Masar oo laga dhisayo Jaamacadii ugu horeysay oo Catholic ah & Is-badal lagu sameynayo Manaahijteeda Waxbarasho

Published on February 7, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo Masri ah ayaa Kashifay in Kaniisadda Catholic ay Dhagax dhigayso Dhamaadka Sanadkan Jaamacadii ugu horeysay oo Kirishtaan ah oo Catholic ah taas oo laga dhisayo Magaaladda Iskandariyah ee Wadanka Masar.

Ilo ku dhadhaw Kaniisadda ayaa sheegay in jaamacadda loo dhameystari adeegyadii ay ku howl-gali lahayd oo dhan isla markaana ay Ruqso Ogolaansho ahi ka heshay Wasaaradda Tacliinta Sarre ee Masar iyo waliba Golaha Jaamacadaha Gaarka loo leeyahay ee isla wadankaasi.

Wargeyska la yiraahdo “Al-Masriyuun” ayaa ka soo xigtay ilo ku dhadhaw Kaniisadda Catholic-ga in Kaniisadooda ay ku fikiraysay Mudo fog sidii ay uga sameyn lahayd wadanka Masar Farac ka mid ah Jaamacadda Liverpool ee laga leeyahay Inigiriiska sababtoo ah Jaamacadaasi waa Jaamacad Catholic ah waxayna u doorbidaysay inay wada sameystaan Xiriir xagga Maamulka ah.

Wargyska ayaa intaa ku daray Jaamacadda Liverpool waxaa wax ka dhiga Macallimiin isaga kala yimid Dunida Dacaladeeda, waxayna Kaniisadu la sameysay Xiriir xagga Is-gaarsiinta ah iyada oo u sii maraysa Mounir Xanna oo ka tirsan Kaniisadda Al-Asqafiyah wayna is-afgarteen labada dhinac.

Isla ilahaasi ayaa sheegay in 300 oo kun oo Qibdiyiin Catholic ah ay ku noolyihiin wakhtigani Wadanka Masar, waxayna inta badan Dadkaasi soo jeediyeen in Madarisda la yiraahdo San Marki ee ku taala Magaalada Iskandariyah looga dhax sameeyo Jaamacad Kirishtaan ah balse waxaa Diiday Madarisadaasi oo iyaduna ay dhigtaan Ardey isugu jirta Wiilal iyo Gabdho Kirishtaan ah oo gaaraya in ka badan 3 kun.

Ujeedka loo dhisayo Jaamacadaasi ayay isla ilahaasi ku sheegeen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen Ardeyda ka soo baxaysa 170 Madariso oo Catholic ah oo ku yaala Masar kuwaas la unkayay Mudo sanado ah, waxaana Maalgalinaya Hay’ado badan oo Reer Yurub ah.

Dhanka kale Mu’asaso lagu Magacaabo “Heritage Vaonds” oo Maraykan ah , laguna yaqaano Fikrado Xag jirka ah oo u janjeera Sahyuuniyadda ayaa 10 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ugu deeqday Wasaaradda Bar-baarinta iyo Waxbarashadda Masar waxayna Shardi ku xirtay in wax laga siiyo wax ka badalidda Manaahijta waxbarashadda ee Wasaaradda.

Ilo wareedyo madaxbanaan ayaa sheegay in Bandhigani uu ka soo hor maray Booqasho ay Wadanka Masar ku imaanayaan Dhamaadka Bishani Wafdi ka socda Ururkaasi Yahuudiga ah.

Ujeedka Booqashadaasi ayaa lagu sheegay mid lagu siinayo Wasaaradda Bar-baarinta iyo Waxbarashadda Lacagta 10 Milyan ah si loogu meel mariyo Ururka Yuhuudiga ah Dalabyo dhowr ah oo ay soo gudbiyeen oo la xiriira Manaahijta Waxbarasho ee Masar gaar ahaan Waxbarashadda Aas-aasiga ah (Dugsiga Hoose iyo Dhexe), khaasatan Maadooyinka Taariikhda, Luuqada Carabiga, Tarbiyadda Diiniga.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markaskii ugu Horeeyay oo Islaami ah oo laga dhisayo Hungari
  2. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar
  3. Dandaawi oo Sheegay inay sii wadayaan Taageeradda Waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya
  4. Burcad Badeeda oo Doon Dalka Masar laga leeyahey siideysay.
  5. Madarisaddii ugu horeysay ee Dugsi sarre ah oo Islaami ah oo laga furay Faransiiska

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markaskii ugu Horeeyay oo Islaami ah oo laga dhisayo Hungari
  2. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar
  3. Dandaawi oo Sheegay inay sii wadayaan Taageeradda Waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya
  4. Burcad Badeeda oo Doon Dalka Masar laga leeyahey siideysay.
  5. Madarisaddii ugu horeysay ee Dugsi sarre ah oo Islaami ah oo laga furay Faransiiska

Latest Headlines