15 Billion oo Doolar oo lagu bixinayo Fulinta Qorshe tobanka sano ee soosocda Magaalada Qudus Yuhuuda loogu sharciyeynayo.

Published on February 7, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Hay’ada Islaamiga ee ugargaarida Qudus iyo Muqdadaaska ayaa ka digtay Khidad ay yahuudu wadato oo loogu Magacdaray “ Qudus 2020” kaas oo hadafkiisu yahay in layahuudeeyo Magaalada iyo dadka ku nool, waxayna sidoo kale hey’ado sheegtay in arinkaas loo qorsheeyey 15 Billion oo Doolarka Mareykanka si mashruucaas loogu fuliyo.

Bayaan ka soo baxay hey’adaas ayaa lagu yiri:“kaartadan Cusub waxay ku dadaaleysaa inay Magaalada qeyb kamida ka dhigto Deegaanada Yuhuuda Xooga lagu dajiyey ee ku hareereysan Magaalada Qudus, sidoo kale inay Yuhuudu Xoog kula wareegto Dhul aad u badan sida dhawaan ka dhacday Magaalada Ceysawiya taas oo lagula wareegay dhul aad u balaaran oo Magaaladaa kamida”.

Waxay hey’ado intaa ku dartay in mukhadadkani uu sidoo kale lagu qorsheynayo in 40,000 oo Yuhuuuda laga soo raro Mandiqada la yiraahdo saaxil loona sooraro Qudus si ay Qudus Yuhuudu u yeelato, wuxuuna sidoo kale qorshahani ku dadaalayaa in aad loo yareeyo Joogitaanka Falastiiniyiinta Magaaladaas si sanada 2020 tirada Falastiiniyiintu ugu soo koobanto 12% nisbada Yuhuuduna ugaarto 88% taas oo macnaheedu noqonayo in Magaalada Qudus gabi ahaanba laga dhaxal wareejiyo Dadkeedii Asalka ahaa ee Muslimiinta Reerfalastii.

Hay’ada ayaa sheegtay in dhibaatada lagu hayo Magaalada Barakeysan ee Qudus iyo Muqadasaadkeedu gaaray xad aan laga aamusi Karin oo aan leyska indhatirikarin, waxayna ugu baaqaday dhamaan ururdada Caalamiga ah in arintaa wax laga qabto.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Q.M oo Walaac ka Muujisay Fulinta Ballanqaadkii Brussels ee Maaliyadda loogu Yaboohay DKMG ah iyo AMISOM
  2. Yuhuuda oo dhul Hor leh si xoog ah uga qabsanaysa Falastiin
  3. Mu’asasada Al-Qudus oo ka digtay in Al-Aqsa Xoog lagu galo Umadana ugu baaqday in ay Baraarugaan
  4. Midowga Europe oo ku baaqay in laqeybsado Qudus.
  5. Xamaas oo ku eedaysay Beesha Caalamka inay ku lugleedahay Yuhuudaynta Qudus

Readers Comments (1)

  1. Cawil says:

    ILAAHOW ADIGU KAQABO MUSLIMKII DICIIFBUU NOQDEE.ILAAHOW RABIYOW WAXAAN KAABARYEYYAA IN ISLAAMKA QUWADIISII SOOCELISID INTA AAN NOOLAHAY. OO AAN INDHAHAYGA KU ARKAA.

    YAA RABBI YAA RABBI YAA RABBI.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Q.M oo Walaac ka Muujisay Fulinta Ballanqaadkii Brussels ee Maaliyadda loogu Yaboohay DKMG ah iyo AMISOM
  2. Yuhuuda oo dhul Hor leh si xoog ah uga qabsanaysa Falastiin
  3. Mu’asasada Al-Qudus oo ka digtay in Al-Aqsa Xoog lagu galo Umadana ugu baaqday in ay Baraarugaan
  4. Midowga Europe oo ku baaqay in laqeybsado Qudus.
  5. Xamaas oo ku eedaysay Beesha Caalamka inay ku lugleedahay Yuhuudaynta Qudus

Latest Headlines