NATO oo Afqanistan ku Xasuuqday 33 Qof oo Rayida.

Published on February 23, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Ugu yaraan 33 Qof oo Rayida oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur ayaa ku dhintay Duqeymo ay Dad Barakacayey u geysteen Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada Gumeysiga NATO ee Dagaalka kawada Dalka Afqanistan.

Diyaaradaha NATO ayaa Axadii si ulakaca u bamgareeyey 3 Baabuur oo ay ku Qaxayeen Dad Rayida oo Haween, Caruur iyo Waayeel ubadan kuwaas oo marayey Gobolka Arzoqan ee Bartamaha Afqanistan sida uu shaaciyey Afhayeen u hadlay Wasaarada arimaha Gudaha Dalkaas.

Waxa ku dhintay Weerarka NATO ku bartilmaameedsatay Masaakiinta 33 Qof oo Rayida oo ay ku jiraan 4 Dumara iyo Caruur waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 12 kale.

NATO oo isku dayesa inay Ra’yul Caamka ka leexiso Xasuuqaas ayaa ku andacootay inay umaleysay koox Daalibaana oo Askartooda u diyaarinayey Weerar dhabagal ah, waxayna ku gaabsadeen kaliya inay kaxunyihiin waxa dhacay.

Weerarada noocan oo kale ah ee ay NATO ku bartilmaameedsato Rayidka ayaa aad ugu soo badanayey Dalka Afqanistan Sanadadii ugu dambeeyey.

Majirto cid soo hadal qaado Xasuuqa Isbaheysiga NATO iyo Xulafadiisu ka geystaan Dalka Afqanistan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 6 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay.
  2. 6 Askari oo NATO looga Dilay Afqanistan.
  3. 5 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay & Germany oo qorsheyneysa Ciidamo kordhin.
  4. 2 Askari oo Mareykan ah oo Afqanistan lagu Dilay & Booyado Shidaal oo NATO laga Qarxiyey.
  5. Askar NATO looga Dilay Afqanistan & Weerar lala Damacsanyahay Daalibaan.

Readers Comments (1)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    [ INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN ALLAAHUMMAJURNAA FII MUSIIBATINAA WAKHLUFNAA KHARAN MINHAA ]

    aaway raggii ku aadi lahaa gaaladaa wasakhda ah
    hadde muslimiinta dhulkoodii yuhuud baa madax looga dhigay saas baysan hurdada uga kici karin oo maalin walba waxay maqlaan , falastiin
    baa wax lagu dilay, ciraaq baa wax lagu dilay,
    soomaal baa wax lagu dilay, shiishaan baa wax lagu dilay intaas waa dad muslimiina , waxay noqotay musiibo iska dul taagan muslimiinta, ee muslimow hurdada ka kac oo gaalada iska celi

    WALLAAHU ACLAM.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 6 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay.
  2. 6 Askari oo NATO looga Dilay Afqanistan.
  3. 5 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay & Germany oo qorsheyneysa Ciidamo kordhin.
  4. 2 Askari oo Mareykan ah oo Afqanistan lagu Dilay & Booyado Shidaal oo NATO laga Qarxiyey.
  5. Askar NATO looga Dilay Afqanistan & Weerar lala Damacsanyahay Daalibaan.

Latest Headlines