Duqeyn khasaare dhalisey oo Muqdisho lagu garaacey.

Duqeyn dhalisey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaarey dadka rayidka ayaa maanta ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ka geysteen xaafado ka mida Magaalada Muqdisho.

Khasaare gaaraya 15 qof oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa duqeyntan ka dhalatey, waxaana ka mida goobaha la duqeeyay xaafado ka mida Degmooyinka Yaaqshiid, Boodheere iyo Shibis oo dadkii degenaa intoodii badnaa horey uga qaxeen.

Waxaa la arkayay gaadiidka gurmadka Caafimaadka oo daabulaya dadkii rayidka ahaa ee khasaaraha kale duwan ka soo gaarey duqeyntii maanta.

Qeybo badan oo ka mida Magaalada Muqdisho ayaa laga maqlayay daryanka Madaafiicda xoogan ee sida arxan darada ah ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ugu garaacayeen.

Duqeyntan ayaa qeyb ka noqoneysa mida joogtada ah ee sidan oo kale loola beegsado goobaha dadka rayidka ah ku dhaqan yihiin, mana jiraan cid ka tirsan madaxda DKMG oo arintan ka hadasha.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

8 Comment(s)

  1. ETHIOPIA HA I MADO AMA YEEY IMANIN ANIGA WAXAA ILA TAHAY IMANSHIYAHA CADOWGA ETHIOPIA WAA ISKA BOLO XOOFTO LAGU CABSI GELINAYO DADKA ILAAH IYO MALAIGIISA LA JIRAN EE ALAA MAHE IN AN ASNAM DHULKA LAGU CABUDIN DADKA UU TAGAN AYAA LA RABA IN ALGU CABSI GELIYO LAKIIN RAAGA NUCAAS AH AYAAN SI FICAAN UU AQAN UMA JOOJIYAN WAXAAS IYO CAWANTA LA SOCOTO ETHIOPIA, ETHIOPIA IYO CAWANTA LA SOCOTO WAXAAN LE NAHAY WELCOME TO THE HEL KU SOO DHAWADA NARTIINA AYAA SOO DONATEEN CEEL BERDE ILA BURAHA FEER FEER WAA HALKII LEYDIN KU HALAJIYAYE SOO SOCDO SI FICAN GUDAHA HA USOO GALAN YAAN WAX XABAD AH LAGU RIDIN SI FICAN HA USOO ARUUURAN CADAWGA IYO CAWANTA LA SOCOTO SI HAL MAR LOOGA XERA JIDADKA EY KU IMADEEN OO DHAN WAA IN LA MINEYA HAREERAHA LOO GELIYA CIDAMO XOOGAN SI USAN MIDNA UGU FIGIN CADAWGA IYO CAWANTA LA SOCOTO INTAAS WAA IGA TALO SHARIIFNA WALAAHI WUU SOCDA ILA APRIIL SHARIIFKA MA WADI KARO XABAD WHY CIDAMADA CAWANTA AH EE UU KU FAANO WAA RAAG LAGU SOO ARUURSHAY QABYALAD IWM. RAAGA JILIBKA UU ASANA E KA SOO HORJEEDO DALKAAS IN LAGO TALIYO GOLO SHEYDAN WAA RAAG AQIIDO IYO XUBI DIIN JACEYL KU DAGAAL GALO LABADAS CIDANA CIIDA ALLAAH UU GARAB SINAYO WAA GARAN KARTAN WAA KUWA CISADA ILAAH IYO KITAABKA ALLAAH IYO LOOGA TALIYO DHULKA SOMALIA KU JECEYL AYUU ALLAAH GUUSHA SINAYA CADAWGA IYO CAWANTA UU ADEGEYSANA ALLE AYAA GARABKOODA KA BAXAYE KU WADA SEEFTA KUDHKA KAGA GOOYA IDINKA KU BILABAYA MAGACA ALLAAH OO AH ALLAAHU AKBAR

    raxmo ruun sheeg | Feb 7, 2010 | Reply

  2. ASC W WB,alle sxwt ayaa mahad oo dhan u sugnaatey ,oo aan xukunkiisa qofna la wadaagin ,maalikulmulki ah ,nabi mohamed waa adoonkiisa ,rasuulkiisa usoo direy ummadoo dhan scw,walaalayaal waxaa isweydiin mudan gaaladaan madow ee saliibiyiinta ah ee jooga somalia gaar ahaan muqdisho waxaay sameeynayaan ma arkayaan miyaa qoladaan dowlada isku sheegeysa ,oo maalinkasta madaafiicda ku garaaca shacbigooda muslimiinta ah maatida ah ,ma aragii ,dhegihii miyaa laga dabooley ,ma damqadaan miyaa, walaahi rasuulkii eebe waan sadaqney calaamadihii uu ku sheegaayey munaafiqiqiinta waa idinku cadaatey ,ilaah waxaan ka baryaa inuu guuleeyo mujaahidiinta ,allow waad u jeedaa ee u gargaar adoomadaada ,allow kuwaan gaalada la safan ee uur ku gaalka ah cudur xun oo ay ku baaba’aan ku rid meesha ayagoo joogo oo ku dhexjira gaaladaa dhexdooda ,allow gaaladaas adoomada jareerta saliibiyiinta calooshooda u shaqeystayaasha iyo kuwa gacan siiya halaag ku rid waad awoodee ,allow mujaahidiinta nasri degdeg ah sii ,u gargaar adaa maamulee aduunkaan ,waxkastana awoodee ,mujaahidiinta meel kastoo ay joogaan waxaan eebe uga baryaa inuu guuleeyo ,haloo duceeyo ascwwb.

    QURBAJOOG | Feb 7, 2010 | Reply

  3. Assalaamu Caleyku Waraxmatullah.

    Mahad oo dhan Allah ayey u sugnaatay. Anigoo Tix raaca Qofku magaciisa ku sheegay Raxmo Run Sheeg. Waxaan leeyahay, Inta aadan cidna inkaarin ama aadan u duceeynin, Horta Barro Diinta Islaamka.
    Lama rabo in aad noqoto qof ku jira ” Howtul Hamagnimo”
    Dhibaatada ka jirta Somalia Gaar ahaan Muqdisha waa mid cid waliba gaartay, Waxaana leenahay Gaaladda Dalaka joogto iyo kuwa la dagaalamaya intaba Ilaahow soo Hanuuni adigaa awoodee, Ilaahow dadka soomaliyeed ku hanuuni wadada suuban ee ah tan uu maraya Rasuulkeena Muxamed (SCW).
    Aamiin………..Aamiin……… Aamiin.
    Dardaaran.

    Dardaaran | Feb 7, 2010 | Reply

  4. xiligii rasuulka swc waxa dadku ahaayeen saddex qaybood oo kala ah;muslim[muumin],gaal[kaafir]iyo munaafaq saddexdaas ayuunbay dadku u qaybsanaayeen oo dagaalku ka dhexeeyay laba qaybood way wada jireen waxayna ka soo horjeedeen muslimiinta,maantana waa sidii, oo hadda magacyada kala duwan ha la kala yeesho’ ee dhinac uun baad tahay. hadda wadaadna noqo labada dhinac mid uun ayaad tahay’ waxaad doonto qiil sheeg, ama mujaahid ,ama gaalka soo duulay[kala dooro]]waxba sheekh muxaadarooyin maatida ha kaga sharciyaysan muqifkaaga mukhsigaah eed ugu hiilinaysid gaaalka, dadkana xagiis ugu leexinasid[ka taga mucaskarka shubaabka macnaheedu waa madhiya mucaskarka jihaadka waana tuu doonayay gaalku] ismooge wadaadow ;xageed ka akhrisatay dhinaca saddexaad een ahayn munaafaqiin eed leedahay diinta ayaan ugu hiilinaya ku noqo kutubtaada.

    cabdilahi | Feb 7, 2010 | Reply

  5. To ka labaxay dardaaran
    waxan aad ula yaabanahay mudadanna aad u badatay dadka doonaya inay dhalleeceeyaan muslimiinta la dagaalamaysa kufaarta waxay ka dhigteen halhays iyo cinwaan (cilmiga barta) (caadifad & xamaasad un baad haysaan) hada ninkan la baxay DARDAARAN wuxu weeraray inan habaartay kufaarta so weerartay muslimiinta ee xasuuqay maatada wuxuna diidey habaarkooda wuxu ku bedelay duco hadaanu kuso hordhigno nusuus thaabit ah saxiixna ah o caddaynay in kufaarta weliba guzzaadda la habaaro maxaad odhan!!! Yaaman intuzicat minhu giiratal islaam!! Mise waanad garanayn? Hadaanad garanayn waa musiibo!! Hadaad garanayna kaba daran!! Kufaarta daadinay dhiiga muslimiinta baad habaar uga tudhay!! Cajiib!!! Tolow makaa naxariisbaa? Kkk!! Waxad lamid tahay kii maqlay xantu waa xaaraan e hadhow arkay kuwo IBLIIS ka sheekaynaya e yidhi warxanta iska daaya kkk. Cajaban laka walah!!!

    Abu-salman | Feb 7, 2010 | Reply

  6. Allah ayaa mahad leh,Allah waxuu qur’aanka inoogu sheegat kufaari in dhagarteedu dheertahay, kan islamka sheeganaya ee la socdaa GAALKAA AYUU LA MID YAHAY wayo Allah ayaa qur’aankiisa noogu sheegay hadaad gaal saf la gashid in aad iyga ka mid tahayy.SUBXAANALAAH rag maxaa ku dhacay, Raxmaakow dib ha noo celin,gaalana saf ha nala geline.

    Allah dhulka ha la gooyo kufaarta iyo munaaafaqiinta loa socotaba, ee damiirkoodii iibsaday.

    Intaa wiil damiir iyo diin lahaa joogo walee gaal ha qabsado dhulkeyga, ma duleeyo diinteyda ALLAHU AKBAR.

    WAR JIHAADKA YAAN NOO KALA HARIN, qoloooyinka ma jihaad baa jira haduu Allah hanuun idin la dooney ha idin soo hadeeyo, hadii kalena halakuuuuuuuuuuuuuuuuuuuu inshaAllah

    muslima | Feb 8, 2010 | Reply

  7. WALAYA WAA IDIN SALAAMAY ASC SALAAN KADIB WALAYAL ILAAHEY AYAA GARANAYO CIDA XAQA KUTAGAN INKASTOO ANAGA DAAHIRKA AAN UJEEDNO LAAKIIN ILAHEY AYAA OG QULUUBTA ANIGU INKASTOO AAN CILMI LAHEEN BALSE WAXOO ILAAHEY LEEYAHAY QOFKII GAAL SOO KAXEEYSTAA AYAGA AYOO KAMIDYAHAY MANA SOCONEYSO INOO ILAHEY KUJECELYAHAY GAAL NEH OO KUJECELYAHAY WALAAHI INEESAN SUURTA GAL AHEN GAALNEH MASLAXO MUSLIMIIN KATALIMAA BALSE WAXAN GARAN WEYNAYA HADUU GAAL MEEL LAIS TAGO DAGAL MUSLIMNEH MEEL WAXAN SHAKI KUJIRIN INAAD MUSLIMIINTA UHIILINEYSO XITA HADUU MUSLIMKU GARDARANYAHAY WABILAAHI TOOFIIQ

    ummu Zubeir | Feb 8, 2010 | Reply

  8. s c w slan kadib dhibka maanta yaala somaliya waxaa mas uul ka ah ninanka isku heysto shacabka dushooda ama DKG ha ahato ama qolooyinka jacoraadiska ah ee diinta ku dhuumanayo ha haadeene ok calaayata xaal ilahay ha ka cabsadaan dadka rayadka ah yaanaan lagu kor dgaalamin.

    waxaana ilahay ka baryeeynaa nabad waarto daka in uu siiyo wayo dadkii waa dhib toodeen

    Abdukadir cadde | Feb 9, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo