Sh Xasan Cabdulaahi Xirsi( Sh Xasan Turki), oo maanta Magaalada Baydhabo shir jaraa’id Saxaafada ugu qabtey ayaa ka Hadley shir halkaa dhawaan ku dhex marey Mucaskarka Raas-kambooni iyo Xarakada Shababul Mujaahidiin.
Sh Xasan Turki oo shirkiisa jaraa’id uu ahaa mid kooban waxa uu sheegay inuu goob joog ka ahaa shirka Baydhabo ka dhacey, kuna qanacsan yahey heshiiska labada dhinac halkaa ku wada gaareen, soona dhaweynayo midow dhex mara xoogaga Islaamiyiinta.
Baaq Alle ka cabsi iyo midow ayuu Sh Xasan Turki u direy dhamaan shucuubta Muslimiinta gaar ahaan Mujaahidiinta.
Hadalka Sh Xasan Turki waxa uu imaanayaa xilli saraakiil ka tirsan Mucaskarka Raas-kambooni ee uu hogaaminayo qaadaceen shirka iyo heshiiska ka dhacey Baydhabo ee u dhaxeeyay Raas-kambooni iyo Al-shabab.
Dhinaca kalase Sh Xasan Turki, kama aanu hadlin inuu ka baxey Ururka Xizbul Islami oo uu ka ahaa Gudoomiye ku xigeen.

Related posts:
BISMILLAAH.
WALXAMDU LILLAAH.
WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.
ammaa bacdu :
ALLAAH ha ka abaal mariyo wanaaggaas,
waana geesinimo aad u sarraysa maadaama uu xor u yahay inuu caddeeyo waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay , waana sida lagu yaqaan geesiga , maalin cad buu warkiisa caddaystaa , hadduu noolaanayo iyo hadduu dhimanayoba , marka waxaa mudan in ay ku quus qaataan dhammaan inta ka hartay odayaasha oo ay midoobaan, maadaama aysan xoolo iyo dhuuni isku hayn , haddii ay jiraan kuwo dhuuni kaliya uun u dagaalamayay waa dhici kartaa inaysan raali ka noqon midowga mujaahidiinta ALLAAH ha dhowree, waxaana igu maqaala in jabiso iyo rag badan walaalaha kale ah ee xizbul-ISLAAM ay ayana talaabadaas oo kale qaadi doonaan BI’IDNILLAAH.
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
Aniga aragtideydu waxa ay tahay in Somalida aaminsan fikirka Salafiga ay labo mid doortaan
Sh Xasan Daahir Aweys iyo
ALshabaab
Hadii aan isku raacno Inaan Sh xasan taageerno maadama uu yahay aabaha salafiga Somalia waa war wanaagsan hadii aan shabab oo dhalinyaro firfircoon ah wadanka badidiisna heysta lakin aan la agoeyn inta uu mustaqblkoodu sii jiro doono iyadana waa ok.
oo waxba kuma jabna lakin hadii aan niraaho Sheekhana waa sheykheenii shabaabna waa wiilasheenii aan keeno fikir midnimo doon ah dabadeedna aan sheekha hogaanka u dhiibno waayo muda dheer ayuu camalka ku soo jiray lakin dhalinyarada waxaan u maleynaain qofka ugu mudada dheer uu saxwada ku soo jiray wax 5 sano oo kale ah.
Somalimirror:
Runtii aad bay xaaladu idiinkugu xuntahay hadaad tihiin ICTISAAM waxaase wanaagsan inaad xaqiiqada istusisaan.
Sh.Xasan Turki Allaha dhowree haduu yiri waan ku qanacsanahay wixii Baydhabo ka dhacay goobjoogna waan u ahaa…Ma adinkaa shaki gelin kara inuu Xisbul Islaami ka baxay oo Shabaabul Mujaahidiin ku biiray..Doqnimo sow ma aha inaad qodobadii lagu hishiiyay ee Sheekhu goobjooga u ahaa dib ugu laaban wedaan?!!
Saraakiisha aad sheegteen inay kasoo horjeesteen Midnimada ee ka tirsanaa KAAMBOONI waa jeebkiina ee meel ay ka hadleen ma aanan arag..Kaliya waxaan aragnay HAL WIIL oo yar(Barre Cali Barre) oo wax uu KAAMBOONI ka yahay aysan jirin marka loo fiiriyo AABAYAASHII MUCASKARKA sida SH.XASAN TURKI,DULYADAYN iyo ABU SACD….iyo boqolaalka ciidamada iyo Saraakiisha leh ee midnimada qaatay..Welibana been abuur lasoo shir tegay oo wuxuu yiri Sh.Xasan Turki waa laga been abuurtay oo Kaymihii buu ku xanuunsanyahay Goobta shirkana ma uusan iman…taas oo ah Ceeb ku habsatay WIILKAAS YAR.(Allaha u dambi dhaafee)
ILAAHAY ka cabsada iskana daaya Tacasubka indha la’aanta ah …Ogaadana hadii aad idinku xaqiiqada doorisaan warbaahin kale baa iftiiminaysa markaas baad ummada horteeda maradu idinkaga dhici doontaa.
Waa cadahay. maxaa xiga? sheekh xasan daahir masiirka siyaasada somaliya kaalin dahab ah kagal ee talada badso dadka ahlu talada ah ee culimadii soomaaliyeed ee aad xumeysay raadi. marka la fiiriyo somaliya danta ilaslaamka iyo tan somalida waa isku mid. yacni somaliya badka kuligiis waa muslim xal-raadi waxaa laguugu ibtileeyey go’anka qaadashada masiirka soomaaliya==islaam ama muslimiinta geeska afrika.
maqaan wax ay rabaan wax laga rabao xisbiga waa dad lala nolan karo xasan turki asigaa xisbiga wax ka dhasay hadan asigaa duminaayo miyaa waxaas waa lagu yaqaanay hogamiyaasha
waa fiicanyahay shekha haduu ku biiray shabaab saa meel cidla ah intuu kusoo dhici lahaa ama y xukun ku ridi lahayeen shabaabka
lakiin waxaa is weydiin leh mala qabaa galeysiinta ay galeysiiyen axmed madoowe
sww waan ku wafaqsanahay inuu kubiiro ,sh xasan xitaa waxaan dhihi lahaa adne kubiir cadawgiina uma kla soocnidiine intaad kubiirtid wixii aad usixi karto walaalaha usax adinkoo mal meel kasoo jeeda ,cadawgune wuu naxayaa markaas
tawfiiqda allaha nawaafajiyo
maansha allah allahu akbar waa arin aan kaa filayay sheekh , baarakallahufiik waa in lala midoobo alqaacida , waayo gaaladiiba way midoobaysaa oo islaamkii ayay kusoo duuleen .way dhamaatay xiligii laysqarinlahaa .
Sheekh Xasan Turki waa ijtihaadey waana ku gefay. Nin ku colaadininayona ma jirto. Welina Xisbiga waa uu ku jiraa oo sii xoogaysanayaa. Dad uu la tageyna ma jirto.
Xaqiiqdu waxay tahay in Xisbiga -haddii wax kale iman- uu ku taagan yahahy waddadii uu ku soo celin haybadii culimada iyo cudduddii lagu dhisi lahaa dawlad Islaam ah oo Soomaliyeed.
Waxaa kale oo dhab ah in Shabaab maanta sii liicayaan haba u muuqdeen inay cudud xikmad badan lahayn leeyihiin.
I don’t think the religious storm debate that rages across Somalia and abroad will spare Shabaab manhajooda takfiiriga ah iyo cuddudddoda.
Fastadkuruna maa aquulu lakum
asc walaalayaal ugu horayn ilaahay ayaa mahadleh marka xigta waxaan ku faraxsanahay midowga ay midoobeen walaaha islaamka ah ee soomaaliyeed mida kale waxaan leeyahay walalakay shiikh xasan madaxnimo ladoonaa sifa fiican maahee inyo in aad marwalbo mujaahidiinta madax u ahaatee adiga ku rabo mansab iyo magac waa sida ay aniga ila tahayee soo raaci midowga mujaahidiinta isku toosan oo uu ilaahay guulaha gaarsiiyay alaha ku suga xaqa walaalaha intaa swaa iga tala wabilaahi tawfiiq asc
ASC,
Warkalane waan sugeynaa. Sheekhu ma xuma inuu kubiiro alshaab laakin wuxuu lugooyo ku riday dadkii dagaanka jobooyinka deganaa taagerado ugu badana uu kaheli jirey. Dagaalkii kadhacey Jobooyinka waa labaajin karey haddii uu niyada kala jirey alshabaab . Axmed madoobana wuu ku dhaadicin karey inuusan dagaal lagalin nimankan madaama uu iyaga isku fikrad yihiin.
Waxaase hubaal ah in dhalinyaradii iyo bulshada degan jubooyinka aysan dib danbe u taageeri doonin alshabaab ama xasan turki ha horkaco ama nin kalabe. Sh. xasan turkina waji danbe oo uu nagula soo laabta majiri doona madaama uu hada cadeystay kamid noqoshada ururkan xalaaleystay dhiiga dadkiisa. Khayaanooyin badan iyo ku amar taagleyn badan iyo inkiri taanka xuquuqda dad kii dhiig iyo maalba uhuray jihaadkii dhabta ahaa ayaysan ilaawi doonin dadka degaanka jubboyinka.
Hada ha iskaga raaxaystaan guusha yar ee ay haystaan . ala heyna wuu kula xisabtami doonaa dhiig badan islaam ah oo ay si xaqdaro ah ku daadiyeen.. wabilaahi towfiq..
BINFAQIIR QOF JECLEESIGA NAGA DAA DIINTANA SI FIICAN U FIIRI WAXA AY KOOXAHAAN KA QABTO. OGOWNA IN AY DIIDANTAHAY WAXYAABO BADAN OO AY KUDHEXJIRAAN .HADABA DOODA JOOJI
Sh. Xassan Turkiyoow waxay ahayd inaad marhore warkaaga cadaysato, Adiga iyo Ashbaab haday sheeko inii qorsoonayd ma a’hayn inaad dad lugeyso ood waliba gudoomiyo kuxigeen isku magacowdo,.
Heshiiskiinu wuxu umuuqdaa bur burin iyo dagaal doon, iyo daandaansi aad ku haysaan xisbul islaam,. Ilaahay xaqa hanagu sugo.
Markii horeba Alshabab waxaa dhalay Sh.Xassan Turki.
