Al-Qaacidda oo iska fogeysay Xuuthiyiinta, una Hanjabtay Jaamacadda Kaust

Published on February 7, 2010 by   ·   13 Comments   ·   print

Ururka Al-Qaacidda ayaa soo saaray Bayaan uu isaga Fogeynayo Xiriirka uu la leeyahay Xuuthiyiinta Yemen ee Dagaalka kula jira Dowladda Sacuudiga iyo Yemen, wuxuuna ku eedeeyay Ciidamada Sacuudiga inay Beegsanayaan Dad aan waxba galabsan, sidoo kale waxay Hanjabaad kulul u jeediyeen Jaamacadda Kaust ee Magaalada Jiddah ku taala taas oo ay si isku dhaf ahi uwada dhigtaan Wiilasha iyo Gabdhaha.

Cajal Cod ah oo uu soo diray Sheekh Abuu Yaxya Al-liibiyi isla markaana uu kaga hadlayo Mowqifkooda ku aadan Dagaalka u dhaxeeya Xuuthiyiinta iyo Sacuudiga ku dagaalamaya Xuduuda ayuu gaashaanka u daruuray inay xiriir wada leeyihiin iyaga iyo Xuuthiyiinta wuxuuna yiri “Ma nihin Xuuthiyiin, lamana Jirno, kamana mid nihin, waxaana kala fog waxa noo dhaxeeya oo ah Diin, Caqiido, Manhaj, Fikir, Ujeedadayadana waxay isku yihiin Bari iyo galbeed, wayna kala fogyihiin Bari iyo Galbeed”.

Xukuumadaha Yemen iyo Sacuudiga ayaa horey ugu eedeeyay Ururka Al-Qacida inay Xiriir la leeyihiin Xuuthiyiinta Yemen.

Abuu Yaxyaa Al-Liibiyi wuxuu si kulul u weeraray Jaamacadda lagu barto Techicalka ee Al-Malik Cabdullaahi (Kaust) ee ku taala Magaaladda Jiddah oo ah Jaamacadii ugu horeysay oo laga Taago Wadanka Sacuudiga isla markaana Ogolaata inay Wiilasha iyo Gabdhahaba is- dhex fariistaan.

Abuu Yaxyaa Al-Liibiyi oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Jaamacadaasi waa Geedka ugu Xun ee laga Beero Dhulkaasi, waadna arki doontaan Xumaanta ay dhasho dhowr sano ka dib”.

Wuxuu intaa ku daray “Qabriga Nool ee laga dhisay Jiddah wax kale ma leh aan ka hayn Dumin… geedna waxaan Goyn ahayn ma Leh….”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Eritrea oo iska fogeysay Eedeymo loo jeediyay.
  2. Eritrea oo iska Fogeysay Faragelin ay ku leedahey Soomaaliya
  3. 7 Dhalinyaro Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu dilay Xadka Sacuudiga
  4. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.
  5. Burcad-badeed ku Hanjabtay Dil

Readers Comments (13)

  1. wadaad yare says:

    Waa jaahil aan awlawiyaat laheyn oo iska maahanaya inuu wax dilo ama wax u hanjabo. Wiilasha iyo gabdhaha iney wax wada bartaan khalwana maahan oo waa meel publick ah oo jidkaas ay wada marayaan ayey la mid tahey, dhanka kalena tijaabo la qaadey waxaa lagu ogaadey wadamada la kala ilaaliyo dumarka iyo raga sida saa,idkaa in ay ka dhaqan wanaagsanyihiin kuwa sida macquulkaa isku dhex mara.

    Eeg Sacuudiga qofkii arkey ayaa yaqaana ninka Sacuudiga haduu naag muuqeed arko inuu ku dul dego ayuu ku dhowyahey, meesha Suudaan, Masar iyo Somaliya aysan jirin hamuuntaas waalidaa.

    Dadku inuu si waayeelnimo ah u dhaqmo, is xakameeyo ayaa ka wanaagsan in sidii apartheidkii zonayaal loo kala sameeyo!

    Hadaad dumarka iyo raga u kala waardiyeyso si jirro ah, dumarka dhexdooda ma kala ilaalineysaa? Ragga dhexdoodana ma kala ilaalineysaa? Maadaama dadka qaar faaxishadu halkaasba la gasho?

    Wiilasha dhalin yaradaa oo gar ma leytigaa iyo raga kale ma kala ilaalineysaa? Iyagana ma kala ilaalineysaa?

    Bulshooyinka si miyir qabta ayaa loo xakumaa oo madruus ah.

    Raggu wuxuu leeyahey qiyam la yiraahdo qiyam ragannimo oo aadanuhu ka maarmin lab iyo dhedigba.

    Dumarkuna waxey leeyihiin qiyam la yiraahdo qiyamta dumarnimo oo labada jinsiba in lagu barbaariyo ay tahey.

    Haddii labadaas qiimo midkood meesha laga saaro, waxaa lumaya isku dheelli tirkii dabiiciga ahaa oo ilaahey ugu talo galey dadka.

    Maqaalkoo dheeraanaya dartiis ayaan u daayey inaan tusaalayaal uga bixiyo qiyamta ragga iyo dumarka oo labada jinsiba aysan ka maarmin.

  2. cabdinaasir says:

    Ilaahey Dartiis baankuu jeclahay sh abuu yaxya ilahey haku dhowro,,, sidaad gaalada iyo gaala raaca aad u necebtahay ayaan kugu jeclaaday ilahey haku xifdiyo

  3. Geedi says:

    ALLAAHU AKBAR!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  4. Ibnu Cali says:

    Sheekh Abuu Yaxya Al-liibiyi Xafidulaah
    Waa mujaahid ilahayooow xafid

  5. somali says:

    Allaahu Akbar

    Allaah ha xifdiyo shekh abuyaxye iyo qaadada kaleba.
    jaamacaddaasu wa masjidu diraar dhaqanka ayaa la rabaa in laga qaribo dadka ku nool dhulka barakaysan ee xaramaynka iyo in gaalo dad loogu tarbiyeeyo hadhaw dhufays u noqda ilaahay ha dumiyo taas iyo waxa la midkaa .

    maamulka somalimirror walaalayaal cajil ma aha ee waa bayaan sheekhu soo saarey saas u dhiga warka.

  6. LABAYK YA AMIRANA ABU ZUBEYR says:

    IKHWAANI RAAG NOCAAN OO BADAN HADA MUSLIMINTA LAGAHELI LAHA WALLAHI MAREYKAN IYO GAAL MANUXSADEN LABAYK YA SHEYKHANA WA AMIRANA ABAA YAXYA

  7. Mujahid says:

    ALLAHU AKBAR * ALLAHU AKBAR sheikh Yahya Ilaah Ha xafidho waa MUJAHID xaqa aan ka ganbane

  8. ABUSAALAX says:

    waaruntii sheikh shiica iyo mujaahidiina wax madhex marikaraan waxayna isu jiraan int bari iyo galbeed isujiraan ALLAH haxifdiyo mujaahidiint melkastooy joogaanba sheikhna ALLAH haxifdiyo

  9. TAGEERE MUJAHIDINTA ISLAMKA says:

    MASHA ALLAH YAXYE AL LIBIYE WA SAMIGEY WANA MUJAHID WEYN XAFIDAHULLAH INSHA ALLAH GAAL IYO DABA DHILIF WA LAGA GULAYSAN!

  10. HALIIMO says:

    Inaa lilaahi dhamaantood waa mooryaan aan diin aqoon oo in wax la dilo oo la qaribo diin mooday war diinka alle sidaas maahe barta horta tuug xun oo wadankisii iyo dadkiisi ka cararay ayaad ledihiin amiir ayu noo yahay waxaan la yaabanahay midkan leh labeek abuu yaxya waa aqoon la’aan war wax baro oo kalimadaha aad leedahay baro horta ciyaal suuq aan diin aqoon inaad tahay waa kaa muuqataa
    Allahuma najinaa

  11. said says:

    waxaan idin su,aali lahaa bahda somali mirror ama dadka fokirkooda dhiibtaba xuthiyiintu waa shiic saas ayeey al qaida kukala duwan yihiin ee maxaa kajira warka ah in ay al qaaida iyo shabaab yihiin takfiir

  12. hataageeri tagfiirka alqaacida says:

    islaamka alaha ciseeyo gaalada iyo tagfiirka alqaacida iyo canaasiirta alshabaab alaha hoojito waad kawar haysaan fadwada uu soosaara sh Umal in in shaaca kaqaaday qolyahan been tooda

  13. sakariya says:

    to wadaad yare walall qofka iskumagacaabay wadaad yaroow waxa aad kuhadlayso mawuxuu kaayahay jaahilnimo mise diin nacayb walaal waxa aad kuhadlayso waa wax laga lalaboodo oo aan diinteena suuban kubanaanayn ee walaal waxaan kugula talinayaa inaad allaah utoobad keento oo aad diintana barato byeee




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Eritrea oo iska fogeysay Eedeymo loo jeediyay.
  2. Eritrea oo iska Fogeysay Faragelin ay ku leedahey Soomaaliya
  3. 7 Dhalinyaro Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu dilay Xadka Sacuudiga
  4. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.
  5. Burcad-badeed ku Hanjabtay Dil

Latest Headlines