Ciidamada Amaanka Masar oo xirey Xubno ka mida Ikhwanu Muslimiinka

Published on February 8, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Ciidamada Amaanka ee Dalka Masar ayaa Olale balaaran oo ka dhana ku qaadey Jamacada Ikhwanu Muslimiin, waxeyna ku soo xireen Dr Maxamuud Cizat oo ah ku xigeenka Amiirka guud ee Jamaacada iyo Dr Cisaam Al-curyaan oo xubin ka ah Xafiiska Hanuuninta.

Barta Internetka ee Jamaacada ayaa lagu baahiyay in Ciidamada Amaanku sidoo kale xireen rag ay ka mid yihiin; Axmed Cabaas, Dr Maxamed Sacad, Dr Maxamed C/qani, Waliid Shilbi, Dr Maxamed Al-Najar oo Camiid ka ah Kulida Daawada ee Jaamacada Al-Munya.

Waxaa sidoo kale ka mida raga ka tirsan Ikhwanu Muslimiinka ee la qabtey Dr Cali C/raxiim oo wax ka dhiga qeybta Kuliyada Dhismaha ee Jaamacada Al-suyud.

Waxaa jira sidoo kale rag iyana laga qabtey Magaalada Iskandariya oo ay ka mid yihiin Ibraahim Al-sayid, Axmed C/cadi, Mustafa Al-sharbitli iyo 3 xubnood oo ka tirsan Xafiiska Maamulka ee Jamaacada.

Waxaa sidoo kale raga Ikhwanu Muslimiinka ka tirsan ee Ciidamadu la tageen ka mida Mascad Qudub.

Qareenka Jaamacada oo lagu magacaabo C/muncim Cabdi Al-maqduus ayaa sheegay xir-xiridan inaaney laheyn wax mar-marsiinyo, Ujeedkuna yahey inuu lagu carqaladeeyo Howlaha doorashooyinka ee Jamaacada dhexdeeda xilligan ka socda.

Waxa kale oo uu intaa ku darey, tirada dadka la qabtey iney intaa ka badan yihiin, Qareenaduna ku howlanyihiin sidii ay u ogaan lahaayeen guud ahaan Magacyada dadka la qabtey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamada Amaanka Puntland oo 2 dhalin-yaro ah Garowe ku xirey
  2. Ciidamada Bileyska oo xirey Mas’uul ka tirsan Shaqaalaha Dekeda Muqdisho
  3. Xubnihii Dolow lagu xirey oo la sii daayey.
  4. Golaha Amaanka ee AU-da oo dalbadey Kordhinta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
  5. Xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo qaadacey Dalabka Ciidamo Shisheeye oo la keeno.

Readers Comments (1)

  1. yusuf says:

    cajiib. Masar ma dawlad cilmaani oo ladagalanka islaamka ku jiro?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Amaanka Puntland oo 2 dhalin-yaro ah Garowe ku xirey
  2. Ciidamada Bileyska oo xirey Mas’uul ka tirsan Shaqaalaha Dekeda Muqdisho
  3. Xubnihii Dolow lagu xirey oo la sii daayey.
  4. Golaha Amaanka ee AU-da oo dalbadey Kordhinta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
  5. Xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo qaadacey Dalabka Ciidamo Shisheeye oo la keeno.

Latest Headlines