ASC WALAALE SALAAN KA DIB , MANTA WAA LA ARKAYA DADKI SOMALIYED DHIBKA HEYSTA SABABTUNA WEY KALA DUWAN TAHAY WADANKINA CID WALIBA MESHA AY HEYSTO AYAY IIBINEYSA , WAXAA ISWEYDIIN MUDAN URURADA DIINIGA AH EE SOMALIYA KA JIRA SIDA SHABAB XISBUL ISMAN RAS’KAMBONI IWM KONFURTA INTA BADAN AYAA HEYSTA DAGAL IYO QAX IYO AMAN DARI AYAA LAGA JOGI LA’YAHAY BADDI ADUNKA KUSO DULEY DADKI DUNIDA AYAY MACIIN BIDEN IDINKI DEGAL BAAD WADAAN , MAXAAAAD U HEYSAAN SOMALIDA IYO SOMALIYA RUNTA FIICAN DOWLAD LA IDINKAMA HAYO JABHAD WADANKA LA WAREGTA SO AFJARTA DHIBATADAN MAAHIDIIN SHACABKA SOMALIYA WUXU IDIN ARKA INAAD CAQABAD KU TIHIIIN NABADA IYO HOR’UMARKA DALKA IYO DADKA SOMALIYEED,URUR WALIBA ASAGA RABA IN TALADIISA IYO FIKRADISA LAGU SHAQEEYO XARAKO KASTO MUWADINKAN FIKRADEDA WADAN WEY DISHAA DULKISA IYO HANTIDISAXATA GABDHISIISA AYAY XALAASHADAAN , ILAA GORMAN IDIN SUGNAAA,
Asalamu caley kum walaheya muslimka ahow salan kadib wa talabo wanag san taso dhariqo u ah kuwo kale wana mid gesinimo leh laguna farxo midowga mujahinta walaha kale e mujahidintane waxan ka codsa in ay talabadan okale qadan maxa yelay galadu weydhagar badantahay sida darted mujahidin tu ha midowan quwad ayanu helena insha alah wabilahi towfiq
asc salan kadib hadalka sheekh xasan turki allah dhowree waxaa u arkaa in uu meesha ka bixinaayo wararka aan maalmahan media aan kala soconay oo aheyd in sheekha lagu been abuurtay
tankale ragga xisbiga ku haray maxaa ku jaban hadii aay qaadaan wadadii aay qaadeen raggii camalkaan soo gaarisiiyay alle ka sokoow oo ah in aay sharaf kula noolaadaan walaaha kale mise waxa aay ku qanceen in aay bahasha ka dhigaan kursi iyo mansab u carar
waxaa ugu danbeyn ugu baaqn sh.xasan daahir, sheekh meeshii sxbkaa sh. xasan turki uu masalaxa u arkay kama sokeyso ee walaaha midnimadooda ka shaqeey allah ku dhowree wana mahasantihiin
Asc dhaman horta maxay iskuhayan mujahidintu? hadi ilahay dartis lodiriyo hadaba waxan u arka in usan jihad kajirin mesha lakin dhil layskuhayo waxa so haray sh. Xassan turki nin biyo qaden xumbo cuskay
allaha ku sareyo xasan turkiyow
waan kaa warqabaa waxaad tahay nin ilaah raganimo siiyay hadana geesi kartibadan ah.
ilaah haa isku keeno mujaahidiinta oo dhan meel walbo ay joogaan. inshaa alaah walalkeeen hasan daahir aweysna isagana dhawaan ayuu la midoobi doonaa alshabaab iyo walaalhiisa kale oo dhan
amin amin amin
burbur iyo halaag baa la isu biirsadey , xasan turkiyow ALLE ka baq oo dhiiga muslimka hakaa nabadgalo ,
acwb:sheekhu waa daacad wuuna ku saxan yahay inuu ku biiro shabaab.shabaab waa ka daacad in dadka islaamka lagu xukumo.dhibaatada ugu weyn ee haystaa waxaa weeye beesha uu ka dhashay oo iyadu isku akhrisa thoery-ga qabaailka somaalida ay isu sheegaan ee aan laga helayn meel uu ku qoran yahay isagu wuxuu isu arkaa sheekh islaam ah somalina ah iyaguna waxaa ay rabaan in uu noqdo sheekh qabiil ah diintana ka been sheega xisbul islam waa kooxo qabiil oo kale ah inkastaa oo aanay ahayn sida mooryaantii qabiilka balse ma laha xidido adag sida shabaab waxaan ay rabaan sida axmed maodbe oo kale in qabiil iyo balaayo diinta lagu dhexwado waas weeye tan uu diiday oo mar kastaa ay u soo qoraan qoraal meaningless bal fiiriya wiilashii iska dhigi jiray kuwo diinta jecel ee kismaayonews iyo kismaayotimes.maanta waxaa ay taagan yihiin in ay banaystaan dhigga sheekh.shacabka jubboyinka internetka miyaa wax looga sheega?shacabka juboyinka qabiil muxuu u soo kordhinayaa?waase kuwee shacabka juboyinka?waxaan qabaa shabaab iyagaa dadka ugu daacadsan khaladaadba ha jiree
Sh. Xasan Turki : Waa Nin Waayeel ah , oo aan looga Baran Dabayca & Balan ka Baxa , Waa Geesi aan waaban, waxaase aan is waydiiyaa , Markaan Xusuusto ! Dec 2006 ayaa Duulaan Xoogan Lagu Soo Qaaday Dhamaan Islaamiyiinta Somaliya , Waxaa Cidla uga tagay Dhamaan Marka Hal nin Laga Reebo , Ninkaa Wuxuu ahaa Shahiidkii La Magacbaxay ee C/llaahi Qayliye , Raashin uu Tunkiisa ku Soo Qaado ayaa uu ku Noolaa Muddo Ka Badan 67 Cisho oo Meel uu Kaligii ku Og Yahay uu ku Xaseeyay Sh. Xasan Turki . Ninkii Sidaa ahaa Waxaa Dilay Shabaab , Geeridiisiina Kama Soo Wareegin 67 Cisho , Waxaana la Leehay Wuu Cabsaday oo Naftiisa ayuu ku Furanayaa Hadalkan, Anigu Arinkaa Waa i Gali waayay , Ma qisadaan Run ahayn? mise midowgaan run ahayn? Mise Geerida C/llaahi & Guurka Thulyadayn Baan Run hayan? Mise Geesinimada Xasan Baan Run ahayn?
