Faransiska oo dadka Dumarka Muslmika ah ee Faransiska soo galayaa ku xidhay in ay iska bixiyaan niqaabka
By Somalimirror on 8 Feb, 2010 12:41 PM in Main, Wararka
Wasiiradda Arimaha Qoyska ee Faransiiska ayaa saartay qoraal qeexaya in mulimiinta soo galaya Faransiiska iska dhigayaan niqaabka marka ay soo galaan gudaha faransiiska waxayna Wasiiradaasi shardi labaad kaga dhigtay hablaha Mulimaadka ah ee Faransiiska soo galayaa in aysan gudneyn .
Wasiiradaa oo lagu magacaabo Nadine Moreno ayaa qoraalkeeda ku xustay in sidoo kale dadka Muslimka ah guud ahaantooda looga baahan yahay in ay la jaanqaadaan hab dhaqanka dadka Faransiiska ah waxayna qoraalkeedaa ku tidhi “ qoraalkan waxa uu soo galootiga xiligan u diidayaa guurka xadidan iyo guursiga dumarka in ka badan hal … waayo sinaanta Dumarka iyo Raggu waa shey Asaasi ah “ waxayna shardi kala ka dhigtay in looga baahan yahay in dumarka Muslimka ah ay niqaabka dhigaan .
Hadalkan ayaa yimid kadib war qoraal ahaa oo ay mar sii horeysay soo saartay Wasaaradda Socdaalka ee Faransiiska kaas oo qeexayay in qofkii Ajinabi ah oo ka guursadaa Farasnsi Nin iyo Naag kuu dooono ha noqdee uusan helayn dhalashada Faransiiska .
Dowladda Faransiiska ayaa sidoo kale soo saartay in niqaabka aan lagu dhex xidhan kareyn meelaha ay bulshadu isugu timaado sida Isbitaalada iyo suuqyada iyo qoobaha laga raaco gawadhida dadka qaada .
26 bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii kulan oo yeeshay Baarlamaanka Dalkaasi uu soo saaray in la mamnuucay qaadashada Niqaabka ilaa intii mudo ah .
Talaaban ay qaaday Dowladda Faransiiska ayaa timid kadib markii xisbiga Nicolas Sarkozy
Daabaco

ASC gaal wuxuu moodayaa in uu illahaey la dagaalami karo oo uu joojin karo wax illah wato.
Bushaara weeye in maanta fransiiskii uu ka baqaayo in wadan kiisa uu la wareego Islam kaas oon lagu soo gaadhsiin Seef lakiin illah awoodiisa ku yimid.
Samir yaa muslimiin
abdi | Feb 8, 2010 | Reply