Dagaalo iyo Duqeymo Xalay ka dhacay qeybo kamida Muqdisho.

Published on February 8, 2010 by   ·   5 Comments   ·   print

Inta la’ogyahay 3 Qof oo Rayida ayaa ku dhimatay ugu yaraan 6 kalana wey ku dhaawacmeen Dagaalo iyo Duqeymo isbarbarsocday oo Xalay ka dhacay Xaafado kamida Magaalada Muqdisho oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada DKMG, kuwa AMISOM iyo Xoogaga Islaamiyiinta.

Dagaalada ayaa Xalay Saqdii dhexe abaare 02:00 AM ka bilowday Xaafado ay kamid yihiin Hodan, Wardhiigley, C/casis, iyo Degmada Boondheere goobahaas oo ay isku horfadhiyeen Dhinacyada ku Dagaalama Magaalada Muqdisho, waxaana Dagaaladaas barbar socday Duqeymo Culus oo lala dhacay Xaafadaha Rayidku ku badanyihiin ee kabaxsan aagaga Dagaalada.

Lama sheegin Cida qaaday Dagaalada Xalay Muqdisho ku dhexmaray Xoogaga Islaamiyiinta iyo kuwa DKMG oo kaashanaya AMISOM, waxayna ahaayeen meelaha qaar kuwa aad u xoogan.

Duqeymo ka dambeeyey Dagaalada oo ay Ciidamada AMISOM geysanayeen ayaa Xaafadaha qaar Wagu ugu baryey waxaana jira tiro Dad rayida oo ay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen.

Dagaalada iyo Duqeymaha ayaa ku soo noqnoqday Magaalada Muqdisho waxaana Maalmahaan aad loo hadal hayey Saansaan Guluf Dagaal oo ay si aada isugu diyaarinayeen Ciidamada DKMG kuwaas oo soo buuxdhaafiyey aagaga hore ee leysku horfadhiyo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.
  2. Dagaalo & Duqeymo Xoogan oo Xalay iyo Saaka ka dhacay Muqdisho
  3. Dab Xalay qabsaday qeybo kamida Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
  4. Dagaalo ka dhacay Qeybo Kamid ah Muqdisho.
  5. Dagaalo Xalay ka dhacay Xaafado kamid ah Muqdisho & dhinacyadii uu u dhexeeyey oo ka hadlay.

Readers Comments (5)

  1. halgame says:

    saraakiisha ethiopianka iyo caloosh u shaqaystayaasha oo ku kulmay ceer barde

    ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan gudaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo looga hadlayay arimo ku saabsan amaanka gobolada Bay iyo Bakool iyo sidii Ciidamada Soomaalida ee halkaasi shalay soo gaaray ay u gudan lahaayeen howlaha loo soo tababaray.
    goobjoogahani sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamda dowladda Ethiopia halkaasi ay ka kaxeysteen haweeney iyo 4-Caruur ah oo ay dhashay iyo dhalinyaro kale oo reer deegaanka ah kuwaasi oo loo kaxeeyay deegaano katirsan Dhulka Ismaamulka Soomaalida ee ay Ethiopia maamusho.

  2. Maxamed calikar says:

    Asc sln kadib dagal ki wa mid koxda sharif kudoneysay in ay dhaq dhaq sameyan lkn kahortag ay mujahidintu sameyen wey ku gul daresten tasne wa sharaf u sohoyotahay mujahidinta wa xamdiga ilahey sida darted war koxda wax magaratada ahey cadawga ilaheyn garad hasinina o shacabta halaynina galada ad lasocodan wax idinma haayane wa intey gori gori tahay towbada u solabto …..

  3. Omer Suleiman Ali says:

    in kuwa u dagaalamaya Shariifka iyo budhcaddiisa ee garabasnaya gaaladu ay dagaal kula jiraan diinta Alle shaki kuma jiro. Sidaas darteed iyaga iyo gaaladu waa isku mid waxna isma dooriyaan.

    Waxaan kula talin lahaa in ay ka diidaan in ay u dagaalamaan. Islaamiyiintu waxay u dagaalamayaan in kitaabka Alle kor ahaado kuwa ka soo hor jeedaana in shaydaanku kor ahaado Allena hoos. Ilaah ayaan ka magan galnay.

    waxan la yaabanahay kuwa Alle dagaalka kula jiraa dhiiranaa sidee bay cadaabta ugu raalli noqdeen mase waanay aaminsanaynba oo waxay isleeyihiin markii aad kitaabka Alle hilfaha u qaaddaan toobad keena.

  4. Maxamed calikar says:

    A.cs mudanayal iyo Marwoyin waxan Nafteyda iyo Naftinaba ugu Dardarmaya inan alle s.x.w utobad keeno Dambi dhafne weydiisano si ow alle s.x.w noga dulqado Dagalada sii Daba dheeraday noguna badalo Nabad Warto

  5. muslima says:

    Raqda dumarka iyo caruurta kuwa ku gor gortamyow Allah ha idin duleeyo sidii qansiirkii iyo daanyerka,ama amriikka u yeero, ama cudtugii diin naceebka lagu yaqanaay u yeera ifka naarta Allah ha idin ku keeno, bada aad qarkeeda joogtaan wash up raxmaanku ha idinku sameeyo aamiin.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.
  2. Dagaalo & Duqeymo Xoogan oo Xalay iyo Saaka ka dhacay Muqdisho
  3. Dab Xalay qabsaday qeybo kamida Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
  4. Dagaalo ka dhacay Qeybo Kamid ah Muqdisho.
  5. Dagaalo Xalay ka dhacay Xaafado kamid ah Muqdisho & dhinacyadii uu u dhexeeyey oo ka hadlay.

Latest Headlines