Xagee marayaa dhismihii Markazka Dacwada Al-xikma ee Gaalkacyo.

Published on March 1, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Waxaa wali si habsami leh u socda dhismaha Markazka Dacwada Al-Xikma ee Magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana la dhagax dhigey 15/06/2009 ( Sawiro ).

Howl-wadeenada dhismaha Markazka waxey ku warbixiyeen Qorshaha gabagabeynta dhismuhu inuu ahaa inuu dhamaado dhamaadka sanadkii ina dhaafay ee 2009-ka.

Balse dibu dhacaas waxey ku sababeeyeen shaqada oo istaagtay intii u dhaxaysay bilihii September ilaa December, codsi uga yimid walaalaha kale ee shaqada qaybta ka ahaa, waxa uuna xilligan ku dhow yahey gebo-gebo ka dib markii dib howshii loo bilaabey, sida laga dheehan karo muuqaalka Sawirada.

Howl-wadeenadu waxey sheegeen in markii hore lagu qaymeeyey dhismaha Markazka $120,000, balse dib u habayn lagu sameeyey naqshada oo dhismaha qaybo muhiima oo sinaba aan looga maarmin lagu daray ayaa kharashkii waxaa ku kordhay $10,000.

Waxey sidoo kale sheegeen in Shirkada dhismaha wada ay u hartey lacag dhan $52.500.

Sidaa daraadeed waxey sheegeen dhamaan walaalaha khayrka jecel iney ugu baaqayaan dal iyo dibadba inay ka qayb qaataan dhameystirka dhismaha Markazka oo xilligan gebo-gebo ku dhow.

Qeyb kamida dhismaha Markaska

Dhismaha markazka

Muuqaalka Dhismaha oo socda

Qeybo kamida Dhismayaasha Markaska ee uu dhismuhu ku socdo

dhismo qabyo ah

howsha dhismaha oo socota



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xagee Marayaa Dhismaha Markazka Al-xikma ee Gaalkacyo
  2. Warbixin:- Markaska Al-xikma ee dacwada iyo hanuuninta ee magaalada Gaalkacyo
  3. Markazka Dacwada Soomaaliyeed ee Denmark oo $1467 Agoonta ugu deeqay.
  4. Markazka Cusub ee Imaamu-Malik oo lagu furey Dowro Sharci ah.
  5. Xaggee marayaa dhismaha Masjidka Al-Rawda ee Magaalada Boosaaso?

Readers Comments (6)

  1. liibaan says:

    masha allah hala badiyo qayrka

  2. maxamed says:

    ha labadiyo khayrka hana lagudaydo wixii wanaag ah

  3. Faisa says:

    Waan ku faraxsanahay qayrkana hala badiyo

  4. fadumo says:

    mansha allah waa harmar waxku ool ah waana loo bahan yahay ee halkaas kasii wada wax u qabadka dadka.

  5. rafiiq says:

    walalaha furay markazkaan waxaan ogabaahanahay markazka macluumaadkiisa mahadsanidiin

  6. rafiiq says:

    waxan rabana iinaa wax kaogano markizka




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xagee Marayaa Dhismaha Markazka Al-xikma ee Gaalkacyo
  2. Warbixin:- Markaska Al-xikma ee dacwada iyo hanuuninta ee magaalada Gaalkacyo
  3. Markazka Dacwada Soomaaliyeed ee Denmark oo $1467 Agoonta ugu deeqay.
  4. Markazka Cusub ee Imaamu-Malik oo lagu furey Dowro Sharci ah.
  5. Xaggee marayaa dhismaha Masjidka Al-Rawda ee Magaalada Boosaaso?

Latest Headlines