Sh. Abuu Xassaan oo soo gabagabeeyay Socdaalkiisii Kuweyt

Published on February 9, 2010 by   ·   11 Comments   ·   print

Guddoomiye ku xigeenka Mu’assasada Al-minhaaj ee Warbaahinta Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan) ayaa maanta soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku joogay dalka Kuweyt. Sheekh Xasan wuxuu galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Kuweyt, isaga oo ku sii jeeda magaalada Dawxa ee dalka Qadar oo intii muddo ah uu sii joogi doono, haddii Alle idmo. Sheekha waxaa sii sagootiyey Sikrateerka tifaftirka ee majallada Al-furqaan Ustaad C/qaadir Cali Warsame. Waxaa la filayaa in booqashada Sheekha ee dalka Qadar ay qayb weyn ka qaadan doonto xoojinta xiriirka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ay la leedahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 

Hawlihii Raabidada Culumada Muslimiinta         

Sheekh Xasan oo muddo seddex todobaad ah ku sugnaa magaalada Kuweyt wuxuu halkaa kaga qeybgalay shirkii lagu aasaasay Raabidada Culumada Muslimiinta oo uu ka mid noqday xubnaha aasaasayaasha ah ee Raabidada. Waxaa kale oo uu wax ka saxiixay seddex bayaan oo mid ka mida lagu taageeray bayaankii Culumada Yaman ay ku diidayeen faragalinta shisheeye ee dalkaas, kan labaadna lagaga hadlay kala googoynta lala damacsanyahay dalka Suudaan, tan seddexaadna waxaa lagaga hadlay darbiga ceebeed ee lagu go’doominyao shacbiga reer Ghazza, kaas oo dawladda Masar ka dhisayso xuduudka u dhexeeya Masar iyo Ghazza. 

Martiqaadkii safaaradda 

          Ka dib Sheekhu intuu joogay dalka Kuweyt waxaa qado sharaf u sameeyay safiirka jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Ambassador C/qaadir Amiin, halkaas oo soo dhaweyn iyo mahadcelin ka dib Sheekhu uu safiirka iyo marti sharaftii kale ee goobjoogga ahaydba ku siiyey warbixin ku saabsan xaaladda dalkeenu marayo, wuxuuna Sheekhu muujiyey dhinacyada iftiimaya ee dalkeena iyo dadkeena, sida: waxbarashada, dacwada, ganacsiga iyo hormarka kale ee dalka ka jira, wuxuuna ka codsaday safiirka in xoogga la saaro muujinta dhinacyadaas iftiimaya. 

          Kulankii golaha jaaliyadda Soomaaliyeed         

          Sheekhu wuxuu golaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuweyt ka jeediyey muxaadaro iyo warbixin ku saabsan dalka Soomaaliya, kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne farabadan ayaa Sheekhu fikrad wanaagsan ka siiyey dalkii iyo waxa ka jira, wuxuuna mar walba xoogga saarayey muujinta dhinacyada iftiimaya ee warbaahintu ay iska indhatirto; si dalkeena loogu muujiyo meel bahalo-galeen ah. 

Kulankii jamciyadda saxafiyiinta Kuweyt 

          Waxaa kale oo Sheekhu kulan gaara la yeeshay Jamciyadda saxafiyiinta dalka Kuweyt. Kulankaas Sheekhu wuxuu warbixin faahfaahsan ka bixiyey xaaladda dalku marayo iyo shirqoolada loo maleegayo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna fikrado badan ka soo jeediyey siyaabaha ugu habboon ee looga hortagi karo shirqooladaas. Sheekhu wuxuu u soo jeediyey Jamciyadda Saxafiyiinta inay qalabka warbaahinta uga faa’iideeyaan qaddiyadda Soomaaliyeed, ayna saamayn wanaagsan ku sameeyaan madaxda iyo shucuubta carabeed, ayna ku qanciyaan ka qeybqaadashada hirgalinta mashaariicda danta guud, hurumarinta waxbarashada, warbaahinta iwm oo ah kaalimo furan, baahi weyna ka jirto. 

          Waxaa kale oo Sheekhu saxafiyiinta u soo jeediyey inay dawladaha carbeed iyo mu’assasadahooda ka dhaadhiciyaan in duullaanka lagu hayo Soomaaliya uu wada saamaynayo carabta iyo muslimiinta oo dhan, loona baahanyahay in gacan laga gaysto ka hortagga shirqoolada lagu wado dalka. 

          Dhinocooda saxafiyiintu waxay aad ugu mahadceliyeen Sheekha fikradda wanaagsan ee uu ka siiyey dalka iyo xaaladdiisa, waxayna ku guubaabiyeen in Soomaalidu ay iyagu marka hore u istaagaan xaqiijinta danohooda; waayo ninkii waxqabsanaya ayaa la taageeri karaa. 

