Dadka Reer Baladweyne oo ka seexaweeyey Dhawaqa Diyaarado joog hoose ku socda.

Shalay galinkii Dambe ilaa Xalay oo dhan waxaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Dul heehaabayey Diyaarado Joog aad u hooseeya ku duulayey isla markaana marba dhinac u dhaafayey Hawada Sare ee Magaalada iyo Deegaanada ku hareereysan.

Dadka kunool Magaalada Baladweyne ayaa Sheegaya inay Xalay ka hurdi waayeen Guuxa Diyaaraha oo aad udaran, waxaana Dadka Rayidka ah soo wajahday Cabsi ku aadan Diyaaradaha oo aan horay looga baran Baladweyne.

Diyaaradaha ayey Dadku nuucoodu ku qiyaaseen AC130 oo ah Diyaaradaha ay Adeegadaan Ciidamada Mareykanka kuwaas oo horey looga bartay inay Muqdisho iyo Magaalooyin kalaba Dulheehaabaan Har iyo Habeenba.

Lama oga ujeedka Rasmiga ah ee diyaaradahan u socdeen Balse, waxaa Magaalada Baladweyne iyo Deegaanada ku hareereysan Bishii dhamaatay ka dhacayey Dagaalo Xoogan oo u dhxeeyey Xoogaga Islaamiyiinta iyo Xoogag kale oo Taabacsan Kooxda Sheegata Ahlusuna iyo DKMG.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

4 Comment(s)

  1. Nimankan caalamka oo dhan raba inay gaalada ka xoreeyaan ma garanayaan waxa dul heehaabaya iyo ula jeedada ka dambeysa. Waa wax laga xumaado marka dad indha la’ oo aan aqoon sii ridan lahayn ay ummada horboodaan oo ay guul darro u horseedaan.

    Aragtida dheer iyo aqoonto waxay ku tusaan waxa suura gali kara iyo waxa dhalanteedka iyo caadifad ku salaysan.

    Allemagan | Feb 1, 2010 | Reply

  2. a/c/w salaan ka dib waa arin muhiim ah oo noo iftiiminayso kumaa sax kumaa qalad waa layaab niman sheeganayo magaca quruxda badan ee ahlu suna waljamaaca oo lasafan yuhuud,iyo gaaladii aduunka oo dhan, iyo kooxda kasoo horjeeda oo la leeyahay INA NAASA QAD JAMACUU FAQSHOOWHUM hadlkaa waxaan kaloo soo dhex baxay shirka hada lagu hayo addis ababa fiiri go’aamada lagu gaaray oo handadaada ah,soo ma cada diyaadaha inay ka xun yihiin jabkii ahlu shirkiga ka soo gaaray baladweyne ee soomaliyey garab istaaga xaq allaad horteegaysaan maalineeeee

    cali baaba | Feb 2, 2010 | Reply

  3. ilahay hagarab siiyo umada reer hiiraan
    ee gaaladu diyaaradaha kudul wareejinayaa kuiwa sheegta mujaahidiintuna silaca ulaaynayaan oo leysaga xukumayo murtat nimo
    bal ee maskiin kii 24 saac madixiisa magaalada ay kuwareejinayeen xisbulislaam hadna ay leeyihiin waxa uu ahaa nin wanaag san oo waxaa dilay ahlu suna beesha xawaadlana ay leeyuhiin naga qaata mag anagaa dilnaye war been badanaa xisbigu waa heerka munaafiqnimo tii ugu sareysay
    awys sheeq xasan daahir aweys awey daacigii reer hiiraan sh xasan mahdi awey Dr kii caalim ka ahaa Cumar Iimaan ubuu bakar mawaxas bay raali kayihiin

    xaaji cali | Feb 2, 2010 | Reply

  4. Waxa qofka muslinka ahi ay tahay inuu ogaado in ilaahay arkayo, oo waxa uu falayana Alle
    arkayo. Ninka qofaan danbi layahyn dilaayaa
    isaga ayaa mujirim ah, wuxuu doono ha ku
    marmarsood.
    Waxan leeyahay ilaahay ha ka baqo oo ilaahay
    adoomihiisa jilisan ha loo daayo. Muslinimada
    ayaa sidaa inna faraysa. Ninka xoog kaliya leh waxbaan ku xoraynayaa habeenna ma jirin. Waxa
    ka habboon wada tashi iyo isu tanaasul. Sidaasaa arrinku jiraa oo ilaahayna innagu gargaarayaa.
    Waxay tidhaa Somalidu geel qoorqabasho kuma cabbo.

    Allaa mahad leh

    Ibrahim Noor | Feb 2, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo