Sh. C/Raxmaan Abyad iyo rag kale oo ay booliiska Denmark xabsiga dhigeen

Published on February 19, 2010 by   ·   26 Comments   ·   print

Sh. C/Raxmaan Abyad oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee sida aadka ah looga yaqaan dalka Denmark iyo guud ahaan dalalka Yurub, kuna dhaqan dalka Denmark gaar ahaanna sheekh ka ah markazka Attawxiid ee magaalada kobenheegan iyo rag kale oo Soomaaliyeed ayaa la xirxiray aroornimadii shalay kadib markii ay ciidamada Booliiska dalka Denmark oo ay weheliyaan ciidamada sirdoonka ee isla dalkaas ay ugu soo dhaceen dhaceen guryahooda.

Ragga la xirxiray shalay aroornimadii ayaa kala ahaa:-

1)      Sh. C/Raxmaan Abyad

2)      Cali Warsame

3)      C/Shakuur Khaalid Cali Guul

4)      Bile Xasan

5)      Faysal Maxamed Xirsi

6)      Iyo qof haweeney waayeel ah oo indha la’ oo eeddo u ah sheikh C/Raxmaan oo ku nool guriga sheekha.

Guud ahaan raggan boolisku xabsiga u taxaabteen ayaa ahaa rag wax ku ool u ah guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmark gaar ahaanna magaalada Kobenhegan, iyagoo isugu jiray rag xawaalado mas’uuliyiin iyo shaqaale ka ahaa, kuwo hay’ado samafal oo dadka tabaaleysan taakuleeya howlwadeenno ka ahaa iyo rag ducaad ah oo dadka bara diinta Islaamka kana gacan qabta dhibaatooyinka soo food saara.

Booliiska oo ku hubeysan qoryaha fudud iyo Bistoolado ayaa si isku mid ah ugu dhacay guryaha raggan Soomaaliyeed xilli ay tahay agagaarka afartii aorronimo, iyadoo warar ay somalimirror ka heshay caa’ilaadka raggaas ay sheegayaan in qaarkood ay wali la shoogsan yihiin sidii booliisku ula dhaqmeen.

Mid kamid ah reeraha ragga la xiray ayaa tibaaxday in xilligii ay booliisku guriga soo jabinayeen ay moodday in dhul gariir gilgilay aqalka, kadibna waxaan ka werhelay ayey tiri laba nin oo si aad ah u hubeysan oo bistoolado madaxa iiga haya iguna amray in aanan is dhaqaajin.

Booliiska ayaa rartay lana tegay dhammaan wixii qalab iyo wax qiima leh ahaa ee yiil guryaha ragga la xiray sida kumbiyuuterradii, faylashii waraaqaha, teleefannadii gacanta, kaararkii bangiyada iyo wixii lacag caddaan ah xitaa tii quruuraxa aheyd iyagoo aanan waxba uga tegin caa’ilaadkii ay raggooda xabsiga u taxaabeen.

Waxaa isla shalaynimadiiba dib xabsiga looga siidaayay afar ka mid ah raggaas iyo haweeneydii waayeelka aheyd iyadoo aanan loo sheegin sababta loo xiray iyo tan lagu siidaayay toona, waxaana aanan ilaa iyo hadda lasoo deynin  Sh. C/Raxmaan Abyad oo boolisku sheegeen in ay u heystaan sababo kale oo aan la garaneyn. Ilaa iyo haatan ma cadda xilliga Sheekha laga soo siideyn doono xabsiga.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku andacooday in raggan lagu soo xiray xog booliska ka helay ilo aan la shaacin tilmaamayana in ay raggan ay qorsheynayeen dilka madaxa xisbiga cunsuriga ah ee Danske Folke Parti. Booliiska ayaanan soo bandhigin wax xaqiijinaya sheegashadooda iyadoo looga bartay  in ay saxaafadda usoo bandhigaan arrimaha sidan oo kale saameynta ku yeelanaya qof xorriyaddiisa ama amnigiisa qof ahaaneed.

Booliisku waxay sheegeen oo kale in qaar kamid ah Soomaalida booliska wax u jaajuusta ay horaan booliska ugu gudbiyeen dacwo ka dhan ah markazka Islaamiga ah ee Attawxiid  iyagoo la xiriiriyay tuhmad ay ka qabaan in da’yarta lagu baro ku adkaanta diinta Islaamka.

Dalka Denmark ayaa beryahan dambe waxaa ka jiray isku dayo ay booliisku marmarsiinyo uga dhiganayaan sidii ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka ula xiriirin lahaayeen waxa loogu yeero argagixisinimada iyo xagjirnimada diineed.  Weerarka warbaahineed iyo siyaasadeed ee ku wajahan jaaliyadda Soomaaliyeed oo waayahnba isa soo tarayay ayaa sii kordhay kadib markii ay soo baxeen warar aan xaqiiqadooda la hubin oo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Denmark ku tuhmaya xagjirnimo.

