Habeenadii cabsida (Qeybta 2aad)

Published on February 9, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

 

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

 Masjidka Timire ayuu soo galay goor duhur ah. Qaylo iyo sawaxan buu la dhexmaray. Rag dhawr ah baa u istaagay inay dibadda uga saaraan masjidka. Ma uu yeelin ee gacan buu kala horyimid, iyaguna ninba meeshii uu ka gaarey ayuu ku dhegey bal si mar uun dibadda loo geeyo. Malaha jinka la sheegaa la shaqaynayaye ninba dhinac buu ku tuuray. Wax lala raftaba aakhirkii dibadda ayaa masjidkii looga saaray.

  Masjidka Xasan Cigaal buu cishihii ka dib soo galay iyadoo xertii kutubta isaga ceshanayso. Markaan cidi uma kicin, isna hadal aan qaylo dheer ahayn buu masjidkii ku dhex marmaray, cidina uma juuqin ee hoostaa laga daldalayey: Ilaahow na dhaafi, Alle na waa aqbalay oo dhibyari buu isaga baxay.

Guriga xerta

  Guriga xertu waqaf buu ahaa, masjidkana wuu ka soo horjeeday. Ciid baa ku goglanayd, nin walbana darin baa u taalay, illeyn xertu shamiitada in Qaaxo laga qaado ayay aaminsanayde. Albaabka hore lama xiri jirin, kan hoosena xataa haddii la xiro naf weyn ma lahayn. Gurigu nal iyo faynuus midna ma lahayn ee habeenkii gudcur maara-ruugla ah buu ahaa. Waxaa dhex seexan jiray rag labaataneeye ah oo dhallinyaro u badan. Ogow waa hal qol oo weyne.

Muxuu ku seexday?

Maanta markuu soo galay masjidka Timire xaadir buu ahaa, caawa markuu soo galay masjidka Xasan Cigaalna xerta duruusta ku ceshanaysa ayuu ka mid ahaa. Waxaa xusuustiisa ku dhegtay muqaalka ninka, xooggiisa iyo miyir la’aantiisa. Wuxuu kaloo dareemayey inuu habeenimo imaan karo guriga xerta, soona gali karo. Wuxuu ogaa in aan gurigu albaab adag lahayn, waliba uu mugdi yahay, ragguna ay xilligaas wada hurdaan.

Wuxuu ku seexday wixii maanta iyo caawa uu arkay, wixii ninkaan ka suuroobay iyo wixii uu ka ogaa guriga xerta. Intaa waxaa u dheerayd inuu marayey marxalada muraahaqada ee khayaalkeedu badanyahay.

Ceego saf mar ah!

 Saq dhexe ayuu soo kacay iyadoo gurigii isla yeerayo: khuukh iyo khaakh, cuuq iyo caaq, fuuf iyo faaf!. Kama uu shakiyin in ninkii guriga soo galay oo uu raggii ninba mar ceego ku qabanayo ilaa uu ka ruux-togayo!. Haddii uu hadlo inuu isaga ku soo boodo oo uunka aakhiro raaciyo ayuu ka baqayaa, raggiisii oo nin nin loo bakhtiinayana ma dhawran karo ee maxaa u talo ah?.

 Isaga oo aan meelna iska nuuxin buu si wacan uga baaraandegay siduu mushkiladdaan ka yeeli lahaa. Waxay talo kaga dhammaatay isaga oo aan hadlin inuu ragga ugu dhaw dhaw, waliba kuwa ugu tabarta roon qandhuufo ku wada maroojiyo; si ay isku mar dhawr nin u wada toosto oo ninka isku mar la isula qabto. Sidii buu yeelay oo lababa mar buu qandhuufo dhab siiyey!. Iyagiina rag walwal iyo walaac ku seexday ma ahayne ciic iyo caac baa mid walba ku bilaabay ilaa markii dambe mid kuwii ugu tabarta roonaa ka mida yiri: war maxaa jira oo hadal la maqlayo ah, isna wali isma hubee hoos buu ugu yiri: guriga ninkii waalnaa baa soo galay!. Wuxuu ku jawaabay cidina ma soo galine iska seexo oo waliba hadal dheer ah.

Walwal la’aan iyo hurdo wacan

Intaas oo dhan isagii iyo raggii uu toosiyay midna cidi kuma soo boodin, mana ceejin. Kolkaas bay u caddaatay in sharqantuu maqlayey ahayd khuuro iyo neeftuur uu isagu u fasirtay ceego iyo rafasho!. Kolkaas buu balaayadii ka dhex guuxaysay iska saaray, hurdo raaxo lehna dug yiri.

Maxaa is badalay?

Dhab ahaan ma jiraan wax muuqda oo is badalay, markii uu welwelka iyo cabsida la joogi la’aa, iyo markaan uu sida buuxda u seexday. Kaliya waxaa is badalay dareenkiisa iyo wixii uu jirtada ka aaminsanaa. Taas waxay tusaysaa in aadanuhu marar badan uu joog iyo jiifba la daayo khatar aan jirin ee uu isagu isku buuxiyey, ka dibna uu rumaystay, ulana dhaqmay sidii xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo ay tahay in lala falgalo.

Kuma koobna dareenka is moodsiiska ahi cabsida kaliya ee wuxuu galaa meelo badan oo saamaynaya nolosha aadanaha, sida: mawaaqifta dadku kala aaminsanyihiin, oo nin baa hoos wuxuu ka guntadaa in hebel ama koox hebla ama qolo hebla cadaw u tahay ama ay shirqool u maleegayaan. Waxaa taa la mid ah fikradaha laga aamino walxaha. Tusaale ahaan: Nin saaxiibkay ah baa ii sheegay in  nin samboor qaba uu galay shineemo, ka dibna filimkii shidnaa uu ka dhex arkay fardo ordaya oo boor kicinaya. Wuxuu aaminay in waxa u muuqdaa boor dhab ah yahay; dabadeedna wuu ku sambooray!.

Waxay kaloo ii sheegeen nin reer miyi ah oo filin galay, ka dibna ka dhex arkay labo nin oo dagaalamaya, oo qaylo afka ku shubtay: war ragga kala qabta!.

Waxaa qeyb weyn ka qaata beerista cuqdadaha iyo afkaarta qalloocan dad iyagu wanaag la doonaya ubadkooda, qaraabadooda, ardaydooda, dariskooda iyo saaxiibadooda oo markaas ka dhaamiya xog, falanqayn, saadaalin iyo dardaarano wax u dhimaya adduun iyo aakhiroba ama midkood. Dad badan oo sheegta siyaasiyiin, aqoonyahan, culumo diineed iyo indheergarad kale ayaa midba maalin bulshada ama qayb ka mida marada u haatiyaa iyaga oo uga digaya balo aan jirin oo ay sida ninkaas hurdada isku tuseen ama ay iyagu soo jeed ku mala-awaaleen; si ay dan u gaara ugu gaaraan. Baasa-abuurkaas ha ku yimaado niyad sami ama niyad xumee wuxuu dhib weyn u gaysanayaa bulshada hab fakarkeeda, nolosheeda iyo daneheeda oo dhan, waxaana loo baahanyahay in laga waantoobo, dadka marada loo ruxayana ay ka fiirsadaan xqiiqada waxa loo sheegayo iyo ujeeddada kuwa qaylo-dhaaminaya.

Gabagabadii miyaanay habboonayn in aynu dib u eegno wax badan oo aynu ka aaminsanahay dadka, deegaanada, culuumta, shaqooyinka, dhaqamada, cuntooyinka, jirrooyinka iwm; si aynaan ugu lumin waqtigeena iyo dadaalkeena raadinta wax aan waxtar lahayn ama ka digtoonaanta wax aan khatar ahayn ama ku go’aan-qaadashada waxaan sal iyo raad toona lahayn?.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Habeenadii cabsida
  2. Geeska Afrika: Maareynta Loolanka Istraatiijiga ah(Qeybta 2aad).
  3. Sideen ugu abtirinnaa Suugaanteenna? (Qeybta 2aad)
  4. Falanqaynta Jihaadka Iyo Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 2aad
  5. Aabbahaa waranka gaalaad ka bixi!! (Qeybta 2aad)

Readers Comments (3)

  1. C/qaadir Macalim says:

    As/c/w Salaam Kadib Aad Ugumahad Santahay Murtida Iyo Xikmada Aad Umada Ufaa iidaynaysid Alla Xikmadaada Hakuu Siyaadiyo Ajar Iyo Xasnaad Alla Hakaa Siiyo Tankale Waxaan Sigaara kuugu Hanbalyaynayaa Garaameerka Reer Muduga Oo Aadnoogu Soogudbinaysid Xikmadaada
    Intaa Kadib Sheekh Axmad Waan Akhristay Labadii Maqaal Ee,udanbeeyay (waawada Jaajuus& Habaynkii Cabsida)Waana Fahmay DULCDA
    Ee maxaa Talaa
    SIDEE XEEGO LOOXAGTAA ILKANA KUNABAD,GALAAN
    Dabcan maahmaahda Reer Muduga Adaa iiga Xeeldheer oonoofasiraya (Xeego) Maanta Soomaaliya Waxay Kusii Dhawdahay Falastiin oo Ninkii Madaxa Gantaal Aan Meeluu Kasoo Dhacay La,aqoon Baasamada Uga Imaanaya Waxaana Soohagay Inin Kala jooga Waxaa Wadankii Lagu Siidaayay Oowaliba Awooda Koobaad Lasiiyay B.A.S Ama Ashahaado Ladirair Safka Kugala Jira Oo xogaa Sandareer taa Marayku qoray Ama Hashii Walaalki Dile Lasiiyay oo Kugadanaya
    Suu Asna Uga Ima Korsado ama Maalmahaas Uqayilo
    Illaan Xili Qalafsan baa Maanta Lagalaye
    Fadlan Bal Xalkeen Adoo Ciwaanka Kadhigaya Maahmaahdays Nooguna Fisidhid Xeego Waxaytahay
    Waankusalaamayaa

  2. Nusaymo says:

    A/C
    walal wad ku mahadsantahay sida wacan ee aad noogu so gudbiso maqalada khuseya hadba jawiga somaliya marayso waxaan kugu hambalyaynayaa inaad culimada kale kaga duwantahay so gudbinta maqaladan allaha ku dhowro ayan leyahay

  3. oday bari says:

    sxb waad ku mahadsantahay qoraaladaada la yaabka leh, oo afsoomaaligooda iyo dhigaalkoodaba ay aadka u heersareeyaan, allaha ku barakeeyo!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Habeenadii cabsida
  2. Geeska Afrika: Maareynta Loolanka Istraatiijiga ah(Qeybta 2aad).
  3. Sideen ugu abtirinnaa Suugaanteenna? (Qeybta 2aad)
  4. Falanqaynta Jihaadka Iyo Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 2aad
  5. Aabbahaa waranka gaalaad ka bixi!! (Qeybta 2aad)

Latest Headlines