Heshiis Dhexmaray Al-Shabaab iyo beel dagta Dh/Mareeb.

Published on February 23, 2010 by   ·   15 Comments   ·   print

Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Galgaduud ayaa Shaaciyey inay Heshiis dhinacyo badan taabanaya wada gaareen Besha Yabardhoorekace ee Degta Gobolkaas iyo Xarakada Al-Shabaab.

Sheekh Yuusuf Cismaan Axmed “Kabakutukade” oo ah Waaliga Shabaabul Mujahidiin ee Gobolka Galgaduud oo Saxaafada Shir jaraa’id u qabtay ayaa Sheegay inay heshiis wada gaareen Al-Shabaab iyo Yabardhowrakace kadib kulamo badan oo ay yeesheen.

Kabakutukade ayaa sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen Qodobo badan wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay ku heshiiyeen :-

1. “Wuxuu hishiiska Dhexmaray Beesha Yabar-dhowrakace iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay labada dhinac wada qaateen Nabad ku saleysan sharciga Islaamka oo ka dhaqangasho dhamaan dhulka ay beeshu dagto sida Magaalo madaxda Gobolka ee Duusomareeb.
2. Labada Dhinac waxay ku heshiiyeen dhaqangalinta Shareecada Islaamka.
3. In meel looga soo wada Jeesto wixii caqabadeynaya Nabada iyo Hirgalinta Shareecada.
4. In wax Alaale iyo wixii xuquuq ah oo ay isku yeeshaan labada Dhinac lagu kala qaato shareecada Islaamka.
5. In Cafis loo fidiyo Dadkii ka tirsanaa Beesha ee ka qeyb qaatay Dagaalka hadii ay towbad keenaan, kana baxaan wixii ay kujirijireen”.

Dhanka kale qaar kamida Odoyaasha Beesha Yabar dhoowrakace oo qeyb ka ahaa Shirkii ay labada dhinac heshiiska ku gaareen ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan isla markaana ay tahay Talaabo kawanaagsan in Xabada kaliya wax lagu xaliyo.

Odoyaasha ayaa sidoo kale ku baaqay in Goobaha kale ee ay dhibaatooyinku ka jiraan lagu xaliyo wadahadal.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Heshiis dhexmaray Al-shabaab iyo Beel ka tirsan Abgaal.
  2. Heshiis la dhex dhigay Beelo Walaalo ah.
  3. Al-shabab & Beesha Hillibi oo heshiis isla gaaray.
  4. Kulan dhexmaray Odoyaasha Dhoobley iyo Wilaayada Jubooyinka ee Al-Shabaab.
  5. Al-Shabaab oo la wareegay Dhuusa Mareeb & Matabaan

Readers Comments (15)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    Waa waddadii ugu fiicnayd ee lagu gaari lahaa
    guusha minimada walaalaha muslimiinta ah soomaaliyeed ,ee gaarsiiya dhammaan ummadda.

    WALLAAHU ACLAM.

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    Waa waddadii ugu fiicnayd ee lagu gaari lahaa
    guusha minimada walaalaha muslimiinta ah soomaaliyeed ,ee gaarsiiya dhammaan ummadda.

    WALLAAHU ACLAM.

  3. dalka says:

    Yabardhoorekace yay tahay? waligay ma maqal magacaas waa ii kow maxaay qabiil nabareen?!!

  4. Iidle says:

    Maansha Allah waxaa wax lagu farxo u ah dhammaan shucuubta mislimka ah gaar ahaan shacabka soomaaliyeed meel kasta iyo gobal kasta oo ay joogaan in maanta lagaaray heshiis wax ku ool u ah dhammaan shacabka la daalaa dhacaya abaarta,colaada iyo dagaalka ay kula jiraan gaalada iyo nimanka murtadiinta ah iyo waliba kuwa mushrikiinta ah ee ka dagaalamaya gobolka maanta hesiiska lagu gaaray qaybo ka mid ah. ALLAHU AKBAR. Astowdicu kumullahi

  5. Hasan says:

    Yabardhowrakace waa Niman Ceyr/habargidir ah lana heshiin mayaan Alshabaab, Dhuusamareebna Alshabaab xoog baa looga saaray, waxaana gacanta ku haya Culumaaudiinka ahlusunna waljameeca oo uu Hogaamiyo Macalin Mahamudd macalin Hassan oo hadda dawladda heshiis la saxiixanaya.

  6. AhmedNuur says:

    Insha allah waa soo dhawaynaynaa heshiiska dadka muslimiinta dhex mara laakiin waxaa iga su,aal ah maxaa AL-SHABAAB ay qabaa,ilada qaar ula heshiisaa iyadoo laga yabaa inay ka tahay qaybi oo xukun sida gumaystayaasha lagu yaqaana waxaan ognahay in hal beel aysan degan Dhuusamareeb laakiin ay wada degaan beesha cayr oo dhan marka maxaa keenay heshiiska halka qoys ee walaalaha AL-SHABAAB dhexmaray beeshaas kaliya ah

  7. cajiib says:

    Shabaabka beelaha sdiidi jiray siduu beel ula heshiinayaa beeshase ma maamulkuu wax uga ogol yihiin mase waa shacab inay shabaab u ahaadaan haddise xukkumad oo kale iyo shacab isu noqonayaan sidee laba daraf o heshis gaaraya u yihiin, lamana soo bandhigin horta heshiska la kala saxiixday oo dhab ah iyo cidda labada dhinac u saxiixday dhanka kalana beesha miyaa kaligeed dhusamareeb degta oo go’aan i gaari karta mase waa arrin iska bug ah oo shabaab tabar iyo xeelad ka dooneen

  8. odaysomaliyeed says:

    a/waraxamatulaahu
    Waxaan filayaa qodobkani inuu anfacayo kii WADADKA Sheeganjirey inkastoo culimadu ay yidhaheen ridadu labao ayeey uqabsanta oo mid ayaan toobad laga aqbalayn hadii laqabto waa riddah muqaladah waa hadii uu qofku isku darsado dagaal iyo diintoo uu kalaabto (wal ciyada billahi)iyo arimo dhowrah oo kale markaa koley ninkii taa kabadbaada ayaa jaanis ufuranyahay ninkii kalena intaan laqabn allah hausoo laabto ———-
    5. In Cafis loo fidiyo Dadkii ka tirsanaa Beesha ee ka qeyb qaatay Dagaalka hadii ay towbad keenaan, kana baxaan wixii ay kujirijireen”.

  9. GOOBDOON says:

    Al-shabaab markii ay qori caaraddii wax ku xallin weydey ayey heshiis wax lagu tilmaamo hoosta ka gashey,waase goorma,heshiiskuse ma kan dani kugu qasabteyda ahbaa,maxaa hore loogaga waayey iney shacabka soomaaliyeed cagta u dhighigaan oo ay isku dayaan inay ula dhaqmaan sidii xikmaduba ahayd ee ” laf sidii ay u jabtaa loo kabaa” ahayd,shacabkan ab iyo isir gumeystayaasha iyo dagaalada sokeeye soo ragaadiyeen ee u baahnaa maalinkii Axmaaro laga xoreeyey in inta soo hartay si xikmad leh loo badbaadiyo,oo lagusoo dumo u hogaansanaanta shareecada islaamka,oo xataa qabqablayaashii Ashahaado la dirirka lasoo xero geliyo oo laga soo jiido cadawga u gacmo haadinaya goor kasta.
    Bal u fiirso nebi muxamed csw,xikmadihiisii iyo maamulkiisii la yaabka lahaa ee cid kastoo kasoo horjeeday markii dambe hoos keentay cagahiisa,cafiska,safxiga,dulqaadka,ta,liifka iyo dhamaan akhlaaqiyaadkiisii suubanaa,ee markii dambe keenay inay qabaailadii oo ay hogaaminayaan ugaasyadoodii ay si afwaaj ah isugu soo daadiyeen islaamka,wa-lanaa fiihi Uswatun Xasanah.
    Aaway waxaas oo dhami oo xikmado ah,illaa shacabkii maanta aaban lagusoo qaadi karin wax la yiraahdo kitaab iyo shareeco iyo wadaad midna,maxaa goor hore u diiday marka inay shacabka soomaaliyeed isku soo aruuriyaan. Ma ka warqabaan islaamiyiintu in dad badan oo soomaali ah maanta banaanka u istaagan yihiin xirashada Macatabka nasaarada iyagoo naf badbaadsanaya,mase ogyihiin in inbadan oo dhallaankii iyo dhallintii soomaaliyeed ee qurbaha u yaacay ay wada gangs wax la yiraahdo isugu shubteen xabadna iska waraabinayaan qurbaha ay joogaan,kuwo kale oo badanna maanta aysan kala garaneyn waxa diin la yiraahdo iyo waxa diin la,aani tahay.
    Ma ka warqabaan islaamiyiinta maanta rajadii soomaaliyeed godka ku riday in gabdhihii soomaaliyeed ee qiimaha badnaa ee jirkooda iyo sharaftoodu wax walba kala qiimo badneyd in ay idaacadaha caalamka kala jahrayaan inay jirkooda iibsadaan,iyagoo naftooda iyo tan caruurtoodaba badbaado iyo quud u raadinaya?
    Wax ogaal ah ma u hayaan islaamiyiinta qoriga uun shanshada haya gabdheheenii soomaaliyeed inbadan oo ka mid ah inay u ilmo dhaleen umad kuwii u cawaansanaa ee ku noolaa koonfurta suudaan ee jonh gran ragiisii ahaa,iyo afrikaan kaleba oo dawlado kale ku nool,ka dib markii ay iska qafaasheen gabdhahaasi oo habayaaq ah oo meel kasta iska yaacaya si hawtul-hamug ah,gabdhahaasi oo sida lasoo warinayo lugaha ka wada xiran oo silsilado lagu giijay, habeen iyo maalinna sida xoolaha loo isticmaalo.
    Intaasi oo dhami ka sokow maxaa masiirkoodu noqonayaa kuwa 4ta sano ugu buuxsantay daadsanaanta geedaha hoostooda,ee maanta aan u arag inay kala sokeynin madficii itoobiyaanka iyo kan islaamiyiinta.Waa wax qalbigu kula xanuuno dhinacuna jiifka u diido,waa ninkii damqanayee…markaad aragto hooyo jiideysa 6 caruur ah oo kan ugu weyni jiro 10 oo fadhida meel bacad ah oo aan haysanin hoy,ama cunno,ammaba hu,, sidoo kale oday waayeel ah oo midkii kaliya ee uu ka naxay uu la tegey madfac,oo dayac iyo diif meel la kuududa..wallaahul-mustacaan wa ileyhi shakwaa.
    waxaas oo dhami waxaa ka daran maanta intaasoo musiibooyin ah oo ku habsaday shacabkaas cidina uma maqna ceelna uma qodna.
    Islaamiyiinoow idinka ayey markaasi talo gacantiina ku jirtay,idinkiina waad garab marteen xikmadii lagu badbaadin lahaa ummadaas..waadna fashilanteen ee ilaah wax idinka kheyr badan ha u keeno soomaaliya….

