Sh. C/Raxmaan Axmed Cilmi (Abyad) oo tan iyo 18kii bishan ku xirnaa xabsiga magaalada Kobenheegan ayaa maanta markii ugu horreysay loo ogolaaday in ay caa’iladiisu ku booqato xabsiga.
Sheekh C/Raxmaan oo usbuucii tegay ay ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka ay gurigiisa kasoo taxaabeen ayaa waxaa maanta caa’iladiisa loo ogolaaday in ay booqdaan.
Waxaa sheekha xabsiga kusoo booqday xubnaha ka tirsan gurigiisa kalana ah xaaskiisa, walaalkiis iyo wiil uu dhalay. Somalimirror oo la xiriirtay qoyska sheekh C/Raxmaan ayey uga warbixiyeen booqashadaas iyadoo caa’ilada sheekha loo ogolaaday in ay la joogaan sheekha muddo 15 daqiiqo ah.
Caa’ilada ayaa Somalimirror u caddeysay in loo diiday in ay iyaga iyo sheekha ku wada hadlaan af Soomaali iyo in ay ka wareystaan wixii uu kala kulmay xabsiga iyo waxa lagu heysto toona. Booqashada caa’ilada ee sheekha oo ku ekeyd is wareysi guud ayey ku sheegeen in caafimaadka sheekha iyo mooralkiisuba wanaagsanaa, dushiisana aanay ka arag wax dhibaato ah oo muuqata.
Waxaa kale oo caa’iladu sheegtay in horaan loogu diiday dibna loogu soo celiyay kitaab Qur’aan ah iyo dhowr kitaab oo kale oo ay u geeyeen sheekha si uu ugu akhristo xabsiga gudahiisa. Booliiska xabsiga ayaa diidmadaas ku sababeeyay in aan loo ogoleyn in sheekha loo geeyo wax dibedda xabiska laga keenay in uu jiro nin xabsiga u qaabilsan in uu maxaabiista u keeno wixii diin ku saabsan diin, hase yeeshee caa’iladu waxay xaqiijisay om aanan ilaa iyo haatan wax kitaab ah aanan la soo gaarsiinin sheekha.
Waxaa sidoo kale sheekha aan la gaarsiin warqad la doonayay in uu soo saxiixo si loogu qabto qareen sare oo aanan aheyn qareenka ay doonayaan in ay booliiska iyo ciidamada sirdoonka u dooraan. Warqaddaas ayaa maalintii la xiray maalinkii xigay loogu dhiibay ciidanka Booliiska ee jooga halka uu sheekhu ku xiran yahay, ilaa iyo haddase aanan loo geyn. Si ay suuragal u noqoto in qareen dibedda ah uu u doodo sheekha waxaa shardi ah in uu sheekhu ogolaanshihiisa arrinkaas ku aaddan ku muujiyo soo saxiixitaanka warqaddaas.
Sida aan qoyska sh. C/Raxmaan kasoo xigannay waxaa sheekhu faa’iideeyay in maxkamad lasoo taagi doono arbicada soo socota ee 3da bisha 3aad ee foodda inaku soo heysa haddii Alle idmo xilligaas oo lagu soo oogi doono eedaha ay booliiska iyo ciidamada sirdoonku ku heystaan sheekha kadibna ay maxkamaddu go’aan ka gaari doonto arrintiisa.
Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan Denmark gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Kobenheegan ayaa aad ugu howlan sidii uu sheekhu xorriyaddiisa u heli lahaa iyagoo la xiriiray warbaahinta kala geddisan ee gudaha iyo dibedda iyo garyaqaanno u dooda xuquuqda sheekha, tuhmada lagu heystana meesha ka saara.
Ciidamada Booliska ayaa ku andacooday in sababta sheekha loogu reebtay xabsiga ay tahay in gurigiisa laga helay lacag ay ku sheegeen in ay faalso tahay. Somalimirror oo la xiriirtay qoyska reerka si ay ugaato xaqiiqada lacagtaas ayaa caa’ilada sheekha waxay u xaqiijiyeen in lacagtaasi ay laheyd haweeney waayeel ah oo sheekha eeddadii ah kuna nool guriga sheekha. Lacagtaas ayaa ah wixii ay ka keydsatay lacagtii haweeneyda lagu siin jiray howlgabnimadeeda sheekhana uusan wax shaqo ah ku laheyn. Booliiska ayaanan meelna ku xusin calaaqada ay haweeneydan la leedahay lacagta ay sheekha ku eedeynayaan iyo in ay haweeneydaas boolisku xireen dabadeedna soo siidaayeen.

Related posts:
asc wr wbr ,,,,ilaahay ha u sahlo insha allah…..sheekh abyad waa sheekh caalim ah. gaaladan waa soo dhigatey ilaahow birmageetada ka qabo.
Ilaahay waxaanu kabar yeynaa inuu sheekha kasoo daayo kan soosaaro gacmaha cadawga gardarada ku xirtay
ALLAH ha u sahlo
sida iiga muuqata taqriirkan laga soo diyaarsha qoyska sh.c/raxman ma adka waxa lagu haystaa hadaanay jirin wax u qarsoon gaalada o ay la sugayan maxkamada sida lacag debed loodiray gaar ahaan somalia iyo waxyaabo ay u gudbiyeen dabadhilif somali sheegta
waa in garyaqaan culus loo qabtaa gaaladan jawaasis innaga ina sheegta aya dabada kaso riixaya idanka Allahna way fududaan.
allahu akbaar marka hore waxaa salaanta islamka uu diraya umada somaliyeed ee ku dhaqaan wadanka denmark maha marki ugu horaysay ee culimada la dhibo danbi laan waa sheeko galoo alle ha ka sidayo gacanta cadowka sheikha waxaana ka codsanaya inaan lo kala hariin xariga sheikha umada somaliyeed waliba sharcika lala digsado wax danbi ah ma ba lahay hadi ay maxakamada dani ku waydo iin maxakamada la so geeno cidii falka xuun ka danbaysay insha allah sheikh cabdirahman alle ayaa la jiraa waana ka so baxyaa waxaa kalo leyahaay umada somaliyeed ee ku dhaqan denmark waa inaay midnimo mujiyaan iskuna xirnadaan ka na shaqayaan midinmada umada somaliyeed sida unba xaal la ku garii karaa arimaha qabilnimada na la iska fo,gayaa waa hadii aan alle sii dhaab ah uu cabudno alle waa uu noo naxarisanayaa dhiibka jirana waxaa lo ka gudbi garaa iin alle aan rali kalino oo kitabka alle xaaq uu qadano xumadadana ka foganoo waa billahi doofiiq
ilaaay waxaan u waydiinaynaa walalkeena dhibanahaa in uu helo xoriyadiisii waxaana dhamaan umada somaliyeed ku wargalinaynaa inay u soo duceeyaan sheekh abdirahman abyad
abdirahman
waakas maxaa idin geeye dhul gaalo?? jihaad ayaaaba jirtee mise waa beentey
ascwrwb walaaalo way cadaahay waxa sheekha lagu haysto waa maxad muslim utahay oo musliminta waxa ubartaa dad somaliah bana ka danbeeyay ariinkan laki ALAAH tisa ka wayn waxay malegayaaan kuwa nagu dhex jiiira
Inshaa Allaah sheekheeoneeo maanta dad muslimiinta ayaa daroogo lagu xiraa lakin hadii adiga diintaadii lagugu xiray waa khayr soo zaa iday marka u samir dad kaa horeeyay ayaa soo samray e waana wax Alle S.W.T aw kula doontay
Allah s.w.t waxaan sheekh abyad aga baryaya in ka xijaabo gaalada sharkooda. Sheekha haloo soo duceeya walaalaha danmark waa inay dadaal badan sameeyaan oo arinkaan kasoo hor jeestaan.
sabrann yaa sheikhii ibtilaa al culamaa bay ka mid tahay lkn dhib male waa caadi sheikha insha lah ilaah farajallahu qaydah waan u ducaynaynaa insha alaah
BISMILLAAH.
war ma jiro mar haddaad xabsi gaalo gasho waa dhammaatay wax la yiraahdo xishood iyo wanaag iyo is qaddarin, hadde ninkii caqli lahow waad garan kartaa waxii ka dhacay xabsigii ku
yaalay ciraaq [ abuu- gurayb ] iyo kii ku yaalay jaziiradda kuuba ee [guwaantinaama ], waxii mualimiinta lagu sameeyay cid ay maanta ka qarsoontahay ma leh , ee maanta gaala kaa xoog badan waxaana looga adkaan karaa waa xoogga iimaanka ALLAAH SUBXAANAH oo ay la jirto
talo iyo tabar tayo leh , feejignaan leh , fiiro dheer leh, hal saf oo kaliya la noqdo , midnimo guud oo muslimiinta caalamka oo dhan ay ku midoobaan , in kitaabka iyo sunnada kor
laga yeelo , in khilaafadii muslimiinta la soo cesho , in la helo rag raga oo geesiyaala oo
u dagaalama sidii ay raggii MUXAMMAD CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM U DAGAALAMI JIREEN OO KALE
iyo in laga soo wada noqdo dhulalka gaalada oo loo soo hijroodo dhulalka muslimiintu joogaan si aadan si sahala gacanta gaalada ugu dhicin, intaas oo dhan intay ka suuragalayso waa in aynu sii dadaalnaa waana inaynu tashannaa shiikhana iyo dhammaan inta xabsiyada gaalada ku jirta ALLAAH SUBXAANA si dagdaga ha uga soo saaro.
WALLAAHU ACALAM.
as/cl inaalilaahi alaha u fududeeyo shiikheena c/man abyad waa shiikheeyga oo aan ka dhagaystay dhowr muxaadaro oo gaalada keydkooda ka sheekeenayso oo dowladaan ridada ka hadleydo aniga waxay ila tahay in sheekha ay xireen sirdoon ka tirsan daba dhilifkan ridada u shaqeeyo lkn inshaa alaah shiikha waxa uu ku taagan yahay xaqa wuxuuna diyaar u yahay in uu ku dhinto wadada xaqa waana arin aan shiikha ku dhahaayo ogow in aad xaq ku taagan tahay oo gaalo ninkay nacab tahay waa ninka xaqa ku taagan ilaahayna hakaa soo furto gaaladaan wabilaahi towfiiq.
ACW
Waxa gaalada caadi u ah ka been sheegidda muslimiinta. Ilaah waxaan ka baryayaa in sheekha ka badbaado xabsigooda iyo hagardaamooyinkooda..
“Allah waa uu difaacaya mu’miniinta”
Akh Abu Salmaan
Waad sheegtaye gaaladu waa dhagar badan yihiiin.
Waxaa loo baahan yahay in loo qabto looyar tunwayn oo dhaqaalahiisa la iska kaashado.
Tan kale insha Allah muslimiinta iyaga ayaa majoority ka noqon doono dhulka Skandaneefiyada.
Ilaahow u gargaar oo sug sheekh abyan iyo ducaadda kale ee jiifta xabsiyada gaalada.
Aan u ducayno sheekhaasi iyo walaalaha kale ee ku jira xabsiyada gaalada
waa wax laga xumaado
Ilaah sheekha ha ka soo daayo gaalada cadawga ah, waxaanse Soomaliyeey idiin sheegayaa Denmark waa wadamada ugu fiican aduunka laguna soo dhaweeyey Qoxooti Soomaaliyeed ee aan ixtitiraamno sharcigooda sheekhana u dacwoono.
ASc Inshaa allahu Raxman Allah baan Gargaarkiisa sheekha u weydiinaynaa iyo inuu awoodiisa kaga soo daayo xadhiga. walaala reer denrmak waa inay arintu ma cuslee,ay xil weeyn iska saaraan sidii sheekheena loo soo deyn lahaa.Bi,idnilaahi.
Waxaan ilaahey ka baryaynaa khawaarijta casriga iyo waxii fikirkooda aaminsan in uu ilaahey dhabarkooda jabiyo umadda bidaca ay ku wadaan ka qabto iyo shartooda xabsi iyo meel xun iyo ay u dambayso kuwa fara in lagu baxo dowladaha islaamka una nisbo sheegta xizbiyada sida jaahilkaan meesha ku xusan aamiin habaarkii sheikh muqbil uu ku riday allaha ku rido ninkaan waxa uu difaacaa abu qataada iyo waxii la halmaala wal ciyaadu bilaah.