Waxaa xusid mudan su’aalihii booliisku weydiiyeen raggii la xiray in aysan wax calaaqa ah la laheyn arrinta boolisku ay sheegeen in ay u cuskadeen xariggooda, iyadoo su’aaluhu ay ku wareegayeen xiriirka ay raggaasi la leeyihiin dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmark ayaa iyagoo aad uga xun xarigga Sheekh  C/raxmaan iyo xubnaha kale ee jaaliyadda lagula kacay cambaareysay kuna tilmaamay wax ka baxsan aadaminimada, iyagoo bilaabay wadatashiyo ku saabsan sidii arrintaa wax looga qaban lahaa.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ogeysiis: Sh. Mustafa X. Ismaaciil oo muxaadarooyin si LIVE ah loola socon karo ka jeedinaya Denmark
  2. Booliiska S/land oo xabsiga u taxaabay Sheekh Max’ed C/llaahi Geelle.
  3. Jaaliyada Muslimiinta Denmark Gaar Ahaan Magaalada Aarhus oo 600 Qoys Udxiyo gaarsiiyay.
  4. Markazka Dacwada Soomaaliyeed ee Denmark oo $1467 Agoonta ugu deeqay.
  5. 25 Maxbuus oo ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Boosaaso oo lagu siidaayay cafis uu u fidiyay C/raxmaan Faroole

Readers Comments (26)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ciidan aad u hubaysan baa guryaha u soo dhacay !!
    qof waayeela oo indha la’ watay , bastooladaha dadka dhafoorka uga qabtay !!! kunbuyuutaradii iyo lacagtii bililiqaystay , wax allaale oo lacag
    ah iyo faylala iyo wax kasta oo qiima lahaa oo yaalay guryaha xaabsaday oo bililiqaystay ! oo dadkii culimada meeshaas ka ahaa hormoodna u ahaa
    dacwada si ehaana leh oo fool xun jeelasha ugu hantaataq siiyay oo aan u aaba yeelin ma dadbaa mase waa dugaag !!!!!!!!!!
    ma meeshu waa halkee !!! war aaway yurbtii la yiri waa janna adduun , war aaway naxariistii la sheegay , war aaway xoriyaddii lagu faani jiray , !!!!!?????????

    haddaba shiikha haddii ALLAAH ka soo saaro ha ogaado in dhul gaalo maalgashigiisa iyo dagidiisuba ay tahay khasaaro .

    war waa idiin caddaadaye ama la daganaada ama ka soo guura taas waa digniin hore iyo mid danbe.

    war muslimow baraarug oo yaan laba jeer oo isku xigta abeeso ku qaniinin.

    mar haddii lagu dagay yaan marlabaad laguugu celin ee intaan lagu daarin daar oo ka tasho dhulgaalo baan dagayaa oo dacwo ka fidinayaa kaygii u baahnaa inaan wax ka qabtana waa qabyo

    waxay taasoo kale ku soo socotaa sh.idriis iyo kuwa kale ee hadda masaajidda ka dhisaya ingiriiska , war soomaaliya baa idiin baahane maxaad yurub ka dhistaan , kolay jeelasha baa idiin danbayn iyo ehaano ,

    waxaa iga dardaarana walaalayaalow u taga mujaahidiinta walaalihiin ah ee adduunka ku kala filiqsan kuwaas baa idiinkaga baahan kalimad iyo kaalmo talo iyo tabar .

    WALLAAHU ACLAM.
    binfaqiih@hotmail.com

  2. MISKIIN says:

    DHIB MALAHA WAA SUNADII NABIGAYADA IN LA XIRO AMD LA IMTIXAANO. HADBA INTA IIMAANKAGU DHANYAHAY AYAA LAGU IMTIXAAMAYA, ALLE HA U FUDUDEEYO AYAGAABA ALLE DARTII LOO XIREY,
    QURBADAHA WAXAA KUBADAN RAG SOMALIYEED OO AN SHAXXUMO IYO DARAAG IYO WAXKALE LOO XIRO,

    TEEDA KALE TANI WAXAY QAYB KA TAHAY LA DAGAALANKA IFTIINKA ISLAMKA EE , BALSE WAXBA KA DHIMIMAYAA , alle qurankisa waxu kuyir “” waxay doonayaan inay nuurka alle ku damiyaan afkooda allese waa diidey oo waa taamyeeli nuurkisa gaaladu haba karaahiyaysteen”"

  3. ummu Zubeir says:

    wallahi gaalo waa noo soo dhigatay walaahi gaalo iyo muslimiin ayaa loo kale bixi doona laakin rijaal ayaan heeysan laakiin diin waa heeysanaa awal sheekada waxeey mareysay masjid lakiin hader waxa loo soo dhigtay wadaa dadii sheekha waxeey uxireen wax kale maahan ee waxa waaye sidoo diintisa ufaafin karaa walaahi gaaldan maiska cilin karno ilaa aan dhulkooda ugu tagno si kale malahan diintenaneh aan qabsano

  4. Hoobaan says:

    Assalaamu calaykum w.w.

    Sh. Abyad Ilaahay ha ka soo siidaayo cawaantaas wax iskuma falayaasha ah.

    Ilaahay waxaan uga baryayaa in uu mixnada xabsiga u sahlo si fududna kaga soo siidaayo.