  10. Jacfar sheekh ibrahim says:

    wayeen wado kale ayey bilaabeen in ay iska horkeenaan beshaas lknse anigu cidna qabiilna kuma taageero kumana diido ee cidi dood ka qabta wey u furantahay ladagalanka unugyada mayal adag extremist group and hard line like al-shayadin mahadsanidin dhaman in

  11. Farax guleed says:

    Waa gii baryaba waa hor hor leh horta shabaab waa ka taal waxana daliil u ah in ay waa yahaan bilawday iney qosas iyo shakhsiyad la heshiido waxana fiican in hadii qabiil lala heshiinaa la soo qaato dad cida ka mid ah oo macquul ah ee mahaahan in qabiil la iskaga gardaroodo aan wax mas.uul ah laga hayn

  12. Abu-salman says:

    A/C.

    Dhamaan walalada faaloyinka ka qaybqaata waxan odhan lahaa eraygan ridada e aad u batay waa mid aad uculus dalki kama jiro dad intay diinta ISLAMKA ka bexeen mid kale qaata e waxaa ka jira rido ku iman karta (AL-WALA WAL-BARA) taasina waxay u bahan tahay ka fiirsi aad u xeeldheer waa in la eegaa qofkan ma waxaa laga waayey walaa lil xizbi mise wuxu ku dhacay ma yunqidhu islamah?? Lakin hadaynan wixiiba ka dhigno wax bila qayd ah waa halis hada xitaa waxan arkayey qofka sita (oday somaliyed) o tawbadda xitaa u diidan qofki lasiiyo cardka ridada e laqaybinayo faham waxaa ugu xun ka albaabo ilahay furay xidha wuxuna halis u yahay inu ku muto wizri weyn diinta aynu u fahano wado sahlan o loogu tala galay in basharka daciifka ahi raaco yeynan kadhig siraadki jahanama dulmarayey.
    Allow nabadbaadi

  13. wadaad yare says:

    Shabaabku waa xoog jira, waa mashiin xawaarihiisu dheereeyo. Laakiin xoogaasi maahan mid xakameysan, mashiinkuna waa mid ciladeysan oon fariin laheyn!

