Khubaro ku xeeldheer Arimaha Magaalada Qudus iyo Muqadasaadka Islaamiga ee Falastiin kuyaal ayaa ka digay in Gumeysiga Yuhuuda ee Jariimooyinka kawada dhulalkaas uu qorsheynayo inuu Sanadkan 2010-ka Magaalada Qudus iyo Masjidka Al-aqsa Sahyuuniyada loogacan galiyo.
Khubaradan ayaa Carabka ku adkeeyey in Ciidamada Gumeysiga Yuhuuda iyo Kooxaha Xagjiriinta Yahuudeed ay sii laba jibaareen Xoog kugalka Masjidka Al-aqsa Axadii la soo dhaafay ayna doonayaan inay fuliyaan qaraarka lagu Yahuudeynayo Xaramka Ibraahiimiga iyo Masjidka Bilaal.
Ra’iisul wasaaraha Xagjirka ah ee yuhuuda Binyamin Netanyahu ayaa isbuucii tagay Iclaamiyey qaraar Yuhuudu Xaramka Ibraahiimiga iyo Masjidka Bilaal oo ku kala yaal Khaliil iyo Baytu laxam ugu darsaneyso dhulalkii ay horey Xooga ugu heysatay.
Wasiirkii hore ee Owqaafta Urdun Raa’if Najmi ayaa sheegay in Sanadan Masjidul Aqsaa, Magaalada qudus iyo dhamaan Muqadadaaska Dhulalka lagumeysto ee Falastiin Yuhuudu lawaregi doonto wuxuuna sabab uga dhigay Dadaaladii Siyaasiga ahaa, kuwii Muqaawamada iyo Radulficligii Shacabka oo lawaayey.
Ciidamada Gumeysiga Yuhuuda ayaa la sheegayaa inay Muslimiinta ka hor istaageen Masjidka isla markaana u fasaxeen kooxaha Yahuuda kaliya.
Maamulka Maxamuud Cabaas abu Maazin ayaa ka soo horjeestay xitaa in arinkaa laga mudaaharaado, Dr. C/lla Macruuf oo wax kadhiga Baytul Maqdas ayaa Ficilkaas iyo aamusnaanta Muslimiinta oo dhan ku tilmaamay inay Yuhuuda ku dhiiri galineyso siiwadida Yahuudeynta Muqadasaadka.
Sacuud abuu Maxfuud oo khabiir ku ah arimaha Qudus, Masjidul Aqsaa iyo Muqadasaadka Islaamiga ayaa sidoo kale sheegay in 2010 uu yahay sanadka lagu Yahuudeynayo Masjidul Aqsaa.
Maxfuud oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“kudhaqaaqida Yuhuuda ee arinkan wuxuu bilaabanayaa 16 March wuxuuna ku bilaabanayaa in kooxaha Yuhuuda ahi Xoog ku galaan Masjidka Al-Aqsa iyagoo Fulinaya qurshaha u dagan”.
Waxa uu intaa ku daray in Bishii koowaad ee Sanadkan Xaramka Ibraahiimiga laga Aadaamay kaliya 25 jeer oo kamida 150-ka aadaan ee loobaahnaa, wuxuuna intaa ku daray kaliya inay harsantahay in Xaramka lagu qoro Magaca Yuhuuuda.

Related posts:
BISMILLAAH.
WALXAMDU LILLAAH.
WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.
ammaa bacdu :
waxaa fardu cayn nogu noqonaya inaynu ka saarno
yuhuudda masjikaas hadday soo galaan, waana waajib dhammaan muslimiinta oo dhan fuulaaya, waxaase is waydiin leh ? maadaama magac carbeed
wax lagu xorayn waayay ma ogolaan doonaan carabahaan yuhuudda waardiyeeya inay muslimiinta u ogolaadaan in dhulkooda laga duulo ? iniga soomaali ahaan waxaa is waydiin leh see uga qayb qaadan karnaa , waxaanba iska xorayn waynay axmaaro iyo mooryaane ?
WALLAAHU ACLAM
insha allah laa taxsan inalaaha macanaa hadaan nahay muminiin
as/cl walaalayaal waxaa soo dhow bishaaradii nebiga ee eheyd in yuhuuda iyo muslimiinta ay is dagaali doonaan oo geedka iyo dhagaxa uu dhihi doono yaa muslim yaa cabdalaah haadaa khalfii yahuudi tacaal faqtul weyna dhici doontaa inshaa alaah hadaynu muslimiin nahay arintaan waxay timaaday markaan jihaadka ka tagnay oo aan raacnay xoolaha aana ku ganacsanay ribada marka aynu jihaadkii ku laabano wado aan asaga eheyn guul kuma heleyno ee haya calal jihaad yaa muslimiin wabilaahi towfiiq.
gargaarka illahey wuu imaanaya insha allah . horta hore muslimiinta midnimo ha sameeyaan oo wadaninimo iyo qaranimo meel ha iska dhigaan muslimku ha midoobo meel wlaba uu joogana ha difaaco arintaan waa arin muslimka u taal falastiin uma taalo iyo carab kaliya
Waxaan ugu baaqayaah muslimiinta jihaadka falastiin in laga qebqaato oo yuhuuda lagu jihaado naf iyo maalaba lohuro
Inshalah.alle.waxanka baryeyna.inmuslimint a muminiinta.ah.qalbi goda imanku kujiro.in arinkas.aykahortagido onaan anagana macod a.ayaan nahay.alaahu akbar.alle.ayey sharaf usugnatay.iyo.rasulkis a.iyo mumininta.yuhu d iyo.galada lasocotan a.dhabarka.lagajabini. Bidnilahi.karim.
