Al-shabab oo ka Hadley Qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacey Muqdisho.

Published on February 22, 2010 by   ·   36 Comments   ·   print

Afhayeenka Xarakada Shababul Mujaahidiin, Sh Cali Maxamuud Raage oo bahda Saxaafada shir jaraa’id oo uu qabtey kula Hadley maanta ayaa ka warbixiyey Qaraxyo soo noq noqdey oo ka dhacey gudaha iyo daafaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxa uu sheegay ka dib baaritaano xoogan oo ay sameeyeen iney ku ogaadeen dadkii ka danbeeyay labo qarax oo horaantii bishan ka dhacy gudaha Suuqa Bakaaraha oo midkood lala beegsan Kaalin Shidaal oo uu ka dhashey khasaare Maaliyadeed.

Qaar ka mida dadka ku lugta yeeshay Qaraxyada ayuu sheegay afhayeenku iney ku qabteen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, iyaguna ay qirteen iney ka danbeeyeen, sida uu hadalka u dhigey.

Waxa uu sidoo kale sheegay Qaraxii ugu danbeeyay ee xaley ka dhacey Agagaaka Baar Ubax inuu ku qarxay kuwo doonayey iney fuliyaan Qarax la mida kuwii hore, sida uu yiri:“Bakaaro cid la qarxiyo oo cadow ahi ma joogin waxa joogaa waxaa Shacab iyo Mujaahidiinta uun, kuwaas oo maanta Umada oo dhami aragtey iyagoo qaraxa iyo howshii meesha ay ka wadeen uu meydkoodii uu yaalo, iyagiina waxaa maanta sheeganaaya isla kuwii kii horena sheegtay ayaa sheeganaaya iney ciidankoodii yihiin oo ay ciidankoodii ka tirsanaayeen, taasina waxey tusineysaa falal isla meel uun ka wada imaanaayey maadaama isla hal ciidan isku noqdeen”.

Dhinaca Al-xizbul Islami, ma jiro hadal ka soo baxey oo ku aadan Qaraxyadan.

Sh Cali, oo soo hadal qaadey dagaalkii Dhoobley oo uu sheegay iney ku lug laheyd Dowlada Kenya iyo Ururo kale sida ONLF, waxa uu sidoo kale sheegay iney sheegteen dagaalkaas xoogag sheegtay iney ka tirsan yihiin Mujaahidiinta.

Hadalka Afhayeenka Al-shabab ee ku aadan dagaalkii Dhoobley ayaa u muuqda mid jawaab u ah, mid horey uga soo baxey Al-xizbul Islami.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh C/qaadir Cali oo ka Hadley Dilalkii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacey.
  2. C/risaaq Qeylow oo ka hadley dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacey.
  3. Wararkii ugu Danbeeyay ee Qaraxyadii lala beegsaday Xerada Xalane.
  4. Kulan Amaanka Muqdisho looga hadley oo ka dhacey Hotel Naaso Hableed.
  5. Sh Mukhtaar Roobow oo shir Jaraa’id uga hadley xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya

Readers Comments (36)

  1. Runle says:

    Ilaah ayaa awood leh.
    Al-shabaab hadana waxay doonayaan inay X-Islaam muqdisho ka sifeeyaan, waxaan Sh.daahir ugu baaqaynaa inuu Sh.shariif ugalo hadii kale wadadii Axmed modoobe ayaad mari oo waliba meel aad u qaxi maleh ee isdhii ita ay goori goortahay.

  2. Shooble says:

    Hadla hadde, ha aamusinee, mise Xizbul islaam baa haddana RIDDO ah? ileen afhayeenka XIZBUL ISLAAM an wuxuu yidhi Dhoobleey cutubyo Mujaahidinta Xizbul islaam ah ayaa kala wareegay Al shabaab, ka dibna uga baxay, Afhayeenka al shabaana wuxuu leeyahay ONLF iyo KENYA oo is bahaystaaa na soo weerartee?
    ONLF tan ay ku danbaabaan ayaaba wax lagu qoslo ah, niman iyagiiba 13 sano TIGRE la rafaadsan!

  3. cali xasan says:

    waa mahad ilaahay hadii cali dheere uu rabo inuu indhaha mujaahidiinta iyo kuwa shacabka uuu rabo inuu candhuuf mariyo sababtoo ah maxaad intaad u qaadatay meeydkooda 3 saac oo habeenimo hadane aad 8 saac usoo celisay
    tan labaad hadii eey qaraxa ayaga dhigeen xabadaha madaxa aad oo ga dhufatay ma ayaa is kudhuftay
    tan sadaxaad wax lagu qarxiyaya waa gurigii eey daganaayeen maqof gurigiisa miino kuxiraa ayaa jiro waa wax layaab leh
    cali waxa uu wado waa rag iskadhicin ee ala kacabsi kumajiro ilaahay haduu kuladoono khaeyr hakusoo hannuuniyo ee dadka muslimiinta ah mujaahidiinta ah dhiigooda aad banaysatay ilaahay hakaa abaal mariyo

  4. sahal says:

    a/c ilaahay ha laga baqo meelkastoo la joogo dhiiga muslimiintana hala kala bad baadiyo waa la isku sii wadaa ee teeda kale waxaan rabaa in aan kalmad yar u sheego walaalahayga shabaab oo ah maxay shabaab u dhahaan maalin kasta waxaan is laynay onlf war ilaahay ka baqa oo cilmaaniyiinta sii fir go aya ee aad nagu soo noolaynaysaan naga daaya nin kaas islaynaysaan islaayoo meeshii ay ka aas aasmeen ayay ka madheen saad meelo kale ku sii sheegaysaan ma waxaad u dan leedihiin in aad qandaraas uuga soo furtaan maraykanka cilmaaniyiintaas war alle ka baqoo dadkaad is haysataan iska celiyoo masgacyada beenta ah iska daaya waad mahad san tihiin

  5. Ibnu_saxwah says:

    Salaamulaah
    hadii Manhajku qaldamo mafilayo in waxkale hagaagayaan weliba majecli inaan bellasheeg kusifoobo,laakiin waxaa waxlaga xumaado ah in maalinkasta qabaailka somalida oo aan wax walle ah uhayn diinta ay Alshabaab leeyihiin heshiis baan lagalay oo waana taageereen,Shiekh C/qadir cali cumarna Murtad buu noqday,Ahmed Madoobi waa ONLF(means ugaadeen) ayuu noqday, waxaa cullumo noo ah Rag saaxadda kamaqan oo iyagaa kafiican cullimadda soomaliyeed ee Fasaqadda noqday sida shiekh cali sheegay !!!!!! Markay jihaadkii katageen,kay isu qaban weydee Bal walaalaha iga xogogaalsanaw siiwada tacliiqa

  6. ahmed says:

    soomaali aqoon la aan diimeed yaa heysa maalin walba urur yey daba ordaan ka dibna rafaadiya aawey diintii dhamaan waa aduun raaddis ee meesha jihaad ma yaal waxaayna rabaa dadka ay guryahooda ka saareen in ay ku dagaalamaan ka dibna dhahaan kuwii ridada waan leyney walee waxaa iga danbeysa waa deyrta maanta ah nin baa laga hayaa ee aan dhowr meesha lagu danbeeyo

  7. CAJIIB says:

    yaab iyo yaabkiis!
    Allow annaga ayaa wax aragnay afkii laba daan lehba war lagama waayo waxaan la yaabay nimankaan mujaahid,mujaahid mujaahid,ku hadaaqaya yaa u waxyooday oo yiri mujaahidiin baad tihiin,shacabkii soomaaliyeed dhiigiisii iyo halaagiisii ayaana subax iyo galabba lagu durduurtaa.
    waa cajab iyo cajab ka daran markaad u fiirsato,shabaab,xisbul islaam,kuwa ahlusunna isku sheegay iyo shariif iyo shayaadiinta ood moodo in iyaguna rabbi soo doortay.
    War waxaan idin oran lahaa Aragiinii nac buu taraye soomaalida masaakiinta ah dhinac u dhaafa qabqablayaashii wax aad dhaantaan lama arkrr..

  8. Abu fatima says:

    somalimirror dhamaan wixii soomara meesha soo daa hadii kale waxaad raali katahay in mooryaantu alshabaab caayaan kana helaan hoy ay beentooda iyo xiqdigooda ku faafshaan

  9. wadaad yare says:

    Nimankaan markaan gartey halistooda oon ka digey wallee ma dhoweyn, laakiin yaa iga dhegeystey anigaaba daalac la ii raacdey.

  10. Sahal says:

    SCWW.
    Ninkaan indha adaygiisa ayaan la yaabay. Xisbigii ayaaba hadlaya oo leh anagaa dagalka Dhoobley galay markaasuu isna lasoo indha guduudanyahay onlf ayaan is laynay.

  11. DAARDAARTA says:

    QOSOL BADANAA .
    MAXAAD BEEN LA ISU SHEEGAA. WAR MAXAA DIIN LAGU GABADAA. FIDNANA MAXAA LA DALBADAA WAAAN DHIHI LAHAA XUKUN ISUMA OGOLIDIN OOXURMO ISUMA OGOLIDIN OO XAQ ISUMA OGOLODIN . OO XIDIDTINIMO ISUMA OGOLIDIN , OO ISKU XAAFADNIMO ISUMA OGOLIDIN . OO ISXASUUQBAA XIRFAD IDIIN NOQOTEY OO SHIR JARAAID BAA SHARAF IDIINKU MUUQATEY OO SHAAR DIINEEDBAA HADANA HUWASHADII ISUGU TIMAADEEN .
    ILAAHAYOW CAMAL SUUBAN BAAN KU WEYDIISTAYE ILLAAHOW FIDNADAAN NAGA BADBAADI . ADAA AWOODEE.

  12. Mujaahid says:

    shooble I like your answer man. It is amazing and I laughed last sentence, but as you know Al-Shabab always criticize ONLF. i don’t know what they benefit and behind it.

  13. Raage Ugaas says:

    ONLF waxay la dagaalamaysaa gaalo gumaysi ah oo dhul Muslimiin xoog ku haysta. Cali Dheerow haddii diintu dhab kaa tahay, ciidan iyo hub u dir ONLF si ay isaga caabiyaan ciidamada Ethiopia.

    Mujaahidiin rasmi ah waxaa Soomaaliya ugu danbeeysay ururkii diiniga ahaa ee la dhihi jiray AL-ITIXAAD AL-ISLAAMII.

  14. falxado says:

    Asalaamu calaykum

    Salaan ka dib

    Runle,

    Waxay ila tahay meel la tago waxaa maanta u shar badan shariif agtiisa, ma waxaad wadaadka kula talinaysaa inuu Bahuuko magansado?

    ———————

    Shooble

    Riddadu ma aha riddo diineed ee waa mid siyaasadeed, kol haddii ay sidaas tahay maxaa diidaya in xizbulIslaam lagu dabbaqo?

    ————————–

    cali Xasan

    Waxaad tiri “cali waxa uu wado waa rag iskadhicin ee ala kacabsi kumajiro”, taasi run kuma aha shabaabka kaliya, balse waxay ku caddahay labada xizbi.

    ————————

    Sahal

    Haddii aad u adigu u haysato inay Muslimiin is-dilayaan, iyagu waxay lee yihiin “qatlaanaa fil-janna waqatlaakum finnaar” oo la macne ah, kuwii naga dhintay jannaday gelayaan kuwii iyaga ka dhintayna naar bay gelayaan!! Ma mooddaa inay jannada iyo Naarta iyagu leeyihiin, oo ay rasiidh (waraaq ugu qorayaan ciddii ay doonaan)!!

    ————-
    Ahmed,

    cali dheere ma calaacalayo, waxaa calaacalaya waa qarannimada soomaaliyeed, oo dad aan ehel u ahayn ay doonayaan inay mustaqbalkeeda go’aamiyaan. cali dheere waxba kama xuma!! cidda ay wax ka xumaanayaan waa aniga iyo kuwa ila midka ah.

    ——————

    Rashid, india

    Soo noqo adoo nabad ah.. kol hadii aad India joogto, waxaa kaa qarsoon ayaa ka badan waxaa muu muuqda.

    —————-

    waalid

    wadaadka ma sawirkiisa kaliya ayaad ku xukuntay? kaasi waa xukun cadaaladda ka dheer!

    —————

    waxaa la ii sheegay in shalay galab uu nin ka istaagay masaajidka Abuu hureyra kuna gooddiyey in qofkii ay ka maqlaan inay isdileen shabaab iyo xisbulislaam uu dhiiggiisu u bannaanyahay!!!!

  15. Omar says:

    Waa tan waxaan muddo sheegaynay.
    Dadka u haysta inay magacii ilaah ku hadlayaan ama booskii nabiga ku fadhiyaan dhabtana ka indho xiran, waxaan xoog iyo gaalaysiin ahayna aqoon, tabarta shacabka iyo tooda iyo danta guudna aan eegayn in shacabka iyo culimada iy waxgaradka kale talada kala dhaxayso iyo aayaha shacabkana ogolayn, ee onl ajnabi ka dhigaya rag aan soomaali ahayna walaalahood u yaqaan oo talada ka qaadanaya waxaan sugnaa waa dagaal dhex mara labada urur ama shabab dhex mara maadaama la diiday ama la keeni waayey waddo aan isgaalaysiin iyo isdil ahayn oo khilaafka lagu xalliyo.
    Haddii garasho ay jirto oo damac iyo isla qumanaan laga adkaan karo waxaa maxkamaduhu la heshiin lahaayeen dawladdii c/llaahi yuusuf ayadoo dan guud la eegayo ama isbahaysigii asmara iyo shabab baa wada joogi lahaa ama khilaafkii kooxda asmaro ayaa xal loo heli lahaa laakiin sida muuqata wax badan lagama duwana hadaan laga darnay n qabqablayaashii belaha marka ay timaado xaga talo wadaaga iyo in qaab nabadeed iyo doorasho iyo tala wadaag khilaafyada lagu xalliyo show inay somaliland wax kasoo bartaan bay u baahan yihiin.

  16. maxamed says:

    salaan kadib waxaan u arkaa arintaas inay tahay daan daansi aan laga xishoon shabaabna haday kaficil qaataan halgan koodii oodhan waa hal bacaad lagu lisay marka waxaan leeyahay war hadaan lakala roonnaan roob mado o ee iskaa shada oo cadowga meel uga soo wada jeensada

  17. Abdul Dahir Guled says:

    waxaa fiican warka intaan la sheegin in leeska hubiyo,, waxaan kula talin lahaa walaalaha shabaab iska aydeynaya iney xaqiiqada baaraan oo aysan isaga hadaaqin waxa ay ka maqlaan fadhi ku dirirada.. oo ay waliba indha u yeesheen cadawga iyo dhagartiisa oo aysan ku mashquulin shabaab- oo ah sida cadawgu rabo-.thank u

  18. Maxed ismaciil says:

    Walaha al shabab waxan ushagaya in warki shalay waxu aha dagal ilah kabaqa oo dhiga muslimka an ladadin

  19. wadaad yare says:

    Somalimirror

    Cali Guure ayaan ka rabaa jawaabe gaarisiiya taxliilkeyga

    Wax la kala qariyo meesha ma yaalaan oo meydadka sida somalimemo oo shabaab leeyihiin loogu xardhey waad aragteene, dadka warkoodu leeyahey wazniga taxliilka iyo macluumaadka xogta iyo faaqidaada ha isku dhaafsadeene fursad siiya.

    Aqoon iyo khibrad iyo tajrubo dheer ayaan u leeyahey kooxdaan iyo dadka saan saantooda lehe warkeyga ha yareysan, aniguna cidii iga kororsaneysa khibradeyda waan u sheegayaa iyadoo majaan ah, maadaama aan aaminsanahey in hal doon dadka dhan wada saaranyahey, oo qolo hadii daadku usoo galo inta kalena daadku wada qaadayo. Walow kaana sarkhatan fii waadin wa nafkhan fii ramaad!

    Waxa meeshaan ka socda waa koobigii Aljeria inaad wax ka barataana way haboontahey.

    Dhacdadaani waa arin juz,i ah ama dhacdo fardi ah, kaligeedna ma fahmi karo qofka aan dhacdooyinka kale ku xirini.

    Anigu uma dhaaran karo, xogteeda hoosena waa la iiga cilmi roonyahey, laakiin hadaan sameeyo qiraa,o isku xireysa axdaathta waxaan qabaa in waxa dhan ay tahey masraxiyad naxariis daran oo Shabaabku dhigayaan, Xisbul Islaamna maadaama uu yahey darafka moogahaa uu garan la,yahey si uu ula tacaamulo maadaama la heley rag ragoodi ah oo meyd ah oo meesha yaalla waxey sameeyaan ayey garan la,yihiin.

    Mararka qaar inaad arin juz,iya fahamto waxey u baahantahey inaad arimaha kulligaa fahansantahey.

    Aniga taxliilkeyga arimahaan waa sidaas, waxaanan qabaa Xisbul Islaam ineysan ka dabaalan karin xaaladaha taagan.

  20. xaajiga says:

    a/warxamatulaahi
    Waxaan filaya arinkani maaha mid cusub waxalaga yabaa inaan dadbadani hawarhayn xaalada xisbigu meeshay mareyso lakiin cidii arimaha hoose ogi way lasocotaa waxaan filaya walalaha shabaul mujahidiin waa ay subureen waayo marar badan ayaa waxaa dhacday inay iska dhaafeen wax badan oo kahaladah iyagoo midnimo quuldareynaya waxaan se filayaa maxamed macalin iyo axmed madoobe iyo cidii xisbaiga ah oo aan toosnayni kama duawana shiriif lasoogamey iyo ciidankiisa raga leh haye haye hadan xisbiga rido kusheega !!!! war ragu aqoonyaraa mawexey umaleyeen ridau inay qabiil tahay miyaney fahamsaneyn inay acmaal iyo citqadaad lagau ridoobo qofkiilayimadan uu ridoobayo mawexey moodeen in qofkiilarabo layska dhahayo waa ridoobey sxbayaalow waxa halakafaho hadii ay rag xisbiga kamid ahi layimadan wixii indhacade iyo madoobe layimadeen oo ahaa inay gaalo hoosagalan oo ay magansadaan sida uu WADAAD XUME (wadad yare )kan layiraahaa uu aaminsanyahay oo uu yiraaho GAAL MAXASTA KUUDHAWRA OOD MAGANSATAADHAAMA
    hadalkasoo aan umalaynayo inuu aad udanyahay oo allah uu kalxisabtamayo ninkii aaminsan marakaa ninkii sidaalayimada cidkastuu yahay xitaa haduu shaabab katirsanyahay (laaqadaralaahu) wadadaa ayuu marayaa marakaa wax kalsaara oo aayn arimuhu iskaga kiin qaldamin anigu waxan hada aaminsanahay wax xisbilayidhaha majiraan waayo ragii asaasay oo sh x turi kamid aha ayaa iskaga baxay madoobe wakaa dagalamaya iyadoo gaaladii ay wadanka bali bali tahay waakaa laga celinlayhay dekedii ayaa u hilaacaysa iyo kismaayo ilaa aya ulagashay inuu kenya eheluraadsao ama ONLf sookaxaysto waa arin iska cad oo aan maranlahayn hadaba ninkii axmed madoobe sooraaca dee waa nin dagaal iclamiyeey iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadan walalhu ay weli is dhowarayaa allah ayaa sidaa og
    amaa fadhilatu sh mujahid Aweys allah ayan uweydiinaynaa sugnaansho waxana rajeynayaa inuu marna ugelidoonin Amisom iyo gaalo (laaqadaralaahu) Macaadalaah shiikha weli magaranayo warkiisa bal hadii aad haysaan telkiisa fadlan halaysoo qoro waan lahadlayaa
    Allah aan weydiisano inuu xaqa inagusugo

  21. rajaku nool says:

    ku cali xasan iska dhaaf mujaahidka aad duraysid waxaan ku dhihilaha allaha ku kalabaro qofka xaqawada iyo midka badilka wada adna allaha kusoo hanuuniyo

