Ninkii ka soo horjeeday dhismaha Minaaradaha Masaajida ee Switzerland oo Muslimey.

Published on February 5, 2010 by   ·   19 Comments   ·   print

Sida warbaahintu tabineysay beryahan danbe waxaa la sheegayaa inuu Muslimey Siyaasigii reer Switzerland, Daniel Stretch ee hogaaminyay Xamladii ka dhanka aheyd Minaaradaha Masaajida Muslimiinta ee Dalka Switzerland.

Wargeyska Al-khabar ee ka soo baxa Dalka Jazaa’ir waxa uu sheegay Daniel Stretch oo ka tirsan Xizbiga A’shacab ee Dalka Switzerland sidoo kalena ahaa Siyaasi si aada dalka looga yaqaano, hogaaminayeyna Xamaladii ka dhanka aheyd dhisida Masaajida iyo Minaaradaha Dalka Switzerland inuu shaaciyay Islaanimadiisa.

Waxa uu sidoo kale wargeysku intaa ku darey in shaacinta Islaanimada Daniel Stretch lagu baahiyay baro internet oo dhowra, saameyna weyna u yeesahay  dalka Switzerland, gaar ahaan dadkii horey ugu taageeray go’aankiisii hore ee ahaa diidmada dhisida Masaajida iyo Minaaradaha.

Daniel oo markii hore olale xoogan u galey mucaarida Islaamka iyo dadka Muslimiinta, sidoo kalena taageero ku helay arintaa, ayaa u muuqda mid fikirkiisa dib isugu noqdey arintaas oo keentay inuu wax badan ka fahmo Diinta Islaamka ugu danbeyntiina keentay inuu shaaciyo inuu Islaamey, una bedelay Olalihiisa masaajido badan inuu ka dhiso Yurub sida warka lagu helayo.

Sida warbaahinta Switzerland tabisey, Daniel Stretch waxa uu ka istaqaalo qaatey Xizbigii uu ka tirsanaa ka dib markii uu Muslimay.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Switzerland oo laga Diidanyahay Minaaradaha Masaajidda
  2. Muftiga Masar:-“Mamnuucida Switzerland ee Minaaradaha waa Ihaaneynta Muslimiinta”
  3. Qaar kamid ah Xisbiyada Holland oo codsaday in Dalkooda lagamamnuuco Qu’aanka iyo Minaaradaha.
  4. Xamlo looga soo horjeeda Dhismaha Masaajida oo ka bilaabatay Jamhuriyada Check-ga.
  5. Switzerland oo Ciidamo u diraysa Xeebaha Somalia

Readers Comments (19)

  1. Bashiir indhagaduud says:

    Maasha Allaah, Allaahu akbar.

    aad baan ugu faraxsanahay inuu ninkaan soo islaamo,waxaana rajeynayaa inuu helo dad Muslim ah oo wax badan ka bara diinteena suuban ee islaamka ah,waxaan sidoo kale Alle u weydiinayaa inuu ninkaan ka dhigo geesi islaami ah oo wax badan u qabta diinta islaamka. Maasha Allaah.asc wr wb yaa ikhwaanii.

  2. Salimu-sadri says:

    Allahu akbar hadey rumowdo wa arin mucjizo rabaani ah o tuseysa in qulubta dadka allaah mamulo xikmadisuna u ku hanuninayo cidu dono allow islamnimo nagu dil yaa rabi.

  3. proud mujahidah says:

    allahu akbar allahu akbar mashallah

  4. xiin-faniin says:

    haday run tahay waa arin fiican.

  5. xasan says:

    asc nimanyahayow warkaa halayska hubiyo waayo waxyaabo badan ayaa layska sheegaa oo aan iska rumaysanaa , taasna macneheedu maaha in aan kaxumahay inuu islaamo bal aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay hadduu islaamo waana alxamdulilaah lakin warka halayska hubsado ayadoo meela badan loo noqonayo
    wsc wr wb

  6. C.qani cali gadhle says:

    maan shaa Allah Alxamduliaah meel hadii diinta islaamka lagu dhibo iyo muslimiinta waxa maarkhaati ma doon ah in ay halkaas illahay faraj uuga furo diintan ilaamkuna waa diinta kali ah ee faafaysa biduuni rijaal.

  7. beden says:

    masha allah wlhi waa war aad loga farxo… runtii dinta islamka way faftay galadana waxay ogaden in ay tahay dinta islamka dinta sax da ah alhamulilaah

  8. cabdulahi says:

    allah akbar allah akbar allah akbar ilahey ayaa ma had iska leh alxamulahi wax da arinta waa arin aad iyo aad u farxad badan qulubta bina adanka ilahey ayey gacatisa ku jirta masha allah ilahey ha u siyadiya soo islamay lkn murtadkaga mesha ku jiro waa in la dila murtad murtad dhalay

  9. yusuf says:

    asc
    Takbiiiiiiir. Waa arin aad u fiican. Waxan rajaynaya in gaalo kale sida ayaan xirsi ay ka soo noqdaan khaladaadkooda

  10. Axmed carab says:

    Asc ilahay aya wax hanuniya wagul usohoyatay islamka kadib waxan rajaynayna kumanan kale in ay sogalan dinta islamka muslinta dacfiga u kaqado mahad sanidin

  11. Ducaale says:

    ALLAAHU AKBAR WALILAAHIL XAMDU WAANKU FARAXSANAHAY LAKIIN MALCUUNKA LABAXAY CHRIST waxaan ku oranlahaa advise dadkaga dhinackaraac gaalo kuwii hore ugalay wax uqabanweyday maen africanka diinta ma aha diin carbeed waa diinul islaam carab waatii diidtan hor istagtay lakiin waxba katari weyday wataa faaftay TAKBIIR ALLAAHU AKBAR KANAXOW NAFTA WAAY SOMALIMIRROR PLS CUNAQABATEYN HA ISAARINA

  12. molimm says:

    Hay war muxuu ahaa Eygaan Eygu dhalay oo meesha soo galay oo leh kirstaanbaan ahay adeer waxaa noo balan ah markaad somalia kusoo noqotaan hadaanaan idin duban alaylehe muslim manihin car habari somalia ha idinka timaado. duli diintoodii gatay oo kitstan noqday ayhaad tihiin kuligiina dil ayaad ku xukumantihiin.

    Daciif daciif dhalay ayaad wada tihiin somalida diinta gadatay oon aduuna helin aakhirana Naar ayaad kuwaaraysaan aduunkana alshabaab ayaa idin sugaya.

  13. dahir says:

    Allahu akbar.Tasi waxay kutusinayasaa in bani adamku,ninkii ilaahay hanuuniyo uu hanuusami.

  14. Abuu khalid says:

    A. Aleykum

    Walaalayaaal ninkani wuxuu Muslim ahaa labo sano intuusan shaaacin Muslinimadiisa (oo wuu siraysaneyey muslinimadiisa) mana ka soo horjeedin dhismaha Minaaaradaha ee xisbigiisa ayaa ka soo horjeedey.
    Wuxuuna ahaa ninka ugu caansan xisbigiisa oo ku xoogan magaalada Bulle, Switzerland.

    Sababta uu uga tegey xisbigiisa waxay ahayd Muslimiinta ugaarsigooda iyo minaarado la dagaalanka.

    Abuu Khalid, Bosaso

  15. axmed says:

    haddii uu soo islaamay isaga ayey anfaceysaa oo naftiisa cadaadka ka badbaadiyey haddii kalena naxariista rabbi waa u goysey ee ALLAAH xaqqa ha ku tuso.

  16. nuuradiin (abuu dujaana) says:

    maashaa allaah

  17. Cali Guure says:

    ACW

    Haddii uu soo islaamay waa khayr laakiin waxaan la qabaa warkii akh Xasan ee ahaa war hala hubsado. Waayo Maykel jacksonbaa sanado ayaa nalagu wacdinayey inuu islaamay. Markii Carab wax badan ka cunay weligiis laguma arag masjid uma gargaarin nafiisa ama qadiyad Islaam ah.

    markii la xabaalayeyna waxaa caddaatey in loo duugey sida gaalada isu duugaan.

    Mike Tyson isaga oo girl friendskiisa wata ayaa lagu islaamiyey masjid oo ku wasaqeeyey falkiisa girlfriendiga. Markii uu lacagtiisii gubayna lama haayo.

    Maalin walba waxaa la dhahaa gaal baa soo islaamey inta wax islaamka u qabtana waaba iska yar yihiin ee yaanan muslimiinta la luggooyin.

    Dad aan ku jiro oo aanan weli reer galbeedka tegin waxaan aaminsannahay in kooxaha ikhwaanka oo ku xoog badan dhulka gaalada lahayn manhaj islami ah oo waxbarid taasi oo ka dhigta midkii soo islaamaba mid ay ka dhigaan guulwade maalinta dambe karkaarka ka waydaarta.

    Laakiin waxaan shaki ku jirin in diinta gaari doonto meel walba insha Allah.

  18. waaniye says:

    alxamdulilaah aad baanugu farxayna wararka noocaas oo kale ah waana soo dhawaynaynaa , wixii kadaba lumay gaaladaaas kuna sirmay dhaldhalaalka aduunka waxaan leenahay kucibra qaata ninkaas oo kale khaladkiinaana kasoo laabta , hana ku dhimanina gaalnimo si aydan naarta ugu waarin ,
    wabilaahi tawfiq.

  19. mohaa says:

    ALLAHU ALLAHU ALLAHU AKBAR.
    AAD AYAAN UGUFARXAY ISBADALKAAN.
    WAANA GUUL ILAAHEY USOOHOYIYAY MUSLIMIINTA IYO ILSAMKA KHASATAN EUROPE AMA WESTERNERS AMA REER GALBAAEDKA .
    IYO GUUD AHAAN MUSLIMIINTA ILAAH HADHIGO MID EEY TAAGERO KAHELAAN MUSLIMIINTA . AAMIN AAMIN.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Switzerland oo laga Diidanyahay Minaaradaha Masaajidda
  2. Muftiga Masar:-“Mamnuucida Switzerland ee Minaaradaha waa Ihaaneynta Muslimiinta”
  3. Qaar kamid ah Xisbiyada Holland oo codsaday in Dalkooda lagamamnuuco Qu’aanka iyo Minaaradaha.
  4. Xamlo looga soo horjeeda Dhismaha Masaajida oo ka bilaabatay Jamhuriyada Check-ga.
  5. Switzerland oo Ciidamo u diraysa Xeebaha Somalia

Latest Headlines