Gabadh Muslimad ah oo Fasal looga Ceyriyey Niqaabkeeda dartiis.
By Somalimirror on 3 Mar, 2010 4:37 PM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Ardayad Muslimad ah ayaa Dacawad u gudbisay Gudiga Xuquuqul insaanka Dalka Canada kadib markii laga ceyriyey Fasal kamida Iskuul kii ay dhiganeysay Niqaab ay wadatay awgeed.
Wargeys ka soobaxa Dalka Canada gaar ahaa Magaalada Montreal ayaa sheegay in Gabadhan oo Masaari ah isla markaana qaadatay Dhalashada Dalka Canada laga ceyriyey Xisada Luqada Faransiiska ee gaarka u ah Muhaajiriinta iyadoo lagu colaadinayo Niqaabka ay Xireneyd.
Gabadha ayaa diiday inay Wajigeeda ku feydo fasalka dhexdiisa maxaayeelay Rag ajaaniba ayaa meesha joogay waxayna codsatay inaan lagu qash-qashaadin Dadka hortiisa.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in Macalimadii Fasalka iyo Maamulkii Machadka ay Gabadhii ku qasbeen inay gadaal tagto dibna u siijeesato laakiin arintaa waxaa ka carooday qaar kamida Ardadii kale ee Fasalka.
Xaalada ayaa kagudubtay Machadka iyo Maamulkiisa waxayna gaartay Wasaarada Muhaajiriinta dalkaas taas oo November-tii tagtay ansixisay in gabadha Muslimada ah Fasalka laga ceyriyo.
Daabaco

BISMILLAAH.
gabar muslimada oo masaariya oo dhalashada kanada haysata oo ardayad ah baa macalimaddii fasalka iyo maamulihii machadka ay dhiganaysay isugu tageen si ugu sheegaan gabadhaas inaan meeshaas ISLAAM iyo waxa la xiriira ISLAAMKA
aan laga kanada oo dhul gaala ah , isla markaas
waxay jees jees ku tahay dadka muslimiinta ah
xuquuqdooda iyo diintooda , waxay kaloo darsi u tahay dadka doorbaday inay dhul gaalo ku noolaadaan.
fircoonka masar xukuma waa diiday niqaabkii, sh.azharna waa diiday xijaabkii , hadde gabdhaha muslimiinta ah ee masaaridu xaggee aadi doonaan si ay u xirtaan xijaabka ALLAAH ku
waajibiyay gabdhaha muslimiinta inay qaataan ?
aaway xurriyaddii la sheegi jiray ? aaway xuquuqul-insaankii lagu faani jiray ? aaway janadii la yiri waa taalaa ameerika iyo yurub?
god ka guur oo qanjo u guur miyay noqotay ?
haddaba waxaa ummadda muslimiinta ah la gudboon
inay seef iyo qori caaraddiis ku raadsadaan xaqqooda kuna ilaashadaan diintooda kuna soo dhacsadaan karaamadooda .
sow lama gaarin waqtigii laga soo noqon lahaa waddamada gaalada oo la garab istaagi lahaa mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan ??
WALLAAHU ACLAM WA ACDAL WA ARXAM WA AQWAAA.
khaadimul-ISAAM | Mar 3, 2010 | Reply
Asc Wr Wb Bishaaro waad liibaantay walaasheena muslimadaayeey lakin adigana ku dhegnaaw niqaabkaaga iyo diintaada xabsiba hakula gaartee intaa kedibw axaan leeyahay gabdhahana soamaliyeed qaata dharka iyo asturaada alle idinku farad yeelya
Free Falastiin!!!! | Mar 3, 2010 | Reply
marka kowaad waxay usoo haajirtay oo nolol kasoo raadisay wadan gaalo ah,,tan labaad waxay ogalaatay in ay rag ajaanib ah la fadhiisato fasalka..laakiin waxay diiday inay furto niqaabka wajiga,,
war diinta ha laga daayo cayaarta iyo istuska.
waalid | Mar 3, 2010 | Reply
Waalid
sidii waalid waayeela wax u eeg waxaa dhici karta in inanta iyado caruura waalidkeed keeneen aanay khayaarkeeda ku iman.
