Masar oo amartay in Kaamirooyin lagu rakibo Masaajida & Caro ka dhalatay arinkaa.

Published on February 8, 2010 by   ·   8 Comments   ·   print

Qaraar ka soo baxay Wasaarada Awqaafta ee Dalka Masar oo Farayey in Dhamaan Masaajida Magaalada Qaahiro Saqafkooda lagu xiro Kaamirooyin Internet-ka lagalasocdo ayaa aad uga careysiiyey Dhamaan Imaamyada iyo Khadiibyada Masaajidaas.

Talaabadan ayey Aqoonyahanada Reer Masar ku tilmaameen qorshe ay wataan Yuhuuda iyo Mareykanka oo Xadgudub aan meena loogu soo gaban loogu geysanayo Masaajida laguna Jaajuusayo Duruusta ka baxeysa.

Laakin Wasaarada arimaha gudaha oo qorshahan wadatay iyo tan Owqaafta oo u Meelmarisay ayaa ku marmarsiyoonaya kuna doodaya inaysan arintani Tacadi aheyn balse ay tahay hurumar loosameeynayo Masaajida.

Dhanka kale Hogaamiyaha Kaniisada Orthodox-ka ee Qibdiyiinta Masar ayaa durba diiday in sida Masaajida oo kale Kaamirooyin lagu Rakibo Kaniisada wuxuuna sheegay in Kaniisadu kamadaxbanaantahay Dhamaan Awoodaha ka jira Masar.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xiisad ka Dhalatay isku Day lagu Gaalaysiinayay Ayeeyada Obama
  2. Masar oo wal-wal ka muujisay Dagaalka Djibouti & Eritrea
  3. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar
  4. Masar oo soo bandhigtay Hindise lagu Dhexdhexaadiyano DKMG ah iyo Xoogaga ka soo horjeeda.
  5. Masar oo laga dhisayo Jaamacadii ugu horeysay oo Catholic ah & Is-badal lagu sameynayo Manaahijteeda Waxbarasho

Readers Comments (8)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.
    WALXAMDU LILLAAH.
    WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.

    ammaa bacdu :

    ha la yaabinina maamulka masar ka taagan iyo dhammaan maamulada kale ee ka jira waddamada muslimiintu daggan tahay oo dhan waxay shaqaale u yihiin yuhuudda iyo nasaarada adduunka kibirka ka buuxisay , marka haddii waddama badan oo muslimiintu daggan yihiin sida ciaraaq afaqanastaan lagu fashilmay oo ay ku khasaareen daaqigaan masar haysta waa uu u jilicsan yahay oo waxay rabaan bay faraan asna waa uu yeelaa , haddii la amray in naagahaaga maryaha uu ka faydo wuu yeelay !! haddana waxaa la yiri xamaas ka xiro xudduuda wuu yeelay !!! haddana wax ka sii xun baa la yiri oo ah masaajiddada kaamero ku rakib muxuu ku diidi illayn waa shaqaalo yuhuud u shaqeeye eh , haddaba waxaa muslimiinta la gudboon inay qorigooda qaataan oo xoog iyo xeeladba isaga qaadaan dulligaas ay mooryaantu u gaysanayso , waana laga adkaan haddii hal saf lawada noqdo , kitaabka iyo sunnadana la wada qaato .

    WALLAAHU ACLAM.

  2. ibnu ali AbuXudayfah says:

    subxaanallaah madaxtii carabta waa taas sida larabo laga yeelaa wax hataraan waxmataraasha

  3. ummu Zubeir says:

    anigu waxaan kale fahmi waayey ineey somali mirror ey necebtahay maser iyo inkale waayo xumaato unbaa lagu sheegaa

  4. guriceel boy says:

    reer masar ilaahban inku dhaarshee iska tuura kufriga wadanka heysta ee u naageeya yuhuuda iyo cadawga allah islamkana soo dhoweeya iskana fogeeya kuwa nuucaas ah

  5. Bashiir indhagaduud says:

    walle waa yaab arrintaan dowlad islaam ah inay sameyso kama fileyn, laakiin weyba soo baxday, arrintaana waa arrin culus oo aqbalaadeedu ay ku adkaan doonto imaamyada inkastoo wax ay dowladdu dooneyso aysan ka hor imaan karin.
    dalka masar masaajidda inta badan marka salaada laga baxo horey baa laga xiraa waana amar dhanka dowladda ka yimid, haddii tanna lagu soo daro waa kadaroo labo dhal.

    mahadsanidiin.

  6. muuse says:

    Marka ugu horaysa ilaahay ayaa mahad isleh SW
    intas kadib
    waxaan leehaya inaalilah wa inaa ilayhi rajicuun waad aragtaan wadamadii musliiminta ahee sida ayfalayaa maa lagamalaynaa cidkale iyo yuuhdaba , carabta iyada walalayaqaa waxa alagu yiraahda cuna ooo iskaraxaysa , madaxdoona kurasta kufadhiya ayaa layirah . wixii yuuhuda iyo gaalada kale so hordhigtona kama hadli kartaan ayaa layirahdaa

    war kan masar xukuma Ee Baqaratu Daxik awalba iyosagu dabadhilif ayuu ahaamarkasta . waxaana illhay kabaryaaya in illlaahay xaqa iyo dulmiga yhuudu wado uu jabiyo iyaga madaxdana illahay toosiyo waa ayaan daro wayn

    waxaan shacab reermasar leeyahay arinkaa haladiido halaga mudaharado halaga dagalamo war kaniisadihii baa diidaya markaasay leeyiiin masijidada waxba yeeli myaan .
    insha allaah yuhuud iyo gaalo waala madhinyaa waxaa soodhowaday wakhtigii ay babi lahaayeen
    wabillahi tawfiiq

  7. abubu says:

    subxaanalaah
    waxaan aad ugu farax sanahay in dadka muslinka ah reer masar ay yihihiin dad aad ugu ad adag diintooda dowlada masar waxeey ku dayin malahan hadana uma ayna suura galin sidee wax u rabeen.
    waxaana qof walba oo muslim ah ka dharag san yahay ama og yila hiin in dowlada masar ay u adeegto yuhuuda.iyo nasaarida, insha gooreey ahaataba waa laga wareegi doonaa. marka uma maleenaayo inay caamiradan hada iyo waqti u dhow ay u shaqeen doonin.

  8. Abdukadir cadde says:

    SCW WAXAAN FILAAYA IN ARINTAAN AY WATAAN QOLOYINKA KA SOO HORJEDA DIINTA ISLAAMKA DOWLADDA MASSARNE XAQ UMALAHAN IN AY DIINTA ISLAMKA CADADIS SAARTO ARINTASNE WAA ARININ AANKA XUMAANAY AHADII AAANAHAY UMADA MUSLIMIINTA AH EE JOGTA SOMALI




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xiisad ka Dhalatay isku Day lagu Gaalaysiinayay Ayeeyada Obama
  2. Masar oo wal-wal ka muujisay Dagaalka Djibouti & Eritrea
  3. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar
  4. Masar oo soo bandhigtay Hindise lagu Dhexdhexaadiyano DKMG ah iyo Xoogaga ka soo horjeeda.
  5. Masar oo laga dhisayo Jaamacadii ugu horeysay oo Catholic ah & Is-badal lagu sameynayo Manaahijteeda Waxbarasho

Latest Headlines