Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka geystay Duqeymo lagu hoobtay.
By Somalimirror on 1 Feb, 2010 10:08 AM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Ugu yaraan 10 Qof oo Rayida ayaa ku dhimatay in kabadan 60 kalana wey ku dhaawacmeen Duqeymo aan loo meeldayin oo ay Ciidamada AMISOM Shalay galinkii Dambe ilaa Xalay si Xoogan ugu garaaceen inta badan Xaafadaha Degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuqa Xoolaha oo laqiyaasayo inay tahay Xaafada ugu dadka badan Caasimada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa mar qura Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ka bilaabay Madaafiicda PM-ka ee suda Xun wax u gumaada waxayna si daran dooriya oo Saf balaarana ugu Garaaceen Xaafadaha Degmada Hiliwaa sida Ex-control Balcad, agagaarka Masaajidka Dabaqeynka, Buulo Bareey, Xaafada Godey iyo Xaafada kale oo ay si isku raran ah u daganaayeen inbadan oo kamida Dadkii ka soo qaxay Magaalada inteeda kale.
Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la guri waayey sababa laxiriira Madaafiicda oo si aan kala go’leheyn AMISOM ula dhaceysay Xaafadaas oo aan inta badan laheyn Dadbaqyada mararka qaar Dadka Reer Muqdisho ay Nafta ku maaweeliyaan Xiliyada Duqeymaha.
Cali Muuse oo kamida Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka Degdega ayaa sheegay inay mudo Dhowr saacadood ah si’aan kala go’laheyn u Daabulayeen Dadka ku waxyeeloobay Duqeyntaas isla markaana ay gaarsiinayeen Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Cali Muuuse ayaa intaa ku daray inay qaadeen Dhaawacyo gaaraya 55 Qof oo Rayida kuwaas oo qaba Dhaawacyo kala duwan, wuxuuna sheegay inay indhaha saareen geerida 6 kale oo iyana Rayida.
Waxa uu tilmaamay in Dadka Dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badnaayeen Caruurta iyo Haweenka kuwaas oo markii hore latiicayey Dhibaatooyin farabadan.
Waxaa jira Dhaawacyo kale oo gaadiidka caadigaa lagu gaarsiiyey Goobaha Caafimaadka kuwaas oo sii kordhinaya tira dhaawacyada guud ee ka dhashay duqeynta.
Dadka Deegaanadii shalay laduqeeyey ayaa saaka bilaabay inay isaga Cararaan guryahooda waxaaana la’arkayey Rayid Garbahooda ku guurya iyo kuwa isticmaalaya Gaari-Gacmeedyo, Gaari- Dameero iyo Baabuur.
Xurunta Madaxtooyada ee ay Ciidamada AMISOM ka ridayeen Madaafiicda lagu xasuuqay Dadka badan ayaa waxa ku sugan Madaxda sarsare ee DKMG mana jirto cid wax ka qabato dhibaatooyinkaas joogtada noqday.
Dhanka kale Sheekh Axmed Cali Gees oo kamida Odoyaasha Dhaqanka Hawiye ayaa si kulul u cambaareeyey Falkii shalay Ciidamada AMISOM ku laayeen Dad badan wuxuuna ku tilmaamay Xasuuqa ulakaca.
Waxa uu ku baqay in Ciidamada AMISOM dhibaatooyinka joogtada noqday ka joojiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Daabaco


waa wax laga xishoodo in la iska laayo dadwayne aan waxba galabsan . waxaa se ka sii yaab badan yaa looga dacwoonaya oo wax ka qaban gara . arinta waxaa ka mas’uul ah Ahmed wuldo madax waynaha rasmiga ee adoonku soo direen .
ABDALLA MAKKI | Feb 1, 2010 | Reply
allaah ha halaago gaalada iyo kuwa culimada sheeganaya ee u qiil daya oo nacalad haku dhacdo
Geedi | Feb 1, 2010 | Reply
ALLAHA NACLADEE GAALADU DADKEENII WAA XASUUQEEN.
