Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise!!
By Somalimirror on 26 Feb, 2010 8:31 AM in Kulanka ducaadda, Main, Wararka
بسم الله الرحمن الرحيم
Bismillah Raxmaani Raxiim
Waxaa laga yaabaa in dad badani ku wareeraan is jiid jiidka Mawliidka, qaarna leeyihiin waa bidco, qaarna leeyihiin mayee waa arin qof waliba oo muslim ah ay lagama maarmaan tahay inuu ku farxo dhalashadii rasuulka Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.
Balse walaallayaal aanu arinta si kale u eegno, annagoo isla fatashayna buugaagta taariikhda, kadiban aanu ku miisaamayno maanka iyo caqliga uu Allah swt. nagu manaysatay.
Taariikh Ahaan
Si baaritaankeenu uu u noqdo mid mira dhal ah waxaa haboon in aanu is weydiino su’aalahaan:
1-Nebi Muxammad Sallallaahu calayhi wasalam xaflad ma u dhigtay dhalashadiisii iyo anbiyadii ka horaysay ba’?
2-Saxaabadiisii sida: Abu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali iyo dadkii ku xigay ee wanaagsanaa sida: Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed Ibnu Xanbal (aasaasayaashii afarta madaahib ee Fiqiga maanta caanka ah) ma u dhigeen geeridiisii kadib xaflad dhalasho?
3- Goorma ayay u bilaabatay dhigidda xaflada mawlidka.? Yaasa ugu horeeyay qof dhiga?
4-Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??
Jawaabaha:
Jawaabta su’aasha koowaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma uusan dhigan .
Jawaabta su’aasha labaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma aysan u dhigin.
Jawaabta su’aasha sadexaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayan: qoladii ugu horaysay oo xaflada mawlidka dhigta waxay ahayd dawladii Cubaydiyyada (Faadimiyiintii).
Dawladaas waxay culimada ahlu sunnada dhamaantood (macaa kuwa mawliidka iskaga soo horjeeda) isku waafaqeen in ay gaalo diinta islaamka ka baxay ahaayeen, xaflada mawlidka keliya ma aysan qaban qaabin jirin balse waxay kaloo qaban qaabin jireen xaflado kale sida dhalashadii Cali Ibn Abi Daalib, Faaduma, Xassan, Xuseen (allaah haka wada raali noqdee) iyo dhalashada ninka markaa madaxda u ahaa.
Dawladaas xarunteedu waxay ahayd Qaahira ee dalka Masar, waxayna dowladaasu jirtey 910 -1171 miilaadi.
Jawaabta su’aasha afaraad:
Su’aashaas oo ahayd: Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??
Waa meesha la isku haysto, bal si su’aalo iyo jawaabo ah aanu u dhiraan dhirinno.
Culimada dhamaantood (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) waxay isku waafaqsanyihiin in Mawlidku bidco yahay, balse qaarka ogoli waxay leeyihiin waa bidco wanaagsan meesha kuwa diidanna ay leeyihiin mayee waa bidco. Bidco walibana waa lagu dembe geli sida uu yiri Nebiga sallallaahu calayhi wasallam.
Bidco: Waxaa la dhahaa wax walba oo diinta lagu soo kordhiyo geeridii Rasuulka – sallallaahu calayhi wasallam – gadaasheed.
Akhii Fillaah:
#Ogow shareecada islaamka camalka haddii uusan lahayn ikhlaas kuna taagnayn sunnadii Nabbiga (صلى الله عليه وسلم) lama aqbalo camalkaas, waayo waxa uu waayay labada shardi ee uu Allaah camalka saalixa ah ku aqbalo (ikhlaas iyo Mutaabaco).
#U gargaarida iyo jacaylka nebbi Muxamed (صلى الله عليه وسلم) waa inaand ku muujiso dhaqankaaga , inaad ku bixiso wakhtigaga barashada diinta, inaad ficiladii nebbiga ((صلى الله عليه وسلم) raacdo , sunadiisa ku dhaqanto kaas ayaa jacaylka dhabta ah, jannada iyo raali ahaanshaha ilaahayna lagu gaari karaa.
#Jacaylkaaga aad uhayso Nabiga ((صلى الله عليه وسلم) ha ahaado midkii Umu cimarah radiyalahu canha, iyo Muxamed Ibnu Maslamah radiyalahu canhu, jacayl lagala soo baxay axkaamta kitaabka iyo sunnada.
Talo iyo Gunaanad:
1-Maadaama uusan Suubanuhu – sallallaahu calayhi wasallam – uusan samayn.
2-Maadaama aysan saxaabadii suubanaha aysan samayn
3-Maadaama aysan culimada waa waynayd ee dunida islaamka soo
martay sida Abuu xaniifa Maalik Shaafici Axmed aysan samayn.
4-Maadaama dadka xaflada mawlidka aasaasay ay ahaayeen kuwo culimada islaamka isku waafaqay in gaalo ahaayeen.
Intaas kadib walaalayaal waxaa mudan in aanu is weydiino Su’ashaan: Mawlidka Ma U Dabaal Dagnaa Mise?? Ha noqoto su’aashaas mis caqligeena ka shaqaysiisa uuna qof walba kaga jawaabo si cadaaladi ay ku jirto, adigoonan qofna ama madhab gaar kuu ah aadnan ka hor marinayn Kitaabka Iyo Sunnada.
__________________________
Wa akhiru dacwaana anil xamdulilahi rabil caalamiin
Golaha Ducada Soomaaliyeed
daaciga@hotmail.com
11 Rabi Al-awal 1431
25 fabaraayo 2010
Daabaco

asc, walaalayaal marka hore waa idiin salaamey salaan ka dib, koley diinkeenu wax walba way ka inoo kala cadeeyey,culamadeenu way noo sheegeen in mowliidku nabigu scw la xusi karin,marka kuwa rabaan ama ku marmarsiiyaan nabiga jaceeylka aan u qabno uun baan u xuseyna,tabcan nabiga jaceylkiisa scw waa inaan dhaqankiisa qaadanaa ku deysanaa wuxuu sameyn jirey, qofkii sidaas la yimaado oo sameeya kaasi ayaa nabigu scw jecel yahay ee ma ahahn in meel la isku yimaado la qeelqeeliyo cunto la cuno wax jirro ma ahan,culumo badan way ka hadleen sida sheekh cumar faaruuq iyo kuwo kale in la xusi karin mowliidka nabigeenu scw,,,wabilaahi towfiiq
buska | Feb 26, 2010 | Reply
Illaahay janatul firdowsa ha idunku abaal gudo waayo Xaqii ayaad cayadseen waxaad keenteen daliil Diini ah iyo mid caqli ah wareego cadaysi wuu dhamaadey ee ahlu bidca diinta barta
Waamo | Feb 26, 2010 | Reply
maansha ALLAH waa noo biyaamiyeen khayr ALLAH hakasiiyo qofka iyo dadka juhdiga badan ku bixiyay,
Anigu shiikh maahi laakiin waa iicadyahay wadada aan ka abaarayo,
waxaana kafaa’iida waxyaala badan qoraalkaan,
ILAAHAY ha’iga dhaafee alow maxaan shaah qaybiyay
mahamed, MMC | Feb 26, 2010 | Reply
Ac walaalayaal xaqu waa cadyahay baadhilkuna waa cadyahay, dadkana waxaa udaran ruux waxa uu sheeganayo aan aqoonin balse isku daya in uubarto wixii kasoohorjeeda. aniga waxay ilataha wax aan islahaa waa hore ayey ummaddu soodhaaftay ayaa hada dib loogu celinayaa ee culimadu yeysan kadaalin bayaaminta xaqa. Ilaahayna waxaan kabaryayaa in uu xaqa inaguwada dilo.
Omar | Feb 26, 2010 | Reply
B I S M I L L A A H.
Waxkasta oo RASUULKEENII SUUBANAA CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM uusan ogayn oo diin ahaan loosamaynayo , waa bidco baadiya oo caaqibo xuma leh , aakhirana kaa hor istaagaysa inaad ka cabto baliga nagigeena calayhi ASSALAATU WASSALAAM.
RABBIGII i fahamsiiyay in dabaaldagga mawlika uu yahay bidco baa mahad oo dhan iska leh.
ALLAHAYOW kuwa ku baadiyaysan fantasiyaha mawlidka soo hanuuni.
su’aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaal u baahan jawaaaaaab
jihaadkii xaqqa ahaa maxaa ummadu ugu dhaqaaqi
wayday asagaanba shaki lahayne in janno lagu galayo’e ,maxaase jihaadka loogu farxi waayay
waxaana shaki lahayn haddii sida xaqqa ah loogu
socdo dariiqii RASUULKA CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM in liibaani lahaa oo lamidoobi lahaa
oo aan la arkeen qaarkeen oo gaalo u basaasaysa
ama u kalkaalaysa ! ! !.? ? ?
W A L L A A H U A C L A M.
khaaimul-ISLAAM | Feb 26, 2010 | Reply
Waxaa la yaab leh in dadka ahlu xadiiska ah ay markastaba xadiiska ka hormariyaan quraanka, iyagoo nabiga, NINKHA, daliishanaya ee aan daliishaneyn Ilaahi na abuurtay marka aan ognahay in ilaahay nagu faray quraankiisa in Nabi Maxammed, NINKHA, uu yahay rasaale qaadaha ilaahay, ilaahay kaliyana la daliishankaro.
Sidee ahlu xadiis uga soo horjeesan karaa in Nabiga la xuso? Ayyad quraan ah ee sheegeysa in aan Shaqsiga noogu barakada badan la xusi karin miyaa jirta? Muslimiinta ma danbaa ugu jirta in ay is xasuusiyaan nabigooda mise maya? Maxay ku saleysantahay diiniyan diidmadan?
Dadka kasoo horjeeda mowliidak waa Shabaab iyo Xisb Islaam (WAHABIYA AMA SALAFIYA.
ma ogtihiin in Al-shaaba ama Xisb-Islaam lala boxo in ay tahay shirk, ilaahna quraankiisa ku sheegay? maxaa keenay iyagoo inay yihiin muslim, inay magac kale la baxaan, oo ay igu yimaadaan magaa marka hore, magacaana isko aqoonasanaya kuna dhimanaya? TAA AYAA SHIRK AH. iSLAANIMO WAX KA WEYN EE DAD ISU KEENI KARA MAJIRAAN. NABIGANA IN LA XUSO WAX MAMNUUCAYA MA JIRAAN. DIINTA HALA BARTO.
cali warsame | Feb 26, 2010 | Reply
kkkwalaal mahamed,MMC
dhib malahan haduu allaah kufahan siiyay waa alxamdulillaah ee kuwa hada waqtgooda kubixinaayo ayuu dhib heeystaa oo rasuulka NNKH waxuu layimidna diidan oo siqilaafsa uwado
faadumo | Feb 26, 2010 | Reply
TO qoraaga maqaalka diyaariye
marka hore waxaan dhihi lahaa qoraha maqaalka in uu yahay mid aanan cilmi u lahayn sida wax loo qoro. Tusaale ahaan ninka maqaalka daabacaya waxa waxaa looga baahanyahay inuu rayi miizaaman oo caqli gal ah soo badhigo. wuxuu tageersanyahay in aanan xus la dhigin hadana wuu isi sii muujinayaa in uu fikirkiisa kaliya soo qortay.
waxaan su aali lahaa qulumada way isku waafaqday uu leeyahay ma shabaab iyo xibul islmaa?
intuu ka keenay go aanka ah in culumoo dhan isku raacday?
oo hadey israacday qillfaba ma jiree muxuu yahay qilaafka uu sheegayo hadana?
waxaan dhihi lahaa kaligaa ayaa isi suaalay adigaaana isu jawaabay. marka meesha xiggmad la imow ama iska dhaaf qorida maqaalada.
aragtideyda.
arinkaan wxuu u baahanyahay cilmi iyo akhalaaq. ee umma baahana aniga wargeyga ayaa jannada lagu galaa.
qolada qabta waala xusaa rasuulka(SCWS) waxay ag fadhidaa Ethobia iyo wax aanan wanaagasaneyn.
qolada diidan in rasuulka(csws) la xussana waxay gacmaha kula jiraan dhiigi islaamka ee uu rasuulka yari waaxaaraam.
haddaba 2duba Arinta Rasuulka(SCW)waxbo kama galaan oo ficilkoodaba ma waafaqsana camalki Nebigeena.
dhalinyarada waxaan dhihi lahaa wax hala barto akhalaaqdana haloo badnaado sababtoo ah diin aan aqlaakh lahayn waa mida dooda islaamka horay uu ugu socon layahay.
danta qaaska iyo Diinta Islaamka | Feb 26, 2010 | Reply
a.c.w. mowliidku waa bidco sida wadadku sheegay daliil kasta oo ay keenaan waa badil, waxaa dooday hada ka hor Ibnu Xazam iyo mid Suufiya,midkii suufiga ahaa wuxuu soo daliilsaday aayada bilowga suuratul Israa.markaasa Ibnu Xazam isna yiri ana daliilkaygu waa QULACUUDU BIRABIL FALAQ, marka daliilka suufiyada waa sidaa oo kale.