  22. odaysomaliyeed says:

    a/waraxama war maad warkayga soodaysaan sidee wax ujiraan ma meelo aan lataaban baan taabtay somalimerror sxbayaal awel ima aden hor istagijirine maxaan khaalday

  23. Nabad says:

    A\,kow waxaan rabaa canbaareey adag oo aan loo qabo yeelin in aan Dushanbe u saaro kooxdan la’baxday (somalimirror ) sababtoo ah afka iyo caqli ayeey iga xireen kadib markeey afkaarteeyda iyo iyo rayi’geeyga qashinka ku dareen ayadoon loo cuskan sharciga AMA sabab macquul ah oo qeexan, naf ahaan teeyda waxaan umaleeynayaa sababaha eey afka ii qabteen oo ah 1- kooxdan al-shabaab oo aan ugu yeero inta badan khawaarij 2- afhayeenkooda jubooyinka oo aan ku tilmaamay in uu yaha eelaay una dhalanini deeganka oo doonayo in uu ka taliyo 3- mar aan E-mail u qoray oo aan ugu yeeray in eey khawaarij yihiin weey jirtaa.

    Hadii aan u soo laabto warka tacliiqiisa waxaa caqli xumo ah in kuwan isku sheegay mujaahidiin (wal’laahu aclam) ee shabaab maalinkasto ku celceliyaan ONLF ayaan dagaal kula jirna ayagoo garab siinaya Mujaahid A/madoobe,hadii la’dhuuxsado oo il siyaasadeed lagu eego wexeey u dhigmataa ayadoo 1- guumeeystaha madoow uu loogu baaqayo wada shaqeeyn madaama eey isku cadow noqdeen kasoo ah Mujaahidiinta onlf oo xiniiyaha kasiibay ciidanka loo yaqaano Ethiopian defence forces 16kii sano ugu danbeeysay ahna geesiyada kaliya ee Somali sheekta xabadna sidii roobka ugu daadsho tigreega ilaa iyo Harar 2- Iyagoo ku waayaya taageerada inta badan beesha absame madaama eey qorta la’galeen Kala daadinta beesha iyo iska horkeenka beelaha daga jubooyinka 3- sumcadooda oo ku dhimata beenta eey daldalayaan iyo wajigooda dhabta ah oo eey bul shadu aragto,maanta waan argnaa meeshii xaal marayo oo jihaadkii eey mujaahidiinta somaliyeed ku baadiyaha goo bayeen maskaxda umada somaliyeed iyo ku dhaqanka shriicada tasoo maanta eey shabaab gacanta u galiyeen shisheeye wadankiisii nabad iyo caano ku nool oo aan xata shriico looga dhaqman,anigu waxaan aaminsanahay in ONLF inteey qandaraas ka soo qaadayo U S A kadibna eey shabaab cirib tirto.

    Ilaahayoow kooxdan hadeey jihaad wadaan wadada xaqa ee jihaadka ku aadi hadii eey munaafiqiinta yihiin ilaahayoow dhulka lagoo.

  24. Dabaxullaah says:

    allaah xaqa ha ku sugo umadaan xaqa inta qax soo qortay waxaad moodaa intii xiliga danbe soo toosi jirtay inay yahiin, ma jirto meel xarakatul shabaabul mujaahidiin ku banaysanayeen dhiiga muslimiinta hebel macalina isaa sheegtay inay ka tirsanayeen ragii qaraxa watay.

  25. Runle says:

    Waxaa run noqotay Ama shabaaka raaca ama shariifka raaca ama shacab noqda ee Xizbul islaam intaas ha kala doorteen xal kale ma jiro hada.
    Soomalida qofkii itoobiya wax ka raba ayaa ONLF ayaa ka danbeeya lagu yaqiine maxaa ka dhaxeeya shabaab iyo Itoobiya? mise qabiil ayaa laga wadaa?

  26. Caziiz says:

    asc..

    waxa muuqata inay soo baxayaan waxyaalo horay loo qarin jiray.. dad kursi doon ah oo jihaad afka ka sheegan jiray ayaa ilaahey sirtooda banaanka soo dhigayaa maalin ba maalinta ka dambeysa… haday dagaal rabaan shacabka ha ka dhex baxaan oo yaanan la leyn shacabka masaakiinta ah ee marba been loo sheegaayo.

  27. Cali Guure says:

    ACW

    Cali dheere warkiisa malaha qiimo runta halbeeg u ah iyo mid caskariyeed. Wax shacabka Xamartan jooga oo dhan og yihiin ayuu rabaa inuu ka been sheego. Su’aal ayaa maalmahan igu dhalatey sababta hoggaanka shabaab ugu soo celceliyaan ONLF ayaan la dagaalnay? Mase war aan Somalimemo akhriyey oo ku tilmaamay hoggaanka shabaab shan nin SNM ah ayaa wax ka jira?. Aniga oo rumaysnaynin inuu xaalku sida Somalimemo dadka qaar ku dacwiyeen yahay haddana runtii waxaad is waydiinsayaa sababta uu Godane ugu dhiibayo Xasan Yacuub iyo Cali Dheere war aanan jirin oo xoojinaysa necaybka beeleed iwm.

    Xisibiga oo la soo taagan warka qodobka A) iyo B) ee soo socda ayey ku celcelinayaan war aanan jirin. Xisbigu waxaa uu yiri

    a) Axmed Madoobe waa xubin sare oo xisbul Islaam ah ayay dafireeen

    b) Xisbiga oo la shaaciyey inay Dhoobley wareer ku qabsadeen bay leeyiin waa ONLF oo kaashanaysa Kenya.

    Marka hadii tan uu yahay inxiraaf sii siyaadey yaa sixi kara?

    Allahuma mustacaan.

    Wadaad yare

    Aniga waan kuula simanahay Somalimirror ee haddaad fariin ii soo dirayso halakan ku soo dheji, Somalimirrorna ka saar dooddaada.

    Tan kale haddii Somalimirror ii oggolaato taxliil iyo tusaalayn baan isku darayaa.

    Taxliilkaadu waa macquul, waana mararka aad inta badan iska ilaaliso warjeef iyo ku talax tegid aan quruxsanayn. Sidaasi ku wad kala saar xaqa qayaxan ee midka lagu dheeho koox colleysi iyo hawa nafsi.

    Sida wax u jiraan oo kooban haddii aad qoralladayda ama dhacdooyinkii inta muddo ah dhacayey la socoteen waad garan karteen in waxa dhacaya ama la filayo inuu dhaco noqon karto dhamaadkii mujaahidiinta gaar ahaan geeridii al-shabaabka.

    Runtii aniga oo og wax dhacay waxaan ka raacayaa maslaxadda guud iyo dulmar guud.

