XUSUUS QORKAYGA – 1 (CEELKA YAA KA CABAYA?)

 

W/Q. Sh. Muxamad Idris Axmed

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato.

Bishii December 24keedi ilaa 4tii January 2010 waxaan Booqasho dacwadeed kusoo maray Dalka Zambia labada magaalo ee ugu caansan Lusaka iyo Ndola, Soomaaliduna ku badan tahay. 5tii January ilaa 28kii January 2010, waxaan iyana Booqasho dacwadeed ku tegey Dalka South Africa oo Jaaliyadda Soomaalidu aad ugu badantahay, magaalooyinka iyo gobolada aan marayna waxaa ka mida Johannesburg, Rustenburg, Polokwane, Tzanin, East London, Port Elizabeth, Knyzna, George, Mossul bay, Capetown (Bellville iyo Mitchells plain) oo intaba aan ku booqday jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Waxaan Maqaalkan hordhaca ah ugu soo gudbinayaa akhristayaasha sharafta leh, qayb ka mida xusuus qorkayga gaarka ah, kadibna waxaan u gudbi doonaa faallooyinkii caadada inoo ahayd.

1)  Lusaka Zambia

Zambia wexey ka mid tahay dalalka Africa ee saboolka ah, inkastoo ay sida qaaradda afrika u badan tahay ay khayraad badan hodon ku tahay, hadana afrika khayraadkeeda wey ka qatan tahay oo aadana kale, kuwa guduudane haba u badnaadaane, ayaa khayraadkeeda gurta. Soomaalidu dalkan Zambia magac iyo maamuus ayey ku leedahay weli, taasoo ka dambaysa sumcaddii ay Soomaalidu lahayd Dawlad ahaan, (Waa markey Dawlad ahayde) iyo dad ahaanba. Maanta Dawladnimo Soomaaliyeed god ayey ku dhacday, kamana dambayn odagii Maxamed Siyaad wax kasta oo laga sheego, iyo cid kastoo neceb, wuxuu ahaa Dawldnimadii Soomaaliyeed ee u dambaysey, wax qeybka inoogu qarsoon mooyaane.

Lusaka waayadii aanu iskuulka soomaaliya dhigan jirney horraankii 70kii waxaanu (arday) ahaan u haysaney magac diryaama oo soo jiidasho leh. Hase yeeshee, magaalada waxaa ka muuqata diif iyo sabool nimo, faras magaaluhu aad uma bilicsana, dhismayaal cusub oo kusoo jiitana ma leh, dadka deganina wexeyba iigu dareen, dhawrka daarood ee magaalada bartameheeda ku yaal waa kuwii ka haray odagii dalka xukumi jirey Keneth Kaunda, wax ka dambeeyana laguma darin. Xaafadaha deegaanu waa ka fiican yihiin magaalada bartameheeda xagga bilicda iyo quruxda. Magaaladu waa cagaar, geeduhuna waa ku badan yihiin, mar kasta oo aad bartamaha ka baxdo.

Waxaa ku taal Lusaka Safaarad Soomaalidu leedahay oo aad u qurux badan, markhaati weynna u ah Dawlad nimadii jiri jirtey, kana kooban Aqalka Safiirka iyo dhismaha Xafiisyada, kuna taal madaxtooyada wadanka meel ku dhow.

Soomaalida Lusaka deggan waa dad shaqaysta, hanti fiicanna ku leh wadanka, si weynna loo ixtiraamo. Ganacsigooda waxaa u badan baabuur iyo dhagaxa la jebiyo (crushers) iyo wershedaha Bulukeetiga. Waxaa kaloo jira, ceelasha shidaalka iyo wershedo kala duwan sida galleyda iyo sonkorta.

In badan guryaha ay deggan yihiin dadka shaqaysta ama ganacsada waa gurya fiican oo waaweyn, wax badan ayaa laga yaabaa dadka yurub deggani iney middan ku kuunyaan dadka Afrika, waayo dalalka galbeedka qofka ugu fiican ayaa guri yar oo 3 ama 4 qol ah deggan, fillooyin waaweyn iyo qasriyo 1 acre ahna ma haweysto qof galbeedka deggani, wax aad nadir u ah mooyaane, halka ay afrika sida Zambia ay arrin aad caadi u ah tahay, malaha guryahaas qusuurta ahna gabdhaha yurub deggani wey ka masayri lahaayeen haddeey arki lahaayeen!

