Muslimiinta Ireland oo wada Olale Niqaabka lagu difaacayo.
By Somalimirror on 8 Feb, 2010 11:26 AM in Main, Wararka
Culimada Muslimiinta ee Dalka Ireland waxey ku baaqey Olale lagu difaacayo Niqaabka Haweenka Muslimiinta, waxeyna ku tilmaameen khatarta lagu sheegay qaadashadiisa mid ka dhana Xuquuqda Diinta Islaamka iyo Haweenka Muslimiinta ee qaata, halka ay guud ahaan ugu baaqeen Muslimiinta ku dhaqan Dalalka Yurub iney ka qeyb qaataan Olalaha ay ku baaqeen ee Niqaabka lagu difaacayo.
Bayaan horey Golaha Culimada ee Dalka Ireland u baahiyeen ayey ugu baaqeen Dowladaha Yurub iney dhowraan Xuquuqda Haweenka Muslimiinta ah u leeyihiin iney xirtaan dharka Sharci ahaan u haboon.
Sidoo kale Muslimiinta ku dhaqan Dalalka Yurub ayey ugu baaqeen iney ka qeyb qaataan sixida fahamka khadlan ee dadka kale ka hystaan Islaamka iyo Dadkiisa, gaar ahaan arinta la xariirta Niqaabka.
Cali Saliim oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Culimada Ireland oo Saxaafada la Hadley waxa uu sheegay xilligan Dalka Ireland gudihiisa inaaney ka taagneyn mushkilad ku aadan Niqaabka, ayna Olale xoogan ugu jiraan sidii arintaa doodo uga qaban lahaayeen.
Waxa uu sidoo kale sheegay Muslimiinta ku dhaqan Dalalka Yurub iney Mas’uuliyad ka saaran tahey sidii uga shaqeyn lahaayeen ka gudubka mushkiladaha la soo gudboonaadaa.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dalalka Yurub doodi ka taagan tahey arinta Niqaabka oo dalalka qaarba ku dhawaaqeen in la ansixiyo qawaaniin lagu joojinayo, sida Dalka Faransiiska, halka Dalka Ireland la diyaarinayo in laga joojiyo ku qaadasha goobaha caamka ah.
Muslimiinta ku nool Dalka Ireland waxa lagu qiyaasaa 50,000 oo qof oo ka ah guud ahaan dadka Dalka 1%.
Daabaco


waxaa hubaal ah mar aan dheerayna in la is dhahaayo makutukan kartiin meelaha cayiman kedib salaada la siku diidi doono sida nabiga scw sheegay NABIGUNA MAAHAN MID HAWADIISA KA HADLA EE WAA WAXYI WAXA UU KUHALDO WAA ALLE SWT dhahay
marka ikhwah digtoonaada yaan la is dhigan sheeekado waxay kusocotaa 3 dii dibi iyo libaaxa
ibnu ali AbuXudayfah | Feb 8, 2010 | Reply