Sh. C/Raxmaan Abyad oo saaka maxkamad lasoo taagay xabsigi u kordhisay

Published on March 3, 2010 by   ·   8 Comments   ·   print

Waxaa saaka maxkamad ku taal magaalada Kobenheegan ee dalka Denmark la horgeeyey Sh. C/raxmaan Axmed Cilmi (Abyad) oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee deggan dalka Denmark. Sh. C/raxmaan ayaa labadii usbuuc ee lasoo dhaafay ku jiray mid kamid ah xabsiyada magaalada Kobenheegan iyadoo sababta xariggiisa ay ciidamada ammaanku ka yiraahdeen hadallo is daba marsan.

Sh. C/Raxmaan ayay  ciidan aad u hubeysan oo soddomeeyo ah gurigiisa ka soo qabteen taariikhdu markay aheyd 18/02/2010 iyagoo xariggiisa u cuskaday in dad loo maleynayo Soomaali ay ciidamada ammaanka soo gaarsiiyeen  in sheekha iyo xubno dhowr ah oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ay maleegayeen shirqool lagu dilayo madaxa xisbiga cunsuriga ah ee lagu magacaabo “xisbiga dadka Deenishka” (Dansk Folke Parti).

Xubnihii kale ee sheekh C/Raxmaan lala xiray ayaa isla maalinkiiba la siidaayay kadib markii ay tuhmadaasi dhaboobi weyday. Sh. C/Raxmaan ayey Booliisku ku reebteen xabsiga iyagoo  arrintaas ku sababeeyay in sheekha loo heysto lacag tiradeeda saxda ah aysan booliisku xaqiijin, caa’ilada sheekhuse ay ku sheegeen in ay aheyd 500.- oo karoone oo u dhiganta in ka yar 100 doollar.

lacagtaas oo jaraa’idyada dalkan ay ku sheegeen cadadyo kala duwan ayay boolisku sheegeen in ay aheyd mid been abuur ah ama faalso ayna doonayaan in ciidamada amnigu ogaadaan halka ay ka timid iyo waxa lala rabay.

Haweeney waayeel ah oo sheekha eeddo u ah kuna nool guriga sheekh C/Raxmaan ayaa booliska u xaqiijisay in lacagta loo heysto sheekha sax iyo qalad waxay tahayba ay iyadu leedahay kadib markii ay haweeneyda maxkamad saareen.

Dadweyne aad u tiro badan oo muslimiin ah kana kooban jinsiyado kala geddisan, degganna dalka Denmark ayaa saaka waxay  soo hordhoobteen maxkamadda si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan sheekha, goobjoogayaalna uga ahaadaan waxa halkaa ka dhacaya.

Maxakamadda ayaa saaka sheekh C/Raxmaan mar labaad ku xukuntay in xabsiga lagu sii hayo laba usbuuc oo kale si bey yiraahdeen mar labaad ay maxkamaddu u dhageysato sheekha eeddadii oo iyadu iska leh lacagta boolisku sheegeen in ay darteed sheekha u heystaan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan maraakizta Silaamiga ah oo uu hormuud ka yahay markaxka Attawxiid ee sheekhu fadhiyi jiray ayaa wali wada dadaallo aanan kala go’ laheyn ayna ku doonayaan sidii sheekh C/Raxmaan xorriyaddiisa loogu soo celin lahaa jaaliayadduna meel uga soo jeedsan laheyd wixii hadda ka dambeeya sidii ay uga gaashaaman laheyd in lagula kaco xadgudubyo noocan oo kale ah una ilaalin lahaayeen sumcadda iyo karaamada jaaliyadda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. C/Raxmaan Abyad iyo rag kale oo ay booliiska Denmark xabsiga dhigeen
  2. Sh. C/Raxmaan Abyad oo markii ugu horreysay xabsiga lagu soo booqday
  3. Nin Aflagaadeeyay Islaamka oo Maxkamad la soo taagay
  4. Xafladeheenna iyo sharciga Islaamka, Sh. C/Raxmaan Abyad
  5. Fiqhiga bisha ramadaan, Sh. C/Raxmaan Abyad

Readers Comments (8)

  1. mustafe Mohamed says:

    ASC walaalayaa

    waa wax caadi ah in gaaladu ay istimaashao dariiqooyinkaan marka aty rabaan in ay xabsiga dhigaa qof aan dambiile aheyn waxa sameeyaa waxa loo yaqaano Dawgal taas oo minaheedu yahay in dambi dusha looga duuro qof aan dambi laheyn sida ka muuqata case kan lagu haysto sh/Cabdiraxmaan

    marka waxa aan leenahayh ilaah ha ka badbaadsho dhagarta iyo shirqoolka ay maleegayaan gaaladu
    sidoo kale waxa aan la wadaagayaan dhamaan umada muslimiinta ah gaar ahaa kuwa ku nool danmarka in ay garab istaagaan sh, iyo eheladiisa sidii loo difaaci lahaa sh, hiil iyo hoo inta (ilaa ayaa la jira mar walba kuwa ku sabra dhibaatada u soo gaarta diintiisa darteed)

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    asalaamu caleykum sheikh abyad
    marka hore ALLAH ha kaa badbaadiyo gaalada iyo dhagartooda marka xiga iskaga soo tag gaalada wadankooda haduu ALLE ka so daayo insha alaah

  3. m. abshir says:

    ilaahow ka siidaa shiikha gaalada gardarrada ku haysata

  4. mohamed says:

    asc qwr wbr ,,,,walaahay waa wax lala yaabo………..gaalo waa iska gaalo lama yaabayi ,,laakin waxaan aad ula yaabay somalida jaajuusiinta ah ,,ee aduunyada meelwalbo culimada jaajuusaya,,,,,,,,somalimirror aad ayaad u mahadsantihiin jasaakumullahu khayran ,,,waxaan idinka codsanaynaa inaad noo soo gudbisaan wax walbo oo iska badala sheekadan aadka u fooshaxun ee ay dowlada danishku kula kacday sheekh Cabdiraxman Abyad.

  5. Cali Guure says:

    ACW.

    Ducaadda waa la imtixaanayaa, insha Allah sheekh Cabdiraxmaan waa ka badbaadi doonaa.

    Dhacdadan waxay ii muujisay Soomalida deggan dibadda in aysan lahayd aragti toosan oo midaysan markii dhibkani oo kale dhaco.

    Waxaa loo baahan yahay in jaaliyad kasta oo Soomaaliyeed oo dibadda ku nool leedahay

    1-Kayd culus oo dhaqaale oo lagu bixiyo

    a) Qareenno leh sumcad ballaaran
    b) Goobo Qubuuro gaar ah, laga baxo sheekada na soo gaarta mar walba oo sheegaysa in duugta qabiil qabiil loo baxsado ama loo uruursado
    c)Idaacad ama TV ku hadla af Soomaaliga oo maxalli ah
    d) Masaajidyo (badi waan maqlaa inay leeyihiin)
    e) Cod midaysan oo ay ku saameeyaan dorooshooyinka

    Iwm

    Ilaahow sheekha sug, gaaladana fadeexadee.

    Haloo duceeyo……Aamiin

  6. Abu Axmed says:

    asw
    waxaanu alle weydiisanaynaa inuu shiikha nooga soo daayo gaalada xaqdarada ku haysata aamiin aamiin

  7. Hoobaan says:

    Sheekh C/Raxmaan Ilaahay ha ka soo samatabixiyo xabsiga gaalada.

    Sida taqriirkan ka muuqata sheekha waxaa lagu heystaa waa mu’aamaraadkii lagu yaqiin gaalada in ay u dhigaan ahalka Islaamka si ay ugu helaan dariiqo ay ku dulmiyaan. Waxaase aad la yaab iila leh kuwa jawaasiista ah ee hunguriga ka hdex raadinaya ka war geynta dadka muslixiinta ah.

    Xadhigga Sh/Cbdraxmaan waxaa iska kaashaday koox jawaasiis oo dalalka gaalada ku busaaradeystay iyo dowladda camiilada ah ee Shariif-luggooyo oo dhowaan caadaqaatayaal ka tirsan socod tajassus ay kusoo mareen dalalka yurub qarkood, dalalkaas oo an u maleenaa iney danmak ku jirtay.

    Janaqow iyo Daahir Geelle oo garwadeenno kahaa socdaalka jaajuusnimo kusoo maray Yurub qaarkeed ayaa sida dad xog ka hayay ay caddeeyeen in ay farta ku fiiqeen maraakista iyo ducaadda qaarkood oo ay ku tuhunsanaayeen inay ka soo horjeedaan siyaasadda dowladda camiilada ah ee Shariif lasoo gamay.
    Janaqoow hadallo laga haayaa waxaa ku jiray “Annaka dowladaha aan booqannay waa nagu ugaarsahaayeen iyikoo fiirsahaayeen dadka noo imaahaa, kii na reed marana waa daba kacaayaan, qafkii isagoo nasoo booqahaa la arkayna waa layska dhaafaa kii nasoo dhowey waayana argagixisada inow la jiryaa u caddaaheysay dalalkaan tagnay ee”
    Wixii ka dambeeyay safarka labadaas nin Soomaalida deggeneyd meelihii ay mareen far dheer ayaa kaga godneyd dhinaca gaalada.

    Arrinkaas oo leh qaraa’in badan oo muujineysa ayaa waxaa u markhaati kacaya markii ay yimaadeen waddammadan aysan helin soo dhoweyn u qalanta rag heer wasiirro ah oo howl qaran usoo baxay dal kalena booqasho ku yimid, iyadoo waddammadii ay booqdeen kula kulmay saraakiil hoose oo heer degmo ah aanan aheyn heer qaran, heer baarlamaan iyo heeerwasiir toona, sidaa daraadeed sababta Vissaha loogu oggolaaday waa la iska maleyn karaa in ay tahay in shaqo aan nadiif aheyn lagu qunsado.

    Raggaas oo wasiirro ka sheegta dalkeennii waxaa kasii daran kii madaxweynaha ku magacownaa laftiisa in uusan iyagaas ka agab sokeyn oo safarkiisii ugu muhiimsanaa isaga intii uu noolaa ee uu mareykan ku tagay waa Shariif lasoo gamaye markii uu halkaa gaaray meeshii uu calaaqaad wanaagsan u sameyn lahaa dadkii tabaaleysnaa ee uu kasoo tegay iyo jaaliyadda ku dhaqan dalkaas ee dadaalkooda sokeeye iyo shihseeyaba ka ragta noqdeen ayuu wuxuu bilaabay sidii uu wax ka sheeggooda ugu gaalada ugu dhowaan lahaa.
    Shariif lasoo gamay wuxuu si waqaaxa leh weerar qaawan ugu qaaday maraakista Islaamiga ah isagoo hadal uu jeediyay af labadii kaga dhawaaqay in maraakistu ay ka shaqeeyaan xagjirnimeynta iyo maskax doorinta dhallinyarada isagoo waalidiinta ugu baaqay in ay ilmahooda ka waardiyeystaan markaakista islaamiga ah, dowladda mareykankuna isha ku heyso dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahaas. Soomaalidu waxay tiraahdaa geel duqdiisii durdurisay maxaad aarankiisa ka fileysaa?? Meesha madaxweynihii shaxaad ka raadsanayo in uu dadkiisii jaajuuso maxaa laga fili karaa wasiirradiisii busaaradeysnaa ee diin iyo ammaano ay kala jaanqaadeen?

    Waxaa arrinkaa sii xoojinaya oo kale in nimankaas Shariif hor boodayo meeshay maraanba laga maqlayo wax lala yaabo oo aanan horay uga jiri jirin annaga oo tusaale usoo qaadan karna in maalin dhoweyd markay Janaqow iyo Daahir Geel tageen ingiriiska ay dowladda Ingiriiska soo rogtay in xarakada Ash-shabaab aanan laga oggoleyn dalka Ingiriiska iyo Shariif lasoo Gamay oo xaafadda uu Xamar ka joogo Ingiriiska ugala soo tinnaagoonayo taageero iyo sacab si isagana Vissa loogu soo diro si uu ayaamo uga madaxqarsado waxa Xamar ka socda, belada uu Xamar u keeneyna u safriyo dadka masaakiinta ah ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK maadaama qof kasta oo ka mid ah lagu tuhmi doono in uu calaaqo la leeyahay islaamiyiinta u diriraya inay dalka ka difaacaan Shariif iyo qolada dabada ka wadda.

    Janaqoo iyo Daahir hadda in ay Mareykan jiraan baa la sheegay ee ha la dhowro waxa ay halkaa ka dhigaan.

  8. Cali Guure says:

    Akh Hoobaan.

    ACW

    Tacliiq taxliili ah oo wanaagsan.

    Shariifka iyo kooxdiisa waxay kaga daran yihiin Cabdullaahi Yusuf iyo mooryaantiisa waa rag yaqaan ducaadda iyo manaahijdooda iyo ragga meelaha ay kala joogaan.

    Marka waa ikhwaankii aala sheekh oo maanta dagaalkii u rarey meelaha ay Sooomaalida qaxootiga ku joogto quraanjana ku jafaya.

    Yusuf Caynte ayaa nin waydiiyey sababta ay machad Yahuudda leedahay oo magac jarmal wata ugu qaban qaabinayo shirkii Jabuuti ee lagu sheegay dastuur u dejinta Soomalia ku fadhiya waxa ay ugu yeereen shareecada. Jawaabtii uu bixiyey ayaan la yaabay.

    Marka dagaalka maanta waa uu dhaafay gacanta keliya waa dhoofin iyo tajfiif almanaabic fil khaarij.

    Ogow Islaax dowr bay ku leedahay.

    Dagaalkan waxaa kale uu i soo xusuusiyey isaga oo af iyo qalin qura markii Maxamed Dheere, Garyare, Cali Dheerahan Muqdisho nala jooga oo Islaax raggii samaystay ahaa naga dhaariyeen inaan Kuwayt ama hayadaha Islaamka dacwada Soomaaliya wax ka hesho.

    Ugu dambayntii iyagii xaaqnay inkasta oo juyuub weli jirto laakin middan waxay u eg tahay xaaliqa.

    Allahuma mustacaan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. C/Raxmaan Abyad iyo rag kale oo ay booliiska Denmark xabsiga dhigeen
  2. Sh. C/Raxmaan Abyad oo markii ugu horreysay xabsiga lagu soo booqday
  3. Nin Aflagaadeeyay Islaamka oo Maxkamad la soo taagay
  4. Xafladeheenna iyo sharciga Islaamka, Sh. C/Raxmaan Abyad
  5. Fiqhiga bisha ramadaan, Sh. C/Raxmaan Abyad

Latest Headlines