Ilaahay wuxuu yiri hadal sidan guud loo macneyn karo:Ha nuglaanina hana murgina idinka ayaana sarreynaya haddii aad tihiin mu’minii. (???????????????????????????????????)
IKHWAANII GUUSHA KUWA LAHAAN DOONA WA MUSLIMIINTA
—————————————————————
—————————————————————
Ka: Somalimirror
Ku: Ukhtulmuslimiin iyo walaalaha kale ee tacliiqaadka qora
Walaal annagoo kaaga mahad celineyna tacliiqaaga waxaan kugu wargelineynaa in aan tirtirnay aayaddii Qur’aanka aheyd ee aad af laatiiniga ku qortay kuuguna beddelnay aayadda macneheeda si aan kalaamka Alle uga ilaalinno taxriifka.
Adiga iyo walaalaha kale waxaan idinku wargelineynaa in aanay beegtooneyn in lafdiga Qur’aanka lagu qoro af aanan aheyn kii lagu soo dejiyay haddii aysan jirin wax arrintaa qasab ka dhigaya (Daruuro) sidaa daraadeed waxaan si xushmad leh kaaga codsaneynaa in aadan wixi hadda ka dambeeya Qur’aanka ku qorin af aan aheyn carabi.
Mahadsanid
Maamulka Somalimirror
Asc ya ikhwani Ilaahay wuxuu yiri hadal sidan guud loo macneyn karo: Innagaa soo dejinnay dikriga (Qur’aanka) innaga ayaana ilaalneyna (?????????????????????????????????)
———————————————————
———————————————————
Ka: Somalimirror
Ku: Farhan iyo walaalaha kale ee tacliiqaadka qora
Walaal annagoo kaaga mahad celineyna tacliiqaaga waxaan kugu wargelineynaa in aan tirtirnay aayaddii Qur’aanka aheyd ee aad af laatiiniga ku qortay kuuguna beddelnay aayadda macneheeda si aan kalaamka Alle uga ilaalinno taxriifka.
Adiga iyo walaalaha kale waxaan idinku wargelineynaa in aanay beegtooneyn in lafdiga Qur’aanka lagu qoro af aanan aheyn kii lagu soo dejiyay haddii aysan jirin wax arrintaa qasab ka dhigaya (Daruuro) sidaa daraadeed waxaan si xushmad leh kaaga codsaneynaa in aadan wixi hadda ka dambeeya Qur’aanka ku qorin af aan aheyn carabi.
Mahadsanid
Maamulka Somalimirror
BISMILLAAH.
meel hoo u baahan hadal wax kama taro , yuhuud muslimiinta tartiib tartiib bay dhulkooda isugu
fidisay, taasna waxay u suura gashay markii ay
waddamada muslimiinta ay ka xayuubiyeen diintii
ISLAAMKA IYO XUKUNKIISII, taasoo ay ku guulaysteen inay samaystaan waardiyaal ilaaliya
xudduuda ay xaaraanta ku haysato, saas baadan u
maqlayn in masar iyo suuriya iyo urdun iyo lubnaan iyo turkiya iyo dhammaan inta ku xigta in waddamadaas ay siidayn karaan mujaahidiin ka anba qaada dhulkooda si ay ugu jihaad tagaan
dhulka barakaysan oo yuhuudu xaaraanta ku dhacday .
muslimoow baraarug, muslimoow diintaada u noqo
WALLAAHU ACLAM.
Ra’yigayga
muslimiintu maanta waxay u baahan yihiin ugu horayn inay fahmaan
1- In waxa musliminta hortaagani ay yihiin Xukumadaha ka taliya dhulalka muslimiinta.
2- In muslimiintu guud ahaan isku si ufahmaan JIHAADka.
Si aanu ugu muuqan mid koox gooniya ugaar ah sida maanta in badan oo muslimiin ihi u arkaan.
3-In shucuubtu mawqif cad oo ku aaddan muqadasadka musliminta ka dalbaan culaysna ku saaraan xukuumadaha
4- in da’yarta muslimiinta meel walbay joogaan samaystaan ururo nabadeed o ku taamaya muqadasaadka ka maqan xitaa goobaha cayaaraha ka muujiyaan.
5- In culumada muslimiintu fataawi cadcad u gudbiyaan xukuumadahooda aanay ku jirin labacsanaan iyo dahsoonaan.
6- Intaa iyo kuwo kaleba marka laga helo mujtamaca muslimiinta ayey sahlanaan karay in la helo ummad midaysan isku dhan ujeeda.
Asalaamu Alaiukm
Waan ku farxay warkaan aad noo qorteen
Mahadsanidiin.