Ugu yaraan 12 Qof ayaa ku geeriyootay 50 ka badana waa ay ku Dhaawacmeen Dagaalo iyo Duqeymo is bar-barsocday oo 24 kii saac ee u danbeysay ka dhacay Qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Dhaawaca soo gaaray waxaa ka mid ah 7 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee ku taala Suuqa Bakaaraha ka dib markii uu ku soo dhacay Madfac u muuqday in laga soo riday Fariisimaha Ciidamada AMISOM.
Dhaawacyada ayaa intooda badan la gaarsiiyay Isbitaaladda Magaalada Muqdisho, Isbitaalka Madiina waxaa la gaarsiiyay 27 Dhaawac ah, halka Isbitaalka Dayniilana la gaarsiiyay 16 Dhaawac ah. Waxayna Dadka Dhaawacmay isugu jiraan Rag, Dumar iyo Caruur
Dagaalkani ayaa dhex maray Ciidamada DKMG ah iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Al-Xisbul Islaami oo is-garabsanayay.
Dagaalkani ayaa xoogiisa ka dhacay Tarabuunka, Isbitaalka Xooga iyo Nawaaxiga Warshadii hore ee Caanaha.
Waaliga Gobolka Banaadir ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa Sheegay inuu Dagaalka Bilowday ka dib markii ay Dhaq-dhaqaaq sameeyeen Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo Isbahaysanaya.
Sheekh Cali wuxuu xusay inay iyagu Gacanta ku dhigeen Goobihii lagu dagaalamay.
Waaliga wuxuu ugu Baaqey Islaamiyiinta ka soo horjeeda DKMG ah iyo AMISOM inay Midoobaan si ay Cadowga ugu Adkaadaan.
Dhanka kale Yuusuf Indha Cadde oo u waramay Idaacadda Horn Afric ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay inaysan Wax Horumar ah sameyn Dhinacii ay la dagaalameen.
4 qof ayuu sheegay inay ka dileen Xoogaga ka soo horjeeda, mar la weydiiyay khasaaraha dhinacooda soo gaarayna wuxuu sheegay inaysan jirin wax ka dhintay balse ma inkirin inuu dhaawac soo gaaray.
Xaalada Goobihii lagu Dagaalamay ayaa saaka degan, waxaana mararka qaar la maqlayaa Rasaas Teel-teel ah oo u muuqata Mid is-liif liif ah.

Related posts:
yuusuf indha cade ha u yeerto qabiilkiisa xataa axmad daahir awees dagaalka waa ku jiraa asagoo joogo london,
xisbul islaamna waa shaatiyo batay’
ilaahoow muslimiinta ugargaar
KKK
WAA IGA SU AALE KUWAAS MA MUJAAHIDIINBAA..
XAMAAS YAHUUUDA OO DHAN CIIDANKEDA AYAY IS KA CELIYEEN AYAGA OO HUB BADAN HAYSAN.
TALIBAN NATO OO GAALO OO DHAN KUWA UGU XOOGA BADAN KU JIRAAN AYAY IS CAABINAYA.
KUWA SOMALIYA AFAR GAALA AH IYO CALOOSHOOD U SHEEQAYSTAYAAL AYAY MEEL YAR KA SAAARI KARIN , SHACABKA AYAY RABA INAY LAA YAAN BAS,,
WALAALAYAAL BAL U FIIRSADA WAAN GUULAYSANAYA AYAY MAALIN KASTA LEE YIHIIN.
WAA GUUSHEE … SAAAN MIYAY U FAHMEEN MACNAHA MUJAAHIDNAMADA ,,
ANIGU GAALADA IYO KUWA LA SOCDA MA TAAGEERSANI , LAAKIIN BAL MAR DAGAAL MA JOOGSADA AH HA LAGU QAADO NIMAN,,,,,,,
haddii Alla idmo waxaad arki doontaan Shacabka Somaliyeed oo meel oga soo horjeesta Alshabaab iyo burburka alshabaab oo dhaw waayo uma arka inay xaq ku taagan yihiin. waxa ummada loo barakicinaayo waa kursi jacayl.
kk
walaal qabiilka aad sheegaysid waa qabiilka uu ka dhashay AADAN CAYROW allaha u naxariise iyo C/laahi salaad iyo kuwa kale oo badan , markii ay noolaalee qiimaha jihaadku lahaa iyo sidii ay gaalada cashirka ugu dhigi jireen waa la ogaa .
marka kuwa adiga oo kale ah ee buka ay is ku soo hareen 5000 oo african ah ayay meel ka saari la yihiin…..
ee haddii aad qabiil u jiran tahay taariikhda soo aqri .
gubta soomaaliya wax ha ka sheegin
NINKA LA BAXAY XAAMUD WAR MA HAAYO, WAXUUNA LA JIRANYAHAY QABIIL SIDA KA MUUQATO,
MIDA KALE WAA YAAB SOO MA OGA IN INDHACADE UU AHAA NINKII UGU DARNAA EE LA DAGAALAMAY ITOOBIYAANKII ISKU DAYAY IN AY NA GUMAYSTAAN.
SOO MA OGID INDHACADE IN UU KU DHAAWACMAY DAGAALKII ITOOBIYAANKA MUDO LABO JEER AH.
SOO MA OGID IN UU MAALINA UU KA DAGAALAMAAYAY GOBOLADA DHEXE MAALINE MUQDISHO
IYO ISKU XIRKIISII IYO IN UU XATAA LA WAREEGAY SHABEELADA HOOSE AYADOO ITOOBIYAANKA WADANKA AAN KA BIXIN OO MAAMUL KU SHEEG DOWLADA UU KA DHISNAA.
MAAMULKAASOO AAD U CAAWIYAY MUJAAHIDIINTA XAGA SOCODKA IYO XAGA SIRTA
WAR YAAN LA ABAAL DHICIN KOLEY RUNTA MARKII WAXAAN LAGA BAXO AYAA LA OGAAN DOONAA OO LA QORI DOONAA
LAAKIIN RAGII DALKA KA SAARAY ITOOBIYAANKA ALLAHAA BARAKEEYO INTA NOOL INTA DHIMATAYNA ALLAHAA U NAXARIISTEE SOO MA OGID IN INDHACADE U HOREEYO,KA DIB SHEEKH C/QAADIR CALI CUMAR, AASBURO OO SHAHIIDAY, KAMAANDOOS, MADAXIHII JABHA ISLAAMIYA ISLOOW, ABUU MANSUUR, IYO RAG KALE OO DHALINYARO AHAA OO QAARNA SHAHIIDAY ALAHAA KA AQBALO.
HADA LAKIIN LA SOCDO IN HOOSHA AY JAHWAREERTAY OO MAATA LAYN IYO RAG ISKA CELI IYO KURSI DOON AY WADAAN RAGA OO DHAN,
DHAN KASTE OO AY YIHIIN SIDA CAD NIN DIINTA ALLAH NOO WADO MA JIRO OO DHAMAAN DHINACYADA WAA WAREEREEN OO UU IINDHACADE KA MID YAHAY, SHABAAB KA MID YIHIIN IYO SHEEKH XASAN DAAHIR OO RUNTII AH NIN MUHIIM AH, LAAKIIN DHAMAAN TALO MA HAAYAAN WAANA MUUQATAA EE CAADIFAD YAYSAN IDIN QAADIN EE ARIMAHA FIIRIYA OO AKHRIYA TAARIIKDA KA DIB WAX DHAHA
MIDA KALE SOO MA OGIDIIN IN SIYID MAXAED C/LLE SAXAN TAARIIKDIISII LA QARIYAY OO UU SOO SAARAY KACAANKA WAXAA LOO YAQAANAY MAXAED C/LE XASAN KA HOR KACAANKA MUJRIM DANBIILE QABIILIISTE DADKA ISKA LAYN JIRAY, LAKIIN MARKII SI SAX AH LOO BAARAY TAARIIKDIISA OO LA DARSAY WAXAA LA OGAADAY IN UU AHAA AMA AAN NAQAANAA MUJAAHID, MUSLIM ,GEESI WADANI OO GAALO MEEL SAARAY
WAXBA MEEL DHAW HAKA FIIRININA ,MIDA KALE INDHACADE IYO SHABAAB WAXA AY ISKU QILAAFEEN HADII LA BAARO WAX BADAN OO AADAN OGEEN BAA SOO BAXAAYO
SHUKRAN