    Xisbiga waxaa uu xaqiiqsadey oo maanta shaki ku jirin agtiisa in

    -ay dhalanteed tahay riyada shabaab

    -shabaab u jeedin midnimo ee ay rabaan milmid

    -Shabaab dhexdooda guux khilaaf xoog badan ka jiro

    -Xisbiga u caddahay in inxiraaf caqadi haysto shabaabka gaar ahaan masalladda takfiirinta

    -Godane caqabad ku yahay shabaabka waxbarashadooda iyo toosintooda oo uu noqday “cult” oo kale.

    -Shabaabku lahayn madax iyo majo lala tacaamuli karo si daacad ah u fikirta

    -Xisbigu dhacfigii haystay ka soo kabanayo

    -Inuu dhamaaday ama dhamaanayo dulqaaadkii Xisbiga ee shabaab

    -Inuu Xisbiga oggolayn marnaba in Usama Somalia ka dhigto fagaaro aanan xaslinayn

    -dilalkii lagu fuliyey raggii xisbiga ay ka dambeeyeen shabaab.

    - dilalkii saddexda nin ee shabaab ku dileen baar ubax ahaayeen xisbiga gacan hadalna xisbiga kaga jawaabay (tafsiil ma bixin karo)

    - Xisbiga doonayo inuu ku badbaadiyo miraha jihaadka manhajka wasadhiya ee shabaab aysan aqoon badankooda ama hoggaankooda axaadiga ah.

    -Xisbiga si toos u tabbaniyo dagaallada jubbooyinka ee Kambooniyiinta wadaan

    iwm

    * Taasi macnaheedu miyaa in dhiigga shabaab mubaax yahay?

    Laa wa alf kallaa. laakiin haddii lagu hadaaqo qatlaana fil jannah wa qatlal xisbi finnaar, weerar iyo ugaarsina lagu daro iyo sheekadan raqiiska ee Cali dheere ku hadlaayo, waxaan shaki ku jirin inay shabaab la kulmi karaan jawaabta xisbiga oo ah naseexo (oo dhamaatey sida muuqata), iyo iska caabin oo ah midda hadda loo badan yahay ama si kooban uga dhacday dhoobley iyo meelaha qaarkooda oo aan markeeda ifin doonno.

    * Yaa dhibkaasi mas’uul ka ah?

    Waxaan shaki ku jirin inay shabaab masuul ka yihiin fiqi darradooda awgeeda.

    * Yaa ka faaidaysanaya?

    AMISON iyo shariifka.

    * Ma la joojin karaa dufaanta iman karta oo ah in mujaahidiinta isku jabaan cadowgana daawada?

    Haa haddii la helo arrimahan hoos ku xusan. La soco qodoban gaar laga yaabo in Cali Guure ku kooban yihiin laakin rag badan oo xisbiga ayay ka guuxaysaa:

    1- In Godane laga qaado hoggaanka shabaab haddii wanaag loo jeedo oo Robow iwm loo dhiibo hoggaanka.

    2- In la soo celiyo marjicayadda culimada salafiga jihaadiga Soomaaliyeed oo shabaab aqbasho in wixii khilaaf ah loo celiyo kitaabka iyo sunnada rasulka scw ku dabran fahamka saxaabada iwm

    3- In labadan urur la mideeyo calaa asaas manhaj al salaf. Ciddii diidana bannaanka la dhigo waa haddii midnimo dhab loo jeedo.

    4- In shabaab joojiyeen beenta ah waxaan xoreynaa Alaska iyo London iyaga oo ku dhuumanaya meelaan ogahay, AMISON-na weli joogto muqdisho.

    5- In la sameeyo barnaamij siyaasi oo kaabaya kan jiraadka oo loogu daneeyo shacbigan miskiinka ee jabay iyada oo la raacayo hadyigii rasuulka scw sida:

    - hudna,
    - ballan u qabasho gaalada ku baxda,
    - ishraafto jiho la isla oggol yahay
    - gogol lagu wada hadlo Soomaalida oo dhan
    - Ma dhaafaanku inuu yahay xukunka shareecada
    - La sameeyo marjiciyad Islaami oo laga dambeeyo

    Iwm

    6- In lagu heshiiyo in hadafka jihaadku uusan ahayn dagaal keliya ee loo jideeyey ahdaaf kale oo maanta badi la dhumiyey ama dhuminaayo.

    7- In Godane iyo shabaabka si cad u sheegaan inaysan oggolayn waxa la yiraahdo Soomaliland oo sheegata in ay tahay maxmiyah xabashiya.

    Iwm

    Tan akh Maxamed uu ka hadleyey waa wax fudud weeye. Si dhab ayuu u sheegay. Xisbiga ma geysto qarax lagu sameeyo shacabkan jabay.

    Hotel shaamow iyo qaraxyadii kale shabaab inay geysteen dadku way og yihiin. Warkii shaley ee Cali Dheere mahan markii u horeeyeysay uu isaga iyo Xasan Yacquub marin habaabin intaa la eg iyo fiqi darro intaa la eg sameeyeen.

    Shacbiga dadka difaaca oo wasadhiyada salafka ku taagan waa xisbiga haba u keeneen meelaha ay ka taliyaan shabaabka nabadgelyo ku dhisan dhiig iyo cabsiis. Sidaa awgeed dadka marna uma guuxin warkii Ali dhere ee shalay halka ay u dheg taageen oo u riyaaqeen hadalki Maxamed Macallin.

    Ugu dambayntii dhallinta soo booqota boggan waxaan u sheegaynaa in shabaabka dhumiyeen kalsoonidii shacabka, iyagana masuul ka yihiin maanta haddii uu dhaco isku dhac aanan la mahadin doonin oo xoojisa AMISON wiiqadana mujaahidiinta.

  28. Cali Guure says:

    Ukht falxado

    Masha Allah tacliiqaada. Maxaad tiri waa riddo siyaasi ah ee ma’ahan riddo diiniyin? kkkkkkkk

    masha Allah waa kaa guurinaynaa middaasi. Juzita khayran

    Akh Rage Ugas iwm

    masha Allah tacliiqiina. Niyadda hala wanaajiyo si wax loo badbaadiyo

  29. Muhsin says:

    Maalinba maalinka ka danbaysa nimankan shabaabka sheegtay waxaad moodaa in ay beentoodii banaanka u soo baxayso.

    Bal indha adaygiisa fiiri marka uu ku sifaynayo ereyadii madaxda Xisbul Islaam “niman mujaahidiin sheegta”. Kabadeedna uu noogu sheekaynayo been aan jirin…. waa cajiib.

    Waliba Cali Maxamuud raage wuxuu inoo raaciyey in nimanka ay Dhoobley kula dagaalameen ay ahaayeen ONLF – oo micnaha uu ka leeyahay ah qabiilka Ogaadeen.

    Waxaase wax aad loola yaabo ah in Shabaabku marka ay dhahaan qabiil ma aaminsanin oo dhulka ilaahay waa isku wada mid – marka aad maqli iyagoo leh qabiilooyin an waligood la maqal ayaan heshiish la galnay.

  30. Abu khuzaymah says:

    Al dhalinyaro ma dagaalkeeda ku aaddan gaalo iyo wixii soo raaca mise wixii ka soo hadha, midda hore waan ku taageersanahay, balse been cad oo haddana cago la’ laga yeeli maayo, bal hadaladan isku kay qabadsiiya:_
    1- Afhayeenka xizbigu wuxuu yidhi cutubyo mujaahidiinteena ka mid ah ayaa qabsaday Dhoobleey, Axmed madoobana waa sarkaal saroo naga tirsan, iyaguna waxay leeyihiin ONLF baa naga qabsatay dhoobleey soona kaxaysatay Kenyaati, axmed madoobena waa Riddo aan ka tirsanayn xizbiga!
    Midda kale, waxay yidhaahdeen Bakaaraha ma joogin cadaw e’ waxaa jooga shacab iyo mujaahidiin, waxaan waydiin lahaa Hoteelkii shaamoow ma Cadaw baa joogay mise,,,Heee???

    Al shabaab wallee burburkiinu waa dhaw yahay, waayo sunno rabbaani ah ayaa jirta ismana baddasho! “walan tajidda lisunnatillaahi tabdiilan”
    ONLF fadlan dhan uga baydha, ileen cadaw dhul ka haystay ku jeeddaa, qaddiyad soomaalinimo iyo muslimay ku socotaa, xishooda!

  31. falxado says:

    al-akh Cali Guure,

    waad ku mahadsantahay sida aad u dharaan-dhirisay una saaftey, fekerkaaga ku aaddan sida ay wax yihiin ama ay wax noqon karaan, marka laga hadlayo shabaabka iyo Xizbiga.

    Waxaan jeclaan lahaa inaan kuu soo koobo dhawr qodob oo ku saabsan siraacaaas iyo meesha uu u dhammaan karo.

    (1) Midda aad leedahay waa in la beddelaa madaxda alshabaab, waxay Ila tahay inay ka muhiimsantahay in la beddelo hoggaanka Xizbiga, wax kasta oo daciifnimo ah oo ka jira xizbiga waxaa ka masuul ah hoggaankooda oo ay ma maqantahay sifo kasta oo hoggaamineed. Sida la ogyahay Shabaab iyo xizbiga ma dhexmarin ballamo xooggan oo ku qotoma xaqiiqo, xisbiga mawaaqoftooda dhacdooyinku waxay mar kasta ahayd mid ku sitkan shabaabka ee ma ahayn kuwo ku ymid istiraatijad la daraaseeyey oo uu Xizbigu leeyahay. Shabaabku iyagu ma ridaan xabbad ilaa ay ka hubsadaan inay muhiim u tahay ahdaaftooda, laakiin xizbigu dagaal ay qolo kale danaheeda ku qorsheesay ayuu madax-madax isugu tuurey!!

    (2) Wax kasta oo aad kala hadasho Shabaab ha kala hadlin “u hoggaansanka Al-qaacidda iyo Sh. Usana”, sida aan anigu u haysto, arrinkaasi waa uga muhiimsan yahay Shabaabka,hirgelinta shareecada, shareeco Islaam oo aan looga amar qaadanayn Alqaacidda kuma qancayaan. Ciddii sida uu yahay ula qaadan weysana waxay la dagaalayaan dagaal aan naxariis lahayn, cidday doonto ha noqotee!!

    (3) Kol haddii uu xizbigu ka hadlayo, calan soomaaliyeed, xuduud soomaaliyeed, culimo soomaaliyeed, dan soomaaliyeed, waxaa xaqiiqo ah inay Shabaabku u arki doonaan cadaw daran oo loo baahanyahay in laga takhalluso!!

    (4) Aniga waaya aragnimadayda waxay ila tahay inaan Xizbigu awoodin inuu Shabaab la dagaallamo, sababahaan dartood:

    A- Ciidamada Xizbiga oo aaminsan in haddii ay ku dhintaan ay naarta gelayaan, meesha kuwa shabaabku ay isu haystaan inay yaqiin jannadii ku gelayaan!!

    B- Shabaabka oo wax badan uga sarreeya xizbiga dhinaca nabad sugiddaa aadna ugu horreeya dhagar-dilka, waxaanna aaminsanahay in haddii ay dhawr sarkaal dilaan ay kala carari doonaan xizbigu.

    C- Ciidamada xizbiga oo kala go’goan una deggan qaab jaziirado ah, sidaa darteed aan isu gurman karin!!, bal eeg meelaha ay deggan yihiin iyo sida ay ku yihiin ciidamada shabaabku.

    D- Madaxda xizbiga oo aan qaadan doonin go’aan dagaal waqtiga ku habboon, balse laga yaabo (haddiiba ay ku dhiirradaan), inay taasi dhacdo goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen!

    E- Qaar ka mid ah madaxda xizbiga oo ka tirsan security-ga alshabaab, kuwaasoo la ogyahay inay wax kasta oo xizbigu ku hadlo ay daqiiqad daqiiqad u gudbiyaan, taasi waa sababta ay u baqayaan madaxda xisbiga oo aysan kelmad uga sheegi karin Shabaabka.

    Sida darteed anigu waxaan weli taaganahay, col iyo nabad labadaba inshabaabku ay kama dambays liqi doonaan xizbiga.

    ogow Xizbigu wuxuu lahaa laba buurood, mid sida aad ogtahay waa la dumiyey (sh. xasan turki), tan kalena waxaan u arkaa inay liqliqanayso (sh. xasan daahir)

    Wallaahu aclam

  32. Adoon Eebe says:

    War bal Bakaaraha ha joogee, Ka warama Caruurtii qalinjebineysey iyo Dhakhaatiirtii Hotel shaamow galgalanayesey iyo waalidiintii meesha ku meydey.

    Ilaah baan idinku dhaariyee Alshabaab iyo Xizbul Islaamow meel ku sheega. ?

  33. Cali Guure says:

    Ukht Falxado

    ACW…..maasha Allah tacliiqaada. juzita khairan.

    Taxliil heer sare ah. Inta aad sheegtay mar ayaan wada qabay laakiin maanta waxaad moodda inuu wax isa soo beddelaayo.

    Tusaale ahaan:

    1) sida ay u soo noqdeen dr Xasan Mahdi iyo Cabdullaahi cali Xaashi is beddel ayaa muuqda. Waxaa saaxada laga saarey saddex nin oo juhdi kasta oo ay bixiyeen haddana caqaba loo arkay inay xisibiga ku yihiin maadama ay ku dhowayaan shabaab oo si aanan quruxsanayn u damceen in xisbiga lagu milo shabaabka.

    Raggaasi waxaa ka mid ahaa Caraale iyo Dulyadayn. Kan kale ma sheegi karo duruuf awgeed.

    Hoggaankii sh. Xasan maanta waxaa uu marayaa heer uu yiraahdo wixii culimada iigu taliso ayaan oggolahay islamarka loo sameeyey mechanism qaraar lagu qaato oo uu iltizaamo.

    Sheekada ma gadmi karo sh. Xasan Dahir way jirtaa marka beelo halbeeg noqdaan, Godanaba kama sokeeyo laakin xagga qaar sifaadka hoggaaminta inay meesha ka maqan tahay waa wax aanan shaki ku jirin. Administration 101 way ku socotaa.

    Beddeliddiisa laga yaabo inay timaado markeeda oo karinta socoto.

    2) Qodobkaada labaad inshaad ka ridday. Waa ayaan darro ay eedi doonaan haddii aysan ka soo noqon.

    3) Qodobkaada 3aad waa sidaad sheegtay laakin xisbiga waxaa uu qaaatay siyaasad cad oo arrintaa ka duwan. Shaki iigama jiro Alla ma qadaree haddii shabaab ku daadiyaan dhiigga mujaahitiinta arrintaasi inay jab xoog leh la kulmi doonaan, sheegashada mujaahidiinimada laga xayuubin doono.

    4) qodobka 4aad. Markii hore haa laakin haddii dhiiggooda la xalaasho sheekadu waa calal caksi.

    a) Dagaalkii Axamed Madoobe lagu qaadey fii ash-hurul xurum waxay askarta xisbiga badankeeda u caddeysay inay qabsan karto taasi oo kale, loona baahan yahay in shabab laga wacyi geliyo. Haddii ay shabaab gumac tuuraan marka laga gudbo halsiibka qarsoon waxaan shaki iiga jiran inta badan ee Xisbiga maanta ka bisil yihiin iska caaabinta iyo carbinta dhallinta shabaab. Muddo ayay soo karaysay iminkana dherigii dhardhaarka ayuu karkiisa ku qubayaa.

    b) Waan kugu raacsanahay, laakiin hoggaanka ciidanka xisbiga waxay sheeganayaan in midayn karaan awooddooda haddii guluf lagu soo qaado. Aniga taasi ma hubo mana saadaalin karo.

    c) Waan kugu raacsanahay laakiin waxaa jiraa inay soo hagaagayaan oo si wadar ah loo dhaqaaqayo. Ogow Xisbiga diinta ayuu markasata xeeriyaa. Laakiin haddii gumaca lagu furo waxaan shaki iiga jirin in Xisbiga wakhti ku dhumin doonin walaalow ee jawaab kulul bixin doono.

    e) Asabta qodobkan. In kasta oo de-shabaabification socoto haddana lama garan karo inta isgaabinaysa ee xagal daacada wadda. Waa khatar xisbiga ku baraarugsan yahay. Hadalkii Afhayeenka Xisbiga maalin dhowayd jeediyey waxay ahayd litmus test sirta xisbiga waxaana moodda in shabaab kedis ku noqday oo si qarqarba ah u jawaabeen. Waxaan ka hadlayaa tii sheegashada dhoobley.

    Labada buur ee xisbiga. Maanta Sh. Xasan Turki meel cidla ayay kaga tageen markii kaarkiisa la isticmaaleen taasi oo ku xambaartey inuu u soo habarwacdo sh. xasan Dahir.

    Ogow Sh. Turki weli warbaa ku maqan.

    Tan Sh. Dahir in la liqi doono…..waxaan ka dhahay faata zamaanaha. Kaddib dood iyo calool baaris dheer waxaa maanta si cad u muuqda in Xisbiga madaxdiisa la liqi karin. Haddii uu Xasan Dahir keligiisa ku biiro waxay noqon doontaa in Shabaabka hoggaanka u dhiibaan taasina waxay ahaan doontaa libin islaamka u soo hoyatey. Riyo dheh taxliilkaasi.

    Iyada oo wax walba dhici kara sida midnimo bar jafan, laakin saadaalintayda aniga oo xog ogaal ah Sh. Xasan Daahir way ku adag tahay inta uu wasadhiyada ka tago u deris wareego manhajka shabaabka ee khilaafsan fahamka saxda ee salafka.

    Doodda manhajiga waxay ku soo celisay biyaha majrahooda.

    Sadaasheeydu waxay tahay:

    1) In shabab billaabi doonaan goosasho oo ku biiri doonaan xisbigan soo kabanaya

    2) gobol gobol u kala go’aan ama u qaybsaman mid la midowdo xisbiga calaa wasadhiyah iyo mid Godane meel cidla ah la maro

    3) In shabaab isu beddelaan wax kale oo aanan la saadaalin karin.

    4) In shabab ku milmaan xisbiga oo ku daba falylaan…..waa baciid hadda laakiin suurta gal ah.

    4taasi qodob intaba waa wax dhici kara. Xitaa haddii hal hal u dhacaan shabaaab uma jiri karaan xoog iyo xeelad mustaqbal sida ay heshiis ku yihiin xisbiga iyo ducaad ama mufakiriin islaamiyiin oo mustaqil ah.

    Taxaliilkaasi yaan loo fahmin dardaarwarin ku socota jabka mujaahidiinta. Waa ka digid waxa dhici kara haddii ay shabaabka bilaabaan dagaal ka dhan ah xisbiga.

    Arrimaahasi khatar ah haddii aanan laga hadlin maalin qoomamo ayaa laga hadli doonaa.

    Afgaanistaan baan soo aragnay 80′s wixii ka dhacay iyo wixi la mid ah.

    Ilaahay hana tusiyo in jihaadka loo jideeyey ahdaaf kale. Sidoo kale Allah hana tusiyo in midnimo ku dhisan manhajka wasadhiyah leh marjac culimo looga badbaadi karo qar ka dhaca banneeya dhiiga muslimiinta, dhuminaya miraha mujaahidiinta.

  34. farah says:

    AKH CALI GURE,

    HADALKAAGA MARMAR MUGDDI BUU GALAA,INKASTOO BADI WAADIX YAHAY,HADDANA NUQAAT MUHIM AH BAA MUGDDI KU JIRA.

    YAA WAAYE HOGAANKA XIZBIGA LA BEDDELAAYO, IYO SIDA AAD TIRI SHEEKH XASAN WUXUU TAAGAN YAHAY WAX KASTOO CULUMO TIRAA BAAN OGOLAHAY.

    XIZBIGAN LA SHEEGAYO, SOW SHEEKH XASAN DARTII XISBI LA IXTIRAAMO KUMA AHA?

    YAA KALOO AAD MAGACAABI KARTAA HADDII SHEEKH XASAN TAGO?

