Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka tirsan Ururka Al-Xisbul Islaami ayaa ka hadlay Arimo Dhowr ah oo ku saabsan Qorshihiisa Dagaalka, Xiriirka Kenya & ONLF kala dhexeeya iyo arimo kale.
Axmed Madoobe oo Waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka warbixiyay halka uu ku suganyahay wuxuuna yiri“waxaan ku suganahay Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan waxaan ku suganahay Degmada Af-madoow agagaarkeeda”.
Wuxuu kaloo ka hadlay Qorshaha Dagaal ee uu damacsanyahay wuxuuna ku tilaamey mid ay la gelayaan qolyaha ay is hayaan ilaa ay dalka ka saaraan awoodoodana burburiyaan iyagoo kaashanaya Shacabka, siduu hadalka u dhigay.
Wuxuu intaa ku daray “Dagaalkayagu wuu soconayaa, Waliba Dagaal kulul baanu Qaadi doonaa oo Cid kasta oo Barnaamijkaas lug ku yeelata waxaan isku Dayaynaa inaanu Talaabo ka qaadno haddii Alle yiraahdo”.
Axmed Madoobe wuxuu Baaq u diray Culimaa’udiinka Soomaaliyeed wuxuuna yiri“Waxaan u jeedinayaa Dadka Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo waxaan leeyahay war waad arkaysaan Soomaaliya Godka ay ku Dhacayso, Mirihii Jihaadka Meesha uu ku dhacayo, waad Arkaysaan Mirihii Dacwadda Meeshay ku dhaceen, Waad Arkaysaan In-xiraafka Manhajka ah ee Meesha ka socda, waad Arkaysaan Dhalinyaradii yar-yarayd Dhibaatadda loo geysanayo waxa lagu sameynayo”.
Dhinaca kale Wuxuu iska fogeeyay inuu Xiriir la leeyahay Dowlada Kenya wuxuuna yiri “ Kenya Ciidana nooma tabo-barin, Ciidan kenya leedahayna Ciidankayaga ka mid ma aha, Kenyana wax lug ah oo aanu ku leenahay ma jirto”.
Sidoo kale wuxuu Beeniyay inay is-garabsanayaan Ururka ONLF, wuxuuna yiri“Qadiyadda ku saabsan ONLF, ONLF waxaan u aqaanaa urur ka dagaalama gudaha itoobiya, waa urur la yaqaano oo halkaa ka dagaalama wax sabab ah oo hadda keenaya inuu gobolkan ka dagaalamo iyo inaan is-garabsano midkoodna ma garanayno, haddii lacala ay tahay magac qabiil ama aano qabiil baa dhinacaas jirta oo magac loo waxaynayo dee waa waji kale oo aan is-leeyahay magacyo been ah oo kale oo la sameyn karaa jirta, laakiin qadiyadaas wax ka jira malaha, wax sabab ah ama wax baahi ah oo keenaysa hadda iyo ururkaas barnaamij noocaas ah nagu dhexmari karo midkoodna ma jirto, marka qadiyadaas waxaan is-leeyahay waa wax been ah, waa arin ay ku marin habaabinayaan dadkii mujaahidiinta ahaa oo ay ku kala gaynayaan oo ay rabaan inay dhibaato dhexdooda ku abuuraan”.

Related posts:
waa yaabe axmed madoobe midabba badanaa,yaa u sheega oo yiraahda yaan adiga lagu safayn ee caga dhigo,qolyaha aad is haysaan uma babac dhigi kartid ee dadkaaga dhinac ka raac mujaahidkii turkina iyaguu ka mid yahay,haddii mirihii jihaadka iyo dacwada turki marin habaabinayo caddee oo soomaalida u sheeg,kollay soomaalidu adiga iyo turki waa kala taqaan kiinna mujaahid ah,wax soomaalidu isku xeerisona waa isu tihiin baan maqlay,markaa odayga piyo raggiisa u bannee saaxada oo ka xisho sodoggaa dhaqan soomaaliyeed iyo mid islaam toonna maahee.
TO:- Run Sheeg
Walaal WaaD Mahadsan tahay, waxaana Filayaa Caqliyadaada Unbaad cabirtay -Laakin Adiga iyo Nin Bdaanaa Labaxa BIN FAQIH,- Runta iyo Xaqiiq Ka Hadalka Waad Ka Fog Tihiin,- Waxaadna Wax Ufahansan tahay,- Ninka Xgooga Badan inuu Xaq Ku Taagan yahay ama Ninka Dadka Badankii Raacaan inuu Xaq Ku Taagan Yahay- Mujaahidna yahay,- Waxaan Ku Sheegayaa Shareecadu Sidaas ma,aha Halkaasan wax Kama EEGTO Dulmane Iyo Dulme Ayay Ka EEGTaa, SH. Axmed Madoobe- Waa Dulmane ,-Shabaabkuna Waa Dulmi wadayaal- Iyagaana Gar daran-Adilada Aan Ku cadaynayo Inay Gar daran Yihiin Sharciyan Iyo Caqliyanba Waan Ucadaynayaa ,Hadaad Ubaahato, OO Aan Hubsado Inaad Tahay Nin Xaqa Raacaya, Indhuhuna Ufuran Yihiin- xasan Turki ayaa Raacayna Daliil Ma,aha Xaqa lagu Miisaamayo Waayo xaqa Qof Laguma Miisaamo Adiladaa Lagu Miisaamaa-Mida kALE ANAGAA kISMAAYO JOOGNA Waaba Xanuunsanayaa Odagyga Turki aha ,inuu Duurka wareego Ma Awoodi Karo- Shabaabkuna Ama Waan Ku Dilaynaa ama Nagu Biir ayay Ku Yiraahdeen- Ileen Waxoodu Sharci -Iyo Usuul Diini aha Midna Kuma Socdee
Alaha XAQA Nawaafajiyo
AHMED MAXMED ISLAAN (MADOOBE)
ILLAH KACABSO QABIILKA YUUNA KU NAARGAYN WALAALOOW KHAYRBAA LAGUGU AQOON JIREE GAALO HAKA FARXIN WAA SAHAL INAAD JAWAB CAD AMA QIIL USHEEGI KARTO DAGAALKA AAD KU JIRTO HADA AMA WAQTIGA XADIRKAN LAKIIN BIRITO QIYAMAHA MARKII LA ISTAAGO JAWAABTU WAA ADKAAN DOONTAA
HA NOQAN HAWEENAYDII DUNTA SOOHI JIRTAY MALIN OODHAN DABEETO GALINKA DANBANE FURFURI JIRTAY HANA NOQON SHARIIF IYO INDHACADOO KALE
aan jihaadno ay baratay
walleee xasuuqii shacabka iyo xaqdarradii laga galay calanka iyo dalka somaliya ayaa banaanka timid, sow maaha kuwa isku Jhaadaya maanta kuwii la lahaa waa Mujaahidiin.
