Dadka reer Yurub oo maalintiiba 64 Qof ka Islaamaan.
By Somalimirror on 7 Feb, 2010 3:58 PM in Main, Wararka
Khabiir dhanka xiriirka Siyaasada Caalamiga ah ugu qaabilsan Xarunta Al’ahram ee Siyaasada iyo istaraatijiada laguna magacaabo Dr. Saciid Al’owndi ayaa sheegay maalintii 64 qof oo reer Yuruba iney soo galaan Diinta Islaamka, waxa uuna sheegay arintaasi iney walaac xoogan ku abuurtey bulshada reer Yurub.
Arintan ayaa laga sheegey Nadwo lagu qabtey xarunta Daraaseynta Xadaarada oo ka tirsan Kuliyada Dhaqaalaha iyo Culuumta Siyaasada ee Jaamacada al’Azhar ee Dalka Masar, loogana hadlayey Muslimiinta Yurub.
Dr Al’owndi waxa uu yiri:“ Tirakoobyadu waxey sheegayaan in 26 Milyan oo Muslim ay ku nool yihiin 27 dal oo ka mida Yurub kuwaas oo 6 Milyan oo ka mida ay ku noolyihiin Faransiiska, oo 1.5 Milyana yihiin Faransiis asala”.
Waxa uu intaa raaciyey:“Marka la fiiriyo tiradaa badan ee dadka reer Yurub maalin walba uga biiraya Diinta Islaamka, waxey u arkayaan in Muslimiintii la wareegeen sida ay dhowr jeer ka dhawaajiyeen xubno ka mida kuwa ugu xag-jirsan ee Xizbiyada Dalka Faransiiska”.
Iyaga oo arintan ka amba qaadaya waxey saadaaliyeen in laga yaabo 2050 dalka Faransiiska iney ka hirgasho Dowlad Islaamiya.
Dr. Al’owndi waxa uu sheegay qolyaha reer Yurub ee ku sii badashada Muslimiinta dalalka Yurub ka soo horjeeda ay ku andacoodaan Carabta iyo Muslimiinta kale ee dalalkooda ku nool ay ka dhalmo badan yihiin, halka Yurub iyo Faransiiskaba la xanibey guurka iyo dhalmada badan.
Daabaco

maasha alaah waa guul usohoyatey musliminta ilhey all hakadhigo muslim amiin
sahro | Feb 7, 2010 | Reply
manshaa allaah waa wax lagu farxo allaahu akbar walillaahil xamdi lakin hadaan ogaada soamlaay NIMCAD kasta nusqaanteeda ayay leedaahy e waxaad ogaataan in ay hadana dad aad u baadn uu islaamama ku milmeen gaalaad ma dhulalka reer galbeedka
ibnu ali AbuXudayfah | Feb 7, 2010 | Reply
walaahi waa waz lagu farxo laakiin somali mirror waxan kala fahmi wayay iney musliminta niyada udhisto iyo iney run sheegeyso waa garan la ahay waana kufaraxsanahay guusha muslimiinta ilaahey ha uaqbako anageneh ilahey hainaga dhigo kuwii sisax ah ugudhaga diinta aamiin
Zubeir | Feb 8, 2010 | Reply
Arrinta ku saabsan guud ahaan reer galbeedka soo galaya diinta Islaamku waa arrin sax ah waayo dadka reer Europe intooda badan waxaa in ay diinta Islaamka qaataan ka hortaagan oo kaliya waa aqoon darro iyo waliba been looga sheegay waxa ay diinta Islaamku tahay.
Anigu waxaan dalalka reer galbeedka ku noolaa 22 sano ka badan, maalin maalmaha ka mid ah ayaa gaari aan watay waxaa soo raacay nin Gaal ah oo reer North America u dhashay, sheeko gaaban kadib waxaan u soo taagay kitaab Quraanka tafsiirkiisa ah oo Ingiriis ah. Intii uusan iga qaadin ayuu I waydiiyay waxa kitaabku yahay markaas ayaan ku iri waa Quraan ee akhri. Wuxuu iigu jawabay eray aan aad iyo aad ula yaabay walina aan qalbigayga ka go,in.
Wuxuu igu yiri iga fogee akhrin maayee, markaan sababta waydiiyay ayuu iigu jawaabay “Quraanku waa cudur lays qabadsiiyo”(Contagious Disease)ee iga fogee. Markaan waydiiyay waxa uu ula jeedo ayuu igu yiri qofkii akhriyaa waaa muslimayaa marka ma doonayo in aan akhriyo, waana sababtaas midda ninkaas jaahilka xaqa ka ahi u diiyay inuu Quraanka aqriyo isagoo ka baqaya in qalbiisa nuurka Ilaahay gaaro kadibna uu Rabigii abuuray rumeeyo. Waxaa laga yaabaa inuu TVga ka daawaday dad dhahaya Quraanka ayaan akhriyay kadibna Diinta Islaamka ayaan qaatay.
Waqtigaasi waxay ku dhawayd markii qaraxii New York dhacay waxaana arrintaas kadib soo kordhay dadka reer Europe ee Quraanka akhrinaya kadib marka ay ogaadaan fariinta xaqa ah ee Kitaabka Allaah xanbaarsanyahay iyo in wixii looga sheegi jiray ay been ahaayeenna xaqa rumaynaya.
Muslimiinta ayaa laga rabaa in ay dadka aan wali xaqu gaarin u qaybiyaan kitaabka Ilaahay si ay u ogaadaan ujeedadii loo abuuray iyo xaqiiqada fariinta uu kitaabka Ilaahay xanbaarsanyahay.
Abdulqadir | Feb 8, 2010 | Reply
Asc diintan allaha kor jira watee ka waran haddii muslimiintu diinta u fidin kahayeen sida gaaladu u fidisu diinahooda baadilka ah? tiradu waay sii badan alhamdulillah.Midda kale haddii aynu sharaf doonayno iyo ina aduunka layna aqoonsado sidii nebiga iyo asxaabtiisa (scw) aynu jidkoodi aynu marnoo wa haddii khayr la doonayo, iyo ina lagu sabro islaamnimada kollay alle wuu imtixaami ruuxi ka runsheega islaamnimadiisa, waxaan ku soo af jaraya hooy soomaalida wali qabyaaladu ku jirtaay ilaahay ka cabsada oo ilaahay way diista inuu idinka nadiifiyo cudurka dilaaga ah ee yahuuda saa u galay maxay nebigeena ku diiday yahuudu waxaa weeye xiqdi iyo xaasidnimo iyo qabyaalad wsc
muslim | Feb 8, 2010 | Reply
64 qof maalintii hadday muslimayaan sanadkii 23040 ayaa muslimayaa. Kuwa muslimiinta sheegta ee weli la dagaalamayaa Kitaabka Alle, waxaan leeyahay, “Wa in tatawalow yastabdil qoman qayrakum Thuma laa yakuunuu amathaalakam” Suuratu Muxamed aayada ugu dambaysa.
Adoon Eebe | Feb 8, 2010 | Reply
maasha allaah walaahay waa farxad aad u weyn iyo guul muslimiinta usoo hayatey in maalinkasta ay muslimaan 64 peoples
bukhaari | Feb 12, 2010 | Reply