Is barbardhiga, Nolashada Haweenka Muslimiinta & kuwa reer Galbeedka
By Somalimirror on 5 Feb, 2010 6:13 PM in Main, Wararka
Inta badan bulshada reer galbadeedku Dumarka Muslimiinta ee ku hagoogan Xijaabka Sharciga ah waxay ka aaminsan yihiin fikrado khaldan oo ah inay ku nool yihiin cadaadis iyo dhibaatooyin joogta ah, taas badeelkeedase inta badan Muslimiintu xaqiiqo rasmiya kama hayaan nolosha Haweenka Reer Galbeedku ku nool yihiin, waxa keliya ee ay kala socdaana waa muuqaalo iyo filimo warbaahinta reer Galbeedku ka soo gudbiyaan Haweenkooda oo tusinaya inay kula nool yihiin wahelkooda nolol wanaagsan gaar ahaan xilliyada Jardiimada iyo goobaha dalxiiska ku wada sugan yihiin.

Qormadan waxaanu ku soo gudbineynaa xaqiiqooyin rasmiya oo aan aheyn kuwo la iska alifey amaba caadifad ku dhisan balse cuskanaya macluumaad rasmiya iyo tiro koobyo sugan oo laga soo xiganayo ilo reer Galbadeed.
Nolasha Dhabta ah ee Haweenka Reer Galbeedka.
Muuqaalka kore waxa la arkayaa waa Haweeneyda Reer Galbeedka oo Seygeeda amaba waxay yidhaahdaan Saaxiibka kula socota banaanada farxad iyo reyreyn, balse hadii aynu hoos u daadegno, Xarumaha Xukuumada ee qaabilsan cilmi baadhista xanuunada waxay sheegeen, cel-celis ahaan haweenka uu ninka Mareykanka ah isticmaalo inay gaadhayaan 7, balse 29% ragu haweenka ay u tagaan inay gaadhanayaan 15 dumara.
Daraasad 14 Dowladood isla diyaariyeen oo BBC-da laga sii daayay waxay sheegeysaa 42% dadka ingiriisku inay xidhiidh jinsiyadeed la sameeyaan in kabadan hal qof isku xilli, halka kala bar Dadka reer Mareykan xiriir jinsiyadeed la sameeyaan dadkaan is qabin, Talyaaniga 38%, faransiiskana 36%.
Xiriirka Raga & Dumarka marka loo eego Reer Galbeedka guud ahaan waa mid khilaafsan sida loo heysto, Haweeneydo waa mid si dhaba ugu xiran nin qura, halka ninku inta uu doono xiriir la sameyn karo oo dumara, hadii arintaa haweeneydo u baahato waa inay qarash badan gashaa sidii xoriyadeeda u heli laheyd.
Si khilaafsan guurka Muslimiinta, Raga reer galbeedku xoriyad taama ayey u heystaan ka madax banaanida haweenka oo guur la’aan ay u waheliso damaanad la’aan maaliya iyo mid kaleba ayey ku heystaan haweenka, sida Haweenka jirkooda ka ganacsada oo la dhihi karo iyagaaba ka roon marka loo eego qarashka ay helayaan, kuwanse waxba heli maayaan.
Haweenka sidan uurka ku qaado, Ilmaha ku dhasha waa ku keligeed, hadey doonto Mas’uuliyada xanaaneytooda way qaadi haadi kale way dili oo iska soo ridi.
Mareykanka 10.4 Milyan oo qoys ayey Haweenku keligood nolashooda maareeyaan, sidey sheegeen hay’adaha tirakoobka Mareykanka ugu qaabilsan.
Mareykanka oo keliya Ilamaha la iska soo rido waxaa loo dilaa Hal Milyan oo Ilmo sanadkiiba.
Xumaanta gogol dhaafka waxaa ka dhashey xanuuno badan, Mareyanka oo keliya 65 Milyan oo qof ayaa qaba xanuuno gogol dhaafka ka dhashey oo aan la daaweyn Karin.
Kufsigu xad ma leh, Mareykanka 683 kun oo Haween ayaa sanadkii kufsi la kulma taas oo ka dhigan saacadiiba 78 haween in la kufsado. 16% oo keliya haweenkan ayaa lala socod siiyaa falka la gula kacayo, sidey sheegtayWasaarada Cadaalada ee Mareykanku.
Isku dhaca xaga qoyska hadalkiisa daaba, 1320 haween ayaa sanadkii isku dhac xaga qoyska ah u dhinta taas oo ka dhigan 4 haweena malintiiba, sidey Wasaarada Cadaalada ee Mareykanku sheegtay.
(40-50)% haweenka la dilo Mareykanka waxaa dilka u geysta ragooda amaba waxay ku sheegaan saaxiibka.
3 Milyan oo haween ayaa sanadkii Mareykanka dhexdiisa kala kulma ragooda amaba saaxiibadooda xad gudubyo xaga jidhka.
Xaga shaqada marka laga hadlyo, Islaamku Haweenka wuu karaameeyay wuuna ka kaafiyay inay shaqeeyaan in laga fursan waayo mooyaanee, Mas’uuliyada Nafaqada iyo shaqaduba waxey dusha ka saaran tahey raga, halka haweenka arintaa laga kaafiyay xataa nafteeda, arintaa mid khilaafsan reer galbeedku si guud haweenku way ku qasban tahey inay soo dhacsato nolol maalmeedka, sida qawaaniintoodu dhigayaana raga dusha kama saarna nafaqada haweenka.
Sida Wasaarada Cadaalada ee Mareykanku baahisey inta badan Haweenku waxay ka shaqeeyaan shaqooyin mushahar ahaan iyo boos ahaanba hooseeya, 97% shirkadaha iyo meelaha sar sare waxaa ka shaqeeya raga oo keliya.
Sidoo kale isla warbixin kale oo Wasaaradu soo saartey waxey sheegtay 89% adeegayaasha iyo nadaafada inay ka shaqeeyaan haweenku.
Iyadu xaaladu sidaa tahey, sidaa haweenku kuma nabad gelin ee raga ay la shaqeynayaan waxey kala kulmaan handadaad iyo dhobaatooyin kale oo joogta ah sida kufsi, Wasaarada Caalada ee Mareykanku waxay sheegtay 78% haweenka ka shaqeeya ciidamada qalabka sida inay kufsi iyo dhibaatooyin kaleba kala kulmaan ciidamada ay la shaqeyanayaan.
Intaa kuma koobna dhibaatooyinka la soo gudboonaada haweenka reer galbeedka balse waa kuwo si joogta ah ula kulmaan si ay u helaan nolol maalmeedkooda dhib walba oo ay u maraan si ay wax ula qeybsadaan raga bahaloobey.
Gunaanadka nolasha haweenka reer galbeedku, xilligey gaboobaan waa mid ku keliya oo ayna jirin cid wahelineysa ha ahaadaan ragoodii amaba awlaadii ay dhaleen, keligeed iyo Ey amaba guri cidla ah hadii ay leedahey xoogaa maala ayaa la isaga tegayaa, halka Haweenka Muslimintu Markey gaboobaan ku nool yihiin nolol ay ku hareereysan tahey jaceyl iyo xanaaneyn gaara oo ay kala kulmeyso Ilmaheeda iyo kuwii ay sii dhaleen.
Kala bar haweenka Mareykanka ee dhaafey 75 jir waa kuwo si keliya u nool oo ayna jirin cid xanaaneysa.
Aragney kuwa reer Galbeedka ee aynu u soo gudubno Haweenka Muslimiinta ee Xijaabka ku hagoogan. Inta badan reer Galbeedku cilmi badan kama heystaan waxeyse arkaan iyaga oo xijaaban oo wadooyinka maraya oo keliya waxeyna u heystaan noloshooda oo dhan inay intaa ku kooban tahey, balse waxba kalama socdaan xilliyada ay guryahooda, goobaha u gaarka ah sida goobaha waxbarashada, kuwa dalxiilka iyo meelaha kale ee la isugu yimaado ku sugan yihiin xaalada ay ku jiraan iyo sida noloshoodu tahey.
Fiicnaal laheydaa hadii ay ogaan lahaayeen xaalada iyo nolashada ay ku jiraan xilliyada kale ee ayna xijaabka sidan, mise la socdaan xijaabku inaanu aheyn mid xilli walba ku waajiba inay sitaan, marka laga reebo xilliga ay ka og dhow yihiin raga ka ajaanibta ah.
Haweenku inay xirtaan Xijaabka, dhex gelina raga waa arinta badbaadinta Mujtamaca qeyb weyn ka ah kana difaaceysa khataro waa weyn.
Wanaaga xijaabku u leeyihiin bulshada Muslimiinta guud ahaan gaar ahaan Haweenka waxaa ka mida:-
1. Inay Haweenku ka nabad galaan dhibaatooyinka badan ee la degan kuwa reer Galbeedka.
2. Inay sidoo kale Haweeneydu ka badbaado dhobaatooyinka ka dhasha isku dhaca qoyska dhexdiisa si ayna u imaan kala fur furnaan bulshada ku timaada.
3. Iyo ugu danbeyn ragu inay ka nabad galaan fitnooyinka ka dhalan kara is dhex galka Raga iyo Dumarka iyo inay cowradoodu muuqato.
Xigasho; shobohat.com
Daabaco
Dadka kii inkirayoow
Waa amaan islaamkuye
Kii aan ogaynow
Waa nolol iftiinliyo
Aayiyo walaalimo
Qof ilaah yaqaanana
Abid lama ansimikaro
Ubad waladka gaalaa
Dumarkuna astaan bay
Uyihiin sidoodaba
Diinteena asalkaa
Midu waa abootiyo
Umaa iyo ayeeyiyo
Eediyo walaasheen
Inantaanu dhalay iyo
Afadeeni weeyaan
Raga ruux ardaalaa
Eedeeya waligiis
An amaanin oo dila
Miday uurku qaadaan
Miday araxda seexshaan
Miday ooridiistahay
Inantii udhalay iyo
Waa mid ina adeertiya
Ilaahii na uumana
Aman buu ujeedshaa
Ruuxii u asxaanfala
Aduunyada wanaag buu
Aayatiin uleeyahay
Aakhirana janaa sugi
wali maan dhamayn laakiin intaas hordha uqaata
abu fatima | Feb 5, 2010 | Reply
Bal falanqada labaad ka dhiga dumarka Soomaalida iyo sida dagaalka bilaa macniga ah madaafiicdu u xasuuqday. Waxaan filayaa inay SomaliMirror ay wanaagsanaan lahayd inaad shacabka Soomaalida ah dhibka haysta ka hadashaan intaad maaweelada aad ka soo guuriseen dad wahmi ku nool meesha kaynaysaan.
Bal noo sheega tira koobka inta dumar Soomaaliya bada ku qarqay ayagoo wadankooda ka baxsanaya. Bal noo sheega inta dumar Soomaali ah cidla nacab ku fara xumeeyay, inta saxarah ku dhintay iyo inta xabisyada aduunka hada ka buuxa.
Allemagan | Feb 5, 2010 | Reply
maasha Allaah, waa akhbaar aad u muhiim ah, waxaa hubaal ah lamaanayashaa muslimka ah inay nabad iyo raaxo ku wada noolyihiin, halka kuwa gaaladda ah buuq iyo jahawareer daris la yihiin.waxaa kaloo run ah inay ciyaalkoodu ku noqdaan caasi waalidiin oo qaarkood ayba ka tagaan ayagoo aan qaan gaarin caawinaad iskaba daa ay caawiyaan waalidkood, waxaad arkeysaa mararka qaar ilmo iyo waalidkiis 30 sano ka dib lagu leeyahay wey heyshiiyeen oo dib u midoobay waxayna ku noolaayeen isku magaalo mana isla hadli jirin iskabadadaaye booqasho. ilaah ayaa ka magan galnay taas.
Alle ayaa mahad leh islaamka naga dhigay.
Bashiir indhagaduud | Feb 5, 2010 | Reply
walaal farqiga u dhexeeya labadaan qolo waa kan u dhexeeya cirka iyo dhulka oo qofna wuxuu raacay Ilaahay kitaabkiisii midna wuxuu raacay shaydaan iyo hawadiisa , waxaa layiri Ri, (waa ari cadka kiisa dhadig) haday bari leedahay dabadeeda ayey ku qarsan lahayd ) marka reer galbeed haday wax garanayaan Eeyaha macaabudeen oo khansiirka macuneen ayagoo og jeermiskooda iyo qurunkooda , waa dad u nool sida xoolaha kaliya waxay kafakaraan calooshooda iyo farjigooda .
c/naasir xaashi c/lle | Feb 5, 2010 | Reply
waa warbixin aad iyo aad u qiimo badan , runtii aad baan ula dhacay sida isbarbar dhiga loo sameeyey, una soo bandhigteen wanaaga islaamku leeyahay iyo wahmiga saaran dadka ka qaday nimcada islaamku leehayay somalimirror you are the number of my information sources
abdilaahi | Feb 5, 2010 | Reply
AS WR WB SALAAN KADIB AAD IYO AAD AYUU U MAHADSANYAHAY WALAALKA NOO SOO ARUURIYAY XOGTA KU SAABSAN GUUD AHAAN NOLOSHA KA JIRTA GALBEEDA GAAR AHAANA NOLSHA EEY KU NOOLYIHIIN HAWEENKA REER GALBEEDKA RUNTII WALAAKEN WAXAA UU SHEEGAY WAX XAQIIQA WALIBA WAXAAN DHIHI KARAA WAX YAR AYUU NOOGA TAATAABTAY EE HADII DARAASAD AAD U BADAN KASO SAMEEYN LAHAA WAX BADAN AYUU NOO SOO GUDBIN LAHAA LAKIIN INTAANBAABA NOOGA FILAN AYAAN QABAA SI KASTOOY AHAATABA WAXAAN RABAA INAAN INAAN IDIIN SHEEGO GUUD AHAAN HABLIHI MUSLIMIINTA GAAR AHAANA KUWII SOMALIYEED WAXAA EEY MEELAHA LA TAAGTAAGANYIHIIN XAQAANAGIIBAA LAGU CAYAARAY XORIYADII BAA LAGA QAADAY WAXAANA ARITAA KA DHAADHICIYAY REER GALBEEDKA OO LA DAMACSAN INEEY KU RIDAAN GODKA EEY AYAGA KU DHACEEN ILAAHAY GABDHAHA MUSLIMAADKA XAQA HA TUSO SIDA EEY U SHARAFANYIHIINA HA FAHANSIIYO AAMIIN
xaaji | Feb 5, 2010 | Reply
WAXAAN U ARKAA ARIN IN NALOO IFTIIMIYA AANU UBAAHNAYN. WAAYO UMADA MUSLIMIINTA AH WAXAA DAWAQIYAY WARBAAHINTA GAALADA OO BEEN AAN JIRIN MUSLIMIINBADAN AY KU SEEXISAY LAAKIIN QOFKII CAQLI LE WAXAA UU GARANKARAA ILAAHAY HADALADIISA DHAHIRAN IN UU 1400 OO SANA KAHOR UU INOO SHEEGAY. (ISAGOOLE WAXA AY AFKA KASHEEGAYAAN WAXAAKAWAYN WAXA AY LAABAHOODA IDIINKU QARINAYAAN) MARKA AADBAAN UGU MAHAD CELINAYNAA INANKA WARBIXINTAN SOO SAARAY OO AH MID AAD LOOGU BAAHAN YAHAY UNA SOO BAARA AQRISTAYAASHA WARAR MAANKOODA WAX KABADALIKARA WAAD MAHAD SANTIHIIN
jab libaax | Feb 6, 2010 | Reply
Somalimirror iyaga oo mahadsan waxaan ku raacsanahay Allegaman fikradiisa.
Qora fadlan dhibka gaarey dumarka Soomaaliyeed ee qaxay ama lagu halakeeyey gudaha iyo dibbada.
Sidoo kale ka hadla daawooyinka lagu beddelayo ee dumarkeenna ku waasheen oo laga keenay shirkadaha gaalada oo dhan.
Cali Guure | Feb 6, 2010 | Reply
Mawduucaan waa mawduuc aad iyo aad muhiim u ah
waxan jeclaan lahaa in aad ummadda Somaaliyeed usoo gudbisaan mar kale oo ku beegan waxa loogu yeero sideeda march si ay ugu cibro qaataan gabdhaha soomaaliyeed ee eelagu khaldayo waxaan jirin.
Inj Maxamed | Feb 6, 2010 | Reply
bismilaah
waxaan leeyahay somali mirror jasaakumulaahu khayran sida aad noogu soo gudbiseen waaqica xun ay ku nool yihiin qoysaska gaalada ah iyo sida sharafta badan ay dadka muslimiinta ah u noolyihiin, islamarkaana fudaydka badan.
waxaana idinka filaynaa qoraaladaan oo kale iyo wax badan o ku saaabsan arimahaas in aad noo soo tabisaan si ay ugu cibraqaataaan dadka moodayo in ree galbeedka gaalada ah in ay fiicanyihiin ama sida layiraahdo xoriyadda dumarka i.w.m. ay macnaheedu tahay in dumarkii alla sharfay oo xitaa ninkii dhamaa ee ragga ahaa ayaga uu u adeegaay looguna suureeyo wax xun si ay duliyadaas faraha badan ay noo soo tabisay shabkada ugu ridaan , inta qarsoona wayba ka badantahay
kuwaa idinku eedeeyay in aad soo sheegtaan dumarka soomaaliyeed ee daafaha aduunka ku dhibaataysan way saxanyihiin , in kastoo ay tahay wax un ku dhacay dhibaatada caamka ah ee dadka oo idil wada taabatay , laakiin run ahaantii yaman oo kale ama sacuudiya dumarka usoo qaxay waxay ku noolyihiin nolol aad looga qiiroodo aadna loogaa yaxyaxo loogan yakh yakhsoodo oo waxaa yaaco magaalooyinka waa waeen gabdho yar yar oo qaar tuuksanayaan qaar badana wax xun ku hoos wataan sida la ii sheegay ayadoo waliba xumaantaas lagu ogyahay nasiib daro , marka waxay ila tahay in ay adkeeyaan wadaada xamar jooga arinkaas oo aynan ogalaan in gabar ay kaligeed maxram la’aan safarto siiba safarka jidka ah ee ay tarhiibka uyaqaanaan waa in laga celiyaa alaa irsaaqad badane, , dhibaatadaasna wa mid aaad ubalaaran oo aan la malayn karayn marka waa in waxbadan laga fakiraa oo laga fiirsadaa ama qaab ahalnimo ama qaab xukun ama qaabkalaba ha ahaatee.
waxa kaloo ku jira tahriibayaasha gabdhaha qaar hooyooyinkood dahabka kasoo xado si ay ugu tarhiibaan iyo in badan ooo ka dhuunta waalidkood dabcan halkaasna inkaar waalid ku shaqaysta, iyo waxaa kamid ah ee yaman ku arkay qaar nimaanka uguurasado si markay uur yeeshaan ama muddo kadib uga dacwoodaan meelaha quranyada midoobay oo kale si ay dhoof ugu helaan, marka musiibooyinku aad ayay u badanyihiin ay lasoo baxaan dumarka banaaka u baxo kuwa ku nool wadamada gaalada ahna warkooda daa ayagaaba ninka ka awood badan ayaa la sheegaa, qaarna waxay ukala noolyihiin saparate oo ah ninka in uu iska dhigo in uusan qabin islaantiisa meel kalana uu dago cidiisana meel kale ay dagantahay sii uu bal gaalada qaabkaas xoogaa shilaamad ah ugu helo , ama waxaa laga yaaba in uu baryo gurigiisa laakiin qoraxda haday soo baxdo waa in uu isku taagi labiskiisa si uu isaga dhigo nin booqasho ku yimid, waa kadeed ka mid ah kadeedka ay ku jiraan dadka hungurigu wadamadaas gaalada ah geeyay , wax dhibataadaas ka dhalan karana allaahu aclam , ugaaloobidda shilaamaad yarna aaad ayay soomaalidu ugu badaTAY AY KA MID TAHAY IN MARKA BAASABOORJKA LASIINAAYO loo shardiyo in uu gaaLlada wax ka doorto ama wadankooda wax ka difaaco ama lagu dhaariyo maxkamadooda horteeda in uu daacad uyahay boqoradda ingiriiska .i.w.m walaahul mustacaan
wabilaahi tawfiq.
waaniye | Feb 6, 2010 | Reply