ANIGU WAXAAAN KU TALIN LAHAA IN AY LALA DAGAALAMO GAALADA ,
ODAYAASHA HAWIYE CAMBAAREEN LEE KU JIRAAN .
WAR DAGAALAMA OO DADKA HOR KACA,
ODAYAASHI HORE AYAGA AYAA DADKA DAGAAL IYO NABAD KU HOGAAMIN JIRIN…
ANIGU HAWIYE AYAAN AHAY, SAS AYAANA QABAA.
maxamed cj | Feb 1, 2010 | Reply
Runti.adban ogaxunah ey.arintan.aykufartusa meysay.lakin.waxanlayabanahay.kuwan.madaxda sheganhaya.ee dadkodii.sidaas hoost oda looguleyni.waxay uordayaana.uuxukuny ahay yey xukumi hadii malinkasta hostoda la guleen shacbiga aan waxbagalabsanin.cida leynheysana.aysaxibka dhiganhayaan.ooay ho osta kuheystaan.war waladhiman sidan loo nolanmahayo.hadhow ilahaymaxalalahortagi madokunqof xaqdaro kudilay.ayad rabtaa in aad ilahay hor istakto ooay cadho ilahaykug udhacdo.dabadeedna cadabaan dhamaan la gugu tuuro.warxishad a.alanakabaqa.
Dahir | Feb 1, 2010 | Reply
Allaha u maciino dadka muqdisho ku harey, waxey dhexda u galeen labo cadaw oon u naxeyn.
wadaad yare | Feb 1, 2010 | Reply
waxaa ayaan daro ah iyadoo sidaas loo galayo masaakin soomaali ah oo aan waxba galabsan
inaan garo wayno cadowtinimada aynoo qabaan kuwa laynaayo dadkeen gaal iyo gaalo raacba
marar qaar waxaan is dhahaa soomaalido ma’ahan dad caqli u saaxib ah
xaldoon | Feb 1, 2010 | Reply
XASBUNALLAHU WANICMAL WAKIIL
war misidaan ayaan fiirsannaa oon wax iska sheeg sheegnaa ALLAAH ayaan idinku dhaariyaye suuqa xoolaha ma furinaa mase waxaa jooga ciidan.
haa dadka waxaa loo leenayo waa ineey yihiin mujaahideen waayo waxey ka soo carareen meelaha ay joogaan kuwa dadka dhaca iyo gaalada. waxaa jooga meesha waa dadka iimaankoodu siiyay iney ALLAAHOODA meelkasta uu geerida ugu keeni karo.
waa saas waxa dadka loo laynayo
waxaan dhamaan dadka muslimka ah dhihi lahaa fadhiga halaga kaco wey xanuun sadeen waxaan u sheegayaa dadka degan meel kasto oo labeegsanayo waxa la idin ku dilayo waa diintiina ee kakaca meesha.
wey xanuun sadeen waxeyna daliil u tahay ineet qaniinyo gaartay ALLAHA baabi’iyo insha ALLAAH wey jabayaan kuwa ku fiir sanaya ma aha muslin oo horay ayaa naloogu sheegay kitaabka allaah waxeyna raali ka hiyihiin in qofkii iimaan lehba la dilo ayaga ayaana amray in dadka la laayo mana ka joojin karaan ee mujaahidiinta hala garab istaago si cadowga looga guuleesto oo dhilkan ALLAAH kaligii lagu caabudo.
galada iyo gaala raacyada ha la’iska celiyo
caalam | Feb 1, 2010 | Reply
MUSLIMIINTA dhamaan waxan u sheegi lahaa, inaaysan dadka xamar u arag madafiic la tuuro wax aad u wayn , koleey qofku mar ayuu dhiman lahaa, laakiin waliegen isma dhiibayno, lagama yaabo in amxaaro iyo gaalo aan niraahno WAA IDIN ADEECNAY, waxad ogaatiin intii aysan imaanin mujaahidiinta alshabaab , kumanaan dad ah ayaa dhiman jiray bishii oo qabiil isu dagalami jiray, maanta waxa na dilaya oo aan dilayno waa cadow gaalo ah, laakiin ka warama maalintii dad muslimiin ah oo soomaali wada ah ay qabyaalad iyo baadil isku dilayeen MANTA MAALIN NOOGA WANAAGSAN MA JIRO. ilaaheey ajir ha siiyo dadka u damqanaya walaalahood ee meeshan wax ku soo qoray waxaan idin dhihi lahaa walaalahayoow, dhibka gudaha ka jira iyo sida dibadaha looga arko waa kala labo ,
ceelbuur | Feb 1, 2010 | Reply
Rayidku Garbahooda ha ku guureen ama ha isticmaaleen gaari-gacmeedyo, gaari- dameero iyo Baabuur wixii ay heli karaan. Wa ay muuqata kuwa dhibka noocaan ah ku soo hagaya shacabka waa kuwa sida kalluunku biyaha ugu dhuunto argagaxisanimada dadka rayidka ah kula dhex dhuumanay. Dadka intay hoobiyeyaal rayidka ka dhex tuuraan hadana jawaabta ka cabanaya ayaa dadkaas laayay.
Sheekh Axmed Cali Gees oo sheeganaya oday midnimo iyo dhaqan ma cambaarayn karo Al-shabaab iyo Xisbul Islaam maxaa wacay qoortiisa ayuu u baqayaa. Sheekh Axmadow hadaad dhimato mar ayay geerida dhaantaa nolol rafaadleh. Dadka aad sheeganaysid hogaankooda dilkaa iyo xasuuqu wuu ku socon ilaa inta aad dhibka Muqddisha ka socda aad ka tihiin (hadaad tihiin Odayaashiina Midnimada iyo Dhaqanka Hawiye) dhexdhexaad. Dadka aad sheeganaysid hogaankooda dilkaa iyo xasuuqu wuu ku socon inta shacabka Muqddisho ku nool ay u istaagayaan nabadooda iyo jiritaankooda.
Dadka barakacayaasha oo la xasuuqayo waa dadkiinii kuwa xasuuqayaana waa dadkiinii ee gobol kale kama ayan imaan. Gobalada xasiloonidu ka jirto waxa isxil qaamay odayaasha guurtida, ganacsatada, dhallin yarad iyo shacabka guud si ay dhibka iyo dhiilada uga koraan. Hadii hoobiye la isku ridayo markii doorashada Somaliland lagu murmaba, nabad iyo horumar mara shacabka Somaliland ma higsadeen.
Allemagan | Feb 1, 2010 | Reply
Waa arin naxdin lee in shacabka somaliyeed micnadaro lagu laayo, anigu waligeey somali matagin, lakin sida aan qabo waxaa dadka laaynaayo waaa kuwaa wadaadada isku sheega sida Alshabab, Ahlu sunna, Xisbul islaam, waayo somali waa wadan muslim ah, gaalo ma’aha shiica ma’aha. marka waxaa loola jihaadaayo oo loola dagaalamaaya xageey kaimaadeen??????????????
Kenya boy | Feb 1, 2010 | Reply
Dadka somalida wa muslim saas aya lo leynaya o waxe ka hor imaadeen diinta dhabta ah masiixiyada o caalamku badanki ku dhaqmo. Marka waa in la dabar jaraa somalia sababta waa oraahyada carbeed e diin ka dhiganayaan marka hala laayo somalida ila kan u danbeya ka dhimanayo thanks amisom.
David | Feb 5, 2010 | Reply
Somalida waa in la laayaa sababtoo ah waa dad aamin san oraah carbeed marka hala layo waa sax waxe ka hor imadan diinta dhabta ah e masixiyada o ah diinta caalamka hormudka ka ah ama ugu sax san dunida marka wa in la laayaa muslimka dhan waa argagixiso.
Christ | Feb 5, 2010 | Reply