35 qof oo Afgooye lagu Tacsiiray.

Published on February 8, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

35 Qof oo lagu soo eedeeyey inay qaad ku iibinayeen bartamaha Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabaalada Hoose isla markaana jebiyeen Amaro horey arinkaa lagu mamnuucay ayuu Maamulka Xisbul Islaam ee Degmadaas Shalay Galinkii Dambe halkaasi ku tacsiiray waxaana qofkiiba lagu dhuftay min 10 Jeedal oo Tacsiira.

Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Afgooye ayaa sheegay inay Dadkaasi jabiyeen kana dhega adeegeyn Amar Maamulku horey u soo saaray oo ku aadanaa inaan Qaadka lagu iibin Gudaha Magaalada lana geeyo goob ka baxsan Magaalada oo uu Maamulku u calaameeyey.

Maamulka ayaa sidoo kale Gawaarida Qaadka qaado uga digay inay Qaadka gudaha u soo galiyaan Magaalada Afgooye wuxuuna Maamulku sheegay in laganaaxayo Gaadiidkii amarkaa jabiya.

Sidoo kale Haweenka Qaadka ku iibiya Degmada Afgooyey ayuu Maamulku ugu baaqay inay qaataan Xijaabka.

Amaradaas ayuu Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Afgoyey ku sheegay wareegto ka soo baxday dhankooda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 5 Nin oo Degmada Afgooye lagu Tacsiiray
  2. Xoogaga Xisbul islaam oo Dib u soo furtay Gawaari lagu dhacay D/Afgooye
  3. Ismaan dhaaf u dhaxeeya Maamulka Xisbul Islaam ee Deg. Afgooye & Xawaaladaha halkaa ka howl gala.
  4. Taliye ku xigeenka nabad-sugidda degmada Afgooye oo maanta la dilay
  5. Maamulka Afgooye oo Mamnuucay in Sigaarka lagu dhex cabo Bulshada dhexdeeda

Readers Comments (2)

  1. xog-ogaal says:

    Asc

    Dadka islaamka ahi ma aha in uu afkaar urur ka soo fushay uu raaco mar haddii aanay waafaqsanayn kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulkiisa. Matal Ashubaab ama Xisbul Islaam ayaa nagu booriyey in la jahaado ma aha fikir iyaga ka soo jeeda ee in la jahaado waa qodob diinta islaamka waafaqsan, laakiin waa in jihaadku ahaado kii rasuulka oo kale lagama qaadanayo mid ka duwan oo madaxda ururadaasi ay iyagu sidii ay doonayaan dadka wax ugu sheegaan, waayo iyaga laftooda haddii ay dhab ka tahay in ay jihaad xaqa jihaadaan waa in ay meel iska dhigaan waxyaabaha shaqsiga ah. Ruuxii isaga oo qalbigiisa ay ku sugan tahay in uu xukun doon yahay ku dooda jihaad toobad ma laha haddii uu laayo dad islaam ah.

    Sidaas darteed shareecada oo la dabaqo waxay la macne tahay in uu Alle ku xukumo ee uusan ruux aadami ahi xaq u lahayn in uu isagu sidii uu doono kaa yeelo. Waxaa sidii uu doono kaa yeeli kara Allaha ku abuuray ee ku leh oo keliya. Ruux shareeco Alle doon ahi kuma gorgortami karo madax weyne aan noqdo haddii kale jihaad socon maayo. Ninkaas jihaad kuma jirin wax alla wixii uu dad dilayna cadaab kulul ayuu ku geli doonaa insha Allah.

  2. Murcib says:

    assalaamu aleikum..
    akhi Xog-Ogaal, sidee baad ku ogaatay in dad kaan shareecada oofinaya aysan ka’ahayn dhab? ogow qof kii caaya mujahidiinta asba in uu leeyahay cadaab kulul.
    haddi adigu aad ogtahay sida jihaadka XAQQAHA uu yahay ama loo galo,orod soomalia aad oo ka bilaow!

    haddii kale iska aamus!

    wassalaam




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 5 Nin oo Degmada Afgooye lagu Tacsiiray
  2. Xoogaga Xisbul islaam oo Dib u soo furtay Gawaari lagu dhacay D/Afgooye
  3. Ismaan dhaaf u dhaxeeya Maamulka Xisbul Islaam ee Deg. Afgooye & Xawaaladaha halkaa ka howl gala.
  4. Taliye ku xigeenka nabad-sugidda degmada Afgooye oo maanta la dilay
  5. Maamulka Afgooye oo Mamnuucay in Sigaarka lagu dhex cabo Bulshada dhexdeeda

Latest Headlines