Mida kale hadaabad tagto dhulka kufaarta ma khaladbaad ku jirtaaye sii muquuraa?
Fasalka hadaanay ragga fadhiga lawadaagin e gabdhaha lawadaagto maxaa u diidaya?
Waxaan rajeynaynaa haday muslimiintu hab dadnimo iyo isku duubniyi ku jirto u tallaabsadaan in xuquuqo badan so dhacsan karayaan.
Marka Waalid muslimiinta hareer walba cadawbaa u taaganey walaal wuxuun jud ka dheh inantana Waalid uducee in ALLAH sugo iyada dulman daalac ha uraacane
Abu-salman | Mar 3, 2010 | Reply
As/c walaalah muslimiinta ahoow bal eega cadaawada gaalad u qabto muslimiinta nadaamka islaamka gabadha muslimada ah kaliya ariku ma ahane waa naceeb looqabo diinta islaamka
Dawiila | Mar 3, 2010 | Reply
as/w/w.
waxaa weeye walaalayaal hala barto diinta fikir ma ahan iyo waxay ilatahay,waxaan ku raacsanahay yarkan yiri diinta halaga dhaafo cayaarta iyo istuska, sababtoo ah arintani waa inay fahamtaa gabadhani iyo kuwa kale oo lamid ah dhoorkan arin.
1-niqaabku ma ahan waajib ee waa suno ama sida dadka qaarkood yiraahdaan mas,ala qilaafiya.
2-waxbarashadu waa waajib diini ah hadii ay tahay mid duunyo iyo id aaqiro intuba marka looma baabi,inayo shey aan waajib aheyn(niqaabka) shey waajib ah oo ah ( aqoonta).
marka waa in ay dadku fahmaan walaalayaal fiqhi owlawiyaad waxa layiraahdo.
marka intaas ayaan kusoo gabagabeynayaa hadalkeyga.
mahadsanidiin
abu yasin | Mar 3, 2010 | Reply
asc wr wb waxan ku fikir ahey walaalkeen abu yaasiin iyo waalid waa cajiib fasal wiilal iyo gabdho ah ayey wax ku baraneysa maxey wejiga ka daboolaneysa teeda kale niqaabku waa sunne, diinta waa la fududeeyey ee yaan dadka lagu cusleyn waxan marmar wax is weydarsan jirney gaber yahuud ah oo aanisla shaqeyney diinta muslinka waa diin raxmad ah naseexa iyo naxariis ah, markey iiga sheekeysey diinta yahuuda aad baan u yaabey waxyaabo badan baa iga yaabiyey balse mid baan soo qaadanaya waxey igu tiri diinta yahuuda waxa la kala ilaalinayaa hilibka iyo caano iney wada kulmaan hal weel ama rooti caano lagu sameeyey inaad hilib ku cuntid ama farmaajo iyo hilib in ey weel wada galaan waxey igu tiri jikada guriga yahuuda meesha la dhigo fargetooyinka waa 2 meel kuwo lagu cunno hilibka iyo kuwa waxyaabaha kale lagu cunno waa wax iga yaabshey waxyaabo badan baa jira sida haweneyda caadada ama xeylka qabta iyo ninkeeda in 2 qol kala seexanayaan ,,,,,, walalayaal ALLAAH SWC wuu noo nimceeyey ee diinta islaamka ku qabsada gooys danbeedka kana daaya ad adeyga iyo xerxernaanta A DIINU NASEEXA NAXARIIS IYO RAXMAD.
umu anisaa | Mar 4, 2010 | Reply
Abu yasin
sxb ra’yi maha baad tidhi nususna maanad shegine nin uun bbd ra’yigiis ku raacday.
Jahligu marbuu qofka udhuunta isago is moodaya inu aqoon leeyahay eraygan Istusku waa acmaalul quluub ALLAH baa yaqaan.
1-NIQAABKU waa shay diini ah asaalatan inu diin yahay khilaaf kama taagna e khilaafku waa xukunka uu qaadanayo
2-walaalada qoray tacliiqaadka cid tidhi waa waajib kuma jirto waa guux kugu jira (XAAJATAN FII NAFSI YACQUBA)
3- ta kale qofku xuquuqdiisa wuu udoodaa oo doontaa (GARTAADA WAA LA QOTAA) gabadhu dabagaab wey ku dhigan kartaa schoolka marka la raaco xuquuq ku sheega tana xaqbay uleedahay.
