Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Safiirka DKMG ah ee Maraykanka u magacaabay Abuu Bakar Carmaan
By Somalimirror on 8 Feb, 2010 4:46 PM in Main, Wararka
Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Abuu Bakar Carmaan in uu noqdo Safiirka DKMG ah u joogi doona Dalka Maraykanka fadhigiisuna uu noqon doono Magaalada Madaxda Maraykanka ee Washington .
Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay in ay ogotaalatay Safiirka ay DKMG ah u soo magacowday Maraykanka wuxuuna Abuu Bakar Carmaan noqonayaa Safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya matalaya oo uu Maraykanku aqabalo mudo 20 sano ah kadib .
Abuu Bakar Camaan oo da’diis tahay 49 Sanadood ayaa noloshiisa inteeda badan ku qaatay Maraykanka wuxuuna haystaa dhalasho Maraykan ah , sidoo kale waxa uu Cimraan ka mid yahay dadka Jaaliyada Somaalida ah hormuudka u ahaan jiray .
Dhanka kale waxa ay magacaabistaasi ku soo beegmasaa xili ay DKMG ahi sheegtay in ay darseyso sidii ay u xidhi lahayd qaar ka mid Safaaradaha ay ku leedahay qaar ka mid ah Wadamada Yurub.
Wasiirka Arimaha Dibadda DKMG ah Cali Jaamac Jangili ayaa yidhi “ Xukuumaddu ma awoodo wakhti xaadirkan in ay bixiso takaaliifta safaaradahaas sababtuna waxa ay tahay dhibka iyo duruufta dhaqaale ee haysta DKMG ah .
Talaabadan magacaabsita ah ayaa dhanka maraykanka looga arkay in ay tahay mid uu ku wanaajinayo xidhiidha kala dhaxeeya DKMG ah waxaanu Maamulka Obama sameeyay fir fircooni iyo la socod dheeri ah oo ka saabsan xaalada soomaaliya , waxaana la xusi karaa in dhamaadkii sanadkii tagay uu Maraykanku DKMG ah ugu deeqaday Saanad Military oo gaadhaysay 40 Tan kuna qiimeysteyd 10 Milyan oo Dollar.
Daabaco

Asalamu calaykum akhyaarta somalimirror aan idiin saxo magaca ninka uu shariifku u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee maraykanka, magaciisuna waa Abuukar Carmaan, wuxuu muddo badan degenyahay magaalada Columbus ee gobolka Ohio. mahadsanidiin
muxsin | Feb 8, 2010 | Reply
somalimirror shariif maanta sheekh baad ku sheegteen ma ninkaan loo magacaabay safiirka ayaa ictisaam ah
cade | Feb 8, 2010 | Reply
WALAALAYAAL SOMALIMIRROR,AAN IDIN YARA SAXO.
ABUUBAKAR CARMAAN DHALASHO MARAYKAN MA AHYSTO,WALIGIINA MA DALBAN, MANA AAMINSANA DHALASHO AAN MID SOOMALI AHAYN.
WAA SIDAAD U SHEEGTEEN OO WUXUU HORMUUD U AHAA JAALIYADDA SOMALIYEED, WALIBA DHALLINTA LA SOCODKEEDA, KUWA ISTEESHINADA KU XIRAN IYO KUWA JAAMACADAHA DHIGTABA ISKU SI GACANTA AY U BAAHAN YIHIIN UGU FIDIN JIRRAY.
SAFIIRKA DAWLAD BAA CAYINTA LAAKIIN UMADDOO DHAN BUU U DHEXEEYAA.
WAXAA ILA HABOON IN xIZBULISLAM IYO SHABAAB LA XIRIIRAAN OO AY FIKIRKOODA KU AADDAN SIYAASADDA MARAYKANKA LA SOCODSIIYAAN IYO WAXAY DOONAYAAN IYO WAXAY DIIDDAN YIHIIN.
WAA SHAQSI LALA XIRIIRI KARO OO WAX LAGA DHAADHICIN KARO,SIDAY ANIGA ILA TAHAY.