Abu Cabdullahi lusaka | Feb 26, 2010 | Reply
cilmi iyo taariikh wixii dhacay horteen ayaad ku fariisiseen qormada. laakiin waxaan kabaqayaa kan jaahilka ah ee hawadiisa raacaya oo rasuulka utiirinaya iyo kii tagoogta wanka ku diyaarsanaya dhalashada nabigeena(saw) inaysan galin dhagahooda. laakiin waa qorma anfacaysa muslimiinta jecel nabigooda iskuna dayaya inay wadadiisii oo kaliya raacaan.
maki | Feb 26, 2010 | Reply
waxaan leeyahay arrinta xuska NEBIGA (SCW), waxaan leeyahy..gaaladii dawaca denmark u igmatay aflagaadaynta Nebiga (SCW)ee nebiga caayey April 2008, hadana hadeer ayay dib u faafiyeen caydii…
OO BADWEYNTA MAXAY YEESHAA HADDII EYDA (KILAABTA) DUNIDOO DHAMMI KU MANTAGTO!!??
Haddaba, way jirtaa in Nebiga sida ugu fiican ee lagu weyneeyaa ay tahay in sunihiisa la raaco..laakiin waxaan leeyahy marakan ha la dhaafo nin kastiba dariiqadu sax u arko ha ku weyneeyee..mar haddii aan macsi (denbi) muuqda lagu dhacayn.
cali | Feb 26, 2010 | Reply
cali | Feb 26, 2010 | Reply
bis milaah walaalayaal mowliidku wax jira maaha in loo dabaal dago niman raa fidaah baa keenay asalkiisa oo daganaa masar waxaa la o ran jiray niman kaaa cubaydiyiin qar nigii afaraad quruu asalaasa al mu fadalaa waxa la yaqaanay maw aheen kutubtii la alifay 3qarni oo uray say hadaadaqrido wax mooliid layiraah do ku arki masid,,,,,risaaladaa madiina al munawara baan ka soo dira
daahir maxmuud nuur | Feb 26, 2010 | Reply
bismilaah al xamduli laah wasalaatu wasalamu calaa rasuu lilaah wabacdu:-
rabi subxaanahu watacalaa waxa uu ku yiri kitaabkiisa munazalka ah WIXII UU RASUULKA IDIINLA YIMAADAY QAATA WIXII IDINKA REEBEYNA KAREEBTOONAADA
rasuulka suuban waxa uu yiri WAXAAN IDIIN DARDAARMAAYAA IN AAD RAACDAAN SUNADEEYDA IYO SUNADII QULAFAAU AL RAASHIIDIIN
xuska dhalashada nabiga maahan wax ka sugnaaday rasuulka swc iyo qulaafaau alraashiinta iyo saxaabadii rasuulka swc dhamaantoodba
waa arin lagu soo daray diinta suuban, rasuulka waxa uu yiri RUUXII SAMEEYA CAMAL OOWSAN IIGA DANYSNIN ANIGA WAA LAGU CILINAAYAA
rabi subxaanahu watacaalaa waxa uu yiri MAANTA AYAAN IDIIN DHAMEEYSTIRAY DIINTIINA WAANA IDIIN TAAM YEELAY NIMCADEEYDA
waxa aan leenahay ixtifaalka loo sameeyo dhalashadii nabiga waa arin diinta islaamka lagu soodarey
taasi micnaheeduna waxaa wayay diinta in uusan ilaahey dhameystirin waana arin qatar ah
walaahu subxaanahu watacaalaa aclaa wa aclamu bi alsawaab
wasalaamu calaykum waraxmatu alaahi wabarakaatuhu
abu maxamed | Feb 27, 2010 | Reply
asc/ww
walaala asc/ww walaala yaal waxaan idiin shegayaa in aysan dintu aheyn xeer dadkii hore ama kuwada hada jooga sameysteen oo loo doodo waxaasi ma banaan yihiin iyo ma banaana walaalayaal rabi sw wuxuu qurankiisa noogu cadeyey hadaad doodaan u noqda kitabda iyo sunada rasuulka scw rabi sw waxaa uu inoo doortey islamnimo yaanan la iska burin qofkii ku qanci waayo kitabka alle iyo sunada csw isagaa yaqaan meshuu owrkiis ku furan hadii saladii duhur 4rakaco tahey aadse la timaado 6 adey gooni kuu tahey rasuulkaan jeclahey oo waxaan rabey in salaad badan in aan la imaado jawaab qolada mowliidsada ayaan u daayey
ramadaankii ayaan 60 bari ka dhigi qolada mowliidsata ayaan u daayey milasanawi iyo UNDP ayaa hada fangareyneysa mowliidka qolada mowl, ayaan u daayey
w/towfiiq
anka | Feb 27, 2010 | Reply
Abu Maxamed, waa runtaa ilaah dhageysta nabi Maxamed, NINKHA, ayuu na faray. Laakiin dhageysigu waa rasaalada ilaah noogu soo dhiibay ee maahan mid nabiga ka timid.
Suuratul SABA, AYA 28 ayaa daliil u ah.
nabiga in nabi ahaan loo xuso ma ahan shirk. In ilaah lala simo ayaa la diidayaa. haddii fidno looga hortagayo, waa in loo daayaa dadka nabiga xusaya waayo waxaa wax kastaba ka daran fidnada iyo shacbiga waxyeeloobaya.
cali warsame | Feb 27, 2010 | Reply
Alle waxaan ka baryeynaa Xaqqa inuu na tuso naguna sugo inta mowdka naga haleelayo.
Sayfun min sayfulaah | Feb 27, 2010 | Reply
Masha Allah
Qoraal macquul ah. Mowlidka waa bidco ay sameyeen dad diinta doonaya inay wax ku daraan kaddib markii waxyigii la dhamaystiray iyada oo lagu andacoonaya maxabbada rasuulka scw.
Xitaa ibnu Xajar kitaabkiisa fatxiga waxaa uu ku dhacay tanaaqudh markii uu yiri asalkiisu waa bidco laakiin waa bidco xasanah.
Isaga keliya maha ee qaar badan ayaa qaba laakiin hadalkoooda waa axaadiga ku gefeen oo warkooda arrintaasi la waafiqi maayo.
Laakiin waxaa is weydiin leh waxay tahay:
1) Suufiyada Soomaliya iyo madaxooda sida xamaasadda badan ee heerka qaran ee loogu dabaal degayo bidcan, yaa nagu nooleeyay?
2) Shabaab ma leeyihiin moral ay ku diidaan mowliidka iyaga oo banneystay dhiigga mujaahidiinta iyo kan shacabkan miiska ah ee jabay?
Jawaab kooban?
1) Waxaa boorka ka jafay suufiyada markii ay shabaab si khaldan ula dhaqmeen suufiya sii dhimanaysay ama sii dhammaaneysay? Tafaasisha mar kale
2) Shabaab malaha moral xoog badan ay ku reebaan bidcadan iyaga oo banneystay dhiigga mujaahidiinta ama shacabka iyo ducaadda khilaafsan.
Ogow malahi ma reebi karaan. Waxaan leeyahay ma heli karaan dhega badan oo dhageysan kara maadana ay gacanta la galeen dhiig badan oo dad badan oo muslim ah la yaabeen.
Sidaa awgeed seminaarkii ay shaley ka wadeen xamar ee mowliidka kaga hadlayeen waxaa ku habboonaa inay kaga hadlaan sida Xurmada dhiiga islaamka iyo sida loo badbaadin lahaa miraha jihaadka iyo sida midnimada saxda lagu helaa?
laakiin waxaa lagu faaganayaa mas’aladda Mowliidka oo seminaar caalami loo qabanayaa iyada oo kabaairta laga warwareegayo. Ma aqallal xikmah al islaamiyah.
Sheekadu waa taqtuuluna Xuseen wa tas’aluuna damul bacuudha.
Allahuma ustur.
Cali Guure | Feb 27, 2010 | Reply
laakiin waa inaad sheegtaa waxay suufiyadu la wadaagto shabaab iyo xisbul islaam.
1- seefta ama muslimiinta in la laayo.
2- kuris jacaylka iyo inaan wax kale marin.
3-culimada ahlusanaha oo la caayo,
4-jahliga xaga diinta.
5-nacaybka ay culimada uqabaan.
6-xamaasan aan qiimo lahayn oo inay igu isdilaan kala celinwayday.
7-marka lagu yidhaa waar waxan jihaad maahee muslimiinta ha laynina ooy yidhaahdaan jihaadkii ayaa ladiiday, iyo suufiya marka lagu yidhaa waar badcada iska daaya oo nabiga sidii asaxaabtu ugu saliyi jirtay ugu saliya oo yidhaahdaan saligii nabiga (scw) ayaa la diiday.
8-in la sheegsheego oo meelahaa laga warwarysotw
9-iyo waxyaabo kale oon tiro lahayn
abu abas | Feb 27, 2010 | Reply
ASC waxaan anigu aaminsanahay in lagu badbaadikaro in laqaato wixii russuulku ina soogaarsiiyey wixxii kale oomaalaayacni ahna laga tago mawaxaad aaminsantihiin in ILAAHEY ILAAWEY oo RASUULKIISU ilaawey oo bini aadam garteen in NABIGA SCW dhalashadiisa laweyneeyo?dib isku fiirsha walaalayaal madhici karto waxkasto oo aad jeceshahay inaad tiraahdid waa xaq diintu waa kaamil qofna wax kumadarikaro
daaher mudugdogan | Feb 28, 2010 | Reply
bismillaah jawaabtu way sugan tahay in loo dabaal dago mwliidku wa bidco cad hadii ay diintu tahay fikir wax lagu bii rinayo asxabtii wan wanagsanaa ayaa wax ku dari lahaa nbai muxamed nnkh kama sugnaan in uu dhigtay xaflad dhalasho mana aysan dhigin kuwii ka dambee yay sida asxabtiisii iyo weliba ta biciyiintii sub xanallaah kuwa fikir kaas qatayna waxa an u malaynayaa in ay yihiin kuwo an ku xeel dheren diinta islamka maxaa yeelay wax yabaha qar kood ma aysan ku dhaqmi lahayen sida bidcada an salka iyo radka midna lahayn gaar ahaan dalkeena somaliyana ad ba loo qaban qabiyaa oo maal iyo hanti fara badan lagu bixiyaa subxannallaah lkn hada way kasii su laysaa bi id nillaah waxaana le yahay suufiyada ilaahay ha idin so hanuu niyo oo diinta ha idin fahan siiyo maxaa yeelay qofkii waxaas ku dhaqma waxa uu ka mid yahay suufiyada wassalamu calayku maca salaama
qamaan | Mar 1, 2010 | Reply
asc walaalayaal ilaah ayaa mahad dhammaanteed iska leh intaa kadib waxan leenahay walaalaha xaqa cadeeya allaha ka ajarsiiyo annagana hannagu anfaco lakin anigu waxan la hadlayaa (cali warsame)wuxuu ku leeyahay ilaah swt ayaa mawliidka aayado usoo dajiyey walaal ilaah ka cabso marka kowad marka labaadna haku iftaroon khaaliqa ah warmaalintii ilaah soo dajiyey (MAANTA AYAAN DIINKINII IDIIN KAMILAY NICMADAYDIINA IDINKU TAAMYEELAY DINTA ISLAAMKANA AAN DIIN AHAN IDIINKU RAALI NOQDAY)mawliid ma layaqaanay yaase birthday dhigta oo aan gaalo ka ahayn?ldiinteenu ma waxan labo ciidood ahayn ayey qabtaa iyo ciidul asbuuca?ilaahay u toobad keen xataa markaad wax sheegayso caddaaladda hakatagin magac ayaad shirki ku sheegtay bidco tii ugu waynaydna waa aminsantahay shataana maa baynahumaa
cabdirashiid | Mar 1, 2010 | Reply
takale waxuu ku leeyahay qur’aankii ayaa lagatagayoo axaadiith ayaa la daliishanayaa
hal aayad kaligeed ah ma fahmi kartaa oo aan xadiith kuu cadayn? ogow walaal quraanka waxa fasila axaadiithta waan garanayaa aayadda aad hadda duuduubka uliqsantahay ee suuratul yuunis lkn quran baa ku soo dagay mawlidka hadaad aaminsantahay waxyigu goormuu go’ay?markaad taa ka jawaabtid.mawliidku goormuu billawday kajawaab????
cabdirashiid | Mar 1, 2010 | Reply
Cabdirashiid,
Walaal ma dhihin ilaah ayaa mawliidka aayado u soo dajiyay. Waxaan iri aayad mamnuucaysa in aan nabi muxamad la xuso miyaa jirta. Haddii ay quraanka ku jirto ayaad noocaa ah, adiguba noo sheeg walaal.
Waxa ahlu xadiiska ay sheegaan ayaa waxay tahay in wixii ay asxaabuhu sameeyeen oo kaliya la sameyn karo. Waxa kalena ay yihiin wax aan la ogolayn. Ilaah wuxuu na leeyahay waxa aan quraankeyga ku sheegay oo aan rasuulka idiinkugu soo dhiibay oo kaliya raaca oo ku dhaqma. Ilaah nama dhihin asxaabihii raaca. Way kala baxasantahay ee yaan laysku qasin.
Waxaan kaloo ku xasuusinayaa walaal, axaadiista waxaa la qoray ku dhawaad 200 sano nabiga, NINKHA, geeridisiisii kadib. Ma dhihi karnaa asxaabihii ma qorine waa in la dhaafaa? Internet asxaabuhu ma isticmaali jirine, Soomaalimirror ma iska deynaa? Cilmi quraan iyo caqli aadane midna ma yeelayo waxan. Diintuna ma adka e yaan la adkeynin. Nabiga hala xuso iyo yaan la xusin wax la isku dagaalo, fidnana loo galo ma ahan haddii cilmi iyo caqli jiro. Bulshada maskiinta ah waa in loo turaa.
Anigu axaadiista kama soo horjeedo walaal. Waxaan kasoo horjeedaa in booskii quraanka la galiyo xadiis. Waxaan ka soo horjeedaa in qof aan is difaaci Karin lagu dilo dhagax, iyadoo quraanku dhigeyn. Lana daliishanayo xadiis. Ma quraanka kariimka ah ayaa na faraya walaal in qof sineystay dhagax lagu dilo? Saw xadiis maahan waxa ahlu xadiisku ku xugminayaan masaakiinta aan is difaaci Karin. Walee aaqiro waxbaa jira haddiba laga baqayo.
cali warsame | Mar 2, 2010 | Reply
Asalamu alikum
Walaalka Cali warsame ku magacaaban waxaan filayaa wax badan ayaa iska ga qasan…walaal horta xadiisku iyo quranka waa labo waxyi oo Allaah ka yimaaday isna fasairaya…Sunadana waxa ay fasirtaa quraanka..
bal wa aiga radinaya axkaam badan oo ku sugan sunadee.waxaan kuwaydiinaaya: ma ii sheegi kartaa aayad quraan ah oo sharxaysa sida loo tukado salad walba , oo salaada subax inay tahay 2 rakco duhurna 4 yahay….xagee ka keentay hadaad tukato?
Walaal internet in la isticmaalo ma aha wax bidco ah diintana waxa ay noo sahashay wax walba oo aduunkeena nagu anfacaya inaan samaysano aana ugu horeyno…tasna bidca looma yaqaan ee bidcada la diidanyahay waa mida DIINTA wax aan ka mid ahayn lagu soo daro…ee haku wareego cadeysan wax aan jirin ee diinta qaado sunadana ku dhaqan hadalkaan aan qiimaha laheyn ee ad ku ahdaaqaysano iska daa oo Allaah utoobad keen afkaarta qalafsan iyo shubahaadka kaa buuxana iska nadiifi sunadana afkaaga kadaa oo istoosi ….
aadan yare | Mar 8, 2010 | Reply
asc maye looma dabaal dagi karo mowliidka waayo waa bidca ee qofkii u dabaaldaga waxaa u sameeyey wax bidca ah ee dadka munslimiinta ah ilaahay a ka cabsadeena aan ku dhaqmeena quraanka iyo sunada saxiixa ah.
waa bilaahi towfiiq
ABDIRAHIM | Mar 19, 2010 | Reply