    Nimanka caqli yaraantooda waxay moodayaan in dadka diinta looga hor istaagi karo haddii la caburiyo. Hadda ayeyba dad badan oo cagajiid ahaa markii hore dadaalayaan si ay diinta Alle ugu gargaaraan. Gaalo ma oga in diintaan cidhiidhinta ay ku bulaasho kuna barakowdo.

  5. Dabaxullaah says:

    ikhwaada muslimiinta ah ee aqris web kan waa in loo duceeyo muslimiinta guud ahaan.

  6. sayful islaam says:

    lol gaalo iyo bidco maxaa kala heesta?

  7. abu maxamed says:

    soomalidaan wadankoodii ayay qaribeen markaas ayay waxa ay doonaayaa in ay wadama kale qaribaan
    booloska danmar waxa uu xaq uleeyahay in uu xiro qof alaala iyo qofkii uu amni daro ku tuhmo
    waxa aan kaxumahay in ay soomaali nalasheeganaayaa oo ay garaneeynin saameenta ay ku yeelan karto soomaali badan oo abriya ah falalka ay ku jiraan
    WATAQUU FITNATAN LAA TUSIIBANA ALLAADIINA DHALAMUU MINKUM QAASATAN

  8. Cali Guure says:

    Mashaallaah dhammaantiin tacliiqiinna gaar aahaan akh Hoobaan.

    Denmarka iyo gaalada iskandaneeviyada waa gaalo u soo dhar dhigatey la dagaallanka muslimiinta. Dabada waxaa ka wada Yahuudda dhulkaasi bililiqada ku haysata.

    Insha Allah muslimiinta ayaa dhulkaasi ku dambayn doona mar dhow.

    Sh. Abyan iyo kuwa Alle fakallaahu asrahum.

    Kuwa jaasuusay culimadaasi iyo shirkadahaa waa in ay towbad keenaan. Haddii kale qabrigooda ha ka iibsadeen scandenafiyada ilayn Somaliya waxban uma yaalle.

    Akh Hoobaan

    Dhowr jeer baan ku jawaabey laakiin walaalaha garan maayo waxay u tirtireen.

    Mulakhas hadalkaygu waxa uu ahaa Juzita khayran fii ra’yikaaaga. Ilaah ha badiyo amthaalaka insha Allah wa nafacaka bihaada diin insha Allah.

  9. faarax says:

    ku. qofkan labaxay abu maxamed jaajuuskaba waa adiga ee soomaalida jaajuusa gaaladana warka ugeeyo insha allaahu meel xunbaa kuu danbayn

  10. naasix says:

    B I S M I L L A A H

    su’aaaaaaaalo u baaahan jawaaaaaab.

    1) Sh. C/Raxmaan Abyad
    2) Cali Warsame
    3) C/Shakuur Khaalid Cali Guul
    4) Bile Xasan
    5) Faysal Maxamed Xirsi

    Waxaan culimadaan la xirxiray waydiinayaa
    su’aalo igu dhaliyay fakar oo fursaddani ay tahay mid ay habboontahay inaan soo bandhigo, ayna ila tahay inay furo u noqon doonto in walaalaha oo dhami ay ka faa’idi doonaan :

    1 – RASUULKA SALLALLAAHU CALAYHI WASALLAM WA’AALIH MIYUUSAN NOOGA DIGIN IN LA DHEX DAGO GAALADA ????? ma la idinku tirin karaa kuwo doortay inay dhexdagaan kuwaas oo ku xasilay ??

    2 – ma ka filayseen in maalin saas la idiin gali doono ??

    3 – ma ku tala jirtaan inaad ka soo guurtaan ?

    4 – maamulada ka taagan khaliijka qaar ka mida
    baad ku qaldan teen sow ma ahan oo idin ku dhaha dacwada salfka wada haddana idinka jira oo gaalada u shaqeeya sow ma ahan ???

    5 – waxa gaalada idinku diray maanta waa maxay
    oo intaas miyay idinla socon ? waxaad rabtaan iyo
    waxa aad ku hadashaan iyo yaad taageero u tihiin ?? miyaysan jirin soomaali mooryaan la shaqaysa gaalada oo cimaamado idiin qaata garka idiin daaya maradana idiin gaabiaya ?

    6 – ma kula talinaysaan wadaadada soo socda ee yurub imaanaya ee raba inay baasaboorro ka qaataan kiristaanka iyo yahuudda meeshaas inay yimaadaan ? oo dacwada ka faafiyaan ? masaajidana ka dhisaan ?