WAA RUNTIIN OO OBAMA SIYAASIDDII BUSH EE GURACNAYD BUU SOMALIYA KULA DHAQMAYAA, LAAKIIN IN JABHADAHA ISLAAMIGA HADLAAN OO CODKOODA U DHIIBAAN ABUBAKAR CARMAAN MA XUMA.
MA AHA NIN ALBAABKA KA XIRANAYA,ILAMANA AHA INUU SHARIIF INUU U SHAQEEYO MEESHA U TAGAY.
farah | Feb 9, 2010 | Reply
MIDDA KALE WALAALAYAAL,WAA ARRIN MACRUUF KA AHA JAALIYAADDA SOMAALIYEED EE MARAYKANKA INUUSAN NINKAN WALIGII LACAG KU QAADAN U ADEEGGA UMADDA
SOMALIDA,HADDANA ILAMA AHA INUU LACAG KU QAADANAYO.
farah | Feb 9, 2010 | Reply
Waxaan kaloo iloobay inaan ku daro hadalka, IN CAYIMAADDA NINKAN AYSAN KA IMAN SHEEKH SHARIIF OO AY KA TIMID JAALIYADDA SOOMAALIDA EE MARAYKANKA.
kOOxda Shariif waxay ku qaadatay muddo hal sano ah inay ogolaadaan,taasoo ka timid culayska ay Jaaliyadda saartay.
WAXAA HALKAA KA CAD HADDII SHACABKU UU WAX DOONO KUNA ADKAYSTO INAY SUURO GALIN KARAAN.
SHACABKU WAA INAY KU ADKAYSTAAN IN SHEEKH SHARIIF SHAQADA ISAGA TAGO, KOLAY MUDADIISA WAXBA KAMA HARIN.
farah | Feb 9, 2010 | Reply
WELL DONE . FARAH ,
DAARDAARTA | Feb 9, 2010 | Reply
SCW Faarax sidaa soo kale uun baan dhihi jirnay wakhtigii ina siyaad meesha joogay. Ma kula tahay iney xal keeneyso inuu shariif iska cararo koley maalin buu ka dagaayaa. Maheysaa badiil? Sheekha wakhti adagna waa ku soo aaday masaa’il diini ah oo khariban waa ku habsaday laakiin ilaa iyo hada waxa badiil ah uma jeedo haddii aad heyso adiga soo gudbi. 12/24/90 Ina Siyaad baa qudbadiisa igu danbeysay ku yiri Somaliyey beerihiina fasha oo bada ka shaqeysta wixii dowlada ka khaldana saxa. waan layaabay dowlada uu sheegaayo oo madaafiicda siinaay kurideyso. Hada waxaan dhahaa odeygii markuu khibrad yeeshey ayey somali isaka raacdeysay!!! qof la badalaa micno maleh
Siyaasi | Feb 9, 2010 | Reply
Farah (aka Saba) waxaad sheegaysoo dhan waa is burinayaan.
1. Siduu ula hadli karaa Al-Shabaab haddiiba aan loo ogolayn inuu wadahadal hab la galo Al-Shabaab? Xitaa Shariif Axmed baa laga diiday isagana Shariif Axmed baa magacaabay.
2. Maxaad ka wadaa CAYIMAADA? Xagay joogtaa Jaaliyada Soomaalida ah ee waxa cayimaysaa?
3. Halka aad tirid “SHEEKH SHARIIF SHAQADA ISAGA TAGO, KOLAY MUDADIISA WAXBA KAMA HARIN.”, yaa ku yiri oo aan ka ahayn Islaamiyiinta? Midda kale ma Shariif Axmed kursiga uu ku fadhiyo baa laga hadlayaa mise danaha shisheeye ee dowlado shisheeye ka leeyihiin Soomaaliya?
4. Haddii Abukar Carmaan hore wanaag u qabtay hadda wuxuu metelayaa Shariif Axmed oo ahaa ninkii iclimaaniyey “jihaad” uu isagu umada ku lu’goonayey haddana lagu ilaalinayo taangiyada AMISOM ee lagu xasuuqayo shacbiga Soomaaliyeed. Markii Ethiopia la dirirayeyba haddii Abuukar Carmaan doodi jirey oo u hadlayey Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba Shariif Axmed ba intaas waa qaylinaayey isagoo gadaal kala shaqaynaya kuwa dhibaatada Soomaaliya dabada ka wada. Markaa macno samayn mayso Abuukar Carmaan Ethiopia ayuu kasoo horjeedey shalay haddii uu Ethiopia, Uganada, iyo Burundi uu maanta u shaqaynayo mar haddii uu ku xiran yahay Shariif Axmed iyo kooxdiisa.
4. Shalay HOL waxaan ka akhrinayey adiga oo leh Puntlandna hala hadlo hadda Soomaalilandna gadaal haloo dhigo. Maxay ku kala duwan yihiin labadaas noo sheeg? Qaranimada Soomaaliya ma gorgortan baa la gelin karaa? Siyaasada Ethiopia iyo kuwa ku shaqeeya ma in la raaco baa?
Maalinba kuwaa qarxaya!!!!!!
Waaisagii | Feb 9, 2010 | Reply
Waxaan hilmaamey inaan kuu sheego bulsho diyaarsan ma heysaa. Bulshadaan xamar joogto buu ka yimid sheekha amuuba ugu roonyahay. KKKK
Siyaasi | Feb 9, 2010 | Reply
Siyaasi,
ARAGTIDAADA KOOXAYSI IIGAMA MUUQDO,OO WAXAAD
IILA MUUQATAA INAAD KA MID TAHAY DAD YAR OO INAGA MIDA OO GARRAN KARA ARRIMUHU IN LOO ARKI
KARO WAX HAL SI KA BADAN.
SIYAAD,WAA RUNTAA INTAAD KA TIRI,LAAKIIN MUU
CAQLIYAYSAN EE WUU TABAR BEELAY. HADDUU CAQLIYAYASTAY, MEESHA WUU ISAGA TAGI LAHAA,HABA UGA TAGO RAG UU ISAGA WATO.
WALAAL WAXAA IS WAYDDIIN MUDAN, MA XAL BAAN SOMALIYA LA DOONAYNAA MISE XIL BAAN LA DOONAYNAA URRURO AAN LA KALA SAFAN NAHAY?
HADDII XAL SOMALIYA LALA DOONAYO, WAA IN LOO MARAA JID WALBA, TANAASULAADNA LA SAMEEYAA,OO AAN AHAYN TANAASUL MABAADII’DA LAGA TANAASULAYO.
SHARIIF WAA INUU KA TAGAA SHAQADA, MA AHA ARIN
DOOD GALI KARTA. WAA SIDA KALIYA UU XAL KU IMAN
KARO, WAA NIN QAA’IN AH, OO QIYAAMAY RAGGUU LA SOCDAY, IYAGA ISKA KAY YAQAAN,ANIGA IYAGA U KALA
HIILIN MAAYO EE HOOYADA MISKIINADDA EE MADFACA LAGU JARJARAYAAN U HIILINAA.
SHARIF OO JOOGA XAL LOOMA HELAYO SOMALIYA.
waaisagii,
WAXAAN FILAYAA INAAD ANIGA ILA HADLAYSO WALAAL.
MAY,WAA MARKA HOREE SHARIIF AXMAD MA MAGACAABIN,
EE WAA LAGU QASBAY?JAALIYADDA AYAA SHARIIFKA CULAYS KU SAARTAY.
WAA RUN INAAN SHARIIF LOO OGOLAYN INUU SHABAB LA HADLO, LAAKIIN SAAD MOODDO MA AHA ARINKA MAR KASTA.
INKASTOO QUWADA DAGAALKA KUGULA JIRA AY MAR WALBAA CULAYS SAARAAN RAGGAY MEESHA DHIGTAAN,HADDANA WAXAA RUNTU TAHAY IN AY SHAQSIGA KU XIRAN TAHAY SIDUU KA YEELI LAHAA DALABKAAS. SHARIIF ISAGAA DIYAAR U AHAA INUUSAN LA HADLIN CIDNA, WUXUU ISLAHAA MAANTAAD LAGU BOQRAY. nINKAN ABUBAKAR WUU KA DUWAN YAHAY SHARIIF. WUU KA AQOON BADAN YAHAY, SHABAABNA
WAX DAGAALO AH MA DHEX MARIN OO WAY WADA HADLI KARAA. iLAMA AHA IN QOFNA FARASKA BIYA CABSIIN
KARO? LAAKIIN HARADA FARASKA WAA LA GAYN KARAA.