Su’aalahaa waxaan Jeclahay Ninka ugu Xog ogaalsan inuu Ka Jawaabo? oo ah Sh. Xasan Turki ?
Mahadsanid
to binfiqih
hadii aad rabto inaad ceebta iyo Gunnimada ku dhacday Xassan Turki inaad ku dabooshoo erayo xayeysiin ah isku day inaad isticmaasho erayo macquul naqanayo.
aniga waxaan u arkaa arintaas nin la xiniino bixiye hada maadaama abood loo sheegatay ay dani ku qasabtay inuu Ree Afmadow ku qanciyo in ay Gumeysiga cusub hogaansamaan hadii kalena aysan Raaskaambooniyiinta ay ka difaaci karin Al Shabab.
waxaan aad uga yax yaxaa markaan arko arinta ku dhacaday Xassan turki.
tusaale ahaan: wuxuu shaati Diimeed u gashaday Barre Hiiraale, hasa ahaatee Hiiraanle wuxuu duurka ku celiye Xassan turki. ugu danbeentii Xassan turki wuxuu kusoo dhuuntay dagaalki dhexmaray Shabab iyo Barre Hiraale.
Turki wuxuu Al-shabab kusoo daba dhuuntaba waxaa ka badiye Beesha barre oo afka dhulka u galshay aboodi Turki.
gaba gabadii Xassan turki oo ilka beelay ayaa ku biiray Alshabab. taasi micnaheeda waxaa loo arkaa in uu yahay nin ay xiniinyo bixiyeen Al-shab kuna guuleesteen in uu u hogaansamo.
waxaa iyada layaab iyo amakaak ah in Oday cimir dhameystay in u hogaansamo dhalinyaro fowdada Somaliya kusoo barbaartay.
Asad weeye odaygqani
Waana aar libaaxoo
Eebihi yaqaanee
Ilaahay darttsaan
U amaan isleeyahay
Amaan buuna mudan yahay
Gaalka aana goosiga
Asalbuu uleeyahay
Hiilka reer islaamkana
Awoodbuu kubixiyaa
Inyardabadi baan
Arintaan dhamaystirin
Inshaaa alaahuye
Eeega taa inoo daa
BISMILLAAH.
to :Tilaabo Taagwaay :
waxaa gun ah ninkii geesi gunnimo ku sheega, kulana yaabi maayo oo soomaalidu waxay tiraahdaa [ habar fadhida lagdin la fududaa ],
sh.xasan turki tallaabada uu qaaday waa mid aad u qiima badan , waana mid muujinaysa in qofku uusan macangag ahaan, oo qabyaalad iyo xaasidnimo aysan macaluul u dilin, ee hadduu arko ra’yi fiican wuu qaataa oo kiisii wuu ka tagaa , waxaan aad ku buaraanburaysid meesha ma yaaliin , ee aflagaadada iyo cayda waxaa lagu yaqaan [ gunta ] , haddaadse sh.xasan ka sugaysay inuu adi uun ku ag fadhiyo waa lagaa tagi haddaan xikmad hayn , midda kale sh.xasan turki taariikhdiisa waa la yaqaan oo nin macruufa oo la yaqaan weeye ee adi yaa ku yaqaan ?? marka ninku waa [ gob laba xiniinyooda ] ee taagwaayow raggu yuusan kaa tagine kala dooro labada wado [ mujaahidiinta] ama mooryaanta
WALLAAHU ACLAM.
As wr wb
Salaanta islaamka Kadib
Walaalayaal Ogaada Dadka mar walba Go’aamadooda iyo hab dhaqankooda ka qaata Maskaxdooda iyagoo isu maleeya Inay Diin ku dhaqmayaaan ayaa isbedbedel badan, oo shalay wuxuu ahaa maanta ma aha, maanta wuxuu yahayna beri ma aha, lagamana yaabo Inuu qirto wixii shalay khalad ahaa ee uu galay, waayo camalkiisa ayaa waxaa u qurxiya sheydaan.
marka Ogaada qofku hadduu Xaq ku taagan yahay isma bedbedelo.
kuwan asxaabta la wada baxay ee diinta sheega Inay u shaqeynayaan waa dad aan Diinti saxda ahayd kusocon ee fikir iyaga ugaara iyo wax ay istusiyeen ku socda.
Ilaahey aan ubarino inuu xaqa tuso oo ay badbaadiyaan dalkooda iyo dadkooda
aamiin
Tilaabo
Qubanahaada waa raqiis iyo mid ay ka guuxeeyso warkii Caabudwaaq iyo Barre hiiraale.
Sh. Xasan ijtihaadkiisa waa la sixi doonaa haddii uusan beddelin khadka shabaabka ee aanan u jeedin xal dhab ah oo ay hesho Soomaliya.
Laakiin waxaan faalladan ugu soo noqday waxa weeye sida weji qabiixnimada ay shabaab u dambceen inay u khaarijiyaan akh Barre habeen hore.
Horaa loo yiri weel maran waxban kama daataan.
