5 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay & Germany oo qorsheyneysa Ciidamo kordhin.
By Somalimirror on 9 Feb, 2010 9:45 AM in Main, Wararka
5 kamida Ciidamada NATO ee gumeysta Dalka Afqanistan ayaa halkaa lagu dilay kuwaa oo 3 kamida yihiin Ingiriisa 2da kalana u dhasheen Dalka Sweden waxaana lagu laayey Weeraro kala duwan oo ku qabsaday Gudaha Dalkaas.
Wasaarada Difaaca Ingiriiska ayaa Shalay Shaacisay in 3 kamida Ciidamadeeda oo ka tirsanaa kuwa NATO lagu dilay labo weerar oo kala duwan oo ku qabsaday Gobolka Helmand ee Koonfurta Afqanistan.
Arintan ayaa 12 ka dhigeysa tirada Askarta Gumeystaasha Ingiriiska kaga dhimatay Afqanistan tan iyo Bilowga Sanadkan socda.
Sidoo kale Axadii ayaa 2 Askari oo Sweden u dhashay lagudilay mid kalana lagu dhaawacay Bariga Afqanistan Dagaalo ku qabsaday gaar ahaan Mandiqada lagu Magacaabo Masaar Al-Shariif.
Dhanka kale Maanta ayaa lagu wadaa inay golaha Wasiirada Germany isku waafaqaan kordhinta Ciidamadooda ka jooga Afqanistan ee NATO katirsan waxaana lagu wadaa in tarada haatan halkaa ka joogta oo ah 4500 ay gaarsiiyaan 5350 Askari.
Daabaco

Fikrad ka dhiibo