Maxkamada Maamulka Xarakada Shababul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno ku ridey rag horey u soo xirtey oo ku eedeysnaa iney hanti ka dhaceen Ganacsato Soomaaliyeed.
Dadka Maxkamadu xukuntey oo gaarayey 16 qof ayaa maanta Maxkmada la soo hor joojiyey 10 nin oo 5 ka mida dafireen eedeyntii loo soo xirey, halka 5 tii kale oo danbiyada loo soo xirey qirtey la xukumey.
Xukunta ragan waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Qaadiga Maxakmada guud ee Xarakada Shababul Mujaahidiin Sh Qaadi C/Xaq, waxa uuna sheegay 5 ta nin in lagu xukumey Hantidii ay dhaceen intii ay qirteen iney dib u gudaan iyo sanad Xariga.
Dadka Maxkamadu xukuntey waxaa ku jira 6 nin oo Xabsiga horey uga baxsadey sida uu sheegay Qaadigu una galey DKMG, waxa uuna ugu baaqey iney Maxakamada isu soo dhiibaan si Xuquuqda looga oofiyo.
Sheekhu waxa uu sheegay iney sii daayeen 5tii nin ee inkiray danbigii loo soo xirey ka dib markii wax danbiya lagu waayey, Shirkadihii Hantida laga dhaceyna cadeymo u keysan waayeen.
Ka hor intii ragan Maxkamadu gacanta ku soo dhigin waxaa Shirkahada Ganacsiga ee Magaalada Muqdisho hareeyay dhac baahsan oo hantidooda la gula kacayey.

Related posts:
Arrinku waa sidee??
“Xukunta ragan waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Qaadiga Maxakmada guud ee Xarakada Shababul Mujaahidiin Sh Qaadi C/Xaq, waxa uuna sheegay 5 ta nin in lagu xukumey Hantidii ay dhaceen intii ay qirteen iney dib u gudaan iyo sanad Xariga?”
Ma shabakadii halista ahayd ee waxaan ogaa oo dhibka ah geysatay??
Maxaa ku dhacay maxkamaddii Xiraabada ku xukumi jirey mooryaan yar yar oo isbaaro dhigtey??
Qofkii dhacdooyinka wax kala socda arrinkani la yaab kuma aha. Maxaa yeelay waxaa la is weydiinayay ragga barqo cad shirkado weeraray iyadoo ay dadka oo dhami arkayaan waxaa muuqatey inaanay ka baqeyn ciqaab adag oo ku dhacda, xukunkaanina wuxuu si cad uga marqaati kacayaa arrinkaas isaga ah.
Waxaa yaab leh in rag intaas la eg ay ka baxsan karaan xabsiyada alshabaab oo la ogyahay sida ay khatarta u yihiin, taas macnaheedu waxaa weeyaan in la fakiyey, waxaase is wediin leh raggii maleegay fakashadooda, sow weli iyaga kuma dhex jiraan??
Waxaa dad badani aaminsanaayeen in arrinku uusan tuugo caadi ah ahayn balse uu ahaa shubho, lagu xalaalaystay xoolaha dadka. Waxaan idaacadaha qaarkood ka maqlay in ragga qirtay xatooyada ay ku andacoodeen in xoolahaas loo waday cadawga islaamka!!!
Xukunkani wuxuu dhiirri gelin u yahay dhacdooyin kale oo ka dambeya, wuxuuna sumcadda ka qaaday maxkamadda ridday xukunkaas!! iyo weliba leexashada (inxiraafka) khatarta ah ee ku Yimid Islaamiyiinta soomaaliya!!
Allaahumma Sallim!!!
BISMILLAAH.
Waa arin fiican in ninkii danbi lagu waayo la
sii daayo , waana in si caddalada wax loogu xukumaa waana in markhaatiyaal la keenaa , si qofka karaamadiisa iyo xuquuqdiisa loo ilaasho,
dhacdadaan waxay dharbaaxo ku tahay kuwii oran
jiaray shabaabku gawrac uun bay hayaan , war duf ku baxee shabaabku waa raxmad ummadda ALLAAH u soo diray , war aaway isbaarooyinkii war bal si fiican u soo mara inta shabaab ka
taliyo , waxaad la kulmaysaa amni iyo ammaan.
ALLAAH ha idinku garab galo dadaalkiina cadawgiina ALLAAH ha jabsho , xaasidiintana ALLAAH sharkooda ha ku cesho, waxaana idiin rajaynaynaa inaad midka xoogga wayn iyo kan daciifka ah isku si CADDAALAD loogu falo.
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
waa taas caddaalada al shabaab.ma.ii sheegi kartaan sababta nimankaan dadka dhacay haddana qirtey gacmaha looga goynwaayey iydoo aad ogtihiin in al shabaab ay dad badan gacmaha iyo lugahaba uga jareen dembiyo aan la.hubin iney galeen.hadaba walaalayaal xaaladu ma.lajifiyaana banaanbaa mise waa miskiinbaa misko la.fuula leh
ASALAMU CALEYKUM
Maantay ayaan xaqiiqsaday in Qudaada Al-Shabaab ay yihiin muthaqafiin oo aysan xukunka dagdag isaga ridin ayagoonan kitaabka iyo sunnada aqriskeeda soo dhameestirin.
Xukunka maanta ay fuliyeen waa xukunada ugu adag ee lakala saaro dhanka Axkaamta Islamka laakiin kutubta Islamka way ku qorantahay.
Waxaad ka heli kartaa Maktabada Fiqhul Islami ee Jamacadda Imam Maxamad ama linkgaan ka eeeg ayadoo faahfaahsan:
http://www.imamu.edu.sa/DContent/BOOKS/arabic_ibook44/Page_3751.htm
Allaah ayaan uga mahadnaqayaa ee maanta nasiiyay Qudaat muthaqafin ah diintana yaqaana.
waxaan u mahad celinayaa wabka somalirror.com oo ah wab caalami ah aadna u faah faahiyo wararraka wadankeena hooyo iskana ilaaliyo beenta waxaan idiku talinayaa iniidan buubuun xumaata ka dhacayso wadankeena oo mid ay geesanayaa dad wax magarata ah iyo inaad ilaa ka baqdaan ogaataan ina ladhimanaayo waxaana ahay aqristayaash somalirror.com aad ayaad u mad santihiin
FALXADOOOOW!!!!!! walaal mawaxaa doonee in la dulmiyo qof muslima meeshii laga hortagaayay dulmi ay is dulmiyaan shacabka muslinkaa sxb alle kabaq uu jooji dadka aad beenta ka sheegaysaid teeda kale waa adiga leh dad ayay ku xadgudbeen waxaa taahy KAADIB sabato waa hada aaya dhahee kuwaan aan waxaba lagu hayn halagu xad gudbo marka maadaa wax ku xad gudbay mise ayaga=?===?????++++ icafi walaal hadaan gaf kaagalay fadlan waa iga baryo waxaba caloosha ha iigu qaadin
Mooryaan hoosta ka wada socota…
asc. cadalad majirto. masakiintii hore lug gacan baa la jaray kuwane sanad xerig ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. ilahoow noo gargaar, aaway shareecadii?? nin mobil xaday ba gacan iyo lug la jaray, ciidankii shabab ee shirkadaha xawaladaha ka dhacay dhowr boqol oo kun oo doolArne sanad xerig ah, aaqira xisaab baa taal ogaada. dadka ma sina walee.
NIN xoolo dhacay umad islaami leedahay maxaa gacmaha looga jari waayay waliba waxaa uu ku dhucay xoog iyo qaadicu dariiq.
intaasi miyanay ayahan intii dhakin yartii hore gacmaha iyo lugaha looga jaray..
kuwaasni waxay ahaayeen shabaab waxaanay hadda yihiin shabaab sidaa miyaa sheekadu.
waxba ha is daalinina kuwa waqti ayay joogayaan ka dibna waa tagayaan iyagoo dhxal wanaagsan ummadda uga tagay:
faa;iidooyinkii shabaab:
1- Furidii madaarka Muqdisho
2- furidii villa somalia
3- furidii dekeda
ma idinla tahay in c/laahi yusuf furi lahaa maya
hada waxay wadaan fa’iidooyin kale oo ah
1- in WFP ay ridaan ummadda
2- xabaalaha la caabudo ay tirtiraan
3- in qabyaaladda au ummdda ay ka tirtiraan
4- in kuwii magaca qabiilka ummada ku dhig miiran jiray ay xiniinyaha ka saaraan
5- in soomaali dareento inay sharaf yeelan karto oo wax iska dhicin karto
intaasya ummadda u qabteen waana tagayaan maxaa yeelay malah xikmadii wax lagu maamuli lahaa iyo cilmigii
markaa waa nasri la inoo soo diray
ee ummadda cdii maamuli lhayd ha is diyaariso
in xukun la rido ma xuma laakiin tan meesha ku jirtaa waxay tahay haddii uusan haddalkiinu khaldaneyn, kuwa wax lagu waayey isla fahanney, laakiin kuwa danbiga lagu helay maxaa gacmaha looga guri waayey?.
Sababtoo ah waxaan isla ognahay in ay al shabaab dad badan ay gamaha ka jareen, marka sidee wax u jiraan? ma sida aad maqaalka u qorteen ayaa khaldan, mise arintu waa sax oo waa sida aad u sheegteen?.
Haddii ay dhab noqoto waa amar horleh oo al shaab ku soo kordhey oo odhanaya kii tabar yar ayey ciqaabtu ku waa jibtey waana mid diinta ILLAAHEY ka fog, adiga oo isticmaalaya magac diimeed inaad nin danbi qirtey oo weliba xatooyo ah aad sii deysid. Waa tii uu abwaan yidhi WAA DUNI NINKII TABAR-YAA TUUBO LOO SUDHANE.
Wabilaahi towfiiq.
as/cl dhmn umada soomaaliyeed iyo amaairadooda mujaahidinta ah iyo walaalaheena somalimirror.com oo ah webka keliya aan ku kalsoonahay qoraaladooda intaa ka dib waa arin lagu farxo waxa uu qabto amiirka walaayada muqdisho ee islaamiga waana arin aan ka sugaynay in ay noo qabtaan maadaama ay yihiin dowlada qura e sharaacada ku xukunto africa caalamkana labo meel uun oo kala ah afghanistan oo walaalaheena daalibaan iyo ciraaq dowlada ka jirto islaamiga ee heysata dhowrka magaalo.wabilaahi towfiiq.
Ninka Bismillaahi isku magac-aabay waxaad been u sheegtay Alle iyo Rasuulkiisa. waad arki doontaa Aakhiro markaad tagatid in Alshabaab ay wax kaa celiyaan iyo in kale. Wallaahi in ay dulmi tahay in Dorraato lagu dilay nin Wadaad ah oo la’yaqaanno magaalada diif, madaxa inta laga jaray, dhabarkana loo saaray. ninkaas oo ka tirsanaan jiray Raas-kayanbooni laakiinse Alle dartiis ugu baxay oo yiri mar haddii Walaalihi shalay isku meeelka dagaalamayey ay madaxa is dareen anigu bari baan ka ahay. maantana waa kaa looghu abaal guday Qoorta in Toorri looga Jaro. waxaan u sheegayaa Abuu-mansuur iyo kuwa la’midka ah ee madaxda ka ah Alshabaab ee shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan taagyeerayey taagyeerada u hayey in ummadda aad ugu abaalgudeen Gowrac iyo dil”
wassalaamu calaa manitabacal huddaa.
BISMILLAAH.
ku ; h a f a w.
nin bismillaahi isku magacaabay majiro ee
wajigaa alla gubye intaad is leedahay been
sheeg jahannama ha isku tuurin , magaca
hoosbaa lagu qoraa damiinyahow , waxaad soo
qortayna waa been maadaama warkaagii aad
been ku bilawday, shabaabna waa dad aad u
wanaagsan waxaan wanaag ahayna kuma hayno
ee beentu ma ka baayacmushtartaa ? miyaad ka
baqayn xisaabta kuu taal qiyaamada ?
beeni raad ma leh !
Subxaanallah!!!
HUFOW wallahay khaadimka ayaa kaa hufey waxaad la soo kumaaxinaysay
mida kale damiin la kordhabey baad tahay Arinka noocaas o kale ah waa in la hubiyaa inu jiro iyo inkale haday jirto waa in la ogaadaa wuxuu sameeye hadu jaajuus ahaa ama belo kale ushaqeynayey waa sax in tirakoobka laga reebo hadiise arinku ahaa tuhmo iyo malaawaal waylun liman qatalah.