Laba shay ayaa u baahan in dadka jihaadkan taageersan inay ogaadaan:
1) in Shabaab manhajkooda takfiiriga soo waajahday mucaarad diini oo xoog badan, miraheeda la filayo insha Allaah
2) In Xisbiga ka dhex socoto niqaashi diini ah oo raadinaya sidii loo badbadin lahaa miraha jihaadka. Taana dan ugu jirta shacabkan miskiinka ah ee jabay iyada oo aan laga tanaasulin shareecada hirgelinteeda.
Fasadkuruuna maa aquulu lakum
allaah akbar salafiya jahaadiya waan la jecelnahay midnimo ee yaa diidan mawaxaa diidan sh xasan mise usaama oo isu arka inuu yahay khaliifkii islaamka nin god ku jiraa khliif ma noqon karo khilaafkuna halkaasd buu ku fadhiyaaa
Shiikh Xassan Allaha xifdiyo wax umada ay ku faraxday buu sheegay wado fiicana waa furay
Inshaa Allah dhamaan mujaahidiinta dhabta ah wey wada midoobi kuwa jihaadka ku dhuumanayo ee kursi iyo xukun raadin hormatay wey iska quusan doonaan yurub iyo meelihii ay ka yimaadeen bay iskaga noqoni
Dadka badankiisa waxaa ka buuxdo xaasid nimo iyo Aduunyo jaceyl,Qabyaalad hoosta laga qarsanayo mujaahidna layska dhigayo marka dadka Alle ayaa laka saari kii xuna tuuri ka fiicana soo reebi sidda uu quraankiisa noogu sheegay marka inta falsafada beenta ah layska daayo wanaagaas midowga ah ha laga wada qeyb qaato
Anaga waxaa nalaka rabaa oo keliya in aan Alle raaligelintiisa ku dadaalno mustaqbal iyo berito wax dhici doona maba naloo dirin berito in aan gaari Alle baaba og marka qof walbow Alle ka baq ku faraxa waxa ay muslimiintu ku farxaan hadii ujeedadaadu ay aheyd in umadu midowdo
man shaa allaah khaatdimul islaam ilaaheey haku sharfo waat ujabaab tay ninkaas aflaga dadiisa llaahey sheeqa ha xifdiyo waana geesi waana kutaagersa nahay mooqifkisa dadkii kuqaraaban jirayna waaga ayaa kubaryay iney toobat keenaan lagama yaawo qiilkale ayeey siiraadinaayaan ilaaheey hamira dhaliyo jihaatkaan iyo inkitaabka allaah lagu dhaqo geeska afrika haduu alaah nacam noodhoho cdikle ha iska naacleeyso
to:khaadimul-ISLAAM
waxaan u malaynaa inaad yara ka careysantahay Xaqiida sxb. laakin hadii aan ku laabto taladaadi ahayd in aan kala doorto 2da wado ee ah in Mujaahid la raaco ama Mooryaanta.
waxaa iga su aal ah
waxaan ogayn Xassan Turki oo ku gacan seray Nadaamkii Al-shabab ay uga dhawaaqeen Kismaayo ee Turki ma wuxuu waldanaa markuu dhalinyarda Reer Afmadow uu ku laaynaye Al-shabab mise haduu saxanyahay?
Al-shabab Madoobe waxay u yaqaaniin Gaale maku raacsanyahay?
Somalida Ninki gumaaday in ay u hogaansamaan laguma yaqaane maadaama lagu arkay Turki ma dhihi karnaa wuu gumoobay?
mida kale maadaama shiikhu 2bilood lagusoo afjaray aboodiisa ma dhihi karnaa wuxuu kuroonaa in uu dadka dagaalamayo uu dhex raaco Raadiyahana la gasheego inuu ciidanki turi ay gurmad ahaan u yimaadeen kaliya?
aniga waxaan u arkaa in uu turki ku fiicanayahay ku dhejirka mujaahidiinta laakin hadii laka boxo durbaba afka dhulka loo galinayo.
ASC walaalayaal waa idiin soo koobaa.
1. yaa akhiro qof kale danbigiis loo xisabinayaa?
2. yaa diidan midnimada ?
3 ma ceebaa hadii aad koox ku biirto?
4. xagee ayaa ka fiican oo Turki ku biiri lahaa illeen Xizbi waa u dhamaataye?
5. Turki soo ma ahan ninkii wax baray ama soo aas,aasay Al-shabaab? hadii uu ciyaalkiisii cizo ka waayo hadii uu u tanaasulo maxaa ku jaban?
6. Cizo waa u hayaan,Tusaale waxaa u ah maalintii ay qabsadeen Dhoobley waa booqdeen waa soo kaxeeyeen.Laakiin waxaan qancinaa Somalida caloosha ka jiran ee isku xiraya Xasan Turki iyo Axmed madoobe.
7. Tusaale Somalidu waxay isku xirtaa mabda,a iyo Qabiilka, maalinkii C/lahi yusuf wadanka qabsaday ee Jihaadku Bilowday waxaan xasuustaa rag Mujaahidiin ah oo mar walba Baraarujin tirey ciidamada oo ay qabiil ahaan isugu dhaw yihiin C/lahi Yusuf, laakiin kala mabda,a ah waxaa ka mid ahaa, Shiikh Balli xafidahulaah
maalinkii c/lahi la saarey waxaan aqriyey waraaqo suuuqa Bakaaraha lagu daadshay oo lagu caayayo Raggii intaa soo halgamay ,
Hadii maanta aad Ogaadeen moodeen Xasan Turki in uu u baahanyahay Allaah ayuu u baahanyahay intaa bacdigeed Mujaahidiinta oo dhan Aabahood waaye ninkasta ayaana u qirsan.
Intaa ka dib qofkii ay dhibayso in muslimku midoobo, dib isugu laabo oo allah u noqo ayaan dhahaa
Su,aalaha Somalida ayaan u daayey?
Mahadsanid
allaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah ka cabsada
Aaaaaaaaaaaaaakhiro xasuusta
ASC walaalayaal waa idiin soo koobaa.
1. yaa akhiro qof kale danbigiis loo xisabinayaa?
2. yaa diidan midnimada ?
3 ma ceebaa hadii aad koox ku biirto?
4. xagee ayaa ka fiican oo Turki ku biiri lahaa illeen Xizbi waa u dhamaataye?
5. Turki soo ma ahan ninkii wax baray ama soo aas,aasay Al-shabaab? hadii uu ciyaalkiisii cizo ka waayo hadii uu u tanaasulo maxaa ku jaban?
6. Cizo waa u hayaan,Tusaale waxaa u ah maalintii ay qabsadeen Dhoobley waa booqdeen waa soo kaxeeyeen.Laakiin waxaan qancinaa Somalida caloosha ka jiran ee isku xiraya Xasan Turki iyo Axmed madoobe.
7. Tusaale Somalidu waxay isku xirtaa mabda,a iyo Qabiilka, maalinkii C/lahi yusuf wadanka qabsaday ee Jihaadku Bilowday waxaan xasuustaa rag Mujaahidiin ah oo mar walba Baraarujin tirey ciidamada oo ay qabiil ahaan isugu dhaw yihiin C/lahi Yusuf, laakiin kala mabda,a ah waxaa ka mid ahaa, Shiikh Balli xafidahulaah
maalinkii c/lahi la saarey waxaan aqriyey waraaqo suuuqa Bakaaraha lagu daadshay oo lagu caayayo Raggii intaa soo halgamay ,
Hadii maanta aad Ogaadeen moodeen Xasan Turki in uu u baahanyahay Allaah ayuu u baahanyahay intaa bacdigeed Mujaahidiinta oo dhan Aabahood waaye ninkasta ayaana u qirsan.
Intaa ka dib qofkii ay dhibayso in muslimku midoobo, dib isugu laabo oo allah u noqo ayaan dhahaa
Su,aalaha Somalida ayaan u daayey?
Mahadsanid
To: Cali iyo Tillaabo taag waa
Iyo Dhamaan ikhyaarta meesha ku niqaashta. Walaalayaal wallaahi inaanan hadalkaan qofna ku xumeyneyn, laakiin markaan cajaladii sh. Xasan Turki fiirsadey uu ku cadeynayey inuu Shabaab ku biirey, wuxuu iila ekaa nin laga hadalsiinayo oo wax loo soo meeriyey oon qalbigiisa kasoo burqan afka ka sheegaya. Ninka showga dhigayey oo xataa wadaadku markii labo erey uu sheegey gacanta Kaameradii u taagey oo yiri bes, wuxuu ahaa Thulyadeyn! Ninkaas ayaa meeshaas ceebtii ka timaada qaadaya ayaan is leeyahey.
Wadaadku malakna maahan, macsuumna maahan, nimankaan dadkiisina waa jebiyeen, degaankiisina waa ku dul qabsadeen, kuwii uu ku kalsoonaa oo gacan yareyaashiisa ahaana si baryo xoog ah ayey meesha u geliyeen ayaa ka muuqata.
Sh. Xasan turki magaciisa iyo muuqiisaa sida karta loogu maalo lo,da la doonayaa in dadka degaanada uu ka soo jeedo lagu marin habaabiyo.
Nebi Muxamed s.c.w ayaa markii alle oofsanayey dooney inuu khilaafada arinteeda dardaaran ka sameeyo, markaasaa Cumar yiri, war joojiya arintaas ( lacallahu yahthii) qofkii fahmayaa garanaya arintaasna waa arin sugan oon labo ku doodeyn. Sidaas ayaa Nebigu s.c.w markey isku khilaafeen iskaga daayey arintii.
Baytul qasiidku waa (lacallahu yahthii)Cumar malahaas maku saxsanaa mise wuu ku qaldanaa doodu maahan, laakiin mithanada ama malaha noocaas ah wuxuu ugu maleeyey in Nebigu s.c.w bashar yahey cawaarida basharkuna ku imaan karto.
Hadaba Sh. Xasan turki si kastoo uu muriidiintiisa ula qiimo badan yahey, hadana jirro, cabsi, marin habaabin iyo cawaarid bini aadam oo dhan ayaa jiri karta.
Waxaan qabaa inaan meeshaas heshiis dad siman oo ikhtiyaar leh wada gelin, ee waxaa ka dhacey saxiixa cadawgu markuu meel qabsado uu ka saxiixdo ninkii meesha ay ka qabsadeen, si hawshu ugu fududaato.
Hadeysan taasi jirin oo nin jiran aan duruuftiisa looga faa,iideysan la arki doonee Sh. Xasan oo ciidan Shabaab leeyahey hogaaminaya, dadkana dagaal gelinaya.
BISMILLAAH.
WALXAMDU LILLAAH.
WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.
ammaa bacdu :
ku : [ Tilaabo Taagwaay ]iyo inta ay isku afkaar wadaagaan oo dhan iyo akhriste kasta oo oo saluugsan sh.xasan turki iyo raaskaanbooni ciidamadii ka yimid ee la midoobay walaalahooda
kale ee Al-shabaab Al-mujaahidiin :
waxaa soomaalidu ku maahmaahdaa : dhurwaa baa
hal iyo nirigteed la yiri sii ilaali oo waa kugu aamin !!!!!!!!!!! markaas buu markii laga tagay nirigtii afka ka diirtay hashiina candhada ka diirtay !!!!!!!!! markaas baa loo yimid oo lagu yiri war dhurwaa nirigta hasha ku sii daa ha nuugtee !! markaas buu yiri [ nirigtu maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa] ????
haddaba raggiinaan maahmaahdiinu waa
[maxaad ku talisan maxaadse ka talisaan waadba xikmad beesheene] !!!!!!!!. walaalaha iskuma keeni kartaan , cilmi ma sheegi kartaan,rag isqabtay ma kala celin kartaan , cadaw soosocda yur ma oran kartaan , dhiil iyo fandhaal kala dhacay iskuma celin kartaan, naseexo lagu diirsado ma sheegi kartaan , kaliya waxay idinka taagan tahay uun fadhi ku dirir dhurwaayeed iyo dab hurin walaaleed iyo dal burburin wadeed iyo hebel waa gun anna gob baan ahay , haddaba googa cadalaha inta iska daysaan , bal ummadda u sheega wax yar oo khayra , ama soo jeediya wax yar oo xikmada ama soo qora fariin gaaban oo lagu diirsado.
haddaba taagwaayoow waxaan idinkula talin lahaa laba mid uun ahaada oo kaliya :
[ tala keenayaal ama tala raacayaal ].
midda kale raggaas uu hoggaminayo sh.xasan turki waa tashadeen oo say u arkeen inay sax tahay bay qaadeen waxaana u daliila sida soo socota ee bal ku quus qaata saluugayaalow :
waxaa hadda muuqata sida ay dhab uga tahay shariifow iyo gaalada uu u shaqeeyo iyo dhammaan inta mooryaanta ah ee ay ugu horreeyaan kuwa la baxay [ahlu sunnah waljamaacah ] inay amar ka heleen gaalkii madaxa u ahaa ayagoo dhan ee awalba soo taakulayn jiray waxaana ay u dirsadeen kuwo ayaga la mid ah oo u soo barya ugana soo qaada saanad iyo lacag iyo sun !!!!!……,haddaba haddii intaas oo shayaadiina ay u midoobeen inay la dagaalaan mujaahidiinta taasna ay u caddaatay walaalaha raaskaanbooni oo sh.xasan odayga u yahay maxaa ku jaban hadduu la midoobo walaalihiisa Alshabaab ? shiikhu sow xor uma ahan in uu qaato talaabada saxda ah ?? yaase u roon in uu la midoobo shariifow iyo indha cadde iyo gaalada ay u shaqeeyaan iyo in uu la midoobo walaalihiisa mujaahidiinta ah ee alshabaab iyo xizbul-ISLAAM inta ka hartay sh.xasan daahir , marka waxaan leeyahay dhammaan ha midoobeen walaalaha oo dhan waxii qalada oo dhacayna ha la iska cafiyo oo xaragjiidka ha la iska daayo ee hal meel iyo hal gooba iskugu imaada hal yoolna abbaara oo ah cadawgaas soo socda iyo ibliis oo shariifow iyo xizbigiisa madaxa u salaaxaya oo ku oranaya laay kuwaas adaa qummane oo diinta ku taagane !! haddna u sii qurxinaya kuwaas la baxay ahlu sunnah waljamaacah oo ku dagaal galinaya laaya kuwaas waxay faageen qabuurihii awliyada ,haddna u mashxaradaya mooryaanta inteeda kale oo ku oranaya laaya kuwaas mujaahidiinta ah waxay wadaan inay qabiilada simaan oo adinkaa laantiinu dheerayde oo gob ahaaye ha ka yeelina in mid laantiisu gaabnayd oo gun ahaan jiray la idin soo ag istaajiyo haddana u sii sacabinaya wadaadada kale ee qun yar socodka ah oo ku leh dagaalka ha gelinina waa dagaal fitno oo kuwaas mujaahidiinta sheeganaya ha raacinina yaydaan ku fitnoobine haddana kuwa kale u sii heesaya waa ibliise: war soomaalaay dowladnimadiinii iyo qaranimadiinii waa burburtay ee kuwaas fara ku tiriska ah ee caalamku diidan yahay ha raacinina dadkay gawracaane oo shaneemadii iyo qaadkii bay idiin diideene , cajiib badanaa bal fiirsha sida ibliis u rabo in uu ukala dhantaalo midowga mujaahidiinta adinkuna waxaad u sii kaalmaynaysaan ibliis iyo ciidankiisa maadaama aydan tala saxa hayn ee ay idinka tahay sii huriya dabka oo ku buuqa midawga mujaahidiinta !!! laakiin
{AAKHIRKA ALLAAH IYO RASUULKIISA IYO MUUMINIINTA BAA CIZZIGU KU DANBAN }.
ee taagwaayoow haddaad caqli haysaan keena wax lagu diirsadoo xaqqa u hiiliya ? cayda iyo xasadka iska daaya ee caddaysta afkaad rabtaan af dhurwaa ama af walaal wanaagsan oo caqli iyo xikmad dadka la soo dhexgala ee haddaad saas ku waddaan talada waxaad ogaataan in qof walba qofkuu jecel yahay aakhiro la soo safan doono oo ay isku meel gali doonaan , ee qof walbow qofkaad jeceshahay sii dooro intaadan aakhiro u galban.
