Astaamaha Xukun Jeclida iyo Ismuujinta.
By Somalimirror on 9 Feb, 2010 11:26 AM in Maqaallo
Waxaa maanta ku habsaday Umadeenii Soomaaliyeed ,wax la yiraahdo xukun jacayl iyo in qof waliba doono in uu noqdo ninka asaga umada xukumo ,xukun jecliduna waxay gashay meel kaste ,xagii waxabarashada ,hay’adihii dhaqaalaha iyo goobihii diinta iyo meel walba ,oo waxaad arakysaa labo nin oo isku haysata anaa salaadda dujinaya iyo anaa imaamkii masjidka ah ,halkaa ayay naga gaartay xukun jeclidu ,waxaana dhumay tawaaducii iyo isu tanaasulkii umadda Soomaaliyeed wadaad iyo waranlaba ,arinkaasna wuxuu sababay in nin kaste damco xukun iyo in tuulo yar ama masjid yar ama iskuul yar uu ku diriro si uu u noqdo nin madax ah oo laga danbeeyo, ayadoon loo eegayn yaa ahal u ah oo ay tahay geela anaa lajoogo.
Hadaba waxaan halkaan ku soo bandhigayaa 7 astaamood oo ah ,sumadaha lagu garto qofka xukun doonka ah ,oo aysan ka ahayn wax qabad umadeed ama ilaahi dartii ,waxaana ula jeednaa in aan bulshada tusno cudurkaas si ay ugu fogaadaan ,waayo waa arinka ugu muhimsan ee sababta u ah meeshaynu joogno Maanta.
Astaamaha xukun jacaylka iyo wxaa keena:-
1-Is cajabin uu qofka is cajabiyay iyo amaan hadiyo jeer uu is amaanayo iyo in uu ku dadaalo qofka erayada ah Dr ama Sheikh ama Ustaad ama Imam iyo in uu muujiyo wax kasta oo wanaagiisi ah si ay isu waafaqaan wuxuu sheeganaya iyo muuqaalkiisa guud .
2-In uu qofka muujiyo ceebaha iyo dulduleelada qofka la midka ah iyo in uu yareeyo hadiyo jeer in dadkaas la amaano uuna ka dhigo dad aanan jirin.
3-In uu hadiyo jeer uu sheegto jago uusan gaarin uuna raadiyo sidii uu ku heli lahaa asagoo u marayo wadiiqooyin daahsoon ,sida in uu bulshada wax u qabanayo iyo iska raadis aftahanimo iwm.
4-In uu isku dayo in uu wax kaste hormuud u noqdo si asaga loo doorto hadii la helo jago ,iyo in uu ku kalsoonaan waayo ansiibka nafta ,waana arin khilaafsan wixii aan ka dhaxlnay salafkii umadaan.
5-In uu hadiyo jeer qofka duro argtiyada dadka kale ayadoo sabab leh iyo ayadoon sabab lahaynba iyo in uu nafiisa u tiiriyo waxkasta oo wnaag ah.
6-In uu ku adkaysto ra’yigiisa uusana ku qancin xaqiiqada saxda ah uuna difaaco khaladkiisa ,waana arin caan ka noqday bulshadeena dhaxdeeda sababtuna waxay tahay waxaa yaraaday ku dhaqankii diinta si dhab ah loogu dhaqmo.
7-In lagu dag dago fatwo ama xukun oo waxaad arkaysaa qof oranaya waxaas ma banana asagoon waydiin dadkii ahalka u ahaa oo ilahay ku manaystay cilmiga iyo asagoo raadinaya cadaymo baadil ah oo uu ku baneysto arin mucayan ah ,dhibaatada fatwada iyo xukunkana waa arinta maanta na haysata nin kaste waa Sheikh nin kaste waa Qaadi ninkaste waa madax ninkasta daaci ninkaste mufti ninkaste waa dakhtar waxaana la noqday dadkii dhan shiikhul kuli waxkaste waa la daadshay ,meeshaasna waxaa ku dhumay shaqadii ilahai umadaan u qaybiyay ee ahayd nin walba wuxuu ilaahi baray in looga danbeeyo,halkaasi waxaa ku lumay umadii masaakiinta ahayd waayo waxaa gacanta hawshii u gashay dad aanan waxay sheeganayaan cilmi u lahayn ,waxayna u qabsantay bulshadii mid uu dilo dakhtar beenaad mid uu xukumo qaadi xoog ah mid gaajo disho mid xabadi disho,saxaabadii ilaahi haka raali noqdee waxay ahayeen dad isaga danbeeyo wax walba inta badana waxaan sheegaynaynaa diin iyo wanaag bal isu eeg arinkaas.
Gabgabo
Ugu danbayntii walaalayaal waxaa loo baahanyahay in laga daaweeyo bulshadeena Soomaaliyeed ,cudurkaas dilaaga ah ee la yiraahdo xukun jacayl ama ismuujin ,waxaana ku baxay oo ay dishay bacteeriyadii ka dhalatay cudurkaan kumanaan shacab ah oo aan waxba galabsan ,waxaa ku waxyeeloobay kumanaan kale oo ama ay ku waxyeelowday akhlaaqdoodii ,ama mustqabalkoodii ,waayo marki ardaygii lagu baray xukun jeclida iskuulkii oo uu ka arkay macalinkii ama maamulihii iskuulka ,ama uu ka arkay gurigii uu ku noolaa ,asagiina waa lagu talaalay bakteeriyadaas ,waxaana meesha ka baxaya ismqalkii iyo kala danbayntii bulshada ,waxaana badanaya in ay maalin kaste kala furfurato isku xirnaantii bulshada iyo midnimadeedii
Talo bixin
Waxaan ku talinayaa arimahaan
1-In da’yarta soo koraysa lagu barbaariyo tawaaducii salafka iyo tarbiyadii suubanayd
2-In loo furo da’yarta soo korayso dawrooyin ku saabsan zuhdiga iyo cibaadaadka.
3-In loo qabto waalidiinta siminaaro ku saabsan kala danbayta iyo ku barbaarinta ubadka soo korayo .
4-In dadka sida cudurkaas dilaaga ah laga takooro bulshada lana tuso xumaantooda ,loogana digo bulshada.
5-In la qaado Olale lagu barayo da’yarta taariikhdii salafka iyo sida mudan in loogu daydo.
6-In lagu sameeyo siminaaro looga arinsanyo habsami socodka cudurkaas iyo sidii loo cirib tiri lahaa.
W/Q, Xuseen Buule Axmed.
Aragtida Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku saxiixan.
Daabaco

a/c
way mahadsanyihiin bahda somalimiroor siday hadiya jeer noogu soo gudbiyaan maqaalada xayiga ah ,mida labada waxaan u mahadcelinayaa qoraaga sheekh xuseen buule ,oo aan runtii aniga ahaa ardaydiisii ex masjidkii lafwayn ,maqaalkaan waa maqaal mudan in waqtigaan hada joogna dadka ay aad u akhriyaan waayo wuxu ka hadlay shiiqu mowduuc ka tarjumaya dhibaatada iyo aafada ay noo gaysatay arintaan xukunjeceylka
waana mahadsantihii ,waxaana idinka codsanaynaa in maqaalo aan waynay noogu soo celisaan ,sida mqaalo sheekh axmed c/samad oo aan ka waayay meesha iyo maqaalkii sheekh xuseen uu qoray ee ka hadlayay la dhaqanka rereka ninkaad
w.c
farxiyo cali | Feb 17, 2010 | Reply