4-waxbarashada haka tagto lama odhan FARANSIISNA waajib maha.
5- doraad waxan daawanayey soomaali la shiray wasiirka arimaha gudaha e ingriiska waxaa fadhiyey goobta hablo niqaaban xaq bayna u leeyihiin.
6-Minaaradaha masaajida e gaalada reer yurub qaardiideen kuwo culumo sheegtaa ku yidhi waajib maha.
Yaa kala hadlay wujuubkeeda curfiga muslimiintu muctabar maha sharcan?
Jahliga waxaa udaran ka aanad is ogeyn!!
7. Awlawiyaadka shariicadu leedahay maha iftiraadiyaadka gaalku ku saarayo e muslimkaa leh inu miisaanto KULLIYADKA JUZ’IYADKA AWLAWIYADKA IYO IKHTIYARIYADKABA.
Muslimiinta ha ugu gabanina sharicadooda.
Abu-salman | Mar 4, 2010 | Reply
walaal way mahadsantahay laakiin niqaabka in sidaa loogu sii talax tagaa ma fiicna, waxaan u soo jeedin lahaa inay niqaamka iska dhigto oo aanay isku dhibin, waayo gabadha muslimada ah waxaa loo ogolyahay in wajigeeda iyo gacmaheeda uun ay muuqdaan sida uu Nebigu(NNKH) ku yidhi Asma Bint Abii Bakar.
adadayga lagu adaygo sunnayaasha qaar ka mid ahina hadday dhib ka wayn keenayaana waxaa haboon in la isk daayo
Yuusuf | Mar 4, 2010 | Reply
asc. w wb.
salaan kadib cadaawada muslinka looqabo mid hada in labandhigo ubaahan maaha waayo qof aan lasoconmalaha. qof qaflad iskaga jira mooyee waana in xaqa loo hiiliyaa nasrigii illaahay noo sheegay si lagu helo.
arinka gabadha soamliyeed ee ay wax qisadani ku dhacdo ugu danbaysayna waxaan ka dhihi lahaa hadee hadii aad beled islaam joogtid ayaaba GURYIHIIN AKU KAAADA LA IDIN FARAYE ADOO BELED KUFAAR JOOGA HADAD LUGAHAAGA KUDOONATAYIS EED ADigu.
waxaan se kula talinayaa shacabka soomaliyeed ee qurbaha soo galay inay hadiiba ay kamaarmi waayaan madaarista kufaarta in ay wixii aan denbi weyni uga ratimayn ay san isku cuslayn.
hada naqaab ay dhib kusoo jiidatay iyo inay gurigoodii ku ekaan weydo keebaa naska kusoo arooray adagyahay.
waxaa nasuus adag inay guryahooda ku ekaadaan aweenka muslinka ahi.
marka halaga feejignaado in laga horyimaado adeecida eebe oo wixii dhibaato ka imaanayso loo adeegsadaa QAFU DARAREN .LABA DHIBAATO MIDII DARAN IN LAGA TAGO MIDA FUDUDNA LAQAATO.
wabilaahi tow fiiq.
dr.boss double | Mar 4, 2010 | Reply
nacam ya akhil aziz wa lagaray wakhtigii aan difaaci leheen diinteena & dadkeena.
abu musab somal | Mar 5, 2010 | Reply
Asc ikhwani diintani islamka ninka aminsan oo rumeysan yuu san umaleyn in uu asigoo la imtixaanin in uu jannada galidoono walaalayaal waanal imtixaani aan sabirno Allah Akbar.