    XIZBIGA WAA SHEEKH XASAN, SHEEKH XASANNA WAA XISBIGA, HADDUU SHEEKHU KA BAXO,WAX MEESHA YAALAAN JIRIN.

  35. Cali Guure says:

    akh Farah

    ACW

    Waa runta mararka qaarkood wax qeexid u baahan ayaan arkaa inay iga hoos baxaan ama ka baqo in la i faafreebo.

    Xisibiga waxaa uu sameeynaya mar dhow isbeddel kooban oo ah xagga fulinta iyo xoghyaasha qaarkood. Ka hor dhici maaye aan u daayo wakhtiga iyo hoggaanka aan wada saluugsannahay insha Allah.

    Tan ah

    sh. Xasan = Xisbiga
    Xibiga = Sh. Xasan

    sax maahan. Sh. xasan waa ugu tun weynahay xisbiga ama waa wejiga guud xisbiga laakin maahan xisbiga thaatu shakhsi alwaaxid, oo hadduu meesha ka baxo lagala aadayo xaafadahii dalka.

    Waxaa u leeyahay rag ruug caddaa ah oo jagooyin muhim haya sida ku xigeen, fulinta,
    Xogyayaal iyo rag hadda carcar wada oo istiraatijiyad cusub sameeynaya iyo rag culimo ah oo marjaciyad ah.

    Waan ogahay in Sh. xasan noqday hadaf la wareemo iyo khaladaadkiisa toosh wayn lagu ifiyo iyo isaga oo aan ku fiicnayn xagga iclaamka ka hadalkiisa, laakiin ogow sh. xasan inta uu qol galo inuusan qaraar iska qaadan karin.

    Kala daadsanaan kasta oo jirtay waxaad moodda kabasho isa soo taraysa inay jirto.

    Xitaa haddii uu xisbiga magaca beddelo ogow caqiiqada isbeddeli mayso oo raggu waa raggii oo tabtii iyo xeeladii qaabaystay qura, talana ka dhamaan mayso.

    Ma ku faraxsanahay sida ay wax u socdaan? jawaabtu waa maya oo qoraalladayda ayay ka muuqataa.

    Ma la dhaamaa habkii hore? jawaabtu waa haa

    Niyad jab intee la eg ayaa jira?…. Heydaarinta gudaha waa yar tahay laakiin rag badan oo dibada jooga waa ku talax tageen sheekha in kasta oo wax badan sax ku noqon karaan.

    Ma laga yaaba in Xisbiga iyo shabaab wax kale isu beddelaan?

    Wax walba filo.

    Isku soo duuduubo rajada jirta hadda ma xumo. Waxaa lagu jiraa kaadir ururis iyo qodax bixin.

    Waxaan is leeyahay haddii ay taasi hirgesho wax badan baa qabsoomi karaa insha Allah

    Dadka dibadda jooga iyo gudaha tala bixin qorsheeysan ayaa looga baahan yahay.

    Inaan inta ka badan oran karo baan jeclaan lahaa laakiin al-labiibu yafhamu bil ishaara.

  36. falxado says:

    Al-akh ali guure,

    Dabcan qofkii rayigiisa ka hadla inuu asiibo iyo gefo labadaba waa suurta gal, anigu ma ogaan karo waxa qarsoon (Allaah uun baa og), laakiin waaya aragnimadaydu waxay ii sheegaysaa, in Xizbigu wax badan ka nugulyihiin sida aad u sawirayso.

    Waan qirsanahay inaan xizbiga ciidan ku yarayn, laakiin, waxaan aaminsanahay inaysan alshabaab kula xafiiltami karin dhagar, haddii dagaal la galaanna ay ku ceebooni doonaan!

    Qodobbadaan aad ku saadaalisay Alshabaab, waxaan filayaa inay suurta gal tahay inay ku yimaadaan qaarkood, hase yeeshee waqtiga hadda la joogo, waxaa muuqata inay aad u caafimaad qabaan.

    Waxay ila tahay inay alshabaab ugu horrayn ay xizbiga liqi doonaan, haddii uu burburkoodu yimaadana ay noqonayso marka ay xizbiga ka takhallusaan ka dib.

    Dhacdooyinka Soomaaliya waxay si daran u fadeexeeyeen Islaamiyiinta iyagoo caddeeyey inaanay garanayn meel ay wax la aadaan xitaa hadii ay fursaddu usoo dagato!

    Middaan aad leedahay “wasaddiya” iyo sheekh xasan, walaal wassadiya hooyadeed waa gablantahay! wasaddiya diimeed waa jiri kartaa, laakiin wasaddiya siyaasadeed ma jiri karto!!

    Waxa Soomaaliya ka socda, ma jirto cid Soomaali ah oo wax laga weydiiyo, waddanka waxaa isku haysta laba qolo oo kaliya mid saddexaadna boos kuma laha: Mareykan (iyo kuwa u wakiil ah, sida DKMG, AMISOM iwm), Alqacidda iyo cid u wakiil ah sida Alshabaab. Ciddii tiraahda meel dhexe ayaan taagnaanayaa waxaa la colloobi doona dhinacyada oo dhan!

    Waxaa soo raaca Eretria oo iyadu doonaysa meel ay Itoobiya ka dhibto, ilaa “xaqeeda” looga dhicinayo Itoobiya, booska uu hadda xizbigu ku aaddan yahay waa inuu fuliyo danaha Eretrea! taasoo macnaheedu yahay in xizbigu cuskanyahay xumbo!

    Khilaafkaan aad ka sheegayso dhexdooda waxaan filayaa inuu sida aad sheegayso aad uga duwan yahay (inkasoo anan aad xog ogaal ugu ahayn), marka laga reebo wararka dhalanteedka ee uu baahiyo Raadio Muqdisho.

    Alshabaab waa dad habeen iyo maalin usoo jeeda hadafkooda, qaali raqiisna u huraya xaqiijintiisa, meesha xizbiga ay horjoogaan dad(Denasours) oo kale ah oo aan waxba ka fahmi karin xargaha isku miliqsan iyo marxaladdaan lagu jiro oo halista ah.

    Waxaan aaminsanahay in cid Alshabaab isku taagta uu u dambayn doono Axmed madoobe, oo ay Xizbigu si xun u hoojiyeen, oo cin waliba ay ishii weerow ku quus qaadan doonto!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh C/qaadir Cali oo ka Hadley Dilalkii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacey.
  2. C/risaaq Qeylow oo ka hadley dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacey.
  3. Wararkii ugu Danbeeyay ee Qaraxyadii lala beegsaday Xerada Xalane.
  4. Kulan Amaanka Muqdisho looga hadley oo ka dhacey Hotel Naaso Hableed.
  5. Sh Mukhtaar Roobow oo shir Jaraa’id uga hadley xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya

Latest Headlines