Kulankii guddiga u gogolxaarista ku dhaqanka shareecada islaamka 

          Waxaa kale oo Sheekhu dhawr kulan la qaatay guddiga u gogolxaarista ku dhaqanka shareecada oo uu dalka ka siiyey warbixin faahfaahsan, wuxuuna ka jawaabey su’aalo badan oo laga weydiiyey arrimaha Soomaaliya. Dhinacooda guddigu waxay Sheekha warbixin ka siiyeen aasaaskii lajnada iyo waxqabadkeedii muddadii ay dhisnayd, waxayna koobiyo ka siiyeen diraasadihii iyo kutubtii ay ka diyaariyeen hirgalinta shareecada, waxaana ugu muhiimsanaa labo kitaab oo ay ka diyaariyeen Nidaamka madaniga (Islamic Civil Law) iyo nidaamka jazaa’iga (Islamic penal code) ee shareecada islaamka. 

          Sheekh Xasan waa daaci Soomaaliyeed, wuxuuna xubin ka yahay aasaasayaasha Raabidada Culumada Muslimiinta, waana qoraa baac ku leh arrimaha warbaahinta, haddana guddoomiye ku xigeen ka ah Mu’assasada Alminhaaj ee warbahinta, wuxuuna muxaadir ka yahay Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Shariif oo ka Warbixiyay Socdaalkiisii Nairobi
  2. Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abu Xassaan) oo Nadwada Masjidka Rowda ka jeediyay Mowduuc uu Ciwaankiisu yahay “ Jaaliyadaha Soomaalida ee Qurbaha dhibaatooyinka haysta iyo xalkooda”
  3. C/raxmaan Macow oo ka Warbixiyay Socdaalkiisii Muqdisho.
  4. Abuu Mansuur oo ka hadlay Dagaalkii Saaka
  5. Dawro lagu soo gabagabeeyay hotelka City Center ee Magaalada Hargeysa

Readers Comments (11)

  1. maxamed cigal says:

    shiikhas ALLAHA barakeeyo waa nin dadaalaya

  2. Cali Guure says:

    salam sheekh

    Marxab beek sacaadatak. Islaax goolahoodii mid ka culus ayaad dhalisey…kkkkkk

    Haddii raabidada la asaasay uu ka mid yahay maxay soo faa’idayn doontaa?

    War bixinta Soomaaliya waxaa uu ka sheegay duullaanka lagu haayo maxaa loo sheegi waayey cidda duullaanka ku ah Soomaliya?

    Tan safiirka la kulankiisa waxay tusinaysa in Somalimirror la jirto dawaladda safiiradadeeda? kkk…..kaftan

    Tan iftiiminta dhinacyada ifiya maxaa loola jeedaa? jihaadka inuusan ku jiran waa muuqata ee maxaa loo jeedaa? Manhajka salafka, waxbarashada, ganacsiga iwm?

    La kulanka saxafiiyiinta tukhmada u dhintay ee kuwaytiga waa khiyaano xirfadeed ugu yaraan. Waa nimankii difaaci jiray Bush iyo weerarka bush ee Ciraaq iyo afqaan. Waxay dhihi jireen cinda maa jaa bush nimnaa Xoosh. Qabaxallaahu wujuuhahum idaa lam yatuubu

    Tan Dooxaa Allow khayr ka dhig.

    Si kastaba ha ahaatee markaan lahaa war yaa xasan yaqaan? qoob moosid ayaan dhigayey alxamdu lillaahi cid ku dhacda ma jirto. Inuu sheekhan yahay waan ogaa laakiin si xaqiiqa uma ogayn….kkk

    Howlaha sheekha la garan iyo inuu daaci ama muxaadir yahay laakiin maxaa loo sheegi waayey hawlihiisa kale.

    Ugu dambayntii la kulanka guddiga ma fuliyaasha shareecada islaamka ee Kuwayt waxay ahayd faqrada aan ku qoslay. Waa tii ikhwaanka iyo salafiyiinta kuwayt lagu seexiyey oo lagu yiri ku dul cuna kabsadiinna diyaarinta islamic civil/penal code muddo hadda laga joogo 30 sano. Wax ka soo baxay weli lama haayo oo waa shimbira yahow heesa hees wanaagsan heesa.

    Almuhim booqasho boqortooyo oo kale dheh. Halkaa ka wada oo barta fanka loo dhex maro dunida carabta. ……..kkkkkk

  3. mo'alim says:

    maasha allaah shiikha safar fiican oo naajix ah ayuu soo sameeyey allaha gurigiisa nabad kusoo celiyo. aad ayaana ugu farax sanahay dadaalka abuu xasaan. waligiis mujtahid ayuu ahaa allaha garabgalo asaga iyo saaxiibadiis.

  4. Kahyre says:

    Wax weyn buu soo qabtay haddii uu dadkii dalkooda lagu dirijirey oo beenta loo sheegi jirey runtii taabsiiyey.

    Waa run in dhib, khilaaf, colaad sokeeye iyo dabrgoynba ka jirto dalkeena laakiin waxaa jira ula kac dadkeena uga dhigaya wuxuush.

    Shiikha kahyr allaha siiyo

  5. Canjeelo says:

    Allah baa mahadda leh, inta si wanagsan wax u
    aragta Allaha noo badiyo,culumadeenana Allah noo bad baadsho noona barakeeyo. AAAAAAAAAAMMMMMMMMMMMMMMMMMMMMIIIIIIIIIN.

  6. Ibn Mubaarik says:

    Weger, sheekha warkiisu ma cadda ninkii kuwait tagaba safiirka qado waa siiyaa waana soo dhaweeyaa.

    wariyaasha kuwait ma smayn karaan waxaan dawladda kuwait ogayn sida ay ila tahay.

    saaxadda soomaliya waxaa isku haysta sadex fikradood oo kal ah :

    Ehlu sunnah kuwa sheegtay
    shabaabka qolyaha la baxay
    wadiyiinta soomaalida ah e muslimka ah

    sadexdaa mid ha raaco

  7. Hoobaan says:

    Cali-guure

    Waxaad ahaan laheydba malo-awaal iyo saadaal-xumaa hadalkaaga macna tireysa.

    Waryaa Xasan yaqaan markaad laheydna fiicnaan kaama aheyn ee haddoo kale in aad si xun u daliishato si laguu moodo nin wax sii ogaa ayaa kaa keentay. Wixi aad lasoo guuxeysay hadduu cantarabaqashkan yahayna waxay un muujineysaa waxtar yaridaada iyo kam anta damdamle in ay ka badan tahay inta aad qof wax ku ool ah tahay.
    Warkaaga oo dhan waa iska talac-talac sida jumlooyinkan aad qortay adoo isla qumman:-
    - Haddii raabidada la asaasay uu ka mid yahay maxay soo faa’idayn doontaa?
    -War bixinta Soomaaliya waxaa uu ka sheegay duullaanka lagu haayo maxaa loo sheegi waayey cidda duullaanka ku ah Soomaliya?
    -Howlaha sheekha la garan iyo inuu daaci ama muxaadir yahay laakiin maxaa loo sheegi waayey hawlihiisa kale.
    -Tan Dooxaa Allow khayr ka dhig.
    Caliyow markaan warkaaga akhriyay Waxaan is weydiiyay war ninku afkiisa iyo inta kalaba u daranaa ma tubaakaduu cunaa?

    Safarka sheekhu in uu naajix ahaa loona baahnaa ayaan u arkaa in aad si kale u aragtidna kugulama yaabani laakiin waxaan kugula yaabbanahay sida aadan wax khayr lehba cidna uga fileynin.
    Xoogaa dib isu eeg adigoon ku kadsoomin gadgaddoonka iyo wareerka ka jira dalka diinkana aanan ka dhex dusin inta berri nabad ah laga gaarayo.

    Soo barbaar saaxiib

  8. Warsame warfaa says:

    Ragga meesha wax ku qora waxay ila tahay inay yihiin rag wax akhriya oo adduunka la socda, waxaana ku habboon, lagana filayaa inay ummadda u soo gudbiyaan wax qiime leh oo waxtar ah, haba ugu horrayso isku xirka iyo isu soo dhaweynta qaybaha bulshada.

    Haddii la arko hadalo aan munaasib ahayn oo comments ka lagu soo qoray, waxaynu u fasiranaynaa in kaftan iyo madadaalo loola jeeday, waxaase xusuusin u baahan in aan lagu kaftamin wax dambi ah; waayo waxa Ilaahay xaaraameeyay kuma xalaaloobaan kaftan, waxa ceebta ah ee qofku sida qarsoodiga ah u oranayana ceebnimadii ka bi’i mayso; sidaa darteed waa in walaalaha akhristayaasha ah ugu horrayn Ilaahay ka xishoodaan, ayna iska ilaaliyaan waxaan cuntamin qof qiime leh.

  9. Cali Guure says:

    Hoobaanow

    Horta garan maysid almizaax al sharci iyo sarbeebta dadban.

    Si kastaba ha ahaatee aniga iyo akh Xasan dhexdeenna ma geli kartid gaabso akhii.

    Adiga ayaa mala awaal ku nool oo waxba hubsan. Cali Guure hadalkiisa haddaadan garan kula yaabi maayo. Inta qeexan ee Cali Guure qorey oo maanta saaxada taal waxaan filayaa haddaad waddanka joogtay inaadan garan ama aragtey. Haddaad dibadda joogtana maqashay haddaad war ku nool ahayd.

    Karti waxaa leh ninka yiri shabaab inxiraafe, dawlad islaamina karti iyo kaadir midna uma hayaane ee ha soo wareejiyeen yar yarka inta goori goor tahay.

    Allow xaqa nagu sug

  10. Muxamed says:

    Cali guure , nin isfaanshay waa ri, isnuugtay baa la yiri ee ninyahow faanka naga aayar dumar ayaa lagu yaqaanaaye, tan kale qofku ma ahan sida uu isu yaqaano ee waa siday bulshadu u taqaano! Waxaa cajiib ah in qofku uusan lafahiisa aqoonin hadana uu iska daldalmo mudadii yarayd een cali guurow aan arkayey qoraaladaada iyo akhyaarta kuu jawaabaysayba waxaa iisoo baxday inaad tahay nin been badan namiimo badan faan badan isku dir iyo kala dilid badan intaaso xumaan ah oo cadaabka lagu galo adigoo ku sifoobay ayaad waliba mujaahid saaxada joogo sii sheeganaysaa!!! Mararka qaar ayaad igu tiri adigoo dibada jooga! Bal sideed ku ogaatay inaan dibad joogo imaba taqaanidee mise faaliye ayaad tahay oo farahaad ciida galisaayoo qhaybka ayaad ka hadashaa? Kaligayna ma ahan oo waxaan arkay dad kale adigoo ku leh canbuuladaada dibada ku cun, dadka sideed ku ogaatay meelaha ay kala joogaan hadaanad kaahin ahayn ama kaddaab?

  11. Hoobaan says:

    Cali Guure haddii ceynkaa aanan adiga iyo Sh. Abuu Xassaan la idinku dhex geli karin, ha na soo marin marka aad aad col u noqotid ee la idin dhex geli karo.
    Mizaaxa sharciga ahse yaa ku yiri waa in la is jaraaxeeyo oo khayaano in lagu dhacay la isku xukumo, caalamka oo dhanna loo sheego?????

    Caliyow cidna waxba ha tarine lafahaaga ugu danee in aad iska deysid hilbaha dadka cilmiga xambaarsan, qaladna ha ka fahmin in aad is taqaannaan qofka aad ka hadleysid maxaa yeelay is aqoonnidiinnu sina kuugu xalaaleyn meyso in aad wax u cabbirto sidii ad yeeshay oo kale.

    waa laga yaabaa in aanan wax hubsan oo warkaaga oo dhan aanan heyn hase yeeshee inta ku qoran tacliiqa aad ku darsatay safarka sheekha ma aha wax lagula dhiirrado nin sheekh ah oo shaqo qiimagal ah qabtay.

    Jawaabtaada waxaa ka muuqata in aad tahay nin isku mashquulsan oo muuqaalkiisa ka dhex goobaaya suurada, cidnana aanan waxba u ogeyn.

    Shabaab qaladkooda in aad aragtay kuuma xalaaleyneyso in aad is-mood mooddid oo aad umuuro musallamaad ah ku tumatid sida ku dhicidda culimada iyo ku dhiirrigalinta caammada wax ka sheegiddooda.

    Camal aad u qabatay Alle dartii haddii uu jirana uma baahnid in aad sheegsheegtid si dadku kuugu tixgaliyaan kaagana indha laabaan wax aan cidna looga indha laban karin.

    Maxaadse shabaab kula dirireysaa haddii aad sameyneysid wax la mid ah waxyaabaha ay ku dhaliilan yihiin ee ay ugu asaasisan tahay in aysan cidna fadli u ogeyn ayna u heystaan in taariikhdu hadda bilaabatay isla iyagana ku dhammaan doonto.

    NAsiixadeyda adiga iyo anigaba waxay tahay waxa aan sameyneyno aan Alle isku tusno, ahlulcilmigana yaynaan caammada kusoo qulleyn.

    Allow na toosi




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Shariif oo ka Warbixiyay Socdaalkiisii Nairobi
  2. Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abu Xassaan) oo Nadwada Masjidka Rowda ka jeediyay Mowduuc uu Ciwaankiisu yahay “ Jaaliyadaha Soomaalida ee Qurbaha dhibaatooyinka haysta iyo xalkooda”
  3. C/raxmaan Macow oo ka Warbixiyay Socdaalkiisii Muqdisho.
  4. Abuu Mansuur oo ka hadlay Dagaalkii Saaka
  5. Dawro lagu soo gabagabeeyay hotelka City Center ee Magaalada Hargeysa

Latest Headlines