waxaan sugnaaba waa iyagoo iska takhalusa
Iyo dalkoo Nabad iyo caano lagu wada Noolaado
Ilaah idankiis
bismilaah walxamdulilah
xukun raadin dagaal waliba uu wadaad ku raadinayo wa ceeb wayn iyo foolxumo wayn siiba haday laqabaan sh xasan daahir iyo xisbigiisa ama si toos ha ucadeeyo in uusan shuqul kulahayn waxa axmad madoob uu wado sababtoo ah anoo jacel in aan ixtiraamo dadka laakiin waaqaca jiro runtii wuxuuba o egyahay sida hogaamiyo kooxeedyadii ! waa ceeb wayn runtii>
fawdadu waa wax aad uxun marka waxay ila tahay in aad shirwayn isugu imaadaaan halkaana aad ku doorataan madaxwayna kuligiin aad kawada amar qaadataan oo aad dawladsamaysataan xukankana aad qaybsataan kenya oo gaala ahba saas ayay samaysay ma ayagaa kaxumaankartaan xagga nidaamka.
arrintaas aad ayay halis u tahay waxaana ii muuqato cawaaqibkeeduna in uu kasii daranyahay hadaadan talada aan idiin soo jeediyay qaadan oo aydan ku dhaqmin adinkaa isduban doono taariikhdana ceeb wayn baa idiin gali doonto . wax walbana waa in aad kitaabka allaah ucelisdaan oo AAD SAMAYSATAAN GUDDI CULUmo ah oo aad ku kalsoontihiin maxaa yeelay ninka leh anigu siyaasad iyo xikmad baan wadaa waxaa lagu kala baxayaa gudigaas xukunkiisa asagoo ka shidaal qaadanayo diinta islaamka ama kitraabka iyo sunada
wabilaahi tawfiq
yaa rabi wixii fidno wado naga qabo cidii talooyinkaas wanwanaagsana aqbali waydo , saas ayaan ugu ducaynaynaa habeen iyo maalin insha alaah!
waa Nin meelu u cadahay wuxuu rabaa in uu shareecadiinimadiisa shaakh ugeliyo Ninkaas lumay.
ilaahay hasoo hanuunsho mujaahidiinta dhiigooda oo ladaadiyo naar ayaa lagu galaa.
sheykh xasan Turki ayaa Takfiir ah cidna kaama yeelayso ee faarax Dawaare iyo Somali kenyati Ogadenimo dhegta wax kuugu shegayay yaysan ku lumin.
dadkaaga dhinac ka raac adiga oo Itoobiya iyo Jabuuti kasoo biya cabay 2-dii sano ee amxaarada lala dagaalayay hadda nooma sheegaysid xaq
danta gaar ah iyo Diinta Islaamka in laka saaro waxay dani ugu jirtaa kan isku qasaya.
bal Ilaahaan idinku dhaariyee aaway ninkii Jihaadka usoo aadi jiray Jowhar isagoo ka soo duulaya Afmadow?
waxaan xusiistaa Axmad madoobe iyo xassan turkiba iyagoo leh gaaladda Jowhar joogto ayaa ka sifeyneynaa iyagoo taageeraya Al-shabab, laakin nasiib darro in maanta Ciidankiisii lagu bireeyo sidi xoolihi Diif.
wax waliba ee aan Alle iyo Rasuulkiisa raali ka ahayn sidaas ayaa u danbeysa.
aqlidaradi ka riddday jabadka ayuu rabaa in uu dagaal xamar uga ololeeyo duurkaas.
aniga waxaan qabaa in danta gaar ah laga ilaaliyo Diinta iyadoo Alle la ixtiraamayo.
Waxaan filayaa axmed madooboow inaad ku danbayndoonto meel aadan mahadin doonin waxaa layiri shimbir duulisbadan wuxuu dunida meeraaba jeer un buu libaax ladadi daan dalaq yaraahdaaye
Qabqablayaalikii qabaa isha wax yar baa kasii wisleh tabarina kuma harin kaneecada bare hiiraale dooloow kuhaysa waxaa kaaga fiican adoo soo laabtoo walaalahaa cafis waydiista kahorna rabigaa cafis kawaydiista dhibaatadaad ka abuurtay jybooyinka cid aad uga wakiil tahay majirto xabsi baad kasoobaxday meeshii kuugu dambaysay ayaadna kabilowday oo ahaa inaad madax ka ahayd xiligii maxkamadaha waxaadna ahayd xataa ninkii laayey maxaabiistii maxaysatadii barre hiiraale ood isbitaalka bu,aale kaalbaxday marka toosnaydaad inaad kujoogto libtii ahayd dhaawicii hawdka
asc walaalaha webka idinka oo raali ah ma waxaad noo sheegaysaan axmed madoowe uma shaqeeyo gaalo daba dhilif uma ahan miyaad na leedihiin labo kala saara hadiiaad tihiin kuwa u taagan xaqa oo aad soo gudbisaan waxii xaqiiqa ah kanoo kale hasoo hadal qaadina waa mid dhintay munaafiq ah qabiilkana wasaqaynaya waana mid wasaqeeynaya webkiina idinkana yuusan Allaah hadalkiina imtixaan idin galin meesha dhiiga mujaahidiinta ayaa ku daadanaya ee qalinkiina ka run sheega cayaar ma ahan dhiiga mujaahidiinta la socda raalina ka ahaada hadii aan idin gafay halays cafiyo wsc wrm wbr
BISMILLAAH.
[r a g o w - k i b i r k a - w a a - l a g u - k u f a a y e - t a a - h a l a - o g a a d o ]
[ ALLAAHAYOW KIBIRKA IYO ISLAWAYNIDA ADAA ISKA LAHAA OO KALIYA CIDDII ISKIBRISANA abaalkoodu waa macruuf xaggaaga ], axmad madoobe dagaalka uu hurinayo ma kala tashaday shiikha iyo odayga mujaahidiint soomaaliyeed shiikh xasan turki ALLAAH ha xifdiyee ?
maxaa u diiday inuu miiska wada hadalada la fariisto shabaab oo uu la midoobo sidii sh.xasan turki yeelay oo kale mase waa iskala wayn yahay inuu la fariisto nin ka xoog badan oo uusan taag u hayn ?
hadde war waa dhammaaday mar haddii sh.xasan daahir go’aansaday in lala dagaalamo shabaab waanu sugnaa faa’idada iyo raxmadda go’aankaas
uu keeni doono ! ! !.
[ axmadow maad joogtid : ninkii soo joog laga
waayo soo jiifsaa laga helaa ]
nin gardaran maguulaysto , inshaa ALLAAH waad
ku khasaari doontaan dagaalkaas aad soo waddaan adinka iyo huwantiinuba.
WALLAAHU ACLAM.
Asalaamu calaykum
Adduunow xaalkaa ba’
Adduunow xaalkaa ba’
Waxaa calaacalaya ma Axmed madoobaa?? udub dhexaadkii asaaska mucaskarkii raas kambooni iyo kii dhoobley? kii ku sigtay inuu naftiisa ku waayo Jihaadka?
Dabcan waa sheeko aan loo sheegin (ama laga masaxay), kuwa yar yar ee “Muriidiinta” ah kaalintii uu ku lahaa dhismaha mucaskarradaas!
Qofka la gaalaysiinayo oo dhiiggiisa la bannaysaayo waa hoggaankii Maxaakimta Islaamiga, hormuudkana ka ahaa dagaalladii qaraaraa ee ka dhacay koonfurta Soomaaliya!!
Yaa gaalaysiinaya?? waxaa gaalaysiinaya ikhyaartii markii ay xabashidu waddanka soo gashay waddanka ka dhoofey (xasuusta sheekhadii xajka)!! dibna usoo noqday markii ay hubsadeen inuu billowday dagaalkii iska caabbinta, waddankana la immaan karo??
Miyaan khaldanahay mase Rag ay ka mid yihiin Sh. Fu’aad iyo Sheekh Abuu mansuur, waxay dalka ka dhoofeen iyadoo uu socdo dagaalkii Iidaale?
Dadka qaar waxay jecel yihiin in la xasuusto indha-caddee oo kaliya!!! kkkkkkk
Miyaan ku khaldanahay in markii ikhtaartaasii ay diyaaradda sii saarnaayeen uu ciidankii Axmed madoobe hormuud u ahaa ciidankii galay dagaalkii ugu kululaa ee lala galay duullaankii xabashida, dagaalkii Iidaale??
Maxaa lagu gaalaysiiyey?? lagu yeh xabashi ayaa soo daysay??
Sug.. Laakiin markii Carraale laga qabtey Jabuuti, waxaa la socday oo layska daayay rag maanta ka mid ah madaxda Shabaabka (Haddii loo baahdana magacooda oo saddexan ayaan idiin hayaa)!! miyaanay iyaguna mudnayn in la tuhmo??
Sidoo kale rag badan oo maanta hawlo badan haya xabashida ama gaalo kale ayaa soo daysay?? maxaa soo dayntiisa gaalnimo ka dhigay, kuwa kale soo dayntoodase mujaahidnimo ka dhigay??
Maxaa lagu galay Axmed madoobe? Wuxuu diiday inuu ku heeso “Labbayka Usaama!!”
Sheekh Axmed iska aamus!
Alshabaab uma baahna inay kuu Jawaabaan, waxaa maanta kuu jawaabi doonaa qaar ka mid ah, ururkaaga xizbul-Islaam!!
Laakiin talo ayaan kuu hayaa : ku biir Alshaab, markaas waxaad arki doontaa iyagoo, laabay buuggooda dunuubtaada , oo tirinayaa munaaqibtaada!
Hashani maankayga gadday..!
acw, dhamaan waxa aan salaamayaa dadka muslimiinta, intaas kadib waxa wax laga xaumaado ah in maalin kasta uu dagaal dhaco dhiigna daato halkiina la taagan yahay, hadii uu masalan Axmed madoobe iyo ciidankiisu Dhoobley soo weeraro oo uu toban qof ku dilaan, maalin kadibna Xakatul Mujaahidiin Alshabaab ka qabsato oo ay toban qof oo kale ku dhimato waa labaatan qof oo muslim ah dhiigood, maxaa la faa’idayaa, waa in xal kale la helaa; oo ah in lays qancin karo oo hadal iyo isu tanaasul uu yimaadaa.
Hadii aan taa lahelin dhibku wuu sii koryaa ee taa ha la ogaado wa bilaahi tawfiiq.
Axmed madoobe koleey shabaabka ka ragsan kana diin badan
waayo shabaabka maaaha dad xor u ah fikirkooda xitaa ma ogola in khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo xisbiga lagu xaliyo sharicga islaamka.
Asalaamu Calaykum
Ku Somalimirror – walaal iidaaya fikradeeyda (Please allow me to put forward my opinion) – Jazaakumullah Kheir.
Waxaan aad oogu farax sanahay wareeysigii Shabelle ee Sh Axmed Islam. Waxaan dhihi karaa waa hogaamiye aay jecel yihiin shacabka Jubooyinka iyo dad badan oo Somaliyeed. Alshabaab waxa aay yihiin dadka degaanka wey fahmeen. Waa musiibo kusoo kordhay shacabka degaanka iyo umada somaliyeed. Markastoo aay yiraahdaan ONLF ayaan isweeydini jiray maxaa ka dhaxeeyaa Alshbaab iyo Ethiopia? Markaan arintan falaqeeyay ayaa waxaa iisoo baxay:
1- Alshabaab iyo Ethiopia maslaxa uma ahan dowlad somaliyeed oo caalamka aqoon sanyahay, xuduudeedana ka ilaalsan karta cadowga. Alshbaab iyo Ethiopia qaska somalia maslaxa ayeey utahay.
2- Alshabaab kama dagaasho Ethiopia bal ee waxeey rabtaa in aay taageero kahesho si aay oola dagaasho ONLF oo la ogyahay in maanta dibadda iyo gudaha ogadeniya awood weyn ku leedahay.
3- Alshabaab iyo Ethiopia waxeey ka siman yihiin in Somalia laga gooyo wadamada carbeed. Ethiopia waxeey ku guuleysatay in carabta sida yemen iyo sucuudiga aay somalia uarkaan cadow waana tan maanta socoto.
4- ALSHABAAB iyo ETHIOPIA waxeeyna raali ka ahayn culimada somaliyeed ee manhajka saxa ah ee wasadka ah wata oo cilmiga diinta kudheehan tahay. maiisheegi kartaa hal caalim ah oo somali ah oo taageersan alshabaab iyo fikradaheeda. Maalin walba dhalin yara towxiidka fahmay ayee dabka saarayaan.
5- ALSHABAAB iyo ETHIOPIA waxeey raali kaahayn shacab iyo dowladiisa oo aanan lahayn calaaqaad. Waa tan haaysata madaxda carabta iyo shucuubtooda sida masar taasna cadow gooda ayaa ka shaqeeyay.
6- ALSHABAAB iyo ETHIOPIA oo Eritrea cadow uarko, labadoodana weey sheegeen in Eritrea oo ah meeshii aay soo wada mareen mucaaradkii dowladii cabdullahi yussuf in maanta cadow loo arko oo maslaxa oo idil gees laga maro. Cala aqal cadowgaada cadowgiisa waa saaxibkaa xitaa wey fahmi waayeen.
7- ALSHABAAB iyo ETHIOPIA oo labadaba ONLF uarko cadow. ONLF caalamka oo idil wu ogyahay dagaalka aay kula jirto Ethiopia iyo sidii aay ugashay nimankii chinese-ka ahaa ee ceelkii petroolka qodayay. Waa ururka kaliya Ethiopia dibada iyo gudaha kaga guuleeystay siyaasada dhulka aay haaysato. Alshabaab waligeed lama sheegin dhib aay Ethiopia oogu geeysteen gudaha Ethiopia. Kuwa Ethiopia xamar si fiican kula dagaalayna waa lagarani oo waa maxaakimtii oo uu kujiro wasiirka arimaha gudaha maanta, Raskambooniyiintii saxda ahaa, iyo …..
Arimahaas iyo arima lamid ah ayaan sawab ooga dhigayaa xiiirka ka dhaxeeyni kara alshabaab iyo Ethiopia.
Somaliyeey aynu katashano mustaqbalkeena iyo dhibka haaysto dadkeena. Suufiyada aad aragteen waxaa looga guuleysani karaa wixii kuwii hore ee dacwada kasoo horjeeday looga guuleystay ee ah xikmad oo culimadeenii khaalisiinta ahaa. Qof qoorta laga gooyo diinta dhib mooyee faaido ukeni meeyso hadeeysan jirin xukuumad lawada dhistay oo xuduuda oogta.
waxaa dhibaata ah in dadka soomaalida maalinba qolo sheeka u sheegto oo aay ka daba dhacaan. waxaan la yaabahnay qolyahan wata magaca jihaadka ee shabaabka yaa ku jihaadayaan ma daka muslimka ah ee shalay sababtooda diyaarada loola dhacay ayaa maanya noqdey gaalo lagu jihaado. waxaa wax lala yaaba ah qof bini aadam ah oo la qowracayao ilaahay xitaa waxuu xuquuq siiyey xoolaha oo uu yiri si fiican u qowraca oo nafta ha ku dhibina. war maxaytah bini aadamka la qoowracay ma diin islaam baa sidaa ah . axmaed madoobe waa nin muslim ah jihaad sabatiisana jeel iyo madfac ugu dhacay . waxaadse ogaataa dagaalka maanta ma ha axmad madoobe e waxaa loo gafey qowmiyad dhan oo waama degta waxaanan arki doonaa mesha aay ku danbeeyso asxaabul ciyaal awoodooda. arinta ONLF shbaabka waxaad moodaa in ay xabashida ku sasabanayaan oo aay leeyihii ONLF baan la dagaalameeynaa. marka meesha jihaad ma jiree takfiirta ha liska celiyo waayna jabi doonaan bidni laahi kariim
axmed madoobe waa mahadsanyahay turkina waa sheekh xanuunsan oo maskaxdiisu ma ahan sidii hore qof ikhtilaadkudhacayna diin iyo dadlagala tashanmao
DARUUR COLAADEED OO HOR LEH DHEH.
DIIN IN AAN MEESHA LAGU HEEN DHEH
HUNGURI IYO DHUL KA TALIN DHEH.
AXMED MADOOBE DOQONIMADIISA DHEH.
MIICMIICDA MAANTEY TALO QURUNTEY DHEH
WAR WAX WAA LA ISKA DHICIYAAYE LAMA BOOTEEYO DHEH
WAA IYAGAAS KU BAACSANAYE E MAXUU HADALKAAGU TARI DHEH.
WALIBA WAXAAN KUU SHEEGI HADAAD KA ADKAATID. OGOW WAXAA KUU DHIMAN INAAD MAREEXAANA KA SIFEESID JUBOOYIBKA . TAAS OO DACAR ADAG KUGU NOQON DOONTA . WAAYO AYAGAABA ISKU SII KALABIXINAYA JUBOOYIBKA MARNA SHABAAB SHAATIGII KUU HUWAN MARKA XIGANA SIDII HORE KAA DHIGI TOONA QOWLEESATO HARAGA XOOLAHA CUNA OO SIDII GORAYADII DUUR JOOG AH . MARKA DOQONYAHOW XISBI ISLAAN GABALKII DHACYEE MAREEXAANA WAA SOO GUUXAYAAYE SEERKA ISKA GOO OO GAARISADAADA ISKA AAD TAAS AYAA MASLAXAD KUU AH. DHIIGA OGAADEENA SABAB HA U NOQON IN LA QUBO SI AXMAQNIMO AH.
WAAN KA BAXAY
s/c ku beensheeg aniga madhahaayi runsheeg ee magaranaayo waxa aad kudureeyso axmed madoobe magaranaayo oon kaeheen qabiil waa sheekadii shawaabka kumeermeereeystaan qabiil waa onlf onlf waa rag layaqaano oo shariif cabdinuur xafidahullahu uu cadeeyay in eey mujaahidiin yihiin calmaaniyiin kadhiga oo axmed madoobe sieey somaalida kale utusaan qabiil ugushaabadeeyaan ee xaqiiqda aan usoo laabano Alle kacabsi iyo rag iska dhici meel mawada galaan beey yiraahdaan somaalida laakiin aniga waxaan leeyahay shawaabka waxeey sheeganayaan in eey diin udagaalamayaan diintana waxeey wax walba kahormarisay aqoonta Alle waxuu yiri faclam anahu laailaaha illa Allahu. marka anaga daahirka baan xukmineeynaa al shawaab dhiiga muslimiinta iyo sumcada islaamka oo lailaaliyo diinta waxeey kaqabto mayaqaanin inyar ma ogiyee marka sheekada yeey ilatagine axmed madoobe waa uu kusaxsanyahay wadahadalkii uurabay in uu wax lagudhameeyana shawaab weey diideen maalin dhaw beey diif kugoowraceen wiil ganacsado ah shaki unbeeyna ubaneeysteen dhiigiisa marka dadkaas soma ahan in laiska qabto halaag beey kuwadaan umada culimo maixtiraamaan kitaabkii Allena uguma danbeeyaan Ahludikriga marka mardhoow insha Allaah xaqa waa uu imaani baadil oo dhana waa uusuuli insha Allah ee nin jecleeysiga halaiska daayo axmed madoobana hogaankii nuurka eey harsanayaan inbadan oon caburina aheeyn buu hoormuud uahaay kismaayo 2006dii shacabkana siwanaagsan oo aqlaaqleh beey uladhaqmaayeen ee Alshawaab ciidan beey kuwanaagsanyihiin ee kumawanaagsano hogaamin ee waxaan soo jeedini lahaay haiska wareejiyeen hogaaminta umadasomaaliyeed ee hanoqdaan ciidnka ,wabilaahi towfiiq
arrimahaa waa la iiga war roon yahay
Cagtii Joogsan Waydaa Marbay Ceeb La Kulantaa ayaa layidhi ee iska daaya dhiiqada sifiican ha u galee ilaa ceebta uu gacantiisa kusoo qaato majoogayee.
aslamu caleykum wr bw
ale haliya baa xaq uleh in la qaatu amarkiisa
walaalaha u daada xamed madoobe ma hayan wax sax ah ama la raaco ee ale haka baqaan gaal garma nalafaray halaraaco war ma qabiil baa idi xoogay oo aad ka kagtaan amarka alaah
war jooga waxaad ogtihin in qof kasta u leeyahay hal gud oo kaligiis la galin hayo alena u xasaab u gaar ah la xisabtami raaca diinta islanka oo kaliya kana haraa qabiilka baas oo aad cabudaan
waa dardaran waabilaahi towfiiq
somalimirror.com alshabaab ayaad ka baaysaan soo ma ah, cabraxmaan siigaaloow markaad tacliiqayga aad nashrin la dahay maxaad ooga jeedaa? alshabaab ayaad ka baqi soo ma ah? haye anaga alshabaab way noo tahay
mujaahid
Alxizbul islaam
ACW
Haddii Diin iyo run loo jeedo Mujaahid Axmed Madoobe warkiisa waa sida xaqiiqada ah.
Haddii beenta iyo marin habaabinta Shabaab iyo Mareexaan loo jeedana waa midda fashilntay ee weli laga waantoobin.
Maanta waxaa uu Xisbigu ku raacsan yahay Axmed Madoobe inuu yahay sida uu sheegtay.
Keliya Xisbigan xamar uma cad cadda sida axmad Madoobe. Waa xeerinayaan oo xeeladaysanayaan laakiin askarta Xisbiga badankeeda waxay la jirtaa Axmad Madoobe
Tan ONLF ninka yiri Shabab Xabashi bay ku beer laxawasanayaan ma qabo taasi inay jirto inkasta oo end result of Xabasha iyo Shabaab isku mid yihiin marka ONLF laga hadlaayo.
Sheekadu waxay ugu muuqata Absamaha u badan jubooyinka beel nacayb iyo fiqi darro. Ifaafalaha ruuxi garaad miisaaman lehna waa u muuqan kartaa.
Ka warrama beelo dhan oo dega jubbooyinka, aaminsanna inay dhulka leeyihiin oo jihaadka taageersana in maanta u arkaan shabaab cadow ku soo duulay oo mudan in la iska caabiyo.
Taasi waxay timid kaddib markii shabaab adeegsadeen beelo boob ku haystay jubooyinka weeararka Absame oo jihaadkan calanka u sidi jirey.
Xaalku waxaa uu gaarey in reer baadiyaha iyo shabaab ka dhaxayso aragti oo gumaca la isku salaamo. Jawaabti ay shabaab siiyeen jubbooyinka waxay noqotay mid naxdin badan wiiqdayna diintii ay ku andacoonayeen.
Xataa culimadii salafiga ee jihaadka safka hore kaga jirtay ayaa badbaadi wayday. Sheekh Axmed Daqarre oo ah caalim towxiid iyo shareecada, ahna khariij aljaamicah al islaamiyah, ayuu ahaa ninkii lagu amray inuu 48 saac kaga baxo Kismaayo oo uu qabto kenya.
Markii uu diiday waxay shabaab ku haddadeen inay qoorta u dheerayn doonaan. Markii uu addillo diinayan kor dhigay fiqooda xaadhibulaylka ah way aamuseen. Laakiin ma badbaadin rag badan oo ay gowraceen ama ay si xun u dileen oo u ugu dambeeyey ninkii ka midka ahaa mujaahdiinta Kambooni oo ay ku gowraceen dorraad magaalada Diif.
Kala tagga shacabka Absame iyo shabaab waxay maanta ku xambaartay Robow iyo shongolow iyo fiidow inay beerta xoriyadda Kismaayo kula hadlaaan shabaab si cad shaley. Waxay u sheegeen shabaabka jubbooyinka jooga inay u turaan shacabka, soo dhoweeyaan dadka.
Laakiin eebadu uurkay ku tagtay. Waxaa u muuqata dadka in shabaab hadaf diini u socon ee ay u socdaan aano qabiil iyo aar goosi meelna aan jirin.
Yaa hadafkii jihaadka dhumayey? Yaa la xisaabtamaya Godane iyo raggiisa?
Ugu dambayn Axmed madoobe iyo ciidankiisa waxay caddeeyeen sida wax u jiraan. Waxaan shaki ku jirin in maanta xoogeysanayaan, shabaabna mariyeen wax aysan filayn.
ma loo hayaa culimo arrinka kala saafa oo saxda?
Jawaabtu waa haa
Shabaab ma oggol yihiin culimadaasi?
Jawaabtu waa maya
Sidee wax la yeelayaa?
Waa ha dhirqaan dhabato illayn nin xabbad ku wata waxaa uu mudan yahay iska difaacid.
Doqoniimada Godane waxay maanta ka muuqataa isku dirka shacabka ugu xoog badan deegannada jubbooyinka.
akh runsheeg
Sidee wax kaa noqdeen? Mase tani waa hafwah shakhsiyah.
Allow tala khayr qabta nagu arsuq.
scw. mid waxaan oran lahaa shabaab midna axmad madoobe,axmad madoobe deegaan kuma dirsan,ee xisbigaaga uqaylyo, oo deegaanka ha ku broor darsanin, shabaabna waxaan lee yahay islaa nimada siwanaag san ugu khidmeeya hadii kale islaanimada hanaga fasahaadinina, waayo dacwad aad ubadan baa loo soo maray in lafahmo diinta idina dadkii in yar baad kala baxdeen oo muslin noqotay intiikalana wacdi uma haysaan ee xukun dilaad saarteen.shabaab ka jubooyinka waxay lamid yihiin nin gacan tii waxlagusiiyay dib u cunay, markay deegaan kii jubooyinka dadkii ugubadnaa dagaaal kucilaamiyeen.madoqonimaa ma diin la aan baa mise waa ujeedo,dhulka jubooyinka islaamka wuxuu uyahay tro boro ookale.hala ilaaliyo cadaadlada islaamka.wabilaahi tawfiiq
SHABAAB WAA LAGA SIFEYNAYAA DHULKA HADUU ALLE IDMO. SOOMAALIYA SOOMAALI BAALEH AXMED MADOOBE IYO REER J/LAND QABSADA DHULKIINA.
