Taariikhdu markay ahayd 25th Feb 2010, ayaa waxaa kulmay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia Dr. Maxamed Cabaas iyo agaasimaha guud ee xafiiska ardayda ajaanibta Associate Professor Dr. Jamaal Axmed Badi. Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska “International Students Division” oo ka tirsan jaamacada caanka ah ee lagu magacaabo “International Islamic University Malaysia (IIUM) ( Sawiro ).
Guddoomiyaha Jaaliyadda ayaa codsi u gudbiyey jaamacadda, codsigaas oo ahaa in Jaamacaddu marti-qaad rasmi ah “official invitation” u dirto safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia danjire Maxamuud Colow si uu safiirku uga soo qeyb galo tar-tan bandhig-dhaaqameed ay jaamacadu qabanayso, maamulka jaamacadduna si wanaagsan ayuu u soo dhaweeyey codsigaas.
Waxaa jira bandhig-dhaqameed lagu magacaabo “Ummatic Week” oo ay jaamacaddu qabato sanad walba, bandhig-dhaqameedkaas oo ardayda ajaanibtu ku soo bandhigaan dhaqamadooda kala duwan.
Bandhig-dhaaqameedkan “Ummatic Week” waxa la furay maanta oo taariikhdu tahay 1st March 2010, waxa uuna socon doonaa afar maalmood. Habeenka ugu danbeeya tartankan waxaa ka soo qeyb gala madaxda sare ee jaamacadda iyo waliba safiirada wadamada ka qeyb galaya bandhig-dhaaqameekan oo uu fadhigoodu yahay Kuala Lumpur.
Hadaba waxaa xusid mudan in Soomaaliya aysan safaarad ku lahayn dalkan Malaysia, taas ayaa keentay in guddoomiyaha jaaliyaddu ka codsado jaamacada in marti-qaad rasmi ah loo fidiyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Indonesia, si uu uga soo qeyb galo habeenka ugu danbeeya ee natiijada lagu dhawaaqi doono. Booqashada safiirka ayaa la filayaa in ay dhiiri galin weyn siiso ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya tar-tankan.
Sanadkii lasoo dhaafay ee 2009 ayaa ardayda Soomaaliyeed soo hooyeen guul weyn ka dib markii ay ku guulaysteen bandhaqameedkaas oo ay ka qeyb galeen arday ka socotay wadamo aad u fara badan. Waxaa kale oo xusid mudan in ardayda Soomaaliyeed ay kaalinta koowaad ka galeen tar-tanka bandhaqameed sanadku markuu ahaa 2000 iyagoo waqtigaas ka guulaystay wadamo gaaraya 90 wadan. Sanadkaas waxaa ahaa guddoomiyaha ardayda Soomaaliya Maxamduud Nadiif (Quraysh).
Maamulka Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia waxa uu ka codsanayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida degan Malaysia in ay ka soo qeyb galaan habeenka natiijada lagu dawaaqayo si ay taageero iyo dhiiri galin u siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galaysa tar-tanka bandhig-dhaqameedka “Ummatic Week 2010”.
Goobta lagu qabanayo tar-tankan waa:
Cultural Activity Centre (CAC),
International Islamic University Malaysia
Jalan Gombak, 53100 Kuala Lumpur
Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee
Jaaliyadda Soomaalida Malaysia
Dr. Cabdulqaadir Ismaaciil Shire (Dr. Daaci)
somalicommunitymalaysia@gmail.com

Related posts:
BISMILLAAH.
waxaan idiin rajaynayaa inaad ardayda aad siin doontaan xisooyin loogu tababro jihaadka iyo sidii loo baran lahaa difaacul-ISLAAM iyo xuquuqda muslimiinta oo dhan iyo dhulkooda , waxaana xusid mudan in masjidul-AQSAA uu idiin yeerayo haddaad tihiin dad muslimiina , ee ma laga yaabaa in mujaahdiin dhaba ay ka yimaadaa jaamacaddaas ?
WALLAAHU ACALAM.
Soomaalida reer Malaysia, sharaf ayaad leedihiin ee dadaalka halkaas ka sii wada.
To khaadul-ISLAAM,
Walaal marka hore Mujaahidka ma aha Plate Number and taariko la xirto mana aha kan dagaalka safaynkaa ku jira. Markay timaado tan labada saf ee gaalada iyo muslimiinta, qof waliba mar ayuu ku soo biiraa e inta waqti gaar ah ka maqan meeshaasna aan joogin denbi kuma leh.Teeda kale goobaha barakaysan iyo Jazeeratal-alcarab marka laga reebo islaamku dunidoo dhan ayuu xaq u leeyahay e dhul gaar ah oo tilmaani ma jiro hadaanan khaldnayn. Waxaad ogaataa in dadka musliminiinta ahi yihiin dad iskabaaya oo shaqooyin kala duwan haya loona wada baahan yahay shaqooyinkaas. Waxaad ogaataa aduunkan aan ku noolnahay majirto daqiiqad oo wareegta oo aan Adan salaadeed soo geleyn laga soo bilaabo bariga Fiji ilaa halka caalamka Galbeed ugu xigta. Sxb marka xagal keliya wax haka eegine aragtida balaari.
Mahadsanid
wxa aan aad iyo aad ugu dhiiri galinayaa ardayda soomaliyeed iyo kuwa kale ee islaamka ahba in ay aad ugu dadaalaan barashad cilmiga shrciga iyo maadigaba. waxana aad ogaataan waxa lagu kala sareeyaa aduunka waa aqoonta ee dadaal noqdana kuwii cilmigooda ku anfaca islaamka iyo muslimiintaba Insha ALLAH.
WA BILAAHI TAWFIIQ.
Asalaamu Alaikum
Wilasheena soo baxaaya ee berrito waddankaas hagaamin doono Insha Allahu noqda, iskuna xirnaada
si aad u kala faaideysataan.
Waxaan idin leeyahay Mabruuk.
BISMILLAAH.
ku : sitaha [adoon Eebe ]:boogta kaa danqtay ma
xisadda aan ka codsaday jaamacadda in ardayda lagu baro jihaadka miyaa ka danqatay ? waxaas oo hadala ma jihaadkaa ku dhibay ? mase jaahil baad ka tahay in jihaadku uu yahay cilmi u baahan in la barto ? mase waligaa maadan soo akhrisan [kitaabul-jihaad] ama [baabul-jihd]? waxaase dhici karta inaadan ka fiirsan waxa kaa
soo fakaday.! ! !
dhulalka muslimiintu ku raaxaysanayaan waxay ku
heleen jihaadkii RASUULKU CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM uu baray umaddiisa , ee ha qaadan in daacdaacsi iyo daacaqurun looga saaray gaalada
marka yaa hal xagal wax ka fiirshay ?
Waa in dhammaan jaamacadaha oo dhan lagu bartaa
wax kasta oo k tacaluqa difaaca ama hubka noocyadisa kala duwan si haddii si kadis ah loogu soo duulo ay ummaddu ugu ahaato diyaar haddii oo aad tababar siinwaydo ummadda waa lagaa adkaan.
jihaadku waa nolol dhaba iyo karaama dhaba.
WALLAAHU ACLAM.