Ciidamo Itoobiyaan & Soomaali isugu jira oo soo gaarey Deg. Ceel-barde

Wararka laga helayo Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool waxey sheegayaan in halkaa maanta ay soo gaareen ciidamo isugu jira Itoobiya iyo Soomaaliya oo dhanka xuduudka ka soo gudbey.

Ciidamada Soomaalida ee la socda kuwa Itoobiya kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa wararka laga helayo waxey tibaaxayaan iney yihiin ciidamo tababar gudaha Itoobiya ugu soo dhamaadeen oo loo soo tababarey DKMG.

Ka dib markii halkaa ciidamadu soo gaareen iyaga oo iskaashanaya waxey gudaha Degmada Ceel-barde ka qafaasheen dhowr qof oo rayida oo ka mida dadka deegaanka una taxaabeed Xabsiga, lamana oga sababta rasmiga ah.

Ciidamada Soomaalida ee kuwa Itoobiya maanta soo gaarsiiyeen Ceel-barde ayaa u badan kuwii horey Gobolada Bay & Bakool ugu qaabilsanaa DKMG, dhawaana saraakiisheedu sheegeen inay la midoobeen kooxda sheegatada Ahlu Sunnah ee gacan saarka la leh Itoobiya.

Aadan Saransoor oo ka Hadley dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan Ceel-barde ayaa ku micneeyay midey goobihii horey ugu sugnaayeen dib kula wareegayaan, waxaase uu beeniyay inay socdaalka ku wahelinayaan ciidamo Itoobiyaana.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. Midowga Yurub oo qiray in iyaga iyo NATO aysan awood u laheyn in ay nabada ku soo caliyaan Soomaaliya xitaa hadii ay adeegsadaan awood militari.
    Posted: 2/7/2010 2:48:00 PM
    Shabelle: MADRID
    Ururka Midowga Yurub ayaa maanta qiray in iyaga iyo NATO aysan awood u laheyn in ay nabada ku soo caliyaan Soomaaliya xitaa hadii ay adeegsadaan awood militari.

    Wasiirka arimaha dibada ee wadanka Spain oo islamarkaana ah madaxa siyaasadda ee arimha dibadda ee midowga Yurub Meekawiil Mishal ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo isbaheysiga NATO aanay awood u laheyn in ay nabad ku soo celiyaan wadaka Soomaaliya xitaa hadii ay isticmaalaan awood militari.

    Isagoo ka hadlayay shir looga hadlayay arimaha amaanka iyo nabad galyada ee caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Munich ee wadanka Jarmalka ayaa wasiirka arimaha dibadda ee wadanka Spain waxaa uu carabka ku adkeeyay in amaanka qaarada Yurub uu ku xiranyahay dalalka deriska la ah ee ku yaala qaarada Africa iyo gobolka bariga dhexe.

    Mar uu soo hadalqaaday arimaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa uu sheegay Mr. Meekawiil Mishal in falalka ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ka wadaan xeebaha wadanka Soomaaliya ay sii laba lixaadsanayaan taasoo uu sheegay in ay sabab u tahay xaalada cakiran ee wali ka taagan dhulka Soomaaliya.

    Waxaa uu meesha ka saaray in xiligaan aan awood militari lagu raadin Karin xalka Soomaaliya isagoo tilmaamay in awood militari oo loo adeegsadaa Soomaaliya ay keeneyso in xaaladu ay ka sii darto.

    Hadalkani ka soo yeeray wasiirka arimaha dibadda ee dowlada wadanbka Sapin ayaa daba socda hadal dhawaan ka soo yeeray mid kamida saraakiisha ciidamada badda ee midowga yurub oo ahaa in midowga Yurub aanay kaligiis xal ka gaari karin arimaha burcad badeeda Soomaalida ee ragaadisay xeebaha wadanka Soomaaliya.

    Dhawaan ayay aheeyd Markii ra’iisul wasaaraha wadanka Spian Luwis Sabateero uu sheegay in xalka Soomaaliya lagu keeni karo Awood militari oo loo adeegsado dhanka Barriga.

    raxmo ruun sheeg | Feb 7, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo