Ka dhig sanadkan sanad aad Allaah u dhawaato
By Somalimirror on 8 Feb, 2010 12:49 PM in Maqaallo
بسم الله الرحمن الرحيم
Asalamu calaykum waraxmatulahi wa barakatahu, mahad waxay u sugnatay ilaahay , naxariis iyo nabadgalyo korkista ha ahaato rasuulki ilaahay scw . Intaas ka dib:
Sidaynu wada ogsonahay ilaahay wuxuu inoo abuurtay inaynu isaga caabudno keligiis, keligiis u mahadcelino, sidaas awgeed waxa laga marmaan ah in markasta an xasuusano ilaahay oo aan ogano in aan nahay bini’aadam, markastana aan u bahanay cabsida ilaahay.
Sidaas awgeed Golaha Ducada Soomaaliyeed waxay idin soo gudbiyaan talooyin habka loga faa’idaysan karo sannadka cusub ee hijriga hadaba aan ka wada faa’idaysano.
Tawbad run ah iyo dambi dhaaf waydisasho ilaahay Dad badan waxay u arkaan towbada inay tahay oo kaliya afka qofka inuu ka yiraahdo ilaahay ayaan dambi dhaaf waydisan, kelimadaha dambi dhaaf waydisiga ilaahay iyo tawbada waxay ka koobanyihin degida qalbiga iyo ku camal falid waxa ka dhalanaya , istiqfarta aan shurudahaas lahayn waa mid aan wax qiimo ah lahayn.
Culimada musliminta ilaahay ha ka abaalmariye waxay cadeyeen xaqiiqada tawbada iyo istiqfaarta.
Imam Alraaqib al-asfahaani wuxuu ku qeexay[[ tawbada sharciga ah waxa weyaan ka tagida danbiga xun, iyo ka xumaansho samayntedi horre, iyo go’ansashada inaadan dib ugu noqon, iyo ka foganshaha waxyalaha keeni kara inaad dib ugu noqoto dambigaas, qofkay u kulmaan afartas shurudood waxa u oofiyey shurudi tawbada]] ka eeg almufradaat fi qariib alquraan , altawbah.
Sidoo kale Imam Alnawawi isagoo ka hadlaya tawbada wuxu yiri [[ ka tawbad keenida dambi kasta waa waajib hadi dambigu yahay mid ka dhexeya ilaahay iyo adoonka waxay leedahay sadex shardi
- Inuu ka tago macsiyadaas
- Inuu ka murugodo sameynteedii
- Inuu go'aansado inusan dib danbe ugu laaban.
Hadii la waayo mid ka mid ah kuwaas towbadaas lama aqbalayo, hadise ay tahay mid ku lug leh xaqq qof kale waxa ku siyaadaya shardi afaraad oo ah: inuu ka idan qaato qofkii, hadii uu ahaa maal waa inuu u celiyaa hadii uu ahaa xad waa inuu ka argoosta qofkii kale ama haduu doono u cafiyaa, hadii u xantayna wia inuu ka xalaalaysta.]] Ka fiiri riyadu salixiin safxada 41-42.
Sidoo kale culimada waxay isku wafaqeen in loo bahanyahay ficilka iyo hadalka iyo qalbigaba in lagala yimaado towbada ilaahay wuxuu qurankiisa kariimka ah ku leeyahay.[[ Rabigiina dambi dhaaf waydiista wuxuu ahaaday mid wax cafiya]] sidoo kale waxaa lagama marmaan ah tawbada inaad isaga dheeraato goobta kuu fududaynaysaa samaynta dambigaas, ama saaxibada xun xun.
2. Allaah oo laga cabsado:
Culimada muslimiinta waxay caddeyeen macnaha alle ka cabsiga tusaale Imam Alraaqib wuxuu ku sheegay[[ in laga dhowro nafta waxa xun lagana tago wixii laga xarimay waxayna ku dhamaystirmin inaad isaga tagto mubaxaadka qeybtood.]]
Sidaas awgeed qofka aan naftiisa ka dhawrin xumanta ma aha mid cabsi badan , qofkii dhagtiisa u raacraaciya wax ilaahay xarimay ama indhihiisa ku fiirsada ama u safra wax ilaahay caro galinaya kama dhawrin naftiisa dambi , qofkii khilaafa amarka ilaahay sameyana wixii ilaahay reebay kama mid aha kuwa cabsaday.
Taqwada ilaahay waxay ku imaaneysa isku xirid ilaahay iyo markasta oo ilaahay la xasuusto, lana fuliyo waajibaadka iyo in loo degdego daacaadka.
3. Talo saarashada allaah
Qofka muslimka ah waxaa looga baahanyahay inuu ilaahay talo saarto, tala saarashada ilaahay waxaa loola jeeda sida Imaam Qazaali ku macneyeey [[ tala saarasho waxa weyaan in qalbiga lagu xiro ilaahay kaligiis]].
Waa inaad niyada ku hayso in ilaahay kaligiis wax irsaaqo , kaligiis wax siyaadiyo, keligiis wax dhimo, isaga kaliya ku dhibatayn karo kuna wanaajin karo, nolasha, geerida caafimaadka ,xanuunka faqriga iyo taajirnimada ay gacantiisa ku jiraan ilaahay waxa uu kuuqoray oo kaliya ay ku asiibayaan.
Arintaas waxay ku fududeyn inaad macsi badan uga tagto tala saarashada ilaahay.
Cibasdada ilaahay wakhti sii: qofka muslimka ah waxaa waajib ku ah inu waajibaadka ka soo baxo oo ilaahay raali galiyo , waxa culimada muslimiinta ku macneyeen cibaadada ilaahay oo loo firaaqo noqdo wakhtiga aad samanaynso inaad qalbiga soo xadiriso xaaladadana ay noqoto sidii xadiiska rasuulka scw aha:[[ Inaad ilaahay u caabudo sidii inaad arkayso hadadan arkayn adigu isagaa ku arkaya]]saxiixul muslim.Looma baahna in xalkeena noqdo sida dadka iyaga oo masjidka ku jira qalbigooda suuqa ku maqanyahay awooda ilaahay waa inay nagu weynaato.
Dhamaan musliminta waxaa looga baahanyahay inay ilaahay u tawbad keenaan wakhti kasta, dambi dhaaf waydistaan allaah , niyadana aan dhamanteen ku hayno umuuraha aan leenahay in ilaahay oo kaliya na siin karo.
Waxyabaha kale ee imaanka noo siyaadin kara oo cabsida ilaahay quluubta ku weynayn kara waxa ka mid ah, barashada cilmiga sharciga ah iyo ku camalfalidisi sidii ilaahay amray.
Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu sannadka danbe na gaarsiyo anaga oo sidaan ka imaan wanaagsan, acmaasha wanaagsan ee sannadkan dambi dhaaf nooga dhigo dunubti nolasheena oo dhan.
Ilaahay waxan ka baryayna inuu khayr kasta na wafaajiyo xaqqana nagu sugo Nebbi Muxamed calayhi salatu wa salaam nagula kulansiiyo jannatul firdaws al-aclaa.
Wa akhiru dacwaana alil xamdulilahi rabil caalamiin
Golaha Ducada Soomaaliyeed
daaciga@hotmail.com
22 safar 1431
06 fabaraayo 2010
Daabaco


Fikrad ka dhiibo