Dr. Axmed Xaaji oo la filayo inuu dhawaan dalka soo gaaro
By Somalimirror on 7 Feb, 2010 9:59 PM in Main, Wararka
Sida ay Somalimirror ilo xog-ogaala u sheegeen waxaa maanta ka soo ambabaxay magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, halkaas oo uu intii muddo ah ugu maqnaa arrimo caafimaad. Ditoorka oo ku hakanayey magalada Jibbuuti waxaa la filayaa inuu isniinta ama talaadada soo gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Waxaa xusid mudan in xaaladda caafimaad ee Ditoorku aad iyo aad u wanaagsantahay ka dib qalliin lagaga sameeyay xagga madaxa, waxaana la rajeynayaa inuu hawlihiisii dacwo iyo tacliineed meeshii ka sii ambaqaado. Somalimirrorna waxay idin la socodsiin doontaa imaanshaha Sheekha, haddii Alle idmo.
Daabaco


manshaa allaah illaahyoow culimada hanaga hormarin maxaa yeelay waa indhaheenii hadaad arigtit culimadii uu dhamaahee waa akhar zamaan sidaad ogtiiha culimadii somaliyeed waxaw qaxooti kuwada yihiin dalal shisheeye illaahyoow dawlad nasii yaa rabi illaahyoow awaxa wadankeena isku haysta kala saar wixii xaq wada soo saar wixii kalana meel xon kabixi
ibnu ali AbuXudayfah | Feb 7, 2010 | Reply
Assalaamu calaykum w.w.
Marxaban bish-sheykhil-faadil Dr. Axmed Waa Ilaahay mahaddii in uu socdaalkii waqtiga dheer qaatay kasoo celiyay isagoo caafimaad qaba. Waxaan rajeynayaa in sheekhu buuxin doono dowrkiisii bannaanaaday intii uu maqnaa, annagoo rajeyneyneyna in uu nashaad dheeri ahna gelin doono dacwada maadaama uu helay xoogaa nasiino ah iyo awood ururtay.
Xamdallilaahi calassalaamah macallimuu
fiidhoone | Feb 7, 2010 | Reply
JAALAYAAl HADAAD TIHIIN SOMALI MIRROR MAWAXA UU XAALKIINA NOQDEY in aad ka bixiweydeen shiikhaa dhoofey sheekhaa yimid shiikhaa caana shiikha muxaadareenaya. sheekhaas waa loo bogay .idinku ma waxaad ku fiicantihiin caanbixinta sheekhada oo adfarteeysn baad u suubisaan .
mida gale waxaan u maleenayaa webseed sida loo suubsade garatee diinta si fiican ma u garateen?
ma kala sooci kartaan diin iyo xamaasada aan diinba la xiriirin .
dhug ma u leedihiin shubuhaadka diinta iyo damaca ibni aadanka.
kooxeysiga ahymiyada iyo booska ay diinta ka joogto wali ma is weydiiseen mana u dhuun furantihii.
muhiimad ma aha in dadku akhristo waxaan qorey balse idinka ma jaleecdaan haduusan xikmad badan ku jirin mase fahmi kartaan waxaan soo qorey. car jawaab saxa ka bixiya waxaan idiin soo qorey
waa macalinka boodboode ah oo bilaajada idankala soo hadley
DAARDAARTA | Feb 7, 2010 | Reply
BISMILLAAH.
ASSALAAMU CALAYKUM.
ALLAAH baa mahad leh haddii sh.axmad ALLAAH uu ka caafiyay xanuunkii hayay, marka hore shiikha waan u soo tahniyayn waana salaamayaa ka dibna waxaa ii weheliya naseexo ku socota sh.axmad , iyo dardaaran guud oo culimada reer puntland ku aadan.
sh.axamad waxaad ka mid tahay hormoodka culimada reer puntland haddana waxaa lagugu tiriyaa inta fara kutiriska ah ee la dhihi karo waa ruug caddaayadii ka haray culimadii mukhadramiinta ee la kulmay taariikhdii hore iyo midda hadda taagan , maadaama aad saas khibrad ALLAAH kuugu manaystay caqli iftiimayana ALLAAH ku siiyay maad hormood ka noqotid dib u heshiisiinta walaalaha mujaahidiinta ah oo maad isu keentid koonfur iyo waqooyi iyo bari iyo galbeed iyo jabuuti iyo keenya iyo inta dibadda joogta ? maadse ka qayb qaadatid midowga ka dhacay baydhabo oo sh.xasan turki iyo shabaab ay ku midoobeen oo maad taas ka dhigtid bilow lagu bilaabi karo midaynta walaalaha oo dhan , marka sh.axmadaw naseexada aan kuu soo jeedinayaa waa inaad ogaatid in haddii ALLAAH ku soo caafiyay aad ugu shukriso inaad u gargaarto diintiisa oo aad marwalba is garab taagtid mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan waana meesha aan garan la ahay maxaad uga muuqan wayday meelaha ay mujaahidiintu ka muuqdaan oo cilmigaaga iyo caqligaaga ugu kaalmayn la dahay walaalaha la isugu habar wacday ee shiikhow iska ilaali ashahaada la dirirka jooga boosaaso oo yaysan ku gadan naftaadana u taxadar nin xaggayaga qaali ka ah baad tahay waana waxaana filayaa inaad fulin doontid naseexadaas washukran yaa shiikh axmad.
dardaarankayga ku aadan culimada reer puntland waa culimooy walaalihiina koonfur waa loo soo habar wacdaye miyaydan soo socon oo aydan garab istaagayn mase waxaa idin saamaysay neecawdii gobolka iyo calankii cusbaa ee loo sameeyay iyo hanjabaad idinkaga timid mooryaanta pis ama ashahaada la dirirka .
culimooy meelkasta oo gaal joogo waxuu col la yahay waa ISLAAMKA iyo ehelkiisa ee intaan la idin goosan wax goosta oo adinka culimada reer waqooyiba ma waxaad sugaysaan inta jeelasha la idiin taxaabayo ama inta mid mid la idiin qarxinayo ama inta mid mid la adiin fara xumaynayo ka kaca oo tashada dhibkiinu waa uu noo daran yahay ee yaan la maqlin culimadii baa mooryaan la safataye la safta mujaahidiinta walaalihiina ah ee u taga oo ku ag dhinta intaad ku ag dhiman lahaydeen ashahaada la dirirka qurmay.
wassalaamu calaykum WARAXMATULLAAH.
naasix | Feb 8, 2010 | Reply
Marxaban bika yaa diktoor Axmed Xaaji c/raxmaan. Shaashadda dacwaddu waa towday codkaaggii daganaa.
Soo dhawoow
Dhagajuun | Feb 8, 2010 | Reply
Waa ku faraxsanahay caafimaadkiisa iyo imaanshihiisaba ee Ilaahay ha nabad keeno, hana xifdiyo, diinta iyo ummaddana ha ku anfoco.
Kahyre | Feb 8, 2010 | Reply
allah caafimaad ha siiyo sheekhaas si u islaamka ushaqeeyo si buuxda
yusuf | Feb 8, 2010 | Reply
maashaa allaah waan soo dhaweynaynaa sh dr axmed
wuxuu kamid yahey culumada Qaybata mudan in la ixtiraamo
marka laga reebo
sh c/qaadir nuur faarax (gcamey) iyo
sh daahir aw cabdi
nuuradiin (abuu dujaana) | Feb 8, 2010 | Reply
To: Daardaarta
Madaxweyne ayaa dhoofay & wasiir baa soo dagay waa la qoraa dhibna uma ragtide maxaad u dhibsaneysaa sheekhyada Sheegiddooda & muxaadaraadka hadaadan adiga rabin dad baa jecel oo laga yaabo inay booqasho & cilmi doonba ugu tagaan sheekha yimid
ee bal dib isugu laabo Wa shukran
QABYAALAD DIID | Feb 8, 2010 | Reply
Shiikha iyo culimada Soomaaliyeedba mar labaad baan leeyahay soo dhawaada, cilmigiinana Alle ha nagu anfoco.
Ka dibna walaalka dhibsanaya sheegista culimada iyo muxaadarooyinka ay jeedinayaan bal dib ha isugu noqdo!
Kahyre | Feb 8, 2010 | Reply
naasix
warkaaga waala ogaa inuu sidaan noqnayo maxaa yeelay culimadaas horeey uga hadlen dagaaladaan weyna ku shegeeen in aan dagaalka nocas faido keneen maantana inaad calaacashid oo tiraahdid maad nasoo gartiin ma ah wax laga sugayay waloow ay iyaga ay dareemayeen in arini sidaas noqneyso waxba ha ku cabsiin culimada waala idin xirayaa iyo waala idin kufsanayaa waxwalboo ku dhaca go’aan beey ka qateen dagaal dad muslimiin u dhaxeeya ineey dhexdabashaan .
samatar | Feb 8, 2010 | Reply
JAALE QABYAALAD DIID . AFKEYGA LAGAMA MAQAL MADAXWEYNE IYO WASIIR DHOOF KOOD IYO DEGITOODA AYAAN KU FARXAA, AGTEYDANA QIIMABA KAMA LAHA DADKAAS .HADABA FIKIRKAAGA KU AADAN KAAS WUU KHALDANYAHAY.WAXAAN KU HEESTO SI FIICAN U FIIRI SOMAALI MIROR SI FIICAN MARKEY KUU DHACDANA JAWAAB SAAFI AH ISOO SII . QEELADII YEERTABA LA ISKAMA DHEX ROOREE.
DAARDAARTA | Feb 8, 2010 | Reply
BISMILLAAH.
samatar.
markaad leedahay warkaaga waa la ogaa inuu sidaan noqonayo , ma faal baad ku aragtay mase waa laguu waxyooday ??? cilmi qayb waxaa og oo kaliya ALLAAH WAXDAH SUBXAANAH.
culimada reer puntland iyo somaali land haddii ay ka fakadaan axmaaro waxaysan ka fakanayn basaasiinta axmaarada hoos ordaysa ,ee naseexo guud uun baan soo jeediyay , hadalkayguna kuma salaysna meesha aad u fasiratay ee warka aan kuu jilciyee , ciidamada gumaysiga waa laga xoreeyay meelihii ay ku soo duuleen ee soomaaliya waadna og tahay inay faraha ka gubteen , fadliga ALLAAH KA SOKOW waxaa ka hortagay culimada mujaahidiinta ah ee jooga goobahaas , haddaba ragga is haya hadda waa raggii shalay magaca wada watay ee la yaqaan , haddaba waxaa hadda muuqata in bari iyo waqooyi culimada jooga ay qarka u saaran yihiin in la iibsado oo maamulada ka jira labadaas gobol ay culimadaas gataan , marka sow in culimada lala dardaarmo ma fiicna maadaama adiga iyo inta kula talada ahi ay ka gabanayaan culimada oo ay u mujaamalaynayaan oo sidii niman raba inay culimada kala geeyaan u hadlaya war sow ma ogid in raggu isku ceel ka soo cabbeen ?? waxa kala waday waa shaydaan iyo maslaxad adduun .
calaacalna la igama maqal, ee meeshaad ka keentay adaa lagaa rabaa haddaadan iska been abuuranaynin !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
ALLAAHU ACLAM.
naasix | Feb 8, 2010 | Reply
MARXABAN BI/SHEIKHAL KARIIM. Alle cilgaaga ha nagu anfaco. Waxaan ka fikirayey wixii aan oran lahaa ninka dhibsanaya sheegidda culimda. Waa yaabe yaa la sheegaa haddaan culimada la sheegin. Alle ha ku toosiyo, culimada oo afka lagu taagaaye waa gaf Alle agtii.
Sheekha waxaan leeyahay waa ku salaamayaan walaalaha masjidka AL/Tofiiq ee Coventry UK
Wabilahi towfiiq
abu/Abdalla | Feb 8, 2010 | Reply
Assalaamu Calaykum.
Alxamdulillaah in Shiikheenii Dr Axmed uu inoo soo noqday isagoo caafimaad qaba, aad iyo aad baan ugu farxay inuu dib dalka ugu soo noqdo, Somalimirror aad baad iiga farxiseen adxakallaahu sinnakum.
Waxaan ka walwalsanaa sheekha anoo og in Umadda muslimku ay u naafoobeen dhimashadii Culimadii Soomaaliyeed Sheekh Maxamed Rashaad iyo Sheekh Cabdulqaadir Garre, allaah yarxamuhumaa.
Ilaahay culimada ha inoo xifdiyo.
Asalaamu calaykum.
Maxamed Siciid | Feb 9, 2010 | Reply