiiskii Kismaayo looga baxay haddana tola’ayeey yaa reer hebel ah la soo shir tegaaya. Ikhwaani ninkii Alle dartiis xaqa u jihaadayaa qabyaalad kuma dhaqmo. Waxaa ay kaga tageen islaamiyiintii dhabta ahaa ee ku jiray Raaskambooniyiinta waxay ahayd qabyaalada uu dabada ku wato Axmed Madoobe. Ninka saana baa Xasan Daahir rabaa in naloo sharaxo oo Shiikh Xasan Turki lala barbar dhigo oo weliba la rabaa in la yiraahdo waa laga gardarnaa?

    Haddii aad jeceshihiin in Islaamku guulaysto oo aad qabyaalad iyo caqiido kala saaraysaan dhegaysta qudbadii sheekh Cabdul qani kabajecel. Ninkaan aqoon u lahayn u lahayn sheekh Cabdul qani kabajecel waxay isku reer yihiin Axmed Madoobe.

    Waar dagaalka uu soo abaabulay Faarax Dawaare (Ku xigaha gudoonka Parliamentka Kenya) iyo ‘kuwa kale oo kasii shisheeya’ oo Axmed Madoobe loo soo dhiibay yaan ummada Islaamka xaq loogu sheegin oo weliba Xasan Daahir aayado Qur’aanka ah u daliilsan. Fura maskaxdiina, Alle ka baqa, oo runta sheega iskana dhaafa nin jeclaysiga.

  48. khadar says:

    waa wax laga naxo. waxa uu ku doodayo xasan daahir. waana arin ninkasta u cad oo caqli leh oo muslim ah in odayga uu hunguri doon yahay

    odeygu maanta wuu qiray in uu yahay nin waxa dhan oo uu raadinayo ay tahay xukun iyo dhaqaale

    sidee adiga oo nin muslim ah oo jihaad ku jira hadana gaaladii aad la jihaadeysay aad dhulkooda u gaysan kartaa dhaawacaaga bal
    fiiri arinkaas?

    tan labaad hadii adiga jihaadka uu fiisabililaah kaa yahay maxaad u jihaadi wayday un maxaad u rabtaa in aad xisbi samaysatid si aad adigu uga talisid hadii waxa aad doonaysid ay yihiin jihaad oo kaliya maad intaad qoriga qaadatid walaalahaa dagaalka la gashid. mayee mahane adiga arin kale ayaa kuu cad waxayna tahay alshabab kuuma ogala in aad hogaamiye noqotid marka waa in aad wado kale oo aad hogaamiye ku noqotid heshid tana waxay kuu keenaysaa facshar iyo ceeb waana lagaa adkaanayaa insha alah waxaadna u fashilmaysaa sidii tuugadii qabqablayaashii dagaalka u fashilmeen ilaahyna maalin ayuu kula xisaabtamin

    tan sadexaad waxaan doonin umada somaliyed iyo walaalaha islamka ah oo diinta daacada ka tahay in ilaahy uu kala saarayo sida muuqata muminka iyo munaafiqa ilaahy waxaan ka baryeynaa in uu muminiinta guuleeyo si dalka diinta islaamka loogu xukumo si dadka cadaalad loogu sameeyo ilaahow muslimiinta guulee aaaaaaamiiiiin yaa alah

  49. cabdulaahi - a says:

    waalane yare
    waxaan kuu sheegayaa islaamku xukunkiisu ma’ah sidaad usuuraysay in uu yahay kaligii talis ama diktaatoornimo
    islaamku wuxuu qabaa shuuraa oo ah wada tashi xor ah , suurat dhanbaana magaceeda la yiraahda wada tashi, xagay waxaas kaa mareen.
    golahaas wada tashiga waxay samayn karaan haduu hogaamiyuhu xumaado sida haday gaalnimu kuso dariso -allaah baan ka magan galnee- in ay badaalaan xoogba ha u isticmaalaan hadii laga fursan waayo.
    adigase dimuquraadiyo gaaleed baad amaanaysaa oo aaminsantahay xukunka in uu shacabku lee yahay haduu rabo gaal ha doorto ama yahuud ama nasaaro iwm. anagana waxaan aaminsanahay in uu alaah kaligiis xukunka leeyahay , marka waxaan hubaa in aad diinta taqaanid laakin waxaad un rabtaa dadka masaakiinta ah in aad ku daba gadisid adoo gaalo u shaqaynaayo , allaah waxaan waydiisanaynaa in uu shartaada naga kaafiyo .

  50. Cali Guure says:

    Hymo

    Mubdhil waaxid. Alla iyo addoomadiisa midna kama xishoonaysid. Sidee ku dhihi warka raqiiska ee aad qortay oo aad Alla berri ula hortagi dooontaa. Yaab.

    Raxeeye,

    Sheekh masladan si cilmi ayuu u taxriiriye ee talbiiska iyo taxriifka dhaaf.

    1- Muusan oran dagaalkii cali iyo mucaawiye dunyawi ayuu ahaa.

    2- Axmed Madoobe oo ah sargaal sare oo ka mid ah Xisbiga Islaamka sheekh Xasan waxaa uu ugu gargaaray sida kitaabka iyo sunnada ku sugan. Waa uu taxriiriyey masaladan si cilmi ah, waxaa uu daad xoorka ku darey beentii iyo takffiiriintii ay sameeyeeen shabaab.

    Si cilmi ah umaadan jawaabin waxaad ku gadashey inaad marin habaabin iyo ay cidla aad jiirto.

    Tan hunguriga adduun iyo daliil xumida shabaabka ee Kismaayo waa mas’alad mutawaatir. Dhaalibul cilmi kasta waa og yahay, umana baahna in mujaahid sheekh Xasan lagu xag xagto.

    3) Tan Sheekh Xasan Turki, sheekh Xasan waxaa uu adeegsan karey hadallo ka fiican kuwii uu adeegsadey laakin xaraan uu ku dhacay ma jirto.

    Haddii aad sheekh Xasan Turki taqdiisinayaan waa arrin kale. Wuu naqdiyey keliya isaga oo adeegsadey alusuul albayaani oo sariix ah.

    Isku duuduubo hadalka sheekha Xasan Daahir waxaa daaha ka qaadey waxa dhullaabu cilmiga iyo dadweeynaha ogaayeen. Taasoo in ashurul xurum la wareeray Mujaahid Axmad madoobe isaga oo wada hadal u fadhiya. Waxaa la weerarayna yahay Xisbiga. Xisbiga xaq u leeyahay inuu iska difaaco shabaabka banneystay dhiiga mujaahidiitna kambooni iyo hoggamiyaha xisbiga ee degaankaasi Axmad madoobe.

    Haddii aad shabaab ka baqaysaan ama cabsan tihiin Madaxda Xisbiga mowqifkii salafka ayay istaageen oo diideen manhajka takfiiriga ee shabaab.

    Haddii la rabo in wax la xalliyo, shabaab ha
    -joojiyeen weerarka
    -Ha loo saaro culimo xukun ka soo saarto arrintan

    Haddii shabaab diidaan sida ay hadda sameeyaan khasab weeye in Xisbiga iska dhiciyo shabaab oo weliba ka saaro inta ay ka joogaan jubbooyinka maadaama ay marin habaabiyeen ujeedada jihaadka, banneysteena dhiiga mujaahidiinta.

    Khaadim

    Hadii Alle la xisaabtamay rasuulka scw iyo saxaabada iyada oo dagaallo ku jiraan, maxaa loola xisaabtami waayey shabaab oo banneystay dhigga mujaahidiinta iyada ash-hurul xurum lagu jiro.

    Waxaa ii muuqata in habkii suufiyada la rabo in wax loo malmaluuqo. Waa dhamaatay markii ay shabaab dadka afka qaban jireen ee si cilmi ah ha loo doodo, haddii kale hala iska aamuso.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Xasan Daahir:“Dagaalkan wuxuu nala yahey Dagaal xun oo fitno ah oo u kaalmeynaya Cadowga”.
  2. Sh.Xasan Daahir oo ka hadlay Qorshaha Dagaal ee Suufiyada.
  3. Sh.Xasan Daahir Aweys “in Mujahidiintii dhex-deedii ama Dadka soomaaliyeed ee iska nabada ahaa in lagu jeediyo Xabaddii ama warankii lagu jeediyo waxyaalahaas ayaa Qalooc ku jiraa”
  4. Sh Xasan Daahir:“Walaalaha Safka iskula jira aad haleysu Ixtiraamo”.
  5. Sheekh Xasan Daahir “Wax macno ah kuma fadhido Natiijada Codeynta Baarlamaanka Cusub ka soo baxday”.

Latest Headlines