Meydadka 3 Qof oo Muqdisho laga helay.

Published on February 26, 2010 by   ·   10 Comments   ·   print

Meydadka 3 Qof oo la sheegay inay toogasho ku dileen Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh wadada Maka Almukarama gaar ahaan Gurigii hore ee Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho ayaa manta lagu arkay Degmmada Hodan, waxaana qaarkood la geeyey Suuqa Bakaaraha kadib markii lagaran waayey.

Qaar kamida Dadka Deegaanka ayaa Sheegay inay Ciidamada AMISOM rasaas Huwiyeen Ragaas Xili aysan jirin wax dagaal oo ka jiray aagaas.

Sidoo kale dadka Deegaanka ayaa sheegay in dadka ladilay uu kamid ahaa Oday waayeela oo Madaxa looga jiray oo Xaafada Deganaa.

Mid kamida Meydadkaas oo lagaran waayey ayaa Meydkiisa lageeyey Masjidka Abu Hubeyra ee Suuqa Bakaaraha halkaa oo uu in mudo ah yaalay.

Lama oga qaabka loodilay ragan balse dadka qaar ayaa sheegay inay Ciidamada AMISOM ku liifeen wado ay marayeen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Meydadka 2 nin oo Laga Helay Gobolka Sh/Hoose
  2. Meydadka 3 Qof oo Laga Helay Agagaarka Warshada Baastada
  3. Meydadka 6 Qof oo Rayid ah oo Ciidamada Gumeysigu dileen oo laga helay G.Sh/Hoose
  4. Meydadka Dad Rayid ah oo Laga Helay Agagaarka Warshada Baastada
  5. Meydka Nin rayid ah oo laga helay agagaarka Warshada Caanaha

Readers Comments (10)

  1. Fuad sheikhabdalla??????? ? says:

    Allaha unaxariisto dadkaas, waxaana leenahay shahaadado Allaha u aqbalo, kolayba gaaladu waxay u yimaadeen in ay dadka somaliyed ee muslimka ah xasuuqan. Waana laga argoosandoonaa in sha Allah.

  2. abiidalxa says:

    asc walalayaal marka hore wan didin salamy salan kadibna wan ka xumahay dhibatada loo geysanyo shacabka somaliyeed mar waliba umana dulqadan doono insha allah

  3. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    [ INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN ]

    Gaaladaas ninkii keenay dhulkaas muslimku dago baa ka mas’uula dhiigga dadkaas, waxaana loo baahan yahay in la ogaado inaysan gaaladaan u imaan wax la yiraahdo nabad ilaalin ee waxay
    u joogaan oo kaliya inay muslimiinta xasuuqaan
    isla markaana ay waardiya u noqdaan gaala kalkaalayaasha , ee muslimow baraarug.

    WALLAAHU ACLAM WA AQWAA WA ACDAL WA ARXAM

  4. mohamed says:

    soomaalimiror ilaaheey ka cabsada beenta aan lugaha laeyn joojiya.Aniga amisom ma difaacayo laakiin nimanka meesha lagu dilay waxaa joogay nimankaan dowlad diidka ah ee shabaab iyo xisbul xasan daahir meel ay amisom ka dhowdahayna ma aheyn.Nimanka dhiiga muslinka baneeystay aa dilay shacabkaan masaakiinta gaaladana aan la dagaleeynin oo nin muslin soomaali aan ku jihaadeeyn ku jira.Xaalka waa iska eebooy kan yar iga celi kan weyn aan iska dhacshee oo kale.

  5. xaaji cali says:

    sh xasan daahir waad mahad san tahay laakiin hala midoobi shabaab waxaan kusababaynayaa hadal keyga 4 arimood
    1 waaniman usocda caalamka aduguna waxaad doonaysaa in aad soomaliya madax kanaqotid .
    2 waaniman ka amar qaata alqaacodada adiguna waxaad doonaysaa in aad udhaqan to sidii odoy dhaqameed xaajadana soomaalidu xalisato
    3 nimankani waatagfiir adiguna silefi baadtahay marka isma qaba kartaa
    4 ragani waa ilmo adiguna waayo arag ayaa tahay amarka islama socon karaan arag tidiino

  6. wadani says:

    war wax layiraahdo nababd ilaalin majerto ee ugandiska waxaay badaleen ethopiaka wanaalaladagalamaya insha-allah

  7. cabdorisaaq says:

    ugu horeyn waa salaamanyihiin dhamaan shaqaalaha somali miror aniga hada majoogo dalkeyga hooyo oo waan kamaqanahay lkn hadaan fikarad horta waxaan shaki kujirin in amisom aysan danta shacabka sibuuxda uga shaqeynayn sidaa daraadeed manta kama hadleyno sadex qof oo dhimatay waayo kumaan ayaan weynay maxaa inala haboon waaye su,aashu ee ma ahan in in aan eeedeen bilaawno anaga manta hadaan shacabka nahay waa in aan midoownaa nabadana kashaqeynaa gacmahana isqabsanaa

  8. yaa saatir says:

    allaha u wada naxariisto kulligoood

  9. yaa saatir says:

    ilaahoo kuu naxariiso waxaa ku jiray abtigay…nimankaas la dilay..

  10. Abu-salman says:

    Fadlan inanka magaca ka dhigtay (YAA SAATIR)
    walal labax magac ama naanayas aad leedahay waxad qoratay Sifa ismi ah O ALLAH leeyahay weliba xarfu nidaa lasocdo munaaduhuna waa ALLAH .
    Hadaan sikale kuu fahansiiyo hadaan doonayo inan ku jawaabo ama khalad aad ledahay cadeeyo ma waxaan ku odhanayaa waad khaldan tahay yaa (….,) subxanallah iska bedel sxb




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Meydadka 2 nin oo Laga Helay Gobolka Sh/Hoose
  2. Meydadka 3 Qof oo Laga Helay Agagaarka Warshada Baastada
  3. Meydadka 6 Qof oo Rayid ah oo Ciidamada Gumeysigu dileen oo laga helay G.Sh/Hoose
  4. Meydadka Dad Rayid ah oo Laga Helay Agagaarka Warshada Baastada
  5. Meydka Nin rayid ah oo laga helay agagaarka Warshada Caanaha

Latest Headlines