Dowro Sharciga oo lagu qabtey Magaalada Gol-dogob.
By Somalimirror on 7 Feb, 2010 2:44 PM in Main, Wararka, Warbixinnada
Mudadii u dhaxeysay 23 ilaa 30 Janaayo waxaa Dowro diiniya lagu qabtey Markaska Al-bukari ee Magaalada Gol-dogob, waxaana ardeydii ka qeyb gashey ay ku qaateen duruus diiniya oo isugu jirta, Caqiido, Axkaam, Tajwiid iyo Cilmiga Muslada Xadiith-ka ( Sawiro ).
Dawradaas oo lagu beegay xilliga fasaxa Waxbarashada ayaa waxaa soo abaabulay xafiiska raabidada dhalinyarada masaajidada RASHMI , waxaa jeedinayay Sh/Axmed Shaakir Xassan Ciise iyo Macallin Mahad Maxamuud Sulaymaan, waxaa lagu soo khatimay aqoon iswaydaarsi dhex maray afar majmuuco oo ardadii dawrada ku taxnayd ah oo loogu magac daray [Jarrib Macrifataka] kaasoo ahaa aqoon furan diini iyo maadiba.
Ugu danbayntiina waxaa Dowrada lagu soo gaba gabeeyay imtixaan shakhsi ah.waxaa lagu bixiyay jawaa”iz aad qiimo gal ah oo u badnayd kutub loogu talagalay in aqoontooda kor loogu qaado iyo agabka kale oo kaabid u noqonaya waxbarashada.
Waxaa ka qayb qaatay abaalmarinada halkaas lagu bixiyay labada shirkadood ee isgaarsiinta GOLIS iyo TELCOM oo adeega guud ee ay bulshada uhayeen ku darsaday taakulaynta iyo tabantaabinta arrimaha bulshada.
Xafladaas waxay ka dhacday xarunta machadka Imaamu Al-Bukhaari xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa u dhacday; soo dhawayn iyo bogaadin uu soo jeediyay afhayeenka RASHMI ustaad Maxamed Suldaan C/Rashiid Muuse , assagoo kusoo dhaweeyay aayado quraan ah oo uu akhriyay arday , kadib wacdi kooban oo kusaabsan cilmiga oo uu soo jeedshay Sh/Cali C/Qaadir oo kamid ah culumada magaalada ahna khadiibka masjidka jaamica ah ee dawradu ka dhacday,kalmad uu jeediyay gadoomiyaha RASHMI, Khalid Cali Cabdi, asagoo mahada ilaahay kadib u mahad ceshay kasoo qayb galayaashii xaflada gaar ahaan labada Maamule ee shirkadaha TELCOM iyo GOLIS asagoo warbixin kooban ka bixiyay ururkiisa RASHMI waxa uu yahay,goorta la asaasaasay iyo hawlihiisa.
Waxaa sidoo kale hadal qiimo leh halkaa ka jeediyay Maamulaha shirkada GOLIS C/nuur Muxamed Ismaaciil[kilic] assagoo Salaan iyo bogaadin ka dib ku dhiira geliyay dhalinyarada waxbarashada ku hawlan in ay aqoontooda kobciyaan ayaguna waa shirkadiisee ay garab qabanayaan assagoo si qota dheer ugu nuuxnuuxsaday carrabkana ku adkeeyay inay shirkadiisu diyaar utahay siday horayba caadada ugu ahayd hormarinta bulshada.
Waxaa sidoo kale kahadlay Sh Axmed Shaakir oo kalimadihiisa ubbadiyay inay dhalinyaradu sii laba jibaaraan dadaalkooda kana faa’iidaystaan fasaxyada iyo fursadooda dahabiga ah
Waxaa sidoo kale kalimado lasiiyay Maamulaha shirkada isgaarsiinta TELCOM C/naasir Muxamed Saciid oo sheegay in ay shirkadiisu u taagantahay kor uqaadidda aqoonta shacabka kuna bixinayso talo iyo tabar iyo dhammaan arrimaha bulshadeenu ku hanaqaadayso assagoo ardadii soo xaadirtay ku booriyay cabsida ilaahay iyo in ay ku intifaacaan cilmiga ay baranayaan ayaguna ay kaqaybqaadanayaan ka shirkad ahaan hormarinta arimaha bulshada iyo waxbarashada.
Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta Sh Xassan Daahir oo ka mid ah majliska sare ee culumada Degmada oo asna si qiira leh usoo dhaweeyay dawrooyinka noocan ah assagoo ku dhiira geliyay bulshada muslimka ah in ay tahay inay xooga saaraan aqoonta taasoo wax lagu noqonkaro gaar ahaan mida diinta assagoon tan kale meesha kasaarin.
Waxaa asna kalimadda Waaidiinta iyo Waxgaradka qaatay C/nuur Yuusuf Xaaji [Hurfe] oo asna umahadnahay dhalinyarada RASHMI iyo cidwalba oo gacan ama rayi kagaysatay dawradan waxa uuna Waalidiinta ugu baaqay tarbiyaynta awlaadooda iyo weliba inay iyagu nafsadooda jahliga kala diriraan bartaana cilmiga oo aanay ka baaqsan kobcinta aqoontooda da’walba oo ay joogaan.
Gabagabadii waxaa hadalka soo gunaanuday Maamulka Machadka Sh Maxuud Suleymaan assagoo si guud dadwaynihii ugu baaqay kaqayb qaadashada waxbarashada inay bartaan iyo inay taageeraan labadaba assagoo sigaar ah ugu mahad ceshay shirkadaha GOLIS iyo TELCOM oo gacanwayn ka gaystay taabagelinta dawradan iyo abaalmarinnadii laga baxshay assagoo ugu baaqay dhamaan shirkadaha kala duwan inay kudayasho wanaagsan ugu sugan tahay labada shirkadood ee lasoo xusay dhamaanteenna aynu gacmaha isqabsanno.
Daabaco






ASC
Allah baa mahaddaa u sugnaatay,kadib Akhyarta cidwalba leh ee u tagan kor u qaadista Diinteena iyo shacabkeenaba, waxaan Allah u waydiinaynaa inuu ka abaal mariyo Miisaankoda Aakhirana ugu dara wanaagaas ay hayaan Walaalahayga Muslim ka ah.AMIIIIIIIIIIIIIIIIIN.
Canjeelo | Feb 7, 2010 | Reply
maashaa allaah
waa farxad iyo horumar ilaahay cadawga hakaqabto raali kama aha arintaas
sh axmed xasan ciise (axmed shaakir) ilaahay ha xifdiyo waa shiikh odey dhalin yaro intaba waa nin fir fircoon oo jecel in uu umadda wax kabadalo
adiga iyo culumada kale ee
sh mahad maxamud suleymaan
sh maxamed cabdile cumar
iyo dhalin yarta kale ee wax fahan san ee dhagta aan waxloogu sheegin
haku dayanina raga madaxya waynta ah ee horey u ahaan jirey culumada balse hadda isku raacey meel ay joogeen kagaabinta dacwada iyo run usheega umadda maanta cadawgeedi batey ee layskugu yeertey
mahadsanidiin
intii uu kamaqnaa degmada ayaa loo darsadey oo suufiyo iyo wax daran madaxa lasoo keceen
waxaan maqley in sh axmed shaakir ay dalbatey jaamacadda fadhiidka ah ee bariga afrika Bosaso ee Qofkii aqoonlahaa kusoo aruurisey Bogcadda ay Degantahay
waxaan oran lahaa katanaasula arintaa, sh axmed shaakir hayeelin oo umaddaada jahligu diloodey wax bar ayagaa kuu baahane
nuuradiin (abuu dujaana) | Feb 7, 2010 | Reply
Maasha allah aad iyo aad bay isugu duba dhacaysaa ilaahay ha ka dhigo ku wo wax barto
dadkooda iyo dintoodana wax u idraan
C/lahi | Feb 7, 2010 | Reply
War Nimankii xer ahaa dadaal bey hayaan!!!!!
ala maxaa shabaab soo kacaya!!!
Geedi | Feb 7, 2010 | Reply
mashaa allah waa wax fiican waxaana ku boorinayaa iney meshaas kasii wadaan howlaha nocaas ah ee wacyigalinta iyo barida diinta .
waxaan ku faraxsanahay gabdhaha xijaban ee waliba indha shareertay marka ee tiradaa le’eg o hal meel isugu yimid ilahay ha idin dhawro sidaa ugu adkada xijabkiina .
samatar | Feb 7, 2010 | Reply
maasha alaah waa in aan halkaas gabadh u raadsadaa
somali | Feb 7, 2010 | Reply
asalaamuc w w
waan salaamyaa dhamaan culimada nadwooyinka ka wada
balse waxaan layaabay dumarka halka lebis yeeshay waa su aale maxaa sababay waxaan arki jiray shiicada oo sidaa hal lebis u qaadata
,mahamed | Feb 7, 2010 | Reply
Asc dhaman mansha allah ilahay ayamahad leh waxan bogadinaya ardayda kaqayb qadatay nadwada iyo culimada marka labad horta inugu aqon ayan uleyahay mac hadka bukhari waxanan kamid ahaa arday di lagubilabay waxan aad u aqan sh/axmed xassan cise o aha macaliminti markaz ka waxan farin udiraya dhalinta in ay wax bartan waxan kale o farin udiraya ganac satada in ay cawiyan wax barashada iyo qurbajogta o runti aan dhalilayo in kasta o ay wax qabten sxb kay nurudin sxb sh/ axmed xassan cise axmed shakir hadi aad taqano iyo wadada aad ledahay way so kecen culad kama dhaxayso mana celin jirin wana culimadeni sikhaldan bad wax ufahan tay is tosi sh. Khana wax usan samayn jirin hakushegin dakanana kagalin mahad sanidin
Axmed c\hi | Feb 7, 2010 | Reply
KU MAXAMED walaal aan kaaga jawaabo,
dharka gabdhuhu qabaan oo isku eg,
sawirkaan kama turjumayo waa kan gabdhaha,
sawirkaas uniform ak ah waxuu ahaa hadakahor school laxirayay sanadkii hore (2009)
waana isla meesha lagu qabtay nadwada,
maxamed cigal | Feb 8, 2010 | Reply
asalaamu caleekum
maashallah ilaahbaa mahad leh oo xaqiisa daahiriyay dantii gaalada laheed oo aheed inay dacwada iyo saxwada baabi,iyaan beeneeyay
dacwada lahawada dadka diinta halabaro ilaahay waa noo gar gaagaraayaa
xaq doon | Feb 8, 2010 | Reply
allahu akbar allahu akbar ilaah baamahadan iskaleh,
ajar iyo xasanaad aan lasoo koobikarinna alaha kasiiyo culumada utaagan had iyo jeer ugargaarida diinta,
sidoo kale waxaan dardaaran usoo gudbinayaa walaalaha shabaabkaa oo waqtigooda siiyay inay uga faa iidaystaan wixii ilaa usiiyay oo diiniya nabigeenuna wuxuu inoo sheegay (s c w)
inmaalinta qiyaamaha oo cid waxaysata ayasan jirin hooska ale uu harsanayo shaabun nasha fii cibaadatilaahi maantana aan lawada hay san marka walaalaha waxaan leeyahay nimcadaa gows danbeedka kuqabsada oo kafaa iidaystya
xumaandiid | Feb 8, 2010 | Reply
Horta meesha galdogob ah khayr baa ka dhacay!!!
dhalinyaro badan oo kuwa shababka ah baan arkayoo galdgoob wey u rajo weyn yihiin mana duraan sida magaalooyinka kale ee puntland.
sidoo kale kuwo xisbiga ahna waan arkay oo waxay dhaheen galdogob magaalooyinka aan ku xisaabtano ayeey ka mid tahay.
ictisaamka oo iyagu markaan aan hubeysnayna dacwadeeda wey amaaneen marka maxay magaaladaan dadkoo dhan u amaaneen?????????
waxaa igu maqaalo ah in shariifku beesha degta degmadaan yiri labo wasiir baan idin siinayaaye ciidan la imaada, sidoo kale puntland ashaahaado la dirirka ayaa la iiga sheegay inay aad u goobayaan dhalinyaro u shaqeysa oo reer galdogob ah.
xer marka imtixaan adag baa u yaal ee allaah haku guuleeyo…aamiin
Cali | Feb 9, 2010 | Reply
alley lehe caloow intii wax qortay adaa ufikir qaldane isisax sxb oo qabiilka iwm ka waynoow mahadsanid
adoonka alle | Feb 12, 2010 | Reply