a.c.W
Asc. takfiirul masalaxa waa in wadanaka iyo diinta iyo shacabka laga qabtaa,wadahadal way diideene xabad ayaa taqaana, taageeradii shacabkana way iska dhumiyeen 95% sidaa darteen waa soo dhawyahay waqtigii la joojin lahaa tacyidaadkooda
axmed madoowe xaalkiisa illaahey baa og iyo mesha uukusocdo balse waan egidoonaa mar kiinya hasheegato mar qabuura galeen mar uunbeey soocadaaneeysaa oo illaaheey marnawa ma ogolaanaayo kuwa dana kaleleh indiintisa kudhuunaan
a/c/w/waxaan dhihi lahaa axmed madoobe rabbi kabaq haddii in uun aad wanaag ufikirayso waxaatahayna waan naqaanaa meeshaad kusugantahat waa ognahay habeen iyo maalin kenya waad joogtaa way kutaageertaa rabbina waa ogyahay waxbana kamaqarsoona waxaad wadato waa qabiil iyo (onlf)oo horay qandaraas uqaadatay waxaa weheliya xiddig iyo ilyaas iyo intii lamida haddi wanaag waxuun kaaga dambeeyo rabbi kacabso shabaab xanaaqoodun gaalada yuusan kuugalin diintan rabbi ayaa iskaleh ilaashadaynah marka naftaada utur diintu adna kuuma baahna shabaana uma baahana rabbi ayaa ilaashaday ee hala raaco diintuna luqunjibaadh ma ogola oo waa lugtool isooraac maogiye wax kale mataqaan marka sidii ogaden loo iibsaday yaan gaalo looga iibsan waa shakiyaye wasalaam
BISMILLAAH.
[ ragaw kibirka waa lagu kufaaye taa ha la ogaado ]
axmad madoobe sh.xasanna ka tag , xizbina wax uma qaban haddana uma hayo wax khayra .
waa meeshii uu ku khasaari lahaa axmad madoobe
oo ninkii god walaalo qoda oo dheereeya asagaa ku dhici doona aakhiritaanka taasna waa midda uu wado ninkaan hororka ah , ee yaa la taliya
oo joog dhaha , ninkii soo joog laga waayo
soo jiifsaa laga helaaye warkaas meel ku qorta .
WALLAAHU ACLAM.
axmed madoobe waa uu guuleeysani aakhiran insha aaaaaaaaaaaaallah maadaama uu xaq kutaaganyahay oo lga kartaranyahay
Ninkii dhihi Alshabab ayaa xaq ku taagan oo Axmed Madoobe ayaa daalim ah run ma sheegin Allah abuurtayna kama baqan. Rag Islaam ah oo jihaadka ku kala horeeyey oo isku camal ah weliba midkood u dhaawacmay jeelna u galay iyo ku haweenka iyo caruurta ku dhex dhuuman futadiisana laga arki meeshii uu ka soo duulay ayaa is haya. Waxa la isku hayo waa saldano. Waxaa la isku hayo waa balan fur. Waxa la isku hayo waa abaal daro. Waxa la isku hayo waa ajanabi iyo baashtuu kalaalnimo.
Madoobe hadduuna xaq ku taagneyn oo uuna gar lahayen intaas ma soo gaareen. Laga soo bilaabo sanadkii tagay october kowdeedii ilaa maalinkan maanta ah waa ninkaa siyaasadiisu cadahay, moqifkiiso cadyahay, kamuuna dhex bixib shacabka oo masuulka ka yahay.
Adeer geerido waxay dhibi ninkii dhoof ku yinid.
Baadilka iyo qabiilada reer waamo ku soo duulayna waa la iska dhicin.
Diinta lagu soo gaban way iska dhamaan. Runta iyo xaqiiqda ayaa la isla tegi.
Taas iga qor.
Xaq sheege
acw
Markaan adiga oo kale oo arka ayaa madaxa i xanuuna.
Waa maxay ninka dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa? ama bashtuun kaklaal ka dhigtay ama hadallada silloon oo kale.
Saaxiib, Soomaali waa Soomaali ee kala qoqobka naga daa. Haddii aad rabto inaad xaqa la caddeeyo waxaa loo maraa waddada xaqa ah.
Shabaab iyo Kambooni waxay ahaayeen walaalo diintan u gargaara inta inxiraaf manhaji soo galin shabaab waxaa dad badan oo jihaadka ku jira ama taagera u caddaatey in miraha jihaadka dhumayo haddii Godane iyo shabaabka la sixin.
Taasi keeni mayso in loo hadlo jabhaynta aad halkan ku qortay.
Waxaa loo baahan yahay in si cilmi ah ama caqli celin ah loo niqaasho.
Marka yaa akhaana beelo beelo waxban laguma gaarayo ee yaan karkaarka la isaga waydaaran.
Muhaajiriinta ka timid dibadda waa walaaladeen. Waxay u yimaadeen laba hadaf:
1) Inay u kor yeelaan calamul jihaadka
2) Inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo Islaamka ku dhaqanta.
Tan kowaad waa helaann marka ay AMISON iyo mooryaanta la socota la dagaallamaan
Dhinacna way marin habaabeen markii xooggooda iyo awooddoooda lagu jeediyo mujaahidiinta kale ee walaalahooda ahaa sida Axmad Madoobe iyo kambooniyiinta.
Tan labaad, waxay u baahan yihiin hoggaan ka duwan ka Godane uu axaadiga ama keli taliska la yahay.
Marka yaanan caddaalad laga tegin oo caadifad na qaadin
ALLE KA BAQA OO FIDNADAN KA GAABSADA. !!!
Waxaan Anigu Idinku Dar-san Lahaa. Hal qodob.
Dagaalkan Hada Kasocda jubooyinka In laga Gaabsado Oo Laga Aaamuso ayaa sawaab ah, Illaa Alle Xaqqa Soo Saarayo. Go’aankaas Ayaana Nin walba Ufiican….!!!
Midkiin Inta Uu leeyahay Kaa kalaa Saas ah, Diin Meesha Kuma Haysaan,, Ee isaga Aamusa Fidnada Meesha Kasocota……
Naamuus
ACW
Adiga iska aamus haddii aad doonto, laakiin raggeenna saaxada jihaadka joogno waa ognahay
in:
1) Shabaab ballantii Kismaayo ka baxeen xukun jecayl dartii
2) Banneeysteen dhiiga mujaahidiinta wa fii ash-hurul xurum xitaa gaalada maka ka xishood jirtay
3) Takfiiriyey Mujaahidka Axmed Madoobe iyo raggiisa markii ay si cad u gaaleysiiyeen dabadeedna ku dhawaaqeen weliba la soo taagan yihiin jahlan wa udhxuukatan qatlaannaa fil jannati wa qatlaahum finnaar.
4) Sidaana ku kala dhantaaleen midnimadii mujaahidiinta
5) Weliba ku dhumiyeen Absamaha jubbooyinka iyo shuucuubta kale ee deggan dhulkaasi
6) Maantana ka dhigtay jubbooyinka saaxa ay ku hardamayaan thaalimiin shabaab ah iyo math-luum is difaacaya
7) Kaaga darane daliil u haysan falkoodaasi gurracan ee lagu xagal daaciyey geeddi socodka jihaadka iyo midnimada mujaahidiinta.
Laa khayra fiina in lam naqulhaa. Walaa khayra fiikum in lam tasmacuuhaa
No khary among us if and we fail to say the truth. And No khayr among you if you don’t listen the truth.
Dhiigga ha socdo war maahan.
waa in la helaa marjiciya xallisa arrintan. Haddii kale ha la ogaado in shabaab kubbad ku ciyaareen mirihii jihaadka.
Fasadkuruuna maa aquulu lakum
Ukh Falxado
Masha Allah tacliiqaada. Keliya ka daa ku biir shabaab si ay manaaqibkaada u tiriyaan….(kaftan).
Tacliiqaada maalin dhowayd fursad aan kaga jawaabo ma helin. Laakin shukran.
* CabdiKismaayo (magaca iska sax akhaanaa)
Marka diin laga hadlaayo shahabaha sifaadka ma keenayo shabah thaati. Labada kala duwan.
* Dardaaran Caabud Waaq,
Somalimirror ayaa diidday inaan ka jawaabo beentaada iyo dareenkaada beeleed ee aad kula dhex jirto shabaabka. Waxaan ku oran lahaa haddii ay u malaynayso inay shabaab magaciisa aad ku qabsan karto labada jubbo walle war la’aan ayaa ku haysaa.
Warkaada waxaa ka cad inaan tihiin imtidaad (extension) maamulkii Talxa ee Siyaad Barre. U didn’t miss the radar of real Somali Muslims iska daa dadka jubbooyinka.
Haddii aad diin u jeeddo ku noqo fadlan Caabudwaaq oo maanta ay tolkaada uga dhigeen gaalada iyo gaal raaca saldhig. Haddii kale u tag adeerkaa Barre Hiiraale oo Dolow Xabashida daafida ku siiso. Mujaahid axmed Madoobe hore ayuu kaga dhiijiyey Xabashi, shabaabna maanta waa ay baryayaan iyaga oo jooga dhul Xisbiga laga jecel yahay shabaabna marada kaga dhacday.
Miskiin maskaxdiisa bililiqo deegaan ka buuxdo yaa towxiid iyo dawlad islaami kala hadli kara
ku : cali guure
sida uu walaalkeen naamuus kuu sheegay waa sax sababtoo ah dacwadaas oo kale ayay ayagana qabaaan iyo in aad qabiil idinka guuxayo marka hadalka badan ha ku danbaabin ducada badi iyo in uu allah xal keeno
Cabdullahi
ACW
Kaddib markaad akhrisay quluubta ducaadda qaarna qabiil baa ka guuxaya, qaarka waxay la ifayaan jihaad iyo Towxiid? Bi’sa hadaa al takhriij.
Miskiin weli xariif ku ah akhrinta quluubta.
Waxaan in badan la yabaa qaar dadkii towxiidka bartay (garan maayo inaad ku jirto’e) sida uu Godane uga dhigay dad aanan marnaba fikirayn?
Alxamdu lilaah guulwadayntii maanta waa soo yaraanaysaa. Xaqiina waa dillaacaya insha Allah.
Kuwa guulwadaynta, takfiirinta, akhrinta quluubal cibaad iwm ku jiro waxaan uga naseexaynaa inay Alla ka baqaan oo ka run sheegaan diintan.
CALIGUURO.
caliyow waxaaad mudan tahay boqolkarbaas in lagugu dhufto waayo dacartii qabiilka ayaad daaceysaa .waxaan u maleenayaa hadaad kismaanyo joogi lahay in aad si qurux badan aad u ruqruqaansan lahay markuu jeedalka shabaabka kugu dhaco. somali soomaali baaleh dhulka soomaalina ma lakala xigo jubooyinkana soomali oo idil bay ka dhexeesaa hadii qabiil loo noqdana kilinka shanaad dad badan baa loo celin doonaa . sow hadaba maa fiicna in aad joojisid fariinta qabiil oo aad firinbiga u haysid. iyo ogaaden meesiga aad kula dhex jirtin daaqadan yarta ah ee aad qurmisay.
dood dhamaatey karbaashka dhalinyaradana waa laga baqay hadaba sida axmed madoobe duur joog yaan lagaa dhigin ee muslinimadaada ku ekow ayadaa dadka oo idil sintaye.qabiilna ka sareesa.
bismilaah
ku:cali guure
alaha ku hanuunsho cali guure qalbigaaga ma akhrin anigu laakiin hadalada aad soo qorqorqysay ayay ka buuxaan qabiil, marka wax walboo lagu hadlana laba malag baa qorayso alaah baana caadil ah, marka waxaan ku dhihi lahaa alaah ka cabso oo alaah ka cabso in badan iska ilaali waxaas oo kale ,kaaga darane nin mutacalim ahna waad u ektahay marka allana wuxuu yiri ” waxaa kaliya oo alla ka cabsado waa culumada” fiiri suuratul faadir
marka noqo culamada caamilinta ah oo waliba caadiliinta ah alaah wuxuu yiri ” hadaad oraah dhahaysaan cadaalad fala ” fiiri aakhiru suuratul al ancaam
marka aaway cadaaladaadii hadaad u noqotay qabaliyadii iyo jaahiliyadii mar hore alaah islaanimo noogu badalay uu alaah noogu nicmeeyay alaah waxuu yiri ” xasuusta nicmooyinka ilaahay waqti aad isku ahaydeen col uu markaas alaah quluubtiinii isku dumay” fiiri aala cimraan
marka calaa kuli xaal wixii xaq wado way soo bixii wixii baadil wadana way hari siduu allah yiri ” daad xoorku wuu baxayaa wixii dadka anfacayana dhulka ayay ku harayaan” fiiri suuratul racad
walaahul mustacaan
marjic hadaad sheegtayna wuu cadyahaye siyaasad siyaasd iyo been wax ma tari maysee ogow waad ku wareeraysaa ma’ogiye aakhirkiina waad ku munaafaqoobi xaqana waad uga leexan sida rag badan ku dhacday oo aad ogtahay
wabilaahi tawfiq
jaalle ruqruqaansade
acw
Cali guure waa qabiili, waa xisbi, hala karbaasho, waa gaal, waa munaafiq iyo wax ka liita intaba kuwiinna aanan lahayn laa akhlaaq islaamiyah walaa adab xiwaari islaamka ku qotoma hore ayaan u maqlanay.
rag dhiigga mujaahidiinta banneystay maxay noo reebayaan? Waxba.