    Waxaa kasii daran ninka shukaanta fadhiya ma ahan nin degan ee waa mid maskaxda looga jiro. Maskaxdiisa waxaa ka guuxaya arimo ciidaas ka badan oo meelo badan ayuu ku haminayaa inuu bar tilmaameedsado oo gaaro. Laakiin macluumaadku maadaama ay iskaga dhex yaacsanyihiin ma yaqaano meel uu ku hor maro iyo meesha yoolkiisaa ee uu mashiinka ku jooji doono.

    Ninka mashiinkaas darawalka ka ah iyo qaar badan oo rakaabkiisaa, sidii qof waalan caadada u aheyd khayaalka iyo waaqica ayaa iskaga darsan. wuxuu isku si uga talo gelayaa tagta, joogta iyo timaada.Kheyr iyo shar, kharaar iyo macaan, xumaan iyo samaan iyo dhamaan wixii lid isku ahaa ayaa sameynaya guux iyo buuq sheydaani ah oo aan la kala saari kirin tan lagu hagaago. Sidaas darteed mashiinkaas aan fariinka laheyn waxaa uga sii daraya darawalka oo ku sugan xaalad waalli tan ugu daran iyo rakaabka saaran oo iyaguna ah kuwo waalan oo aan dareensaneyn iney saaran yihiin mashiinkii u sii wadey haadaanta sooma noqotada. Ma mashiinka sidaan u dheereynayaa ciladeysan? Xaasid baad tahey aan dooneyn inaan dhaqso meel gaarnee naga aamus.

    Ma darawalkaan fariidkaa oo xawaarahaas ku wada mashiinkaan mar la aragaabaad tiri wuu waalanyahey wallee cadawga koowaadba waa adigee intaadan igu qadeyn waa inaan kugu casheeyaa.

    Dadka daawanayaa way ogyihiin in mashiinkaasi mar aan dheereyn uu bur buri doono. Markuu bur burana aan baaqi ka hari doonin.

    Dadkaasi nin carara, mid mashiinka wadada u baneeya, mid cabsi indhuhu kor u xanyiigmaan oo wardi iyo allow i bixi afkiisu ku diir beelo ayey u qeybsameen.

    Ciyaalka yar yar ee waxa xiima iyo guuxa xiiseeya oo daawanaya looma sheegi karo war wuxu waa khatare ka fogaada. Oohin iyo xag xagasho iyo buuq bay isku darayaan ilaa loo daayo oo la yiraahdo meel daran ka dhace waa ku kaas.

    Siduu u xiimayo mar unbuu lama huraankii la hubey ku tegayaa Bang iyo ciyaalkii daawanayoo afku kala taagmey. Iyo waayeelkii wardiga boobayey oo neeftu kasoo boodey, kase xun halaaguu geystey iyo bur burkii naf iyo hanti ee uu jiirey ama ku qarxey.

    Ninkii darawalkaas fariidkaa oo mashiinkaas mar la aragaa wata, markuu ag marayo u qosla oo gacanta u haatiya si uu lafihiisa ugala baxsado yaan lala yaabin naftu way macaantahaye.

    Qabiilse warkiisa daa, oo mar horey ka yaaceen markey mashiinka guuxiisaba maqleene odayaal weeyeela oo lugeynaya ayuu meel ka heley kuwaasina si uu safarkiisa usii watoo oo uusan iyaga ugu soo leexan bay gacanta u haatiyeen. Darawalka iyo rakaabkiisi la wehliyeyna guul ayey tirsadeen maadaama loo gacan haatiyey. Waxeysanse ogeyn in odayaashaas lisaanul xaalkoodu leeyahey.

    Qosolkeyga farax ha u maleen qaan ka cararkaaye

  14. ahmad abshir says:

    Yabardhorakace wa jilibka ceyr ugu dagalka kulul shabab naf ayey karadiyen sababto ah dhusamareb lagama yabo in ey qabatan hadeysan la hehiin jilib ceyrka mid ah

  15. omar ali 1 says:

    kkkkkkkkkkkkk meshaas miyay marayaan mujaahidin ku sheegi koleey ka yeeli mayno hadaan nahay beesha kor ku xusan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Heshiis dhexmaray Al-shabaab iyo Beel ka tirsan Abgaal.
  2. Heshiis la dhex dhigay Beelo Walaalo ah.
  3. Al-shabab & Beesha Hillibi oo heshiis isla gaaray.
  4. Kulan dhexmaray Odoyaasha Dhoobley iyo Wilaayada Jubooyinka ee Al-Shabaab.
  5. Al-Shabaab oo la wareegay Dhuusa Mareeb & Matabaan

Latest Headlines