2)  Ndola

Magaalada Ndola xagga hawada wey ka qabowdahay kana roob badan tahay Lusaka, aadna waa uga cagaaran tahay oo sanadka oo dhan sida la ii sheegay waa cagaar (green). Waa magaala buuraley ah oo aad u qurux badan, Soomaalida deganina hal xaafad ayey u badan tahay hantidooda. Hantidaas waxaa ugu badan waa garaashyo waaweyn, maadaama dadku u badan yahay baabuurey, iyo haamaha iyo ceelasha shidaalka. Ganacsiga kale waa goos goos. Waxaa magaalada deggan dadkii 60kii iyo ka dib soo galay iyo kuwa cusub, iyo qaar ka yimi dalalka galbeedka (North America iyo Europe) oo meelahan ganacsi iyo shaqo iyo degaanba u soo doontay. Kolleyna khibrada badan ayey ku soo biiriyeen jaalliyadda iyaguna wax badan ayey ka macaasheen.

Mandiqadan ay Ndola ku taal waxaa lagu magacaabaa (Copper belt) ama suunka maarta, oo waa meelaha laga qodo maarta oo hantida wadanka ugu badan ah. Waxaa Soomaalidu ku leedahay masaajidda ku dhex yaal garaashyada iyo Masjid iyo School ku yaal xaafad horay Soomaalidu u degannaan jirtey ee Twabia la yiraahdo. Waana meesha (Iqra Islamic School) laga furay intii aanu booqashada ku mareyney.

Magaalada Ndola waa magaalo cimila fiican, inkastoo huurka maartu hawadeeda ku laban tahay, heer ayaad biyaha dhadhankooda ka dareemeyso.

Guud ahaan dalalkan afrika waa dalal ugub ah, oo khayraadku weli ceegaago inkastoo mudda dheer reer galbeedku hidiidayey welina hoosh ku hayo. Haddana waxaa Soomaalida uga furan Fursad aan uga furnayn dalalka reer galbeedka.

3)  South Afrika

South Afrika waa dal weyn oo hodon ah. Waxaadna ka garan kartaa halka wax soo saarka Zambia sanadkii lagu qiyaaso 8 billion $, South Afrika waa 280 billion oo $ sanadkii 2009. Soomaalidu wexey ku badan tahay South Afrika, waxaana soo jiidanaya fudaydka sharciga oo qaxootinimada loo ogolyahay deganaanshana lagu siiyo, ganacsiga yar yar oo ka furan, oo halka Zambia oo kale (investment) licence in lagu siiyo aad u baahantahay 250 kun oo dollar, South afrika inta warqad degaan oo 1 sano ah la siiyo oo qaxootinima ah, ayuu dukaan 2000 US$ ku darsan karaa, kana shaqaysan karaa oo biilkiisa kasoo saari karaa. Laakiin xagga amaanka ayaa aad ugu liita SA meelaha soomaalidu u badantahay ee la yiraahdo (lookayshanada) ama (townships) oo madawgu deggan yahay, ama dadka colour ka loo yaqaan, meelahaas oo nolosheedu aad u liidato, haddad dhex martana aad nolol ka quusaneyso. Waa meela guryeheedu yihiin buushash iyo jiingado yar yar. Wax adeegya casriyana ma leh, jidad iyo laydh iyo biya fiicanna ma leh. Meelahaas ayey Soomaalidu dukaama buushashkaas ah ka dhex furtaan, laakiin waa lacag socota, oo dadkan madawga ah wixii ay helaanba wexey geeyaan dukaanka. Waxaana dhici karta, dukaankaas maalintii inuu gado kun doolar. Waana meelaha Soomaalida lagu gummaado oo 90% in ka badan dadka la diley waxaa lagu diley meelahaas ee laguma dilin magaalooyinka waaweyn dhexdooda. Magaalooyinka waaweyn si qofku ganacsi uga furto waa inuu raasumaal fiican haystaa, sidaas darted ayaa dadku marka hore (lookeeyshanada) kusoo bilaabaan, kadib markey xoogaa lacaga helaanna wexey usoo guuraan magaalooyinka waaweyn. Hal location oo magaalada mossulbay ku ag yaal wexey ii sheegeen Soomali joogtey (105) dukaan oo soomaalidu leedahay iney ku taalo lookeeyshankaas keliya, dad badan oo Soomaaliyana wuu qabaa dhiigooda.