Horaan u maqley guulwadayntaasi aanan alle ka cabsi ku jirin.
Marka qad khalaa lakal jawu fabiidhii weeye warkaada.
Laakiin waxaad ogaata haddii dhulka idiin simin yahay sidaad ku andoocooteen oo ayaadka u qoor qabateen maanta miraheeda waad haysaan.
alla maxaa isyeel is yeel looga tallaabsadey ddiinta alle meeshan ka sii dhamaanaysa.
akh cabdullaahi
waxaan qorey waxaa ku jiray dood iyo tusalayn kooxdiinna ka jawaabi waayeen. marka character assasination waa tan idinku yar ee aad ducaaddii ku sameyseen. waad khaarijiseen inta kale.
dadka gobolka u dhashey inta dagaal lagu iclaamiyey afka cirka ha loo dhiso oo nusuusta ha lagu awr kacsado.
Maxamed carabkii dhoobley ay shabaab u dhiibteen maanta waa uu xiran yahay shabaaaab. Ma taqaanna sababta?
Nin magan u ahaa oo kambooniyiinta ka mid ahaa ayay shabaab ka kaxaysteen dabeedna waa gowraceen oo calooshiisa haadda ka horeen.
markuu yiri maxaad sidaa u sameyseen xabsiga kismaayo ayey u taxaabeen.
Ku waydiin maayo diinta qabta in dadka mujaahidiinta la gowraco ama calooshooda la faago sida qubuuraha aad u faagtaan bilaa xikmo.
waan kuu soo celinayaa mar kale si u fahamto cali guure mowqifkiisa.
absamaha jubboyinka oo hormood ka ahaa jihaadka soomaaliya haddii la iska hor keeno oo wiilashooda la baacsado, la gowraco iyada oo beesha sade iyo kuwa kale la adeegsanayo ogow intaasi jihaad ahayn oo sheekadu noqotay wax kale.
Haddii aad sheeko la iska yiri u malaynayso arag ina cali sokor oo ah suldaanka beesha absame maanta halka uu u qaxay iyo sababta uu u qaxay.
halka ay shabaab maalin walba heeshiis la galaan beelaha kale, godane iyo sade wa sirran min cidihim dagaal bay diyaar u la yihiin beesha absame. sababta waa maxay? allabiibu yafhamu
bal baar sunnada rasuulka scw iyo habkii uu qazawaatka u qaadi jirey ama beelaha ugu qadarin jirey dhulka ay deggan yihiin.
Haddii taasi keenayso inay qabiil naga guuxayso innaga oo laga yaabo inaanba u dhalan beesha absame oo dhan facala dunyaa salaamu
dhulka lama kala laha kulahaa. fiqi sagaaradasi ayuu noo sheegayaa.
WALAALAYAAL WAXAN OGSOONAHAY INAY ALSHABAAB SHEEGTAAN IN AY ALQACIDO HOOSTAGAAN SUMCADANA KAGA DILAAN MUJAAHIDIINTA ALQAACIDO HADII AYRINTOODTAHAY MAXAY UDILEEN WAKIILKII ALQAACIDO EE SOOMAALIYA WAKHTIGII BURBURKA MAXAAKIMTA KULBIYOOW KORKEEDA QAA`IDKIILOOYAQAANAY (ABUU IBRAAHIIM ALMUHAAJIRI)AMA(ABUU DHALXA) WAXAANA LAOGSOONYAHAY IN(INAGCDANE)UU MARKAAS DAD UGUDHAWAA XAQIIQDUNA WAY SOOBIXIDOONTAA
wagareey war waasacan bal joojiya doodaan dheeraatey ee aan macnaha sameeneeyn.
all Muslims are equal and their right are protected by Allah . who ever wrong doer will be asked to answer why he did . so please keep your tongue , your hands, your actions and your intentions.
ku cali gure
waxaan kuu sheegayaa anigu qo1yahaas aad sheegaysid waad un ii malaysay laakiin anigu waano ayuun bay iga ahayd aayaadkaas aan kuu soo qoray si daacad nimo ah iyo alaah dartii laakiin waa asiib daro xitaa aayaadkiina in lagu tilmaamoku awrkacsi.waxaan rajaynayaa taas balmarkaan in aad ku qanacdid.
waxaase ilaah mahadii aniga iyo adiga xiwaarkeenu in uu quruxsanyahay.
midda khaladaadka ah qof qalad ka macsuum ah ma jiree ogow laakiin waxaa fiican wax walbo kitaabka iyo sunaDA LOO CELIYO
MIDDA KUSAABSAN IXTIRAAMKA DADKA DHULKA U DHASHAY ma’qaan waxaad ulajeedo waana la yaabay! iyo sidoo kale qabiil hebel baa awal hawsha hogaamin jiray iyo hada maxay qabiil hebel u hogaamisaaa , waxaas anigu ictibaar uma arko cid dadkaas tirakoobtay oo kala shaandhaysayna u malynmaayo , waa in alaah kaluiya laga cabsadaa.
haa hadaad ujeedid qolaa lagu tacadiyay oo degaamadoodii laga raRAY KUWA KALAANA LASOO DAJIYAY TAASOO KALE WAA DULMI AAN LA AQBALI KARIN
HADAAD KA WADID HOGAAMINTA QOLADA DEEGAANKA U DHalatay kaliya ha yeelato taasi waa wax khilaafsan manhasjkii nabigeena naxariis iyo nabadgalyo alaha siiyee, ufiirso bal camar bin caas masar ayuu katalinaayay waana ahlu makah , ufiirso sacad bin waqaas ciraaq buu katalinaayay waana ahlu makah
ufiirso mucaawiya shaam buu ka talinaayay waana ahlu makah
marka waxaan ku lee yuahay akhrintaada siirada ayaa kaa qaldan iska sax
hadda ka horna waxaan ku arkay adoo leh waa sax laakiin waqtigeedii ma lajoogaa taasna way iga yaabisay wax aad ula jeedana ma aqaan , ma diintii ay salafkii ku dhaqmi jireem mid aan ahayn baad qiil u raad raadsanaysaa
alaahu acalam
waxaa kaloo khalad wayn ah oo kaa dhacay HADA KA HOR shaydaan yare mustshriq markuu ku tilmaamay walaalaha itixaad wal xuluul in aad adigana ku waafaqday maxaa kugu dhacay takfiirka indhala’aanta ah ee intaa la eg ku galiyAY
NASALU LAAHA SALAAMA WAL CAAFIYAH
wabilaaahi tawfiq
Sir qarsoon
Hanu faar faarin sir qarsoon ee qaar sheegad yihiin qaarna su’aalo ka taagan yihiin?
Allow ceeb astur