Prof. Maraykan ah oo Islaamay

Published on February 23, 2010 by   ·   12 Comments   ·   print

Ilo Saxaafadeed Sacuudiyaan ah ayaa sheegay in Profosoor Maraykan ah uu islaamay ka dib markii uu kaga Dhawaaqey Shahaadataynka Masjidka Al-Amaanah Al-Caamah ee Nadwada Caalamiga Shabaabka Islaamka ee Magaalada Riyaad ee Caasimada Sacuudiga.

Wargeyska “Al-Jazeera” ayaa qoray in Profosoorka Maraykanka uu Luuqadda Ingiriiskana  ka dhigayay Jaamacadda Al-Malik Sacuud, gaar ahaan wuxuu Macallin u ahaa Ardeyda Sanadka Koowaad.

Profosoorka Islaamay ayaa Magaciisa Badalay wuxuuna la baxay Salaaxu Diin.

Wargeyska ayaa sheegay in Profosoorka uu soo gaaray Magaalada Riyaad 4 Bilood ka hor, wuxuuna xiriir xagga Arimaha Bulshada ah oo xoogan la leeyahay Akaadeemiyadaha Wax barashadda.

Wargeyska “Al-jazeera” ayaa ka soo xigtay Profosoorka inuu Qaadashada Diinta Islaamka ay timaaday ka dib markii uu si Buuxda ugu qancay Laabtiisana ay ku Qaboowsatay.

Nin saaxiib la ahaa Profosoorka oo u dhashay Wadanka Hindiya ayaa qeyb weyn ka qaatay inuu u qeexo Profosoorka Diinta Islaamka iyo Wanaageeda, wuxuuna siiyay Kitaabo iyo Qoraalo Faah faahin ka bixinaya Islaamka iyo Mabaadiidiisa kuwaas oo ka qeyb qaatay inuu Fahmo Islaamka isla markaana uu Islaamo.

Dhanka kale 38 Qof oo ku nool Jamhuuriyadda Jaad ayaa Islaamay ka dib Rixlo Dacawi ah oo ay sameeysay Hay’adda “Nadwada Caalamiga ee Shabaabka Islaamka” waxaana Rixladaasi fuliyay Xafiiskeeda ay ku leedahay Wadankaasi.

Dadka Islaamay ayaa isugu jiray 8 Rag ah 26 Dumar ah iyo 4 Caruur ah, waxayna Islaamnimadooda kaga dhaawaaqeen Tuuladda Jumeyzah oo ah Deegaan ay ku Badanyihiin Wathaniyiinta waxayna ku taala Meel 50 KM dhinaca Koofunreed kaga aadan Caasimadda Jaad.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nin la Walaala Wasiir Ingiriis oo Islaamay.
  2. Mid ka mid ah Waardiyaashii Guantanamobay oo Islaamay oo loo diiday inuu Galo Ingiriiska
  3. Nin Soo islaamay oo Kalmada Towxiidkana loogu qabtay Masjidka Rowda ee Boosaaso
  4. 27 Qof oo Shalay Sacuudiga ku Islaamay & Xaflad Yemen loogu dhigay 100 haweena oo dhawaan Muslimay.
  5. Madaxda Yuhuudda oo walaac ka Muujiyay boqolaal Yuhuud ah oo Islaamay

Readers Comments (12)

  1. sulaymaan says:

    allaahu akbar qofkii illaah hanuunsho ayaa hanuunsan futuuxaadkii musliinta soodhaw isku xigmad buu ubaahanyahay ee dadka qaarkii ha ogaadeen

  2. Axmed Shaakir says:

    Islaamku wuu guuelysanayaa, isaga ayaana qabsan doona Caalamka, si kasta oo ay gaalo iyo inta raacsan isugu dayaan iney hor istaagaan diinta ilaahay, waayo waan aragnaa iyadoo sumcada islaamka la xumeynayo, oo islaamkii la aflagaadeynayo, oo muslimiintii la xasuuqayo oo waliba la diidan yahay in la arko muslimiin diinta islaamka isku xukumeysa ayaan aragnaa aqoon yahankii gaaladu inuu soo muslimayo taasna waa waxa ina tusaya in islaamkuu uu leeyahya Mustaqbalka Caalamka.

  3. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    Waa nicmaystay qofkaas islaamay hadduu ka run sheego islaamnimadiisa ,waxaase iswaydiin leh
    sucuudigu ddka muslimiinta ah ee u yimaada in ay xajiyaan ama cumraystaan ama ka shaqystaan miyuu si islaamnima ah ula dhaqmaa mase si ka xun midda yahuudda ? ? ?

    WALLAAHU ACLAM.

  4. zakaria says:

    allahu akbar ,, allahu akbar ,, allow qalbigeena ku sharax diinta islam ,, allahu akbar , wlh waa wax lagu farxo waa naf ka badbaaday cadaabka naarta allow dhamantayn naga badbaadi cadaabkaaga , allahu akbar

  5. Abu-salman says:

    To khadim
    walal ugu yeedhida dadka Diinta Allah iyo waxyaabaha ay samaynayaan xukuumadaha e khaldan 2bay kala yihiin waa waajib aynu usiman nahay .
    Mida kale sxb dadkeenu iyagoo sharcigooda passportka somaliga ah ayan lagu karayn inay isticmaalaan qaanunka

  6. umu anisaa says:

    asc wr wb maasha allaah dadka soo muslimey waxan rabaa in soomaali miror ku baraarujiyo caruurta ama qof walbo oo dhasho waa muslim waxa lagu dhala fidrada islaamka , waalidka dhaley ayaa diin kale galiya ee caruurtu waa muslimiin.

  7. mohamed deeq says:

    salamu calaykum
    salan kadib walalaha muslimiinta ah waxan lee yahay diintaan ilaahay ayaa balan qaaday in uu ilaalinayo si kasta oo loo dhibaateeyo, tan labaad dadka muslimiinta ah waxaan lee yahay dadka aad wada shaqaysaan isku daya in aad la sheekaysataan oo aad ogaataan mashaakilaadka haysta, si markasi aad xal uga dhigi kartaan diinta islaamka.
    salamu calaykum

  8. Ahmed says:

    Al xamdulilaah ilaahay ayaa naarta ka badbaadiyay

  9. abu cumar says:

    markaa noo baabuuninaysaan gaalsoo islaamay immisaa muslim pfr.ah xaqdaro kudisheen???

  10. sayid says:

    Allaahu akbar ilaaheybaa mahadleh waxaa maanta wax lagu farxo ah inuu soo islaamo nin american ah oo weyn maxaa yeelay america waxay ku caan baxday islaam naceyb marka waxaan leenahay amrica nacaybka ay islamka uqabto hoostooda ayey ka dhalanayan islaamku insha allah waxan rajeynayaa iney sanaha soo socda soo baxaan dad badan oo islam ah oo reer america ah insha allah

  11. Abu-salman says:

    Xornimo

    waa saad u qirtay adaa waalan
    dawadaaduna waa TAWBAD.

  12. ruunta waa ay macantahey says:

    ASC. Dinta rabi baa leh ninkii uu doono wuu siinayaa waa raxmad rabani ah ee ha ku mashqulin ninkaasa muslimey ee fadlan ku mushquulmeesha aad ka timid wax dulmi taagan dinta islamkanah ku xad guudbayaa. hadii aad din uu hilineysaan wey uu bahantahey hilmo waxaa ooguh hoorey in dulgi dinta ku xadgudbayo la dagaalamo kuwa dhiiga muslinta .

    ruunta waa ay macantahey




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nin la Walaala Wasiir Ingiriis oo Islaamay.
  2. Mid ka mid ah Waardiyaashii Guantanamobay oo Islaamay oo loo diiday inuu Galo Ingiriiska
  3. Nin Soo islaamay oo Kalmada Towxiidkana loogu qabtay Masjidka Rowda ee Boosaaso
  4. 27 Qof oo Shalay Sacuudiga ku Islaamay & Xaflad Yemen loogu dhigay 100 haweena oo dhawaan Muslimay.
  5. Madaxda Yuhuudda oo walaac ka Muujiyay boqolaal Yuhuud ah oo Islaamay

Latest Headlines