Bam Gacmeen aan qasaare geysan ayaa Xalay Saqdii dhexe lagu weeraray Guri uu Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ka daganaa Madaxa Garsoorka Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Afgooye Sheekh Cusmaan Fiidow.
Qaraxa ayey Dabley aanan wali heybtooda lagagaran Goordambe oo xalaya ku tuureen Dhabarka dambe guriga uu Sheekh Cusmaan ka daganaa Degmada Afgooye.
Dableydii weerarka geysatay ayaa la sheegay inay durbaba goobta ka baxsadeen waxaana warku intaa ku darayaan inay halkaa ku baxeen Ilaalada Sheekh Cusmaan Qaraxa kadib.
Sheekh Cusmaan oo naf ahaantiisa ka warbixinayey qaraxa lagu weeraray Hoygiisa ayaa Sheegay inuu jiro weerarku balse uusan geysan wax qasaaro ah wuxuuna sheegay inuu ku dhacay meel banaan oo guriga dibadiisa ah.
Sidoo kale wuxuu inta ku daray inuusan kawarheyn Cida soo weerartay isagoona tilmaamay inaysan waxba u dhibidoonin howlihiisa shaqo uuna halkiisa ka siiwadan doono.
Majirto cid sheegatay weerarka bambaano ee lagu qaaday Hoyga Madaxa Garsoorka Degmada Afgooye.

Related posts:
Walaalaha xizbul Islaam
Haddii aad baadi goobaysiin xal soomaaliyeed, taasi meesha waa ka baxday, oo dagaalkii waa ka baxay gacanta soomaalida.
Waxaa muuqata inaan dilka iyo ugaarsigu idinka jooogsan doonin, dagaalna aan laydiin caddaysan doonin.
walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaan is garataan inta aan dhabarka laydinka taaban.
Dalkaan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya 2 quwaddood oo caalamka oo dhan isku haya. Haddii aad dhinac raacdaan waxaad yeelan doontaan cadawyo tira yar. hadii aadan dhinac raacin waxaad yeelan doontaa cadawg badan. Fadlan dhinac raaca, ama ka mid noqda shacabka lagu shiish barto, ee aan danta laga lahay!
Fadlan jooya dhalnteedka, soomaali.. calan soomaaliyeed, culimada haloo noqdo….!! waa haddii aad doonaysaan inaad alshabaab saaxiib lasii ahaataan!!
Fadlan ha nugu furina dagaal kale, ee candhuuftiinna dib u liqa, oo iska samra. waxay Ila tahay xisbul-islaam waqtigaan ka dib, waa tagto (past)..xaadir… iyo mustaqbal midna… uma soo muuqdo..
Ilaahbaase ku ogaal badan
“wajazaau sayiatin Sayitun Mithlihaa”
waxaa jira shirib dhahaya: Hatig tigloominee ka toos waataanyi tiinkiyoo kalee”
Xariifaka waxaan leeyahay ha u bixin adaa lagaa bartay bam tuuride u adkeyso.
waxaan xusiisanaa in Shaneemooyinki Mugadishu lagu soo xiray bam lagu tuuro. sidoo kale waxaa horay u dhacday in shaneemo ay fiirsanayaan in ka badan 50 qofood lagu tuuray bam laguna laayay sedx meelood meel. hadaba ninka ku tuuraye wuxuu u adeegaye sida uu sheeganaye Diin Islaam laaki ma uusan garaneyn wax uu nahinayo iyo ficilka uu geysanyo.
sidoo kale qoladan hadda diinta sheegata ayaa ku guubaabin jirtay in shaneemooyinka lagu tuuro bambo taasna Diinta islaamka lagama hayo in danbi sagiir ah lagu joojiyo kabaair.
gabagabadii Hadii aad bom cameed Ummadi ku laysay ogoy adigana Bam gameed ayaa kuu danbeysa.
Ninki diin u doodayoow adigoo careysan ha u doodin diinta waxaa lagabaa doodaada in ay ka danbi badantahay waxa aad u doodeysid.
Bam latuuro wuxuu dhalaa bam la tuuro
salamualaykum ilaah baa xaqiiqda og lakin waxay ilatahay waxaa ka danbeeyay gaalada adunka oo geed kasya u fushay say iskaga horkeeni lahaayeen islamiyinta somalia.
waa arinti uusheegay sheeq ali dhere wadanka waxaa joogo shirkado rer galbed ah hadafkoodu yahay in ay fashiliyaan shareecada ilaahay ee kahana qaaday goboladda koonfureed wadanka somalia waxan ka codsanaynaa islaamiyinta somalia in ay midoobaan saan looga faaiidaysan dhexdooda hadii kale waxaa imaan in la islaayo
to Abdi
Maangaabka taladiisa waa maqane joogee.
tusaale ahaan waxaad leedahay “gaalada sirteeda haleyska ilaaliliyo hadii kale somalida way is layndoontaa”
hadda biyo qabow iyo subag miyey is siisaa Somalida?
fikiryaridaada waxaa habooneyd inaadan soo qorin qormo inta Falxado ay wax qoreyso. maxaayeelay haddalka aad soo qoreyso adigoo magac rag wata iyo gabadha rayigeeda waxaad moodaa inaad yara ku fiicnaan lahayd inaad iska dhaafto qoraalka.
A/c
Somaali ayaa ku maahmaahda “Dilaayow dil ayaa kuu dambeeya”
markii waxgaradka soomaaliyeed in la dilo la dhihi jiray waxaa uu u shaqeeyaa oo diinta loo doodaayay in adiga ay kugu imaanayso ma ogayn miyaa
qof walba oo micno daro u dila naf aan ilaahey banay ha ogaado in asna sabab la’aan la dilaayo
waxaana tusaale noogu filan nimankii xamar wax ku dili jiray ama dadka wax dila soo diri jiray meeqa ayaa la dilay? isweydii maxaa u dambeeyay? jawaabtu waa dil marka qof walbow waxaad abuurato ayaad guran doontaa!