???????? | Mar 6, 2010 | Reply
As.w.w. wad salaman tihin dhaman musliminta idilked. kadib waxaa iga yaabiyey gaalo markey wax dhib ah noogeysato dad muslim ah oo kufrigiiba kaaga daran. Waxaan maqli jirey Ninbaa walaalkii ladiley markaasu intuu qori soo qaatey yiri war ninka yaa diley dadkiiba ugu jawaabey gaalo ayaa dishey markaasu yiri walee gaal nin iyo lababo waa dili.hada halki ayan taaganahey walalayal gabadha walaashen ah e gaaladu dhibka ugeysatey meeshan garabsiin laheyn maxan ceeb ugu raadinaa waa arin khalad ah haday gabadh xuntahey niqaab maysan ku dagaalanteen sida dadka qaar ayey odhan lahey meel laga il la yahay hadad tagto ishaa la iska ridaa. marka walalayal bal eega imisa naag oo qaawan aya canada joogta cid dhar xidho leh majirto halka gabadh ee niqaabka qabtana sidi loo qaawin lahaa aya geed dheer iyo geed gaaban la isku taagey walalayal indhaha fura arintu niqaab kaweyne wadada xaqa ah ayaa la isku fadhiyaa naarta inaan wada galno weeye wacadkoodu. shaydaan ayaa alah hortiisa kabalan qaaday arintaan walaal iska jira waa cadowgena iyo cadowgii allah subxaanah.
Nasru_diin | Mar 24, 2010 | Reply
Asc
salaan ka dib gabadhan waa gabadh caqiido fiican allah siiyay allahna waxaan uga baryaynaa inuu ku sii sugo diinta laakiin waxaan u digayaa dadka cambaaraynta u soo jeediyay gabadhan allah swt toosiyay ee xaqa ku diriraysa ee waajibaadkii ku tilmaamaya nathaair nusuusta taxriifinaya fiqihul awlawiyaadna sheegaya iyagoon garanaynba wax la dhoho Fiqhul awlawiyaat………wasalaam
axmed | Mar 29, 2010 | Reply
asalaamu calaykum..
Jamca wanagsan dhamaan walalaha,gabadhtan walsheen ee dhibka kala kulantey fasal kega waxabn allah ka baryaya inu sharkoga ka qabto samir walashay wa imtaxan aan u samirno insha allah anaguba wa nalaug caya oo iska tuur ala yidha wax kastan ka kulanay wanse u samreyna sharkogana allah ka magan galna horta dadka islaamka uma wanagsna inay joogan dhul gaalo oo fasuuq ah waxa u wanagsna dadka islaamka iney dal islaam tagan illahay waxna ka baryeeyna inu dalkena inagu celiyo inaog nab aad qabna amiin ya rabbi amiin
SISTER ISLAAM | Apr 2, 2010 | Reply
walaalayaal walaasheena muslimada ah ee diinteeda ku adkaatey ee gaaladu sidaa u galaysa waa in wax laga qabto haa waa run in uu niqaabku waajib ahayn waa la og yahay ee hadana way fiicantahay in aad caqiidadaadu fiicnaato anigu waxxaan odhan lahaa iska wado waxbarashadaada oo niqaabka is ka dhig inaguna walaalayaal aynu seefta galka ka saarno si aynu diinta u difaaci lahayn.
WA SALAAMU CALAYKUM WA RAXMATU LAAHI WA BARAKAATU.
sister | Apr 27, 2010 | Reply
acwb
salaanta islaamka kadib gaaladu waxay ka dhaceen nolosha waxayna rabaan in muslinkuna kala dhaco sidaa darteed soomaalidu waxay ku maahmaahdaa baroortu orgiga kaweyn niqaabka arintu kaweyn oo waxaa lala dagaalamayaa waa diinta islaamka ee dadka muslimiinta sheeganaya ee ra,yiga gaalada ku shaqeynayaa ha ogaadeen in ay aakhiro la soo xaadirayaan waxaan uga jeedaa markii arin la sheego gaaladu ay sameysay dad muslin sheeganaya ayaa gaaladii ka dheereeya oo difaacaya ee horta kuwaas aan meel cad uga soo harno in aqoon daro ugeysay iyo in ay nimanka toos ula shaqeeyaan oo munaafiqiin yihiin
oo dadkaasi waxaan leeyahay naagaha qaaqaawan ee galaaska fadhiya mala oran karaa dhar soo xirta jawaabtu waa maya sidoo kale gabadhan muslimada ahna lama oran karo wajigaaga feyd ee nimanka gaalada ku fikirkaahow intaas u sheega oo weydiiya dimoqraadiyadii ay sheeganayeen meesha ay aaday
wcwb
farxaan | Jun 14, 2010 | Reply