Ugaas Max’ed Wali Sheekh Axmed oo ah Ugaaska Beesha Sade ayaa ugu baaqay Xoogaga Xisbul Islaam iyo Shabaabul Mujaahidiin inay midoobaan isla markaana meesha ka saaraan madmadowga soo kala dhexgalay maalmahan dambe.
Ugaas Max’ed Wali oo u waramayey Idaacada Horn Afriik ee Magaalada Mudisho ayaa sheegay in loo baahan yahay Xiligan inay midoobaan gacmahana isqabsadaan Xoogaga Islaamiyiinta ah ee kataliya inta badan koonfurta Dallka.
Waxa uu intaa ku daray in Alle kula Xisaabtami doono hadii ay umada iyo safafkooda mideywaayaan, wuxuuna ku booriyey inay dadka gaarsiiyaan Dacwada wanaagsan.
Ugaas Max’ed Wali oo arinkaa ka hadlaya ayaa yiri:“Waxaan ugu baaqayaa war Dadka Gacmo baraf leh iyo hadal wanaagsan gaarsiiya Dacwo wanaagsan gaarsiiya…. Waxaan leeyahay Mujaahidiinta warmidooba oo umada Ilaahey S.W uu diinta iyo Kheyrka iyo dhulka ugu kaalmeeyey hahor istaagina ee noqda kuwii mideyn lahaa oo barnaamijka mideynlahaa oo hasameynina inaad hor istaagtaan oo idinku hadaad midoobi weysaan umada waad hortaagan tihiin”.
“Nimankaa gaalada ah ee buurta noofadhiya iyo dadka daba dhilifka u ah masii Fadhiyeen hadaad Midoobilaheydeen waxaanu leenahay midooba war midooba, warmidooba oo Ilaahey S.W midnimada uga baqa”. Ayuu hadalkiisa siiraaciyey Ugaas Max’ed Wali.

Related posts:
A.C.W. Ugaasku wuxuu leeyahay qaata oo midooba,hana moodina magacyadaan inay yihiin muqadas.magaca iyo midnimada is bar bar dhiga oo midka raajixa ah qaata.waana midnimada.ayadoo afarta jiho laydin ka taagan yahay oo gaaloo dhan bada iyo bariga dhoobantahay.war isku tanaazula,oo haday daacad kaa tahay magac iyo mansaba ka tanaazul.oo sidii Xassan,r.a.sameeya.
Ugaas Maxamed Allah kheyr ku siiyo,Somaalidaa horey u tir WANO ABUURIS BAA KA HOREEYSAY,Alle na dulmin maayo ee Naftena anagaa dulminayna,aad bay u fudu tahy in la qato waanadada wa hadii Alle la doono wanaag iyo naxariis umada aad waa ninayso, balse macal- asifi shadiid waxaay maraysaa Xaalkeeni Andaluss meeshay maraysay burburkeedii,balse Allaan leenahay oo waxuu doonaa soconaya waanadaadana kuwa qata Allaha naga dhigo.
BISMILLAAH.
[ nin yiri ALLAAH ka baqa war waa dhammeeyay ]
WALLAAHU ACLAM.
Danta caamka & alle dartii haddii loo socdo waa la midoobi karaa laakiin waxaan ka yaabayaa
in dano gaar ah ka qaalibnood nimankaan mujaahidiin u tirsaneyno
Ugaaska qayladhaantiisa waxaa ku raacsan muslim walbe oo diinta guusheeda ka fakaraayo.
jazaka allaah khayran ugaaso
Illaahayoow adaan ku dacwoonay
ugas maxamed wali waa ugaas caaqil ah ilahayna ajar hakasiiyo waanadiisa
ASC / BISMILAAHI RAMAANI AL RAHIIM. ugaas ga alaah ajar iyo xasanaad hakasiiyo waanaada iyo talada qiimaha badani uu ujeediyay walaalihiisa muslimiinta ee soomaaliyeed.waa waano u ah kudayasho dhigiisa [ ugaas yada soomaaliyeed ] oo intoo badani loogabartay kicinta ,boorinta iyo horkicida dhanka shareed waloo ay jiraan imbadan oo wanaaga iyo samaha kataliyo.
Ummadda soomaaliyeed burburkeeda iyo dhibaatada kuhabsatay waxaa 1 ka ah hogaan xumi iyo in lagu imtixanay dad ay tahay mabda ooda xumaan ,qabiil ,shisheeyo u adeeg iyo kahormarida danta guud danahood gaarka ahi ILAAHAY HASOO HANUUNSHO HADUU KHEER LADOONAY HADII KALENA UMADA DHAAFIYO.
qolyaha eey taladu ogaaska kusocoto ee mujaahidiinta soomaaliyeed waxaa ceeb biniaadam iyo dambi AALE idiin kufilan in la idiin tiirsho oo qeeb kanoqotaan balaayada iyo baasaka umada kuhabsaday halka MARJAC wanaagsani oo ay umadu usoo hoyanlaheeyd ay ahayd xagiina ,in maanata adinka oo hal KITAAB [hal MANHAJ OO RABAANI AHI ]xambaarsani waliba lagayaabaa in ujeedkiinu uu yahay mid xukumida KITAAB ka ALLE meeshana kama marno in ay jirto ujeedooyin kale oo idiin ku hoos qarsoon mida kor kuxusan [ILAAHAY BAA GARAN].
Ugu dambeen ALLAHA u aqbalo waanada ugaas ka qolyahay ay kusocoto ALLAHA na mideeya sufuuftooda [MUJAAHIDIINTA], ugaas kana alaaha ajara iyo xasanaad hakasiiyo iyo dayasho mudan [ DHAMAAN UGAAS YADA KALE IYO INTA UMADA MASUULIYAD UHAYSO UNA TAFAXEEYTA SIDII LOO MIDEEN LAHAA SUFUUFTA MUJAAHIDIINTA IYO WALIBA XAL UHELIDA KHILAAFKA DHEXYAAL AYAGA IYO WIILASHA AMISOOM[DOOLAD KUSHEEGA].
DHAMAAN WAAN SALAAMAYAA BAHADA SOMALIMIRROR.
WASALAAM
ACWB:Salaanta islamaka ka dib war maxamed wali ma ahan UGAAS waa nin khayrka jecel ee mahan ugaaska sade darod marexan ama sade waxaa ugaas u ah reer diini reer ugaas sharmaarke isaguna waxaa la igu yiri waa reer garaad.Marka ugaaska ka daaya waa nin khayrka iyo diinta jecel sidaad ula socda gaalada ayuu neceb yahay marka isagaaba ka fiican kuwan suldaanada garaadyada malaaqyada imaamyada iyo ugaasyada.ee qabiilku dilay ee diinta islaamka diidan
Maxamed wali ilaahay hakabaqo asaga iyo qolada ugaaska ku sheegayso. Aabihiis iyo awowgiis midna ugaas manoqon isaguna ugaas ma’aha, beesha sade waalayaqaan ugaasyadeeda, nin wuxuusan ahayn sheeganayo in waxlaga qaato sax mahan, isaga naftiisa hasaxo marka hore.
wabilaahi towfiiq.
Ninkan yaa ugaas ka dhigay oo ku dhex darey mujaahidiinta? Cidna intaan ogahay.
Hadda ka kor ayaan weydiiyey wax iiga jawaaba ma arkin oo afkii baa la i goostay.
Waxaan ogaa maalintii cabdullaahi Yusuf ka dhigay Ugaas beenaad ee embakaathi iyo isaga oo la safan Barre Hiiraale.
Maxaa is beddelay mase waa sheekadii ahlu sunna, indho cadde iyo salaax badbaado oo kale oo nin walba wax ku darsanayey.
Cali Guure marnaba lagama yaabo inuu ku dagmo gar iyo cimaamad rag noo qaatey haba ahaadeen sunnah qaarkeeda.
UGAASKA BEESHA SADE MA HADBA QOFKII ISKA SHEEGTAA AH MISE CIDDII LOO CALEEMA SAARTAY TAN KALE UGAASNIMADA MA WAX QOFKII RABO SHEEGTO DADKANA U CAMIRAANBAA TAN KALE UGAASNIMADA KUWII RUNTA AHAA OO LOO CALEEMA SAARTAY BAAN HADDA WAXBA HAYN EE NINKA HADDA DUUR CIDLA AH KA SHEEGANAY SO FILAN WAA HORE DHAMAADAY NIN TIKIT USOO GOOSTAY MA AHA. ISKU SOO WADA DUUBOO ANIGA HADDA WAXAAN SHEEGANAYAA UGAAAS BEELAHA HAWIYE EE II CAMIRA OO DHAHA UGAAS CALI
akh Xasn
Kkkkk intaan dhihi lahaa adiga ayaa yiri. Ninkan waxaa ugaas ka dhigay Cabdullaahi yusuf, mar dhowna waxaa ugaas labaale ah ka dhigi doonaa malaha Shariifka.
Alle maxaa nin walba mufti isu beddelay meesha ka hadlaa
To: Xasan
Ugaas ka Alle ha xifdiyo
Tan kale aniga ayaa Beesha uu ka soo jeedo ah waana aqoonsanahay, waxaana lagu yaqaan wanaag iyo Kheyr ee fadlan ha u gafin Ugaaska
Tan kale hadii aad taqaano ugaasku waxuu ka soo jeedaa Ugaaskii ugu horeeyey ee Beesha Daarood oo dhan, loo doorto waa Boqorkii Beesha Daarood ee Maxa,ed Daa,uud
khaasatan waa garaadada Beesha Sade
Fadlan qof aadan cay u hayn, ha caayin
Tan kale Midnimada Diinta ayaa qabta waana shay wanaagsan. adiga ma waxaa ku dhibaysa midnimada Mujaahidiinta? jwb
mahadsanid
Somalitalk ayaan ku nacnay ugaas m wali somalimirror na ma soo galay war ugaa ma ahan asagu naftiisa hasaxo mareexan ugaas yadeeda waa la yaqaan ilaahay oga baq magaca aad sheeganayso
abdirahman kanwata waryaa ugaaska afka kaleexi hadaad leedahay yaa doortay mareexaan baa doortay hadaad leedahay isirna kafac kafac ayuu awoogiis ugaasyahay ugaasyada kale ee mareexaan waa kuwo mardhow ladoortay lakiin ninkaan mataqaan awoogiis ??waxaa ugaas maxamed wali awoow u ah garaad axmed hirabu oo ahaa garaadkii mareexaan hogaaminayayna ciidamadii xabashida ladagaalamay xiligii axmed gurey , ugaas maxamed wali waa ugaas beesha sade mareexaan oodhan ayaana doortay ninkii kanaxaya ha dhinto ciilka kii ku farxayana haku farxeen ugaasyada kale ee mareexaan waa tuugo qabiilaysta yaal ah oo xitaa mareexaan dhaxdiisa isku dira tusaale 1998 dagaalkii gedo markii mareexaan is cunayay oo xasuuqa kadhacayay ee xitaa xabashi lasoo kaxaystay si mareexaan qayb kamid ah loo laayo ugaas cumar beeshiisa ayuu lasaftay ugaas beesha reer xasana beeshiisa ayuu lasaftay kii howraarsamana beeshiisa ayuu lasaftay kaliya waxaa cadaalad muujiyay ugaas maxamed wali iyo beeshiisa oo sinaan iyo midnimo mareexaan raadiyay beesha reer garaad ee ugaas maxamed wali kadhashay ceelcade ayay gogol dhigtay si dhiiga daadanaya loo joojiyo waana ku guulaysteen arinkaas oo waala joojiyay dhiigii daadanayay ee mareexaan dhaxdiisa ahaa ,lakiin ragbaa kaxumaaday nabadaas waana ragii xabashida watay waxayna ubixiyeen ceelcade ceelmadoobe dhiigaas lajoojiyay darteed marka dad bahalo noqday baad rabtaa inaad ugaas nooga dhigto war ugaaska xaqa eee beesha mareexaan waa ugaas maxamed wali ku farax ama kanax
ugaas maxamed wali waa ugaaska beesha sade
ee mareexaan oodhana taageersanyahay maxay
qabtaan ugaasyada kale waa beenaale yaal
xilka ilaashada kuna raadsada dheef
ugaas maxamed wali qarnigaan aan joogno
waxyaabihii uu noo qabtay hadii aanahay beesha sade waxaa kamida abaartii gedo kudhacday waagii dhawayd booyado biya ah ayuu noo dhaaminayay oo wuu na waraabinayay xagee jireen ugaasyada kale markaas
ugaas maxamed wali umada ayuu wax u qabtaa mareexaan iska dhaafe somali oodhan ayuu jecelyahay ,inuu isu keeno ,lakiin kuwiinaan ugaaska diidan waan fahmaynaa waxaad ku mucaaradaysaan ugaaska waa diinta ilaahay ee uuka runsheegay waxaa xaqiiqa ah haduu leeyahay aan dadka boobno magaalo ku duulo si baadhil ah waad daba ordi lahaydeen sidaad ujeclaydeen waagii uu yaraa ee magaciisa aad baabuurta dagaalka ku qori jirteen ,qureeshba nabi maxamed csw waxay nacday markuu xaqa layimid intii hore way jeclayd waxayna ku nacday xaqa uu layimid ee asaga maysan necbayn
hadaba ugaas maxamed mareexaan baa doortay ugaasna ka dhigay waana jecelyahay mareexaan inta xun ee cuqdada qabta ciil ha udhinteen
ugaas maxamed wali waa ugaaska xaqa ah ee beesha sade mareexaan ayaana doortay marqaati ayaana laga wadayahay madashii lagu dooranayay ma cidbaa ka murmi karta midaas ???
majirto cidka murmi karta ee waxay la cabaadayaan kuwa cabaadaya diinta kamuuqata ugaaska iyo runta uu sheegayo ee haduu mareexaan u garbin lahaa ama maal xaaraana hala boobo dhihi lahaa waad daba yaaci lahaydeen sidaad u dabi yaaci jirteen waaguu yaraa ee aad magaciisa baabuurta ku qori jirteen ,anigu waxaan ahay nin mareexaana talxe ah yaa iga laandheeraysan mareexaan ???
ugaas maxamed wali ayaan taageersanahy ugaasyada kale waa tuugo ayaan leeyahay bal wax qaada kuwiina cuqdada qaba
ugaas maxamed wali ayaa ah ugaaska xaqa ah ee beesha mareexaan anigu waxaan ahay nin reer diini ah waxaana ka marqaati noqonayaa ugaasnimada maxamedwali iyo cadaalada uu mareexaan ku hogaamiyay ,kuwa cuqdada qaba
ee raba umada inay u horseedaan ceebta aysan isirka ulahayn kuma raacayno ugaasyada kale ee mareexaan waxaan ugu baaqaynaa inay ugaas maxamed wali sidiisa okale runta usheegaan
abdirahman ugaas maxamed wali beesha sade ayaa dooratay
ee adiga hadaad kaxuntahay is marji
kkkkkkk
War ilaah ka baqa oo khilaafkiinna ugaasyada ku soo xallista meel ka baxsan Somalimirror.
Cajiib
waa runtaa ugaas maxamed wali ayaa ah ugaaska beesha sade kuwaankale waa tuugo xili jecel
kuwaan xun xun ee hada qaylinaya waxay la qaylinayaan waxay rabaan inay toobiya ugaas ka dhigtaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
war ugaaska afka xunee uraya ka duwa hadiikale habaarkiisa idinka dhacaya ugaas xaq ku socda lama caayo iska jira gunyahay xun ee wareersan
waxaa yaab ah midka dhahaya ugaas maxamed wali ugaas maaha waraa ma adigaa waxdoorto mise mareexaan ayaa wax doorto ? ugaas maxamed wali mareexaan ayaa doortay mise adiga mareexaan matihid oo qof iska qaylinaayo ayaatahay ugaaska ha ugafin yaanan xaal lagaa qaadine
umad waliba waxay leedahay ugaas kaasoo matala guud ahaan beesha uu ka soo jeedo hadaba guud ahaan umada soomaaliyeed iyo beesha sadeba wuu ku cusubyahay ninkaan sheeganaayo ugaas balse ugaaska soomaliwayn taqaano oo waligii jiray oo soomaaliwayn u caleema saartay ugaasnimada waa UGAAS CUMAR UGAAS XIRSI oo abtirsiimihiisa ku dhamaanaayo ugaas ee hadaan hadi la ogaan lahaa macnaha uu ugaas xambaarsanyahay cid kale ma shegateen laakiin waa layaaoo reer siyaad xuseen ba ugaas ayay doorteen; reer xasan sidoo kale, dee reer garaadna haday leeyhihiin wan nahay hala yimaadaan ama waxay gaari doontaa ilaa cid kasto sheegato boqor iyo ugaas kkk
TO: cali guure, xasan iyo Geele
ASC walaalyaal Hal ugaas ma lahan horta Beesha sade
ee waxay leedahay Ugaasyo faro badan ee fadlan barta dadka
tan kale wiilka ila isticmaalay magac Geele ee caayaya Ugaaska waxaan ku waa nin lahaa Allaah ka cabso oo qof aadan cay u haynin ha ku danbaabin walaal Geele
Cali Gure waxaan leeyahay Ugaaska Beeshiisa ayaa doorata ee Cali Guure iyo noociisa midna wax laga weydiinmaayo, hadii aad qabiil ahaan u necebtahay is dil walaale
Allaahbaa Ugaas max,ed wali ka dhaliyey qabiil wanaagsan qof ahaana wanaajiyey
Xasan waxaan leeyahay iska daa dameeru dhaan raacday ee cod aad leedahay ku hadal waa ku aqaanaa anigu
asc wuu mahad san yahay ugaska sida wanagsan oo uu hadlo markasto waxan kuleeyahay shacabka soomaliyeed aya kujecel sidacad ah wa inad ushaqaysa marwalbo alah waxan kagarajeeynaya cadalad iyo jano
walee waa yaab aduunyo daba gadoontay ayaa lagu noolyahay nin waliba wuxuu doono ayuu ku hadlayaa wuxu dono wuu sheeganayaa balse
xaqiiqda qof og waaba nagu yaryahay raga qarkodna waxa ay ku hadlayan waa wax laga xishoodo mohamed walina waxaan leeyahay ugaasnimada madaxweyne camal ayay noqotaye
doorasho usoo gal saasaad ku heliye hadaad ka baqatsana ka xishow inaad iska sheegato ok wabilahi towfiiq