HADDII LA DADAALO, OO SOMALIDA ISKU TASHATO, DAGAAL WAA LA BAAJIN KARAA,SIDAY ANIGA ILA TAHAY.
HADDII AAD IS LEEDAHAY XOOG WAXAAN AHAYN SHARIIF IYO AMISOM LAGUMA BIXINAYO. WAA ARIN LA
GARTAY. WAXAAD OGAATAA,HADDAY TAA SUUROOBAYSO,
ANIGU MA AHI MID U OOYI DOONA LABADAA NA DHAAFTAY. LAAKIIN SIDAN HADDA U JEEDO, ILAMA
AHA INAY SUUROOBAYSO. 5000 AMISOM BAA LAGU SAARI WAAYAY SANNAD, HADDII LA SOO DHOOBO KUWA KALE MAXAAD FILAN KARTAA?
HADDAN XIZBULISLAM IYO SHABAAB BAA DAGAAL ISKU HAYA DHINAC,OO XATAA AYSAN LAHAYN GARAAD AH INAY GARTAAN INAY ISU BAAHAN YIHIIN.
MA ARKO RAJO FIICAN ANIGA.
farah | Feb 10, 2010 | Reply
Akh Faarax:
Masha Allah tacliiqaada.
kala geddisnaanta ra’yiga si loogu helo xal la hufay dadkan iyo dalkan hoogay oo jabay waa arrin loo baahan yahay.
Ninkan carmaan la yiraahdo aniga ma garanayo laakiin intaan ka aqriyey weli ma arag nin duraya diintiisa iyo dadnimadiisa.
Haddii lagu duraayo shariif ayaa magacaabay taasi waxay u baahan tahay hufid iyo kala hadaadin islaami ah. shakina iigama jiro inaysan shabaab ahal u ahayn niqaashkaasi.
Waxay u baahan tahay in laga niqaasho ereyga shabaabka bilaa cilmi adeegsadeen si guud oo tafsiil lahayn oo ah riddada iyo dhulkii oo dhan oo Somaliya ayaa la haystaa. Taasi waxay faydi doontaa habowga diinta ee shabaab ku dhaceen. Maantana ahlul cilmiga waa arkeen. Waana tan keentay inuu gilgil culus ka dhex jiro.
Wixii sharta lagu yareenayo yaaban wada waafaqsanaanine waa wax islaamka oggol yahay.
Haddii loo magacaabi lahaa mooryaan tuug ah waxaan u maleynayaa dadka jooga dalkaasi waa ka dayrin lahaayeen.
Midda shabaab iyo Xisbiga ishaad ka ridday.
Waxaan shaki ku jirin in maanta miraha jihaadka lagu badbaadin karo iyada oo la helo fiqhi siyaasi oo soo gudbiyo barnaamij siyaasi oo koobaya:
1) Khad siyaasi Islaami ah
2) Keeni kara in AMISON muddo ku baxdo la og yahay
3) Sixid khaladka baabul imaan iyo camal dhexgaley shabaab
4)warfaafin sharxeeysa ahdaafta jihaadka
5) hudno ka baaran degtay badbaadinta miraha jihaadka iyo maatada tabaalaysan
6)adeegsiga jihooyin islaami ama carbeed oo danaya danta guud ee Soomaliya si hudnadaasi iyo tabicaadkeeda loo fuliyo
7) Dhisid dawlad Islaami ah oo sharci ah
iyo arrimo badan oo aan hore ooga hadley.
Maanta shabaab lama garanayo hadaf dhaafsiisan shicaaraadka jowfaaga ah. Waana weel maran oo xitaa haddii loo dhiibo meel maamul fiican u samayn karin sida ka dhacday lixda gobbol ee ay ka taliyaan.
Waa midda rag badan oo jihaadkan ku jira inay maanta u ololeyaan in hoggaanka shababka laga qaado Keli taliyaha Godane. Ku dheggiisa kursiga iyo cabsiista shabaabka waxay ka horjeedda ahdaaftii loo abuuray shabaab oo ka yimid asal ahaan xisbigii Itixaadka Islaamiga Soomaliya.
Waa midda keentay in maanta shabab badan la filayo inay ku biiraan xisbigan sii xoogeysanaya.
Taasi macnaheeda mahaan in xisbiga wada saxan yahay. Laakiin waa arxam li shacbil maskiin kana kaadir wayn oo leh bisayl la qaabeen karo siyaasi ahaan.
Cali Guure | Feb 10, 2010 | Reply
ninkaan la yiraahdo abuukar carman marka hore ma ahan nin amerika joogay 30 sano sida ay sheegtay dowladu. dhalasho ma heeysto american ah. taasoo lagu qaato 5 sano. tan kale waa nin danbi badan loo heeystay gobolka uu deganaa ss OHIO oo uu macalin dugsi hoose dhexe ka ahaa shaqadan looga eryey. hore uma garaneeyn laakiin waxaan sameeyey google waxaana ii soo baxday aanay marna amaerica ogolaan doonin maadaama ay fari ku mudan tahay inuu yahay xagjir u dooda xuquuqda dad kale oo carbeed oo la yiraahdo falstiin. hadii aad dooneeyso naad wax ka ogaato aqri:
http://www.dispatch.com/live/content/local_news/stories/2007/08/06/arman.ART_ART_08-06-07_A1_IB7HNVM.html
…
http://www.americanchronicle.com/articles/view/137403
oo kale cadeeynaya in shaqada looga eryey xagjirnimo, inaanuu heeysan pass american ah iyo inuu yahay nin arabist ah oo bishan janaayo qoray maqaal uu ku dhaleeyceeynayo wadamo reer galbeed ah oo dano kal leh somaliya. dowlada waxaa laga rabaa in qofka ay magacaabeeyso iska baarto marka hore waxa uu yahay. sid degdeg ah uga noqoto magacaabidiisa
Hersi geedafuul | Feb 11, 2010 | Reply
HERSI GEEDFUUL, CAADA QAATE,
WAAN ARKAY MAQAALKA UU ABUBAKAR CARMAAN QORAY OO UU KU TAAGEERAYO DADKA REER GAZA KAGANA SOO
HORJEEDO WADDAMADA CARABTA AY MASAR UGU HORAYSO
IYO SAIDA AY U DILOODAAN REER FALASTIIN OO AY
GACANTA YAHUUD U GALIYEEN.
MARKA, CAADA QAATE YAHOW, SOMALIMIRROR MA WAXAAD MOODDAY QOLOYINKAAD U RUFIYAAMAYSEEN
OO AAD U GAYNAYSEEN WARARKA RAGGA SOMALIDA EE
UU DAMIIRKA IYO DANQASHADA DIINIGA KU DAMBEEYO?
MAQAALKUU QORAY WAA MID AY SOMALIMIRROR IYO UMADDA SOOMAALOO DHAN EE AAN AHAYN CAADA QAATAYAASHA SIDADOO KALE AY SOO DHAWAYNAYAAN.
farah | Feb 12, 2010 | Reply
SHAKI KUMA JIRO INAYSAN MARAYKAN IYO QUWADAHA CADAWGA KU AH SOOMAALIYA AYSAN DOONAYN NIN SIDA ABUBAKAR CARMAAN AH INUU MASALO SOMALI.
TAA WAA RUNTAA.
SABATA AYSAN U DOONAYNNA WAY KA WAYN TAHAY MAQAAL UU QORAY OO UU KU DIFAACAYO MUSLIMIINTA.
SABABTU WAA MA DOONAYAAN IN LA HELO MADAX SOMALI AH OO SOOMAALIDA ISU KEENI KARTA.
WAXAY DOONAYAAN OO AY JECCEL YIHIIN WAA CAADAQAATAYAASHA.
farah | Feb 12, 2010 | Reply