WALLAAHU ACLAM WA AXSAN WA ARXAM WA AKBAR.
binfaqiih@hotmail.com
Khaadim
ACw
Ragga aad la hadlayso iyagaa malaha kuu jawaabaya. Laakin Cali Guure oo saaxada jooga waxaa uu og yahay in shabaab la gudboon tahay inay jihaadkan mirahiisa dhuminin. Haddii ay damcaanna laga yeeli doonin insha Allaah.
Waxa meesha yaalla kama war haysid ee wax hubso. Waxbaa la xasdey ha gurine.
War nimankan bannaanka wax ka soo qorayo badankooda war la’aan ayaa haysaa.
Manhajka wasadhiya haddii laga tallaabsado waxaa hubaal ah in la dhuminayo miraha jihaadkan.
Inta dhiigga mujaahidiinta/muslimiinta la banneysto ayaa la rabaa in guul la gaaro.
Godane ma noqon karo hoggaan sharci ah kaddib dagaalkii jubbooyinka, shaamow iyo khaarijinta iyo ilqaynta marjiciyada culimada iwm. Taasi ninkii ku taagerayo maalin kale ayaan laga doodi doonaa.
ugumu horreyn nin la qaddiso oo dib laga naclado.
Shabaabka yar yar badbaadkooda waxaa ay rabaan jihaad mira dhala ee aan ahayn mid lagu qamaarayo maalin kasta si xikmad darra ah nafahooda.
Inta kalena mar kale
BISMILLAAH.
ku: labaxaha magaca : [Cali Guure ]:
waxaa la yiri [ anaa haray looma hadlo ], caliyow waxaad qortay adigu dib ugu noqo oo si fiican uga fakar !! ma waxaad leedahay shabaab waxay ka leexdeen [ wasadiyah ] ama dhexdhexaadkii , taasoo aad ula jeedo in caqiidada ay ka liitaan oo aad ku tuhmayso inay meel kale u leexdeen laakiin ay markii hore oo magaca guud la wateen bahdii maxaakimata ay caqiidadoodu ay toosnayd , si kale aan kuu tuso : waxaad carabka ku dhifatay magacyada [ shabaab ] iyo [ godane], marka waxaad la xanuunsan tahay waa labadaa magac oo qura , haddii labadaa soomaaliya laga tirtiro macnaheedu ma waxuu noqon in caqiidadii saxda ahayd ee loo baahnaa in lagu soo dabaalan doono ??!! waxaanse ku waydiiyay waxaad sheegatay inaad saaxada joogtid ma waxaad ka ogogaalsan tahay sh.xasan turki iyo sh.xasan daahir ?? labadaa nin baa hadda ugu waawayn dadka lagu tiriyo odoyaasha mujaahidiinta mana aysan noo sheegin in shabaabku ka leexdeen caqiidadii tawxiidka ee saxda ahayd ee dhexdhexaadka ahayd ee u dhaxaysay xadgudubka iyo gabood falak !!! haddaba waxaan kuu sheegi caliyow horta waxaa kaa cad inaad dhibsanaysid walaalaha shabaab war raggu waa is qabtaaye miyaadan nin raga oo dulqaadan kara ahayn haddii lagaa adkaaday waa walaalhaaye ciilka iska daa oo xaasinimo ha u qaadin shabaabku wax fiican bay qabteen waana la wada ogyahay waxaana ugu wayn towxiidka oo ay sugeen oo ay qabuurihii la barakaysan jiray ay la simeen dhulka , waxay qabteen oo kale mooryaantii bay ka sifeeyeen intay joogaan , waxay qabteen oo kale qabyaaladdii bay edbiyeen oo dadku waa u wada soomaali iyo muslim , waxay kaloo qabteen ammaan badan bay sugeen , ALLAAH baan kugu dhaarshee waxaad tiri saaxada baan joogaaye miyaadan inta shabaab joogo ammaan lagu haysan ??
war ninyahow shaydaanku yuusan kuu sheekayn ee haddaad tiraahdo shabaab iyo mujaahidiinta baa ka leexday wasadiyadii taa waxaa loo micnayn karaa kuwa ka soo horjeeda baa wasadiyaddii ku taagan !!!
ee kala dooro laba mid caliyow inaad raggaa midoobay aad wax ka sii midaysid oo walaalaha oo dhan aad isku keento oo waxii qalada oo muuqda oo xaqqa ka leexday si wada jira looga hortago , iyo inaad kuwa ka soo horjeeda mujaahidiinta oo ay dantoodu tahay inaya maslaxad helaan hunguri ama xoolo ama jago ama guur-dumar iyo raaxo adduun ama baabuur 2010 iyo hoteelo quruxbaan iyo la fariisi gaalo iyo shayaadiin , la safato wax kaaga dhaxeeya ma jiraan ee dadka dibadda jooga waa kaa xogogaalsan yihiin maadaama adoo sheeganaya inaad saaxadda joogtid aadan kala sheegi karin labada is haysa kuwee xaqqa u dhow ??
ugu danbayntii naseexo guud walaalayaal waxaa soo socda cadow aad u qurmuun oo aan naxayn ee ogaada in loo baahan yahay in la midoobo oo la iska daayo tafaruqqa midowgii waa bilowdaye ha la dhamaystiro , xasidkana ALLAAH ha ka qabto muslimiinta ,
WALLAAHU ACLAM WALLAAHU AXSAN WALLAAHU ACAZZ
WALLAAHU AJMAL WALLAAHU AQWAA WALLAAHU AKMAL.
khaadimul-ISLAAM.
binfaqiih@hotmail.com