    7 – maadaama aad ogaydeen inay gaalo tashatay waxii ka danbeeyay [ 11 sep.] ee loo kala jabay labada qayb mid raacsan kaafir buush iyo mid raacsan sh.usaama , maxaad intaas u agfadhideen gaaalada maad guryihiinii iyo dhulalkaa kale ee la idinka rabo timaadaan
    sow lama oran karo , wadaad soomaali waa kii uun meel kasta uu joogo ! intaas yarta ah ee tashatay ee gaalada iyo mooryaantaas quruntay hortaagan mooyee ??

    isku soo duuduuba wadaadow maxaa idiin dana?
    maxaase kula talin lahaydeen walaalihiina kale? kuwa kale ee yurub joogana sow kuma xigaan ? kuwa ameerika ka warama ? kuwa ingiriiska ka soo ducaynaya ee sidii wadaado la barakaysto oo kale u ducaynaya ka warama ?
    sheekadii wadaadada yurub waxay isu badashay so ma ahan inay dhul gaalo diin la aadaan oo toodii ka xoarysan waayaan mooryaanta iyo gaalada is wata ?

    marka sow xalku ma ahan sida walalaha iga horeeyay ay soo sheegeen inaad walaalihiina soomaaliya jooga aad ku soo biirtaan oo aad
    soo jarjartaan baasaboorada la idinku qalday
    waadna maqasheen bi’idniLLAAH in ninkii lagu dilay imaaraatka ee ka tirsanaa walaalaha xamaas ee falastiin lana yiraa[maxmuud mabxuux]
    in loo adeegsaday dilkiisii baasabooro laga been abuuray oo kuwa reer yuruba khaas anaan kuwa ingiriiska , marka kolay iska ilaasha wax kasta way dhici karaan.

    ALLAAH ha idinka soo furfuro gaalada bohoshooda iyo balaayadooda.

    ALXAMDU LILLAAH, WALLAAHU ACLAM.

  11. Muslim Dhab Ah Insha Allah says:

    TO: Abu Maxamed. iyo sayful islaam.

    sc wr wb ikhwatal islaam.

    waxaa aad wax loola yaabo ah in rag goobta joogo ee wataan magacyo wanaagsan oo tusinaya kunyo iyo magac macaan oo ah seeftii islaamka!!!! hadana waxa ee qorayaan eesan awoodin xataa qaar ka mid ah calmaaniyiinta inay soo qoraan!!!.

    ninkaan wata sayful islaam waxaad tiri gaalo iyo bidco maxaa kala heesta? waa yaabe yaa w aaye bidcada gaalada wax kala dhaxeeso!!!!.

    waxyaabaha aan aad ulayaabay waxey tahay ruux aan tacriifin karin wax la yiraah bidco in uu rag culumo ah amaba ducaad ah uu ku sheego bidco!!! garan maayo wax aan ugu ajwaabo ruux jaahil ah oo umada ilaah dartiis loo dhibteeyey hiifanaayo!!!>

    amaa abuu maxamed!!! waa nin warkiisu cadyahay ama waa nin jadiidiya ah amaba waa jaahil ah safiih oo aan kala aqoonin fitno iyo caqiido ruux lagu imtixaanay!!!!.

    hadaba dadka nuucaa oo akle u hadlo markaan arko baan marna qoslaa marna ooyaa marna inkaaraa marna u duceeyaaa!!!.

    anigu sidaad ogtihiinba jawaabaha iyo qoraalada webka goor ahaan iska joojiyey amaba yareeyey balse amwaadiicda qaar oo xasaasiga a h waa laga maarmaan in la tacliiqiyo sida uamda muslimka ah oo saan loo dhibteeyo ducaadoodii iyo birmagooyadoodii sidii islaantaan hooyada ah ayeeyada indhaha la.

    hadaba sh abyad waa nin sh somaliyeed ah xanbaarsan caqiido saafi ah jecel mu miniinta neceb munaafiqiinta wax walboo aan ka amqlno ama ka aragnayba waa wax farxad galinaya sadiiqa ciilna ku dilaya cadawga.

    hadaba ilaah baan u baryeenaa waxa lagu heestana waa diintiisa uun.

    FG: kuwa doqomada juhalada sufahada ah waxaan ku waanin lahaa wax barta oo caalmakaad ku nooshihiin ka w ar qaba balse doqonimo iyo caqiido xumo dawadeeda waa seef ama ilaahoo kheyr kula damco uun!!!!.

    wasalaam.

  12. Hoobaan says:

    Ku: Sayful-Islaam

    Qolada aad bidcada u taqaan iyo gaalo haddey is qabtaan keebaad is xijin laheyd?

    Ku: Abu Muxammad
    Aayadaha Qur’aanka ah in lagu qoro af aan carabi aheyn ma aha wax beegtoon ee ka fiirso dowrka soo socda. Jawaabtiiaan kula rabay Faarax oo ku mahadsan baa iiga soo kaa hor maray, gambar kula egna kugu fariisiyay, halkaagaas kusii darandoorri ilaa uu kaa siideynayo.

    Sheekha Alle ha sugo, hana ka soo siidaayo xabsiga, miisaanka xasnaadkiisana ha ugu kordhiyo xadhigga loo geystay.

    Al-akh Cali Guure kamaa yuqaal, Laa shukra calal-waajib, xaq baad u leedahay in laguu hiiliyo xattaa idaa kunta dtaaliman, famaa baaluka wa’anta madtluum, waddunyaa muwallaca cinkun, wafiish xada yudaafic cannak. Wa’akhiiran saamixnii can citaabii lak fiimaa sabaq, Buurika fiik.

  13. xarbi says:

    asc. anigu abu maxamed ilama qaldano. waayo wuxuuu taabtey xaqiiqada. 1 waa mide dadka halkan qeylinayo ooo dhahayo gaalo waa ino tashatey kkkkkk adigu maxaa ku kenay dhul gaalo?? sow rasuulka ma oran scw. ha aadina hana u haajirina dhul kufaar? waaba qalad in aaad timaado dhul gaalo. teeda labaad soomaaliya yaa halaagay? jawaabtu waa soomaali uun. dad baa oranayo gaalo nagu dhexjirta kkkkkkkkkk adigu sow ilaahey caqli kuma siin? ma xoolo baa tahay? runtu wey xanuun badantahay. somaali iyaga qabiil qabiil isu leysey, is kufsatay, is halaagtey. aduunka oo dhan waa laga nacay magaca soomaali. hadaba abu maxamed wuuu idin guubabiyey ee hurdada ka kaca. denmark rag baa dhistey kuma xari kartid orodoo dhulkadii haagajiso.

  14. Xornimo says:

    Waa guul u soo hoyatay inta leh damiir waddannimo iyo dadnimo Soomaaliyeed. Waa massuuliyad saaran ruux kasta ee Soomaaliyeed ee diiddan garweyneyaasha uu garkooda dhiigga dadkeen ka dhibcayo. Waa laga’maarmaan in la soo sheego kusaas hadday xataa waaridkaa yihiin.

    Waxaa la siiyey nolol iyo ammaan, koskaas ayey ku tunteen uciddii loo yaboohay iyagoo an garasho u lahayn deeqda. Garweyne Soomaali dal iyo dibedba waa ku bireeyey.

    Mahadsanid,

    Xornimo

  15. Waamo says:

    kuwo munaafiqiin ah oo soomaali ah ayaa ka danbeeya xariga iyaga oo raba in dacwaha iyo diinta la joojiyo Si caruurta soomaaliyeed ay baararka qamriga iyo Kaniisada u camiraan soomaali way istaqaanaa waanan ognahay cida ka danbeysa haybtooda

  16. Liibaan says:

    Dad badan afkooda waxaa ka soo baxaya ” sow nabigu scw ma oran yaan gaalo la aadin loona haajirin” lamana hayo xadiis daliishiis. su aasheydu waxay tahay sow maha nabigeen suubanaa scw ku amray saxaabadii inay u haajiraan dhul kirishtaan kii ethiopia oo ay ku nagaadeen waqti laguna nabad gelyay?. diinta been yaan laga sheegin islam ma diidana meel weliba la degi karo marba hadaad xor u tahay inaad diintaada ku dhaqanto aadna faafin kartid si xor ah.
    Liibaan

  17. Hassan says:

    Seyful Islam;

    Imisa Culimo Caan ah iyo Mujahidiin aha Sufiyo ama Asharia? Salaxudeen miyusan aheyn Asharia? Mid kale, hadaad tarikhada Islaamka akhrisid, waxaad arkeysa in culimo waaweyn ay bidco la safteen markey arintu kufr iyo Iman Aheyd. Arinka waxaa ka hadlay Sheikh Yahya Hujoree oo tusaale u soo qaatey Ibn Taymiyah. Culimada North African waxay xita la safan jireen qar kid mah Khawarijita markii ay arinku aheyd Dowladi Fatimids oo shirki xun faafinaysey. Qof Muslimkaa oo an kufr la imaan jabkiisa waa in aad ka murugootid, xita hadii u yahay bidco ama ikhtilaaf isku heysaan….Bal, ka waran Bosnianian oo qarkood Shahada kaliya yaqeenay? Ka Waran Afghanski oo qarkood heystay aqeedah matrudiyah?….

    .Mida kale, Sheikh Abyad bidco aniga kamaanu arag. Allah ha so daayo. Waxaad ku hadashay, baa bidco u dhow, walahi.

  18. Ali Baashi says:

    Muslim dhab ah iyo Hoobaan kheyr ALLAAH idinku abaal mariyo idinka ayaa igaga filnaaday jawaabtii aan siin lahaa labada jaahil ee abu Maxamed iyo Seeful islaam,walloow aan ka xumahay magacyada qiimaha badan oo ay wataan iyo fikirkooda sida uu u gaabanyahay,laakiin dhinac kale haddii aan ka eego waayahanba waxaa batay dadka isku qarinaya magacyada qiimaha leh wallow fikradooda ay halkan ku soo bandhigaan ay soo dedejisay xumaantooda iyo naceybkooda ay u qabaan diinta ALLAAH iyo dadkeeda.

    WABILLAAHI TOOWFIIQ.

  19. Dhanaawe says:

    Ilaahay haka soo daayo culimada gacanta ay galeen

  20. wadaad yare says:

    Sheekh Abyad Allaha kasoo daayo ciidamada poliska, wuuna kasoo baxayaa inshaa Allaah. Waxeyna arintu u egtahey shirqool loo soo maleegey oo waxaa la leeyahey 500 oo lacagta dalkaas ah ayaa laga heley oo hada lagu heystaa. Waxey u badantahey in leyska deyn doono. In qofka booliis tuhmo u qabto maahan cirkoo soo dumey, laakiin maadaama uu nin sheekh ah yahey maqaamkiisa gef bay ku tahey, laakiin intaas wax ka daran ayaa dhaca maxkamadaha wadamada gharbiguna way ka mawduucisanyihiin maxkamadaha dunida sadexaad oo dalalka islaamku ku jiraan.

    Markaan taas intaas uga gudbo aan dhamaanteen isla aragno in is naceybku noo daranyahey, is naceybkaasi haduu qabyaalad ku saleysanyahey iyo haduu faham diineed ku saleysanyaheyba.

    Dadka naceybka faafinaya haku talo galeen iney balaayo faafinayaan.

    Wadaadada manhajka Wahaabigaa ku qanacsan waxaan kula talinayaa iney joojiyaan karaahiyada ay bulshada ku dhex faafinayaan oo dacwada ku sheegayaan. Naceyb bulsho hadaad faafiso adiguu kugu soo laabanayaa oo dad ayaa adigana ku necbaanaya.

    Kani waa suufi, kani waa ashcari, kani waa ikhwaan, kani waa tabliiq,kani waa calmaani, kani waa garxiir, kani waa qabali, kani waa qabuuri, sidii loo wadey hada wahaabiyadii ayaa firqooyin u kala dillaacdey oo mid kastaa mida kale beri ka noqotey oo waxey mareysaa
    Kani waa ictisaam, kani waa xisbul islaam, kani salafi jadiid, kani waa Shabaab!

    Hadaan la is daba qaban sidaas umad caafimaad qabta laguma dhisi karo.

    mida dhul gaalo maxey culimadu u joogaan ah, hada adinkaa dhulkii heystee meel la imaan karo oo loo soo hiloobo ka dhiga, cid sijni iyo caburin soo doonaneysaa ma jirtoo, waa taas xabsi yar laga qaylyayee, maxaad u maleysaa meel naftiiba loo baqayo, aan la hadli karin oo 14 jir oo sheekha ku jees jeesayo oo uu isagu sheekha laga yaabo inuuba jeedlo?

    Mahzalada Shabaabka iyo sida dadkii in kor lasoo mariyo ay aheyd ay hoos u mariyeen wax qarson maahan.

  21. abu maxamed says:

    bismilaah alxamdulilaah wasalaatu wasalaamu calaa rasuu lillaah wabacdo
    rasuulaka suuban calayhi salaatu wasalaam waxa uu yiri:-
    ?? ???? ?????? ??? ???? ) . ????????? ??? ??????? : ???????? ? ?? : ???????? .

    ruuxii gaalada dhaxdago iyaga ayuu lamid yahay
    rasuulaka muxamed ah waxa uu xadiis kale ku yiri
    ?????? ??????? ?? ?????? ?????? )
    axaadiistani waxa ay ku tusinaysaa in ay xaraam tahay in gaalada la dhaxdago
    rasuulka waxa uu ku tilmaamay in muslimku uu noqonaayao mushrik hadii uu mushrikiinta daxdago
    xadiis kale waxa uu rasuulka ku yiri
    ??? ???? ?? ?? ???? ???? ??? ?????? ????????
    waxa aan arkay yar soo qorey asxaabta ayaa u hijrootay balad kufri xiligii ay kufaaru mushriik ay dhibaateeyeen
    waxa aan leeyahay taasi waxa ay daliil utahay ruuxa caamada ah ee diinta islaamka wax badan ka aqaanin dhibka uu diinta islaamka iyo musliimta ugeeysto ayaa kabadan nacfiga uu u soojiiro muslimiinta iyo islaamka ba
    rasuulka waxa uu yiri fatxu makah kadib asiga uu sheegaayo maalintaas kadib wax hijro layiraahdo in aysan jirin
    ?? ???? ??? ?????
    hadalkeeyga waxa aan ku soo gabagabeeynaayaa
    hijrada laga hijroodo balad kufri ilaa balad al islaam waa jaaiz
    amaa in loo hijroodo bilaadu alkufaari dabadeedna layiraahdo gaalada ayaa isi soo bahaysatay waxaa u arkaa in ay tahay qalad ay soomalida galaayaan
    haadaa wabilaahi al towfiiq
    walaahu aclamu bi alsaab
    wasalaamu calaykum waraxmatu alaahi wabarakaatuhu

  22. Cali Guure says:

    Almadcuu Abu Maxamed

    fadlan ha taxriifin diinta ee joogi fatwooyinka aad qaybinayso.

    Culimda waxay isku waafaqeen in dhulka gaalada loo aadi karo 3 arrimood haddii aysan jirin daruuri kale

    1) Dacwa fidin oo ah tan culimada Soomaliyeed ka dhex waddo muhaajiriinta ka carartay dalka Soomaliya ama ku dhalatey dulka gaalada

    2) Dawayn iyada oo la badbaadinayo naf, haddi laga waayo dunida Islaamka

    3) Cilmi dunyawi ah oo ah kan maanta ku dheereeyaan gaalada haddii fitno aamin laga yahay.

    Soomalidu waxay galeysaa kuwa daruuro ku qasabtahay marka laga gudbo axaadka iyo kuwa buufiska ku dhacay ee halkaasi tagey. Badankooda naftooda ayay la carareen meel ay ku gabbadaanna ma helin.

    Sacuudi walaa carab kale ama kuwa kale oo islaam sheegta oo gabbaad siiyey ma jirin marka laga yaabo yamen oo halaag badan ka sokeeya.

    Gaalada bixiyey refugeega status badi u ma bixin naxariis ee waa wax kala hara oo wax ku yeesha Sooomaaliya mustaqbalka. mas’aladdaasi qaddarinteeda culimaa iska leh.

    Culimada joogta dhulka gaalada waxaan shaki ku jirin inuu Alla ku qabtay badbaadinta jaaliyadaha dhulkaasi ku nool. Qaar baddana ku soo galeen diinta islaamka. Taasi macnaheeda maahan in dad badan dhumin laakiin malaa yutraku kullahu laa yutraku jullahu.

    Sidaa awgeed hayat kibaarul culimaa alsacuudiyah oo uu hoggaamin jirey xibrul ummah sheekh bin baaz raxmatullaahi calayhi waa fatwooday in ducaad loo diro dhulka gaalada, qaataan jinsiyadda dhulkaasi haddii dhib kale ka dhalaynin, islamarkaana tahay wasiila dacwa oo muhiim ah.

    Maanta waxaa ka garab dagaallamaya mujaahidiin Soomaliyeed oo Soomali ah ama ahayn oo ku dhashay reer galbeedka, laga yaabo khibrada ay u keeneen jihaadka aaliyaatkiisa inaan si fudud lagu heleen.

    Marka in la imtixaano ducaaddaasi waa sunnada Allah.

    Raggeenna aanan dhaafin saaxada Soomaliya laga yaabo inay naga fadli badan yihiin xagga dacwada.

    Culimadan ilaah ha barakeeyo hana ka soo saaro gacanta gaalada.

    Waxaa loo baahan yahay inaan fatwo la iska jeedin iyada oo aanan ahal loo ahayn ama masa’aladan loo ifin habka iyo fatwada ay culimada ictibaarka leh looga dambayn

  23. Hassan says:

    Culimada haday so wada tagaan ya meher, dacwo, cilmi iyo masaajidada maamulaya? Wax Sax in aan dhul gaalo la tegi karin asal ahan. Laakin, dad Culimo ka ahabalad kufri oo ay muslimiin badan joogan, cudur daar bey heli karaan, sidu yidhi Akhi Cali GUURE. Qof kastana maha in uu iska fatwooda oo wax kasta laga dhigoo black and white.

    Mida Kale, dadka markasta oo laga hadlayo Ducaada Westernka ku nool, la soo booda “dhul gaalo bey joogan”, maxay sida uga odhaan wayeen Sheikh Xassan Xussein ama Sheikh Umal? Kenya Sow Dhul gaalo maha? Cadaala, ya Ikhwan.

  24. canab mohamed says:

    asalaamu caleeykum

    waxaan idiin weeydiiyey , dadkiina qaarkood oo leh wadan gaalo ka guura, oo wadankiina u laabta,maxaa naga danbeeyo, wadankii? hadii loo laabtane, soomalidi inteey katageen qabiil ayeey u gudbeeyn in la isku dilo diin, oo mid walba wuxuu kuleeyahay, aniga waxaan ahay ahlu kan ahlu muslim.bishiina sidii loo jooga ayeey , dhaxdooda is qarxinayaanwaxaan arkay oo kale mid leh ninkeyga wuxuu katirsanyahay qabiilkaas ahlu somthing ,oo marku ninkeyga uu dilo ninkas ku jira doolada, dhigiisa wuxuu noqonayaa, cagaar oo shinbir ayaa laduuleyso, waa cajiib. marka aniguwax aan idiin sheygo, wadan gaalo, meel aan ugu socono malahaan ee meeshina jooga mise, uguura carabaha, ee somaliya wadan mahaan dowlad malahan, waa kanaa dadkii guryaha kadhistay soo wada laabtay.maxeey u soo laabteen ma isweeydiiseen??ok marka jooga meeshina misa socodkiina labaad ha ahaado wadamaha carabta, wax inoo dhaamto majiree.
    asaalamu caleykum waraxmatulahi wabarakatu.

  25. naasix says:

    BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH.

    ku: canab muxammad., marka hore wacalaykumussalaam, waraxmatullaahi wabarakaatuh.

    waa arin meesha ku jirta hadalkaad soo jeedisay
    waxaana u qaatay inuu yahay canaan , iyo boorin
    aad walaalahaa ku boorinayso , waxaan ula jeedaa inaad hadalkaad leedahay uusan dhab kaa ahayn maadaama aad qof muslina aad tahay .

    waxaanse ku waydiinayaa haddaad is barbar dhigto waddamada gaalada iyo soomaaliya ama waddamada carabta adoo run sheegaya yaa u fiican akhlaaqda iyo diinta ?

    soomaaliya gees ka gees kaniisad loo dareero arki maysid waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees arki maysid laba nin oo la leeyahay waa la isu aroosinayaa waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees arki maysid laba naag oo is qabta waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees arki maysid dukaan furan oo u kiraysan dhilooyinka iyo khaniisiita iyo saqajaanada xaaraanta ah waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees arki maysid jidka dhexdiisa lab iyo dhadig qaaqaawan oo is farafaraynaya waa ALXMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees waa wada masaajid waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees waa bad iyo barwaaqo waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees waa xoolo iyo daaq iyo nicmo aan la soo koobi karin ee bad iyo birri jiifta waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees waa wada caday iyo caraf iyo saxansaxo iyo caws iyo naxariis waa ALXAMDU LILLAAH.

    soomaaliya gees ka gees waa wada qurux gabdhuhu
    oo waada xijaab iyo quraan iyo salaad iyo xishood iyo edeb iyo wanaag waa ALXAMDU LILLAAH

    soomaaliya gees ka gees waa kuu wada walalo oo cidi ku dhihi mayso waa ajnabi , umana baahnid dhalasho iyo dhac joogta ah , waa ALXAMDU LILLAAH.

    haddaba waxba wax baa ka wayne canabay inta aad
    sheegtay ee dhaliila ee soomaaliya ka dhacday marka loo fiirsho akhlaaq xumida taala meeshaad leedahay ka soo guuri maayo soomaaliya
    waxay noqon janno waana MAHAD ALLAAH.

    kaliya miyaadan maqal waalidiintii u geeriyooday markay maqleen warkii naxdinta lahaa ee dhagahooda ku soo dhacay ! ! ! sida
    la sheego markay ka war heleen inay caruurtoodii hallaabeen oo aysan ahayn wax nool ama wax dhintay , sida mid dhagaha dalooshada oo wiila , ama wiil la guursaday, ama gabar gaal guursatay , iyo waxii la mida .

    dhinaca dagaalada iyo dilalka ka dhacaya soomaaliya haddaan bar bar dhigno kuwii ka dhici jiray meeshaad hadda joogto, soomaaliya waxay noqon meel nabad ah : ee wax iiga sheeg dagaaladii 1900 ilaa 1945 ka dhacay yurub see ahaayeen ?

    soomaaliya inshaa ALLAAH , waa koonfur waxaad sheegaysaa baan u malayn , ayadana waaba meesha
    kaliya ee aan rajada ka qabno inay ahaato meesha soomaaliya ugu nabad ah maadaama ay tahay meel laga maqlayo xukun ISLAAM iyo diin oo gaaladuna ku khasaartay, haddana inta badan ay walaalaha muslimiintu ka fuliyaan axkaanta ISLAAMKA , marka bal soo booqasho tag meelaha ay joogan walaalahaas si aad u soo aragto khayrka ka jira meelahaas, waxaana kuu sheegayaa inaanan wali tagin yurub iyo maraykan ayna ii dhimman yihiin inaan maqlo ma ahee rajana kama qabo inaan aado dhukaas gaaladu dagto , waxaana sharaf ii ah inaan dhulkayaga soomaaliya aan ka waynayn geed quraca ama sarmaan hoosteed oo aan hoos seexdo , sidoo kale waxaa ii sharaf ah inaan aado dhulka carabta aad sheegayso waaana makka
    iyo madiina waana meel laf dhabar u ah muslimiinta oo aan laga maarmin, marka haddaad dhib u arkayso inta yarta ah ee ka taagan soomaaliya iyo carabaha waa loo sabri karaa baan qabaa , waxaane loo sabari karin diin la’aaaaaaaaaaaaaaan iyo dadnimo la’aaaaaaaan.

    ee adaa gaalo la dagane nicmadaan haysanno ma haysataan ???

    WALLAAHU ACLAM.

    naasix.

  26. hooyo somaliyed says:

    a/c/w/w waxaan idin oranlaha wadan gaalo aayo nooma hayo dhinac walba waan ku lunay soomalina meel ay joogto way ogtahay wadamada carabtana ciqamadii ayaa dhib ah caruurtii soomaliyed jamacado mahelayaan nolal ahaana way adagtahay dhinaca aqlaqda hadii aan kahadlo wax walba waa laga helaa. soomaliyey hala tashado wadankan waa xun yahay iyo kana fiican anaga dan nooguma jirto wadankeenii waa soomaliya illahay hala baryo in wadankii nabad noo noqdo qayr ayaan idiin rajaynayaa w/c/w/w




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ogeysiis: Sh. Mustafa X. Ismaaciil oo muxaadarooyin si LIVE ah loola socon karo ka jeedinaya Denmark
  2. Booliiska S/land oo xabsiga u taxaabay Sheekh Max’ed C/llaahi Geelle.
  3. Jaaliyada Muslimiinta Denmark Gaar Ahaan Magaalada Aarhus oo 600 Qoys Udxiyo gaarsiiyay.
  4. Markazka Dacwada Soomaaliyeed ee Denmark oo $1467 Agoonta ugu deeqay.
  5. 25 Maxbuus oo ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Boosaaso oo lagu siidaayay cafis uu u fidiyay C/raxmaan Faroole

Latest Headlines