Masaajidda Magaalada Ransburg ee Dalka Jarmalka oo loo ogolaada Aadaanka Salaadaha loo isticmaalo sameecadaha codka baahiya

Published on February 3, 2010 by   ·   13 Comments   ·   print

Maamulka Magaalada Ransburg ee Dalka Jarmalka ayaa ogolaaday in Aadaanka Salaadaha loo isticmaali karo Sameecadaha codka baahiya wuxuuna duqa Magaaladaasi sheegay in codka Sameecadaha ay gudbinayaan uusan ka weyneyn kan Raadiyayaasha iyo jabaqda Shimbiraha .

Duqa Magaalada Ransburg oo lagu magacaabo Andreas Peters oo ka tirsan Xisbiga Wadaaga ee Dimuqraadiga ah  ee Jarmalka ayaa sheegay in aysan jirin qawaanin ka hor imanaysa in masaajida loo isticmaalo sameecadaha codka baahiyaha .

Waxa uu Andreas Peters intaa ku daray in diraasad lagu sameeyay codadka ay ka soo baxday natiijo ah in codka sameecadaha Masaajidka lagu xidho ay baahiyaan uusan ka sareyn kan Raadiyayaasha iyo codka Shimbiraha .

Magaalada Ransburg ayaa 100 Km ka fog magacaalada weyn ee Hamburg waxaana dadka degan lagu qiyaasaa 28 kun oo qof ,waana magaalada ugu weyn mandiqadda Schelswig  iyo Holstein .

 Magaalooyinka kala duwan ee Dalka Jarmalka ayaa mudooyinkii dambe waxaa si aad ah ugu soo badanayay dadka soo Muslimaya iyo korodhka Masaajidka



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maxkamada Magaalada Humberg ee Jarmalka oo amartay in la xiro 9 Burcad badeed Soomaali ah
  2. Jarmalka oo Ciidamo Dheeri ah u diraya Afqanistaan
  3. Gabadh Xijaabkeeda Awgiis loogu dilay Jarmalka
  4. Jarmalka oo Dalbanaya in Wakhti loo qabto la soo bixitaanka Ciidamadiisa ka jooga Afqanistaan
  5. Dowladda Jarmalka oo xirtay 2 Masjid

Readers Comments (13)

  1. salafu saalix says:

    Asc allaa mahadle in ilaahay diita gaarsiiya meelkasta waan ku farxsanahay jarmalka oo wadmada yurub ugu cunsurisan maata muslimiinta masaajida ugu fasaxay aadanka alaa mahaleh

  2. umu abul waliid says:

    alaah ayaa mahadaa iska leh kalmada allah ma qarsoomi doonto xaqqa ayaana kor noqon

  3. Ali Baashi says:

    Diin ALLAAH wax ka hor iman kara ma laha,NABIGEENII suubanaa SCW ayaa horey u sheegay in diintan ay galeyso guri walba meel walbana ay gaareyso,ALLAAH wuu ku mahadsanyahy nicmada uu noo galy oo ay ugu weynahay islaamka iyo iimaan,(ALLAAHUMMA LAKAL XAMDU XATAA TARDAA WALAKAL XAMDU IDAA RADIITA WALAKAL XAMDU BACDA RIDAA WALAKAL XAMDU CALAA KULI XAAL).

  4. dalmar says:

    ilaah aya mahadaa iska leh oo diintiisa kuryeelay illah ca ciseyo umada islaamka meel kasta illahna hanuunkisa ha u kaso muwa galada ah amin

  5. cali caanuun says:

    ilaahay wuxuu yidhi subxaanahuu watacaalaa: yuriiduuna an yudfiuu nuuralaahi bi afwaahihim wallaahu mutimu nuurihii walow karihal kaafiruun. sidaynu ognahay dhawr bilood kahor waa tii qaybo ka tirsan yurub ay diideen arintan, laakiin waxaa la yaaba sida jarmalka oo la ogyahay taariikhdiisa iyo dadkiisa, ay aadamkii oo hormood ka ah shacaairta islaamka uu uga baxayo. waa ilaahay mahaddii. inshalaah, sidaa ay wadadii la sugaayey ay uga bilaabantay jarmalka, waxay ku dhammaandoontaa America.

  6. Guhaadshe says:

    Bismillaah

    Waa Bushaaro Fadliga Illaahay aawaddiis u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaaladaas ku taalla Dalka Jarmalka, waana wax aad loogu farxo. Insha Allah, waxay tani horseeddi kartaa in dad badan oo aan Muslim ahayn ay tani u noqoto herseed ay ku soo gallaan Diinta Islaamka, ka dib markii ay maqlaan Aaddaanka Sallaaddaha oo malaha aysan abidkood maqlin.

    Fii Amaanillaah, and Wa Billaahi Tawfiiq

  7. said says:

    ALLAH yaa mahadi u sugnaatay

  8. David says:

    Waa wax laga xumaado in jarmalka raali ka noqdo oraahda carbeed ee ubadka hurdada ka tosinaya xili hurdada ugu macaantahay waan ka xunahay arinta ninka ku kacay mana habona in xuquqda dadka hurdaya lagu ciyaaro waa fal xun oo lagu dagdagay wana in dib loga firsado arintaa.

  9. Germany Boy says:

    Walaahi wax laugu Farxo M´ahan Germalka woxoodu waa kadaree anaa ku nool.
    Shaleeto oo ugu Dambaysay ayey 31 Masaajid xireen oo lagu tuhmayu inaay argagaxiso yihiin.
    walaalayaal ha u malaynina in ay germalka diinta u fiicanyihii…..

  10. Abusalama says:

    Bismillah
    wasalatu wasalamu calaa rasulillah.

    Waxaan aad ugu farahsan ahey, arinta horumarka iyo farxada leh ee walaalaheena Magaalada Ransburg usoo hooyatay, waana alle mahadii.

    Waxaanse aad uga xumahey ninkan DAVID isku magacaabay iyo hadaladiisa gaalnimada ah. Koley luqada soomaliga ayaa lagu qoray hadalkan ee hadii aad soomaali tahey is cadee oo sheeg waqtiga aan diinta ka baxday.

  11. mohamed says:

    Soomaalimirror duligaan david isku magacaabay maad fowdadiisa dadka ka qabataan,anaga markaan xisbul xasan daahir ama shabaab wax ka sheegno nooma ogalaataan comentigeena,nin aadanka ku jeesjeesayna waad ogaltihiin.Maanta waxaa noo cadaatay in soomaalimirror kala qiimo badantahay urur la difaaco oo aan diinta la difaacin.

  12. salafu saalix says:

    Davi nika magaca gaalada owalba labaxayooW naclad hakugu dhacdo maqoolka ilaahay ayaad ka hortimid adigoo kale waalayaqaanaa waa kuwa gaalo iska yeel oo kaliita gaalada jarmaka joogta

  13. Xornimo says:

    Run ahaan, waa wax laga xumaado go’aanka dowladda Jarmalku ku dhaqaaqday, sababta oo ah, waxaannahay dad diinta Islaamka uga yimid dalkeennii oo halkaan darteed u yimid. Diin dadka bireysa diin maaha, sidaas awgeed, waxaa habboon in go’aankaan laga laabto. Waxayse ujeeddadu milge iyo garaad bareeri doontaa doorashada.

    Waxay ka dhigan tahay fal argaggixiso oo lid ku ah dadka Soomaaliyeed ee uu garaadkood iyo gawskood diiday diin Carbeedka dalkeen iyo dadkeen sidaas ka dhigtay. Waxay u hiillinaysaa kuwa taageeraa garweynaha godadka ku dhuumaalaysta iyo taageerayaashiisa Al Qaacida ee Soomaalida Wahaabbiyaddu duufatay ku arooran. Waa ayaandarro.

    Mahadsanid, (haddaad daysaan iyo haddii kale)

    Xornimo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maxkamada Magaalada Humberg ee Jarmalka oo amartay in la xiro 9 Burcad badeed Soomaali ah
  2. Jarmalka oo Ciidamo Dheeri ah u diraya Afqanistaan
  3. Gabadh Xijaabkeeda Awgiis loogu dilay Jarmalka
  4. Jarmalka oo Dalbanaya in Wakhti loo qabto la soo bixitaanka Ciidamadiisa ka jooga Afqanistaan
  5. Dowladda Jarmalka oo xirtay 2 Masjid

Latest Headlines