Intii aan joogney Cape town waxaan aasnay wiil isaga iyo saaxiibkiis lagu gubey (Lokeyshan) ku ag yaal Cape town. Wexey 2da wiil jiifeen (container) u ah dukaan. Habeenkii markey ahayd 2 am ayaa bansiin lagu shubay dabna la suray, halkaas oo qiiqii iyo dabkii midna u dhintay midna markaas kooma ku jirey. Wexey ahaayeen dhalinyaro 20 jirro ah, oo sanad ka badan aan dalka joogin, waana sida ay u badan yihiin dadka waayadan soo gala South afrika ama dalalka galbeedka, waa dhalinyaradii 20 jirtey ee kasoo huleeshay Soomaaliya.

Sifooyinka Wanaagsan ee Soomaalida

Taasi wexey tusineysaa dadka Soomaalidu iney yihiin dad karti leh, wax soo saar leh, hal abuur badan, qab weyn oo han sare leh, waxna qabsan kara meel kastoo ay tagaan, sidoo kale waa dad diinta jecel oo markey wax ku qancaan ku adag, waxaana laga garan karaa sida ay dacwada Islaamka weliba Sunnada ku taagan adduun weynaha manta ugu fidiyeen, South Afrika ilaa Norwey iyo Finland waqooyiga yurub, Australia ilaa Maraykan iyo Canada, Vancouver iyo Seattle Washington, oo xaggaas Pacific Ocean aan cidi ka xigin, iyo inta u dhexeysa, intaas oo aan cagta mariyey dhul aad u fara badan lama sheegi karo dad Sunnada iyo Caqiidada toosan ku faafiyey 20kii sano ee u dambaysey sida Soomaalidu ugu fidisay. Mana Jirto Jaaliyado fac yar oo u fir fircoon Sida Soomaalidu u fir fircoon tahay, ama uga shaqaysato dalalka ay tagaan, waana midda u soo jiidda Soomaalida xasadka iyo colaadda iyo dilka lagu hayo sida South Afrika, ama cadaadiska Kenya, ama lagu arki karo meela la mida.

Sifooyinka aan fiicnayn

 Laakiin sida dabeecadda aadanuhuba tahay, Soomaalida sida ay sifooyinkaa wanaagsan u leedahay ayey sifooyin aan fiicnayn u leedahay oo, waana midda dhalisay iney iyagoo sidaa u karti badan ayan manta Dawladna lahayn, Dalkoodiina gubayaan, iyaguna is dhamaynayaan. Sifooyinkaas aan fiicnayn waxaa:

# 1 ka ah qabyaaladda oo dadka Soomaalida meel weyn kaga taal, si  kasta oo qofka Soomaaligaa diin ama aqoon u leeyahayna waxaad marka u dambeeya u tegeysaa bahashaas oo salka fadhida, intuu ilaahay u naxariisto mooyee.

# 2  waa aqoon la’aanta wax wadaagga iyo wada shaqaysiga iyadoo wax lagu kala duwan yahay, taasna waxaan is leeyahay waxaa ugu wacan (badawnimada) ama (reer miyi) nimada, ama sida indheer garadka qaarkood u bixiyeen (aragtida reer guuraaga) oo qofka Soomaaliga wadaad iyo waranle, kuma badna inuu garto in la wada shaqayn karo waxna la wadaagi karo, iyadoo wax kale laysku khilaafsan yahay ama lagu kala duwan yahay. Labad Soomaali haddeey 5% isku khilaafaan, 95% ummuuraha isku waafaqsan yihiin, laba dhinac ayey u kala boodayaan. Waa sidii reer baadiyaha, markey ceelka ama daaqa ku heshiin waayaan, mid kastaa reerka ayuu subaxdiiba rarayaa, meel cidla ah ayuuna degayaa. Ma laha feker wax wadaag, ama isu tanaasul (compromise) ama aragti dheer oo ka dambaysa ficiltanka markaa taagan. Dantii labadooda ka dhexaysey ee aan kawada maarmin ayaa meeshaas ku bur bureysa.

# 3 Waxaa na haysata aqoon yari dhinacya kala duwan ah qofku markaanu aqoon lahaynna waxa uu is gaarsiiyo ayaa ka badan waxa cadawgiisu gaarsiiyo, tacabkiisa iyo xoogiisuna meel cidlaa ayuu ku lumaa. Qaar waxaa haysata aqoon yari xagga diinta ah, Qur’aankii iyo Sunnadii ayey markaa qoorta jebinayaan, heyjad cidlaa ayey jibaaxayaan, iyagoona isu haysta wadadii ugu saxsanayd iney ku joogaan. Qaar kale waxaa haysata aqoon yari adduunka iyo sida loogu noolyahay, siyaasadihiisa iyo culuumtiisa kala duwan, sidaas darted ayey danohoodii diineed iyo toodii adduunyo u khasaarayaan.

Tusaale haddaan usoo qaadanno, qurbuhu waa nagu cusub yahay, 20 sano iyo wax la mida, hindida iyo yamanta iyo dadka la mida boqolaal sano ayey qurba ku jireen. Sidaa darted wexey yaqaanaan sida ay qurbaha iyo dalalka shisheeye ee ay degeen ugu noolaan lahaayeen, danaha guud ee ka dhexeeya iyo fikradaha gaarka ah ee qofwalba qabi karo, dalka cusub ee ay yimaadeen sidey wax uga qabsan lahaayeen, asalkoodiina ugu xirnaan lahaayeen. Annaga maadaama arrimahaasu nagu cusub yihiin, ma naqaan xitaa daneheenna guud ee naga dhexeeya qurbaha sidaan u maamulan lahayn.

Tusaale ahaan: Minneapolis, MN dalka Maraykanka waxaa ku nool Soomaali ka tira badan 100 kun. Ugu yaraan kala bar ama 3 meelood hal meel, waa muwaadiniin maraykan ah (citizens). Marka la eego sida loogu dhaqan yahay dalka maraykanka iyo qaababka wax loo qabsado, wexey ahayd dadka intaa leeg oo muwaadiniinta hal magaalo jooga, iney saamayn weyn ku yeeshaan goobaha go’aamada ee gobolkaas ama magaaladaas, ugu yaraanna dadka ugu badan ee maraakista fulinta iyo talada haya ay iyaga noqdaan, ama qof ey iyagu taageeraan. Wexey ahayd sida caadigaa wax aaney raali ka ahayn, ama qof aaney iyagu taageersanayn iney adkaato inuu meel kusoo boxo, ama heer magaalo ama heer gobol. Laakiin xoogaas iyo tabartaasu waa mid kala qaybsan, sababtey u kala qayb santahayna maaha wax iyaga khuseeya, ama meesha ay joogaan iyo noloshooda ku shaqa leh, ama saamayn ku leh, ee waa mid ay kazoo waaridaan baadiyihii iyo beelihii ay dalkii hooyo ugasoo qaxeen. Si kale uma garatide, dadka jooga Minneapolis, oo 10,000 km u jirta Soomaaliya wexey ku kala tagsan yihiin, daaqa iyo ceelka labadooda beelood isku haysato Soomaaliya dhexdeeda, ismana oranayaan, war innaga mushkila taa ka duwan ayaa na haysata oo ah, ciyaalkeeni ayaa daroogo jidadka ku cabbaaya, wiilkaygi iyo gabadhaadiina dugsi iyo school midna ma haystaan, afkoodii iyo diintoodiina illaawe, ee side taa ka yeellaa, laakiin wexey isku dilayaan, una kala dudayaan, dantoodana u weynayaan, ceelka 10,000 km noo jira, cali ayaa ka cabbaya oo iska leh, iyo mayee, ciisaa ka cabbaya oo leh!!

Tusaale kale: South Afrika, sidaan kor kusoo xusay Soomaali aan ka yarayn 30,000 ilaa 40,000 ayaa hadda joogta, welina waxaa loogu qul qulayaa sida lulumada, ama xoonka shinida. Habeen walba waxaa soo gala 50-80 qof oo rag iyo dumarba leh. Wadanka wey ku dhaqan yihiin, hantidaan kor ku xusnayna wey ku haystaan. Taasi wexey keeneysaa iney danohooda iyo diintooda iyo hantidooda sidey u bad baadsan lahaayeen ka shaqeeyaan hor iyo horraan. Kadibna ciddii kale oo ay wax tari karaan ay taraan. Iney u fikiraan sidey degaankan cusub si fiican ula qabsan lahaayeen, dalka wax ugu yeelan lahaayeen, diinta iyo maxasta ay lasoo carareen u ilaashan lahaayeen. Laakiin, aqoon darrooy ba’, dadka la dilayo habeen iyo maalin ee la gubayo, dadka hal goob ama jid ama tuulo ku leh 100 dukaan in ka badan oo dhinac walba khatari kaga sugantahay, dadka iyaga iyo caruurtoodi bannaanka cidladaa daadsan yihiin, dadka qurbahaas fog jooga ee dalkaas kana shaqaystay wax weynna ku soo biiriyey, oo xitaa dadkii madoobaa il bixiyey, canshuur bixiyey, dalka wax tara, wexey ku jiraan dar xumada aad u jeeddo, iyo hantidooda la boobo, marna argagixiso loogu yeero, marna containarada lagu gubo, iyaguna isma yiraahdaan, war side meeshan cusub ugu noolaan karnaa oo diinteenna iyo danteenna adduunyaba u ilaashan karnaa, ee waxaa wax walba seejinayaa iney ku diriraan, isugu dudaan, ku kala tagaan, habeen iyo maalinna makhaayadda la fadhiyaan, ceelka 5000 km u jira CALI AYAA KA CABBAYA OO LEH!! Iyo MAYA CIISAA CEELKAAS KA CABBAYA CAWSKANA DAAQAYA!!

Anigu kolba waxaan kula taliyey Jaaliyadaha aan marayey oo dhan, war cali iyo ciise, dib u dhigta, iyagaa hadda ceelkii isku haysta, warmahana is daraya, idinkana idinkasoo kiciyey, bal horta tiina u tag hela, oo horta fallaarta salka idinkaga taal iska bixiya, hadhawna fallaaraha kale aan ka tashanno. Laakiin sidaan sheegay dadkaan Soomaaliyeed waxaa isugu darsantay dhawrka cudur ee aan sheegay:

1)  Qabyaalad cudura oo ay u nugulyihiin

2)  Aqoon darro dhan diin iyo dhan adduun si wax u kala hor mariso, ama diinta u fahamto, ama adduunka ula dhaqanto.

3)  Hoggaan la’aan ama Hoggaan xumo, oo isku natiija ah.

Intaas ayaa ugu weyn waxa haadaanka ka lulay, ee mexey Ummad cajiiba ahaan lahayd, waanan aaminsanahay in Ilaahay idankiis dhibaatooyinkaa laga gudbi doono, daawada jahliguna waa cilmi, daawada qabyaaladda iyo qabiilkuna waa qaran, daawada hoggaan la’aantuna waa hoggaan fiican oo Rabbi aan ka barino inuu noo soo saaro, ee Soomaaliyey yaan la quusan, waagii waa soo dhowyahay Ilaahay idankii……

 





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

4 Comment(s)

  1. a/c, jazaka allah shiikhunaa ilaahey ha kaa abaal mariyo dacwada aad wadid adiga iyo inta kula howl gashaba, somalida intooda indheer yar garadka oo diin iyo duunyaba ku fiicana hadeey gacanta is qabsan laheyd oo feker saliim ah keeni lahayd sideey lacag tacbashada u keenen way wacanaan lahayd. ilaaheyna qalbiyadeena ha isku soo dumo. wasalama alaykum

    gure | Feb 4, 2010 | Reply

  2. Shiikhoow intaad balo cir iyo dhul meeshay jirtay aad soo tirisay ayaad uultimana nasri ayaa soo dhow ku soo gabagabeysay, adigoo xitaa ishaar fiican aadan bixinin!!!

    Wxa soo socdaa ka weyn waxa aad hdeer soo tirisay eee shiikh shiikhoow shiikh shiikh iska dhig!!

    Falis | Feb 5, 2010 | Reply

  3. mashaa allaah sheekhoow 1 horta aniga waxaan ahay wiil kamida dhalinyara somaliyeed run ahantiina culimada waa idhaha dadka islaamka adigana waxaatahay indhaheenii hadaan somalai nahay sheekhoow walaahi waxana kuu jecla ALLE darti illaah ha inaag dhigo kuwa harsada cashriga alle maalinta dhibta badan intaa kedib sheekh waa arin fiican waana sax in somalai ay tahay wax qabsada lehna karti hadana NIMCAD KASTA NUSQAANTEEDA LEHE SOMALI WAA DAD QABYAALAD YAQAANA ADUUNKANA WAA WAX LAAG TEGAY

    Abu Xudayfah | Feb 6, 2010 | Reply

  4. Sh. Maxamed Idiris Khayr Alle ha siiyo, waxaan kugu taageerayaa gabaygan uu Timacade goor hore uga digay somalida qabyaaladda iyo qaadka:

    1. Nin qalbi la’ Quraan kaw akhriyey, qaaf dheh ku harraadye.
    2. Kutubaha sidii lagu qarriray, qiil la’ aakhiro’e.
    3. Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiise.
    4. Qod la riday qudhaanjada gashaa, qoob dad waw halise.
    5. Hadduu geed qallalo roobku, waw qamac kaliileede.
    6. Dirxiga qudhunku uma soo uro, ee waabuu quudsadaye.
    7. Qasaaraha dhexdeenna ah haddaan, layska qabanaynin.
    8. Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay.
    9. Qasdi jeerooy wada yeelato ay, qawlka ku heshiiso.
    10. Qabyo weeye Soomaalidaay qiiradaadaniye.

    Caydiid | Feb 9, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo