DKGM ayaa beenisay inuu Saraakiisheeda kamid ahaa Sarkaal iyo Hub ay Shalay Muqdisho ku soo bandhigtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la sheegay inuu ka soo goostay dhankeeda, waxayna arinkaas ku tilmaan wax aan jirin oo la soo dhoodhoobay.
Taliyaha Dugsiga Tababarka Xalane C/xamiid Sheekh Cali oo lahadlayey Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan jirin wax Ciidana iyo saraakiila oo dhankooda kagoostay una galay Dhanka Xarakada Al-Shabaab.
Hadalka ka soo yeeray al-Shabaab iyo Sarkaalkii ay soobandhigeen ayuu ku tilmaamay borobogaando aan sal iyo raad toona laheyn oo dadka lagu jahwareerinayo sida uu hadalka u dhigay.
C/xamiid oo arimahaa ka hadlayana wuxuu yiri:“waa arin aan sal iyo raad toona laheyn mana jirto Sarkaal ama Askar ka tirsan Dowlada oo 55 iyo 10 toona ah oo u soogalay midna majiraan.. majiraan wax Ciidamo ah oo Nimankaas ugalay Qoryahana suuqa ayey ka soogateen waana borabogaando ladoonayo in ra’yul caamka lagu jahwareeriyo”.
Shalay ayey aheyd Markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay saxaafada u soo bandhigtay Sarkaal Sheegay inuu ka soostay Dhanka DKMG ah iyo 50 qoryaha boobayaasha ah ee AK47.

Related posts:
kkkkkkkkkkk ceeb haday dad wax kateree waxay wax kateri lahayd kuwaan dawlad isku sheegaa wallee waa yaab
HAHAHAHAHAHA,
Baroortu Raga kuma fiicna Calala uuseey ee dhareerka iska duwa.
Sarkaalka anigaa aqaan..Waa Sarkaal sare oo iyaga ka tirsanaa,,,,,BAASHE URUR baa la dhahaa….Waa Nin Mareexaan/Reer Siyaad Xuseen ah…Ragii wuxuu ku ka tirsanaan jiray Barre Hiraalee ee Kismaayo ka